Home » Faallo »

Cabdi Samataroow ceel bay kaaga dhacday: Soomaali waxa daawo u noqon kara ‘is jacayl’

“Nimaan waxa jooga garani, waxa soo socda ma garto,” maahmaah Soomaaliyeed.

Afeef: Marna shaki ma gelinayo Soomaalinnimada macallin Cabdi Samatar, laakiin waan ku dhaliilayaa weerarka qaawan ee uu ku qaaday raysalwasaare Farmaajo.

Qoraal ku soo baxay bogga Somalitalk.com ayaa macallin Cabdi Ismaaciil Samatar ugu gefey raysalwasaaraha dhowaan la magcaabay ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo.’ Weerarkan Cabdi Ismaaciil ku qaaday raysal wasaaraha ayaa ah mid aan ku cusbayn tiyaatarka siyaasadda; wuxu Cabdi hadda ka hor sidaas si la mid ah u weeraray raysalwasaarihii dawaladdii Carta, Cali Khaliif Galaydh. Run ahaantii, macallinka ayaa ku eedeeyey mudane Farmaajo inuu buug uu qoray, ka dib ka qalin-jebintii jaamacadda Buffalo, ee New York, inuu Maxamed Farmaajo ku aflagaadeeyey hoggaamiyayaal taariikh weyn ku leh Soomaalida dhexdeeda. Hoggaamiyayaashaas oo kala ah AHWN mudane Aadan Cabdulle Cismaan iyo Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Haddaba, haddaynu u dhabba galno eedaymaha macallinku u soo jeediyey raysalwasaaraha, waxa meesha ka cad waa ‘gorgorku haadda ka weyn…,’ is nacaybkii Soomali kala diley oo gaadhsiiyey heer bilowaadinimmada ka hooseeya ayaa meeshaa kaaga soo baxaya.

Adiga oo halkan ka dhegeysan kara codka macallin Cabdi Samatar ku weerarayo raysalwasaaraha, ayaan fiiro gaara ah ugu kuur geleyaa bal mucda iyo macnaha ka dambeeya eedaymahan. Iyadoo aad weliba mooddo in macallin Cabdi ka dab qaadanayo ninka la yiraahdo J. Peter Pham, oo ah nin ku caan ah kala qoqobidda iyo kala qaybinta Soomaaliya, qoraallo badan oo Soomaaliya ku jaa’ifaynayana qoray. Haddaba lafa gurka arrintan ayaan qodobbo ka soo qaadaynaa.

1. Ugu horrayn sidaad hadalkiisa bilowga ka garan doonto, wuxu dhulka ku jiidayaa eedayn horteed sumcadda raysalwasaaraha oo uu ku sheegay “midaan waxba soo kordhinayn.” Afaaf weerarkaasi wuxu ka markhaanti kacayaa inaan arrintu ku koobnayn raysalwasaaraha qoraalkiisa, laakiin ay tahay arrin ku lug leh ‘isir nacayb.’

2. Wuxu kaloo sheegay inaan haba yaraatee macne badani ku jirin buugga raysalwasaaruhu qoray: “xigmad weyn oo qoraalkaas ku jirto ma jirto…qabyaalad badan oo reero lagu eedaynayaa ku jirta. Taariikhdii Soomaalida ayuu wax yeelayaa,” Cabdi Samatar. “Wuxu masaxayaa taariikh xalaal ah, ninka waxaa qoray, oo qoray dhowaan, weeraray Cabdirashiid iyo Aadan Cabdulle, waxaba ma soo kordhin karo.” Arrintan ayuu macallinku uu doonayaa inuu maxruumintaas uu u isticmaalo eedayan ku aaddan raysalwasaare Farmaajo, isagoo ku andacoonaya ama macallinku inkirsan inay jireen isu dhowaanshaha hoggaamiyayaashaas sharafta leh iyo xukuumaddii Talyaanigu. Sida hoggaamiyayaasha kale ee adduunka, ama ha noolaadaan ama ha dhintaane, ayaa looga faalloon karaa wixii taariikhdu kaydisay. Taas hadduu macallinku dood ka qabo, ha ogaado in halkan uu ku noolyahay ay tahay America oo loo oggol yahay isaga xataa inuu wax ka sheegi karo aabbayaashii Maraykanka.

3. Cabdi wuxu kaloo ku andacooday in raysalwasaaruhu qabaa’illada qaar ammaanay, qaarna aflagaaddeeyey. Run ahaan kolkaan anigu akhriyey raysalwasaaraha buuggiisa, aad buu uga nadiifsanaa qoraallo badan oo macallin Cabdi Samatar qoray. Wuxu sheegay mudane Farmaajo waa taariikh dhab ah, waa haddii maskax fayoobi wax loo qiimaynayo.

4. Wuxu macallin Cabdi si fadeexadi ku jirto ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed inay ka soo hor jeestaan raysalwasaare Farmaajo. Waxa isweydiin leh waayo shacabka uu u baaqayaa? Aaway Soomaaliyi, inteebuu ku ogaa? Miyaanu ogayn silica ka dhergey dadkeennii? Horaa loo yiri bay ila tahay, ‘ninka waranka kugu dhufta, iyo kan kugu dhaqdhaqdhaqaajiyaa, keebaa daran?’ waa asaddaha iyo ka fiirsi la’aanta mudane Cabdi Samatar ku xambaartay isirnabacayb daah la huwiyey oo la wada ogyahay inay tahay tan qarankeennii baabi’isay.

Dad badan baa isweydiiya dhibaatada Soomaalida ee sii laba laxaadsanaysa belaayada dabada ka sii waddaa meeshay kaga timaaddo. Run ahaantii Soomaaliya hadda arrintu qabyaalad waa dhaaftay waxay maraysaa ‘isir nacayb’ dhan walba ka socda. Haddaba isir nacaybkani sidee waxyeelladiisu uga weyntahay qabyaaladda? Su’aashaas aniga ra’yigayga waa inaad la necbaato ummad ama dadyow gaara wax allaale iyo wixii dhaqdhaqaaq nololeed ah, hadday xataa noqoto ra’yi ka hadal. Waxan tusaale u soo qaadan karaa golayaasha siyaasadda marka Sooomaalidu isugu timaaddo sia ay isu xagxagtaan. Marka la rabo in Soomaliya masiirkeeda siyaasadeed laga hadlo, mid dhaqan, mid dhaqaale horboodayaashu waa ka ilaaliyaan waxan iyaga ku qabiil iyo ra’ayi ahayn. Ummadda kale inay ka dhex muuqdaan, xataa haddii aqy noqoto baahi aanay daboolo karain, waa ka soo horjeensadaan, Isku xooriyoo, ummad badan oo Soomaali ah ayaa waxa marin habaabiyey isir nacayb, waana dhan walba ee taa ogow, macnaha qola kasta waa leeyihiin.

Labaatan sano ayay maraysaa tan iyo intii waddankeenna dhibaatada u weyni ka aloosantay. Waxa intaa sii durkinayey dhibaatada maaha qabyaalad keliya, ee waa isir iyo diir nacayb bulshadeenna ku dhex beermay. Waana tan macallin Samatar iyo kuwa kale oo badan ku dhammaysan doonaan noloshooda, haddii aan ilaahay garansiin dariiq ka wanaagsan kaa ay ku taagan yihiin. Maxaa ina ka lumi lahaa haddaan isku jeclaanno Soomaalinnimo? Ilaahay baan ku dhaartee, maalintaanan qof Soomaaliya arag, xataa Internet-ka ayaan ka daawadaa, keliya inaan arko qof Soomali ah wejigiisa, farxad ayaa igu abuuranta markaan arko qof Soomali ah. Haddaba sida qoraalkayga cinwaankiisu tilmaamayo, waxa daawo inoo noqon kara isjacayl. Meesha uu doono ha ka yimaaddee, maxaa ina ka lumayo haddaynu Soomaalinnimada isku jeclaanno, isu garowno, isu tanaasullo, iska deyno isriixa iyo isxaqiraadda. Wadaad iyo waranle Soomaali dariiqa ayay ka lunsan tahay waana arrin u baahan in si taxaddar leh loo eego. Wadaaddada waxa halhays hadda u noqotay: “difaaca diinta alle…,” waxay taa ku beddeleen halhayskii ahaa “difaaca dhulka hooyo,” dal, diin iyo dad ma kala hadhaan sidaa wax ma u fahmayaan? Waa haddii ilaahay solonsiiyo.

Gebabgebadii, macallin Cabdi iyo Soomaali meelkasta ha joogtee waxa wanaagsanaan lahayd in la is taageero, oo laga dabqaato ‘ilko wada jir bay wax ku gooyaan.” Sidani si maaha, shacabkeenna meel walba ku silcaya dan uma aha, haddii aan laga wadin doolshe ha cuneen.

W.Q: Maxamud Axmed
Email: maash68@gmail.com

Buugga Thesis-ka oo Faramaajo qoray 01 June 2009 cinwaankiisuna yahay “U.S. STRATEGIC INTEREST IN SOMALIA: From Cold War Era to War on Terror” Ka akhri linkigan: https://somalitalk.com/2010/farmaajo/

Prof. Cabdi Samater “Buuga uu Qorey Raiisul Wasaaraha Cusub waa mid loogu gefey Labadii Madaxweyne ee ugu horeeyey Soomaaliya”

Somalia: Why the new PM is the right man for the job | by: Dool

Somalia’s New Prime Minister: Not Quite What the Doctor Ordered

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

31 Jawaabood " Cabdi Samataroow ceel bay kaaga dhacday: Soomaali waxa daawo u noqon kara ‘is jacayl’ "

  1. Gashan says:

    Waxan ahay inan somaliyeed oo kunool Gobolka Gedo, Waxaan door biday inaan kalimad gaaban ka iraahdo Eedeynta Pro. Samatar iyo Naqdinta Mr. Mohamud Ahmed.

    Pro- Waxaan dareensanahay in Macalinku uu yahay muwaadin soomaali ah isla markaana uu ku taxaluqo arimaha somaliya,laakiin waxaan waayey ray’yi muujinaya mu ayidnimo oo wali soo bandhigo waanaba garanwaayeye sababaha fursadaasi loosiiyo gaar ahaan BBC iyo VOA. Waxaan arkey aragtidiisii Kacaankii, Cabdi-qaasi tii Cabdulaahi yusuf tii Hogaamiyeyaasha kooxaha, middi Al-shabab iyo tii maxaakimtii. dhamaan wuxuu galinayey ilaaq haba u kala yara ilraxmadee. Waxaan leeyahay macalinku isagaa rabey booska waana usoo dhici weydaye ha dhowrto jaaniskaas.

    Mohamud- Mohamud Farmaajo wuxuu awal ahaaba hada raysulwazaare soomaaliyeed waxaana asaga iyo ciidii ladooneysa wanaagba ay maanka ku hayaa in looga fasdhiyo ama laga xulayo meeqaam ka balaaran midka aad hada adigu xambaarsan tahay ee qabiilnimada iyo nin jecleysiga ku qotama. Isir nacayb ma jiree waxaa jira daneysi aan wadiiqadiisii la haynin ee sidaas u faham xaalada.

    Abdi

  2. sallaam dhamaan akhristayaasha iyo qoraha labaduba,bacdu sallan waxaan ka oran lahaa aniga ra,yi ahaan raysalwasaaruhu wuxuu sheegay badi waa sax oo waa sida ay wax u socdeen somaliya mida kale qof walba aragti uu asaga leeyahay ayuu ka qabaa wax alla wuxuu arko ama aqriyo marka ceeb maaha in uu argtidiisa ku aadn somaliya siyaasadeeda uu wax ka qoray waa nin ardaynimadiisi markaas dhameeyay kana hadlayey sida ay ula muuqaaty markuu darsay arinka soomaliya marka aniga sida ay ila tahay labadaan nin oo ilma samatar ah waan niman aa qadariyo waa dad soomliyeed ayaguna xaq beey u leeyihiin in ay ka soo horjeestaan wixii ay dhaliilaan anagoo u fiirin in uu asal ahaan necebyahay ama shaqsi ahaanba ma filayo in uu qof wax fahansan oo somali sax ah uu qabiil dhan nici karo inkastoon agahay dadkeena sida ay yihiin badi waxaana noogu wacan waa jahliga xag diineed iyo mid aduunba marka wallalayaal aan istixgalino anagoo is xurmayneena,aniga teeyd say iila muuqato anigoo hadalka soo gunaanadaya aan taagerno nin walba oo naloo keeno si ay talo gacmaheeena ugu soo noqoto markaas ayan tashan karnaa oo oran klarnaa kanaan dooranaynaa.mahadsanidiin

    proud to b soomaali.

  3. Xasan Yare says:

    Waad Salaamantihiin Qorayaasha iyo Akhristayaashaba,
    Salaan kaddib waxaan idiin sheegayaa in aan ku faraxsanahay ogaashada
    aan ogaaday sida fikraduhu u kala duwanyihiin. Anigu waxaan qabaa in aay dadka siyaasiyiinta ah iyo madaxdaba aay akhriyaan fikradahaan kala duwan. Halkaas ayeey ka cabiran karaan meehsa aan mareyno fakar ahaan.
    Waxaan xasuustaa hadal aan maqlay anigoo dugsiley ah:-
    (Haddii aad dooneysid in aad ogaatid xaaladda aay ku sugantahay WADAN
    waxaa kugu fuilan in aad soo booqatid XABSIGOODA). Meeshaas waxaad ka ogaan kartaa SIYAASADDII, DHAQAALIHII, TACLIINTII, AMNIGII, DHAQANKII, KORROBSHONKII iyo waxii kaloo aad u baahantahay in aad ogaatid.
    Fikradahaan hadda waxaa iiga cad in aan ogaankarno dhibaatada nahaysata saklkeeda ee noo wada isdhaafsiga fikradaha.

  4. Aw malaaq says:

    Waa Run Prof. Samatar wuxuu sheegey oo idil markii dhabta loo hadlaayo,
    Mr Farmaajo wuxuu kaluu qorey wax intaas ka daran. wuxuu yiri Soomaali waa afar qabiil, Dir, Darood, Isaaq iyo Hawiye…….Digil iyo Mirifle aawey, aawey dadkii dhulka ugu qanisan Soomaaliya oo idil lahaa. Digil iyo Mirifle 20% oo kaliya ma aha Mr Farmaajo.
    Gobanimadoonkii Soomaaliyeed maxaad u qarisey taarikhdiisa.

    Dunidu tii hore ma aha, waqtigii qofka nabadda jecel ee af gaabani asagoo nool la asi jirey.waa casrigii Electronics and information technology oo qof kasta si sahal ah uu ku heli karo kuna fafin karo wararka.

    Prof. Samatar waa soomaali xalaal ah oo mar walba runta ka sheega xaaladaha ka jira Soomaliya.

  5. ducaysane says:

    soomalida badideed waxbaa kaqaldan aqoon yahankeeda ,culimadeedaba waayo qof ceeb kasalina majiro
    Qof walboo soomali ah wajib ayaa kasaaran umaddan baaba,day 20ka sano inuu isu keeno waa inuu noqdaa furaha qeyrka oo uusan noqon furaha sharta xataa dadka websidyada leh wax laga doodo ayaa aad ubadan oo umaddu ubaahan tahay
    dadku mahan in labada nin lala kala safto ee waa in laga hadlaa dhib intee la,eg ayaa kujirta buugan ee mahan in arinta meel kale lala aado

    Xataa Prof Samatar hadii laraadiyo ceeb looma waynaayo
    ninkii dhahaa waa loo wayni wuu kudanbaabi
    wayo wuxuu kasaaray banii,aadinimada

    ilaahay haa laga baqo qof waloow ilaali carabkaaga,qalinkaada

  6. SOOMAALI xalkeeda kuma jiro isku fiirsasho ee waa in laga wada hadlaa xalka dhaw iyo kan fogba.lagana waantoobaa waxan wadankenii iyo dadkeeniiba baabiiyey.allow soomaali usahal.

  7. nabadoon says:

    walahay maxumo in qofka fikradiisa dhibto isagoo ilaalinaya aqlaaqda wanagsan wayo waxaa laga hadlayaa qof shaqsiyaad wax kasheegay
    kawaran hadaan qabill dhan ama isir wax laga sheego way kadanbi badan tahay
    qofka isagoo wax hagaaji leh haduu haleeyo waa dhib
    Ninkan wax danbi ah oo uu leeyahay oysan somali laheen maleh
    halgaaro xilli aan xisaabino qaladkiisa iyo saxdiisa
    tan kale Qofkastoo dalkan madax kasoo noqday waa lasheegi xumaantiisa
    qofkii ay dhibayso CARO ha udhinto isaga laftiisa hadda waxbo mahan xilliguu wax noqdo wa laga sheegi
    PROF waxaan kudhihi lahaa somali uma bahna buug laqoray inaad utilmaanto ee dalkan gubanaayo dadkiisana baaba,een hadii aad wax anfacaya hayso ama adigaba aad madax unoqoni karto unoqo

  8. wiilwaamo says:

    War horta Buugu hadii uu wax kasheegay madaxweynayaal hore
    mahan in malaa,ik wax laga sheegay
    Hadii mamuladii hore wax laga sheegayna mahan in Kitaabka Quranka wax laga sheegay
    Kuwa hadda u olenaaya in aan Kalsooni lasiin waxaa ugu horeeya
    C/SHAKUR C/RAXMAAN
    WAA NINKII SOO SAXIIXAY HESHIISKII BADDA EE U OGOLANAYEY KENYA IN AY LEEDAHAY AMA AAN ISKU HEESANO
    Haduu SAMATAR somali jecel yahay dadkiisa wax ha u qabto somali uma bahna hebelbaa buug qoray iyo hebelbaa wax laga sheegay
    Aqoonta uu leeyahay ha ooga faa,iideeya somaliya
    hadii cid lagu eedeenayo maraykan ayuu kayimid isagaaba mudo badan kunool maraykan oo lagu tuhmaa

  9. WAAYEEL says:

    DADBEY MEELI BUGTAA
    Waxaa is weydiin mudan yaan ceeb laheen
    dadku hadaysan meel bukin somaliya qofkastaa madax kasoo noqday 20kii sano ee ugu danbeysay iskadaa Ra,isukwasare ee Madaxweynayaal ayaa soo maray ah
    QABIILEESTEYAAL ,GACAN KUDHIIGLEYAAL,JAHILIIN
    Ohintu orgiga kawayne Arinta Farmajo waxaan oo buuq ah mahan buug ee waa isir Nacayb
    waxaa layiri CABULLAHI IBNU CABAS ayaa waxaa uyimid qolo katimid CIRAAQ iyagoo waydiinaya DHIIGA KANECADA in uu WEYSADA JABIYO? markasu yiri waxaad iweydiineesaan dhiig kaneco waxaad disheen WIILKII NABIGA (SCW)
    Hada waxaa wax lala yaabo ah BOOK laqoray Laakiin waa HERO
    kuwa Badaha sunta u ogoladay gobolada dalka kala goosgoostay,Badda somalya dowlado kale kagatay,kuwa dalka somalya u ogoladay in gumeysi gacanta loo galiyo
    CAQLIGINA IXTIRAMA YEYSAN CAADIFAD QABIIL IDIN QAADIN

  10. jacfar says:

    Qoraaga maqaalkaan qoray laf ahaantiisa ayaan ku tuhmi lahaa isir nacayb iyo marka uu ku difaacayo wedha Farmaajo ee ah ( Qabaa ilada Somalida qaarna waa ay fiican yihiin qaarna ma fiicna…) qoraagu wuxuu ku difaac in ay xaqiiqo tahay warkaas bad luck.

    Anigu waxaan la qabaa Prof Samatar mar hadii ayba jirto oo waxa noocaas oo kale ah uuba ku qoray Thesiskiisa in uu yahay failure isaga iyo buuggiisaba.

  11. abdi says:

    salaan ka dib
    anigu waxaan u arkaa in meesha wax wayni oolayn waayo
    proff-ku weligiis lama arag isagoo qof kale fikrad ku raacay ama taageeray qof kale fikradiis , weligii waa mucaarad ( bal soo sheega isagoo nin madax ah am aisaga la mastawe ah taageeray oo yidhi waa nin fiican oo shaqada u qalma ama wax qaban kara) lama haayo taas. kama aha xumaan baan fili prof-ka laakiin waxaa lag ayabaa inay dabeecad iyo u dhalasho tahay waayo waxaan sidaas u idhi xitaa reerkiisa( qabiilkiisa) mucarad buu ku yahay.

    tan buuga uu qiray farmaajo , buugaasi waa theses mar thessesku sida caadiga ah ma aha qofka fikrikiisa ama waxa uu qabo ee waa wax uu meeloka soo ururiyey oo reference leh marka ha lagu noqdo ref-kii uuka soo qaatay inta badana wax rubn ah baa ku qoran haba ahaadeen wax dadka dhibayee , runtuna wa adhib

  12. caasha says:

    war nin kaan noo daaya wax buu caaye war mahan caay dhib maleh dad iyo dalba wax yar baa ka haray dadkii dhameeyey baa madaxdoon ah ninkaan shacabka iyo maatada ha badbaadiyo iska dhaafa 20 sano oo danbe madax la,aan yaanay nagu dhicin dad badan baan dilay waa leeey caaye warkaas ma fahmin yaan lay sheegin miyaa ha la is cafiyo

  13. Wadani girl says:

    Asalama caleyekum! ANigu saan qabo profesor Abdi samatar waxa uu shegay waa run, labadii madax weeyne ee kala ahaa Aden cade iyo Abdi rashid Ali sharmarke meel buu sharaftoodii uga dhacay faramaajo. Taasna ceeb baay ku tahay taarikhda Soomaaliyeed. Mida kale aden cade ma aheeyn Abgal sida uu buuugiisa ku qoray. Taas waxaay cadaaynaysaa in uu iska rabey wax ku tiri kuteen ah in uu buugiisa ku qoro. Qofkii qabiil ki difaacaya isagaay u taal balse runta Alle waa jaceyl yahay.

  14. afro says:

    somalida
    runta ma isu shegto dadka biniadamka ah allah aya garadkodakala badshay qomiyadaha adunka isku garaadma ah sidaso kale yaan u xaqiijinaya in somali hada nahay an garadkia ka liidano inkasto la kala daranyahay anigucid garafartakuma fiiqayo qabiil lakiin samater wa somali waliba ku liita somaliniadisa farmaajna wa somalia ka argti dheer someter waxna marag ka ah nina amerikan ayu iska dhiga oo somali inu halkas ka cayo mahewaxdana uma hayo nin xil ayu bulshadauhaya oo wa muwadin farmajao hadu qabiiliyahay kma midnoqden kooxda asmara eu katirsana hore

  15. Abu Muxsin says:

    Dhammaantiin Walaalayaal aad ayaad u mahadsantihiin sida quruxda badan ee aad Dooda uga qeyb qaadanayasaan, waxaan kaloo u mahad celinayaa Bahda Somalitalk.com.

    Intaas ka dib waxaan la yaabanahay waxa laga gubanayo ee waliba ninkaan maqaalkan qoray ee waliba ninka kale ee iska isku macaabay Spanish ay ka qaylinayaan, waxaan idin leeyahay ma gaanayo waxaad uga gubanaysaan ee waliba maqaallo aanu u qalmin Prof:Abdi Ismail Samatar aad uga qoraysaan walibana aad ugu aflagaadaynaysaan nin ay soomaaalida oo dhan aqoontiisa ka danbayso laguna Kalsoonyahay Reseachkiisa iyo Hadaladiisa qiimaha badan, waxaan leeyahay wiishan yar yar ee Maqaalka hantaataca ah iska qoraya Adeer Maqaalladiina u meel daya oo meel hakaga dhicina Dadka Sharafta iyo Karaamadda ummadda Soomaaliyeed ka mudan, ee waliba aannu ku faanno marka Caalamku wax naga waydiiyaan Soomaalida.
    Gabagabdii waxaan u soo jeedinayaa cid kasta oo ka gubatay hadaladaas qiimaha badan ee Aqoonyahan Samatar waxaan leeyahay indhaha iska qaada caadka idinka saaran oo qabyaaladda iyo nin jeclaysiga iska daaya FARMAAJANA haddii uu ummadda Soomaaliyeed sumcad u dhex leyahay waa u wada joognaa Inshaa allaah Arbacadda iyo Golaha wakiilada waxa kala qabsada.

  16. jamaal says:

    waxan arka dad bdan inay halkan wax ku soo qoren waxase mucjiso ah in dadka intooda badani ay qoralkoodu ku saleesn yahay qabiil aniguse waxan oran lahaa farmajo waxa uu buuga qoray waa sanad ka hor waxana hubal ah marki uu qorayey inuusan ka fekerin waxa ka iman kara ama uusan moodeynin inuu madax noqon doono somalia sida darted waxa muuqata ninkani in la soo afduubay laana kensaday mesha masjkiinkan villa somalia ku go doomayna la yiri warya kan geyso mesha asiga aya ra siul wasare kuu noqonaya in my opinion labaduba choice ma lahan they just doing what they ben told to do it lakinse go aanka waxa ugari kara waa shacabka somaliyed kuwa matalaya e sparada u taal so call somali parlamaint u know some times they doing a good job like this lil known guy from big apple they stop him or trying

  17. Ina Xuseen says:

    Salamu Calaykum
    Hadaan 3 shay kala qaadno 1) Proff Samatar iyo faaladiisa buuga 2) RW magacaaban 3) Qoraalka maqaalkaan Maxamud Axmed, arinta meel dhexe inaan iskugu nimaano fahankeeda ayaa dhici karta.

    Prof. Samatar
    Prof. Samatar anigoo ku raacsanayn meesha extreme-ka ah oo uu la aaday, hadana la yaabi maayo waana fahmi karaa waxa ka keenaya, sababtoo ah hadaan cilmiga social psychology ahaan u fiirino Samatar waa nin ay Soomalinimadu ku wayn tahay, iskuna kalsoon, walina aamisan somaliwayn, laakin caalamka Soomaliyeed ee uu maanta joogo waa caalam waxa mandiqa ah aysan ka shaqayn, isku kalsoonina laga xaaramtimiyay, dadka muuqdana aysan lahayn hadaf cad illaa mid loosoo dhiibo mooyee. Qofkuna markuu samaan jecel yahay, wax samaan ahna waayo, cambaarayntiisu way badataa niyad jabka haysta awgii.

    Tan kale oo aan prof-ka ku fahmayo oo iiga baxay buuga qalanjabinta RW magacaaban, waxaa weeye inay buugaas kasoo shiirayso qancin reer Galbeed, cinwaanka ayaana kuuba sheegaya inuu ka hadlayo qorshaha maslaxadeed ee US – Somaliya, marka inuu uqoro qaabkii ay iyaga rabeen oo uusan wax challenge ah ama critical ah kusamayn isagoo muddo joogay US oo fahmi kara dadka reer Galbeedkuba inay ka helaan in la geliyo challenge, waxay calaamad su’aal wayn saaraysaa cidda uu maslaxadeeda fulin doono RW-cusub? Taasoo kugu dhiira gelinaysa inaadan waxba energy iskaga bixin hadal adeega Prof Samatar.

    Qoraaga maqaalkaan
    Walow uu soo koobay, iskuna dayay inuu naqdiyo Prof. Samatar, laakin hadana miiska masoo saarin dood macquula oo difaac samayn karta, balse waxaaba ka dood wacan Dr. Cabdullahi Spanish, laakin Maxamud tiisa waxaa ku badan caadifad iyo waliba isticmaalid kalmaddo ah ‘extreme’ sida isir-nacayb iyo doodo raqiisa sida inuu Prof-ku isla rabay jagadaan, taasoo raqiisa markii la eego xeerka ’4.5′ ee wax lagu qaybsado. Sidoo kale inuu internettka ka raadiyo qof soomali ah si uu maalin walba u arko, tanoo u muuqata caadifad masaakinta lagu sasabto. Marka waxaa qumanayd inaad si reer magaalnimo ah wax u naqdiso.

    RW magacaaban
    Ku wacan yahay inaan lana taageerin lagana soo horjeesan, waayo talaabooyinka kasoo ifbaxaya isagoo waliba la dooran ayaa kuu muujinaysa inaadan ku degdegin, sida xammaasadda faraha badan iyo degdega kujira khudbadiisa Golasha Shacabka, shiirka ka uraya buugiisa oo loo fahmi karo nin ‘mindhaa’ masaalix kale fulin kara, hanjabaadaha ah daandaansiga iyo dagaal hurinta uu ku booday hadaladiisi ugu horeeyay. Isku soo duuduuboo markaad eegto isagoo yimid meel khaldan (Somaliya = masaalix gude dibad), wakhti khaldan oo dowladii daciifka ahaydba gabaabsi sii tahay, kuna soo galay qaab khaldan oo uu cadow ku samaysanayo, iyo isagoo ah nin aysan la socon team carbiyaysan iyo qorshe lala dhaco, waxay kuu sheegayaan inay dhagta uun kuu taagnaato, taageero aad ka shalaydana kaa tagin.

    Waxaase wax badan noosii bidhaamin lahaa hadii Somalitalk ay team udiri lahayd magaalada Buffolo oo dadka Soomaliyeed iyo dadka yaqaan RW magacaaban, nooga so warami lahaa shakhsiyadiisa. Ilaahow maanta maxay reer Galbeedku dan gaara uga sii lahaan waayeen doorashadiisa, waxay soo quffi lahaayeen taarikhdiisa oo dhan ilaa ay soo booqdaan iskoolkiisi hoose dhexe, shaqadiisa iyo dadkuu la socon jiray, taasoo taageero ama mucaarad mid uun xoojin lahayd. Marka reer Somalitalk maad arinkaas documentary kaso duubtaan.

    Salaam
    Ina Xuseen

  18. Waad salaamantihiin dhamaan maryooley meelkastoo aad joogtaan. Professor Samater waxaan leeyahay aqoontu qofka waa in ay runta tustaa, anigu waxaan ka soo jeeda caydiid family. Runtu waxay tahay waxa Farmaajo sheegay waa run, gaar ahaan cidahayaga ninkii caqli lihina wuu garana yaa, bal fiiri siday Muqdisho u ekaatay. Waxan u qaatay in aad cadowga kowaad ee cidaha reer muqdisho tahay. Dhul banaan ahaa sidda Gaalkacyo, Bosaso, Garoowe xiligii Muqdishu- Siyaad Bare, ama Cabdirashiid, ama Adan Cabdulle xukunka hayey ayaa hadda shidmay oo Somali ku bad baday, taasina waxay dhacday markii nin waliba meeshu ka yimid aaday ee xukunkii laysu quudhi waayey, miyaan dawladnimada nalooga far dhuusdhubnayan, nin yohow runtu waa dawo, ninkii garasho ku jirtonna waa og yahay. Dadka koonfurtu waxay u baahan yihiin dad wax u qabta, e qudhun- qabiil in dadkan la tuso dani uguma jirto. Run qabiil qof uu ka madhan yahay ma jirto, laakin wax qabsiga iyo macnaha Somalinimo waa lagu kala horeeyaa iyadoo Somali la wadda sheeganayo ADIGUNNA AAD BAAD U OGTAHAY. Waxanna u qaatay hadalkaaga aad Farmajo kaga soo hor jeedo in aad u hiilinayso gooni isu taaga Somaliland. waar miyaanad nixin dadka xamar waxa haysta waxba kama ogid e qofkii wax u qabanaya ha ka hor iman, koleyba adigu wax u qaban maysid eh. sidaas iyo nabad gelyo.

  19. Mh Mohammed says:

    As,, guud ahaan wax walba uu Prof Samatar ka sheegay Farmaajo waan ku raacsanahay waayo Farmaajo waa nin qabiiliya dadkana sii kala fagaynaaya umana qalmo mansab sidaan u sareeya in loo wakiisho,, kaba siidarane waxaan qabaa haddii la ansixiyo cataa reysal wasaaranimadiisa in uu qabiilada hadda xoogaa uu wanaaggu ka dhaxeeyo uu sii kala geyn doono.

    Buugiisa waxaan ka akhriyey oo aan been ahaan erayadaan “Admittedly, Aideed was a ruthless thug and a poor model for humanity”,, garanay Aideed ee kuwa kalena maxaa loogu xusi waayay,, markaan sidaa leeyahay ulama jeedo inaan Aideed daafacaayo laakiin dadkii wadankaan soo maray waxaan rabaa role model for humanity nin ah in laga keeno, hadeysan jirina maxaa Aideed kaligiis loo magacaabay.

  20. cahdi says:

    kkkk, dadka halkan wax ku qiray midba ujeedadiisaa sheegtay waxa uu ka hadlayo, laakiin reerkii naqdintoodu waa badatay kkk,kkkk ma sidanaa caddaaladdu, reerkow dejiya Farmaajo waa siiiiiibtey, Pro Samatarna waa bariiiiiqday, waa suaale…. SIIIBASHO IYO BARIIIIIQASHO yaa daran?.

  21. Osman A says:

    SCW,

    Horta warka Macalinku waa iska qeexan yahay oo waa weerar cad oo uu ku qaadayo R wasaaraha waxaana daliil u ah inuu ku sheegay buuga laftiisa mid aan xigmad wayni ku jirin. Intaas kaliya ayaa daliil u ah in Macalinka hadalkiisu uu la mid yahay kii uu dhawrsano kahor ku weerarey Macalin Cali Khaliif Galayr. Waxaa halkaas iiga soo baxday in aqoon yahanimada lafteedu ay leedahay kalitalisnimo Macalin Cabdina uu u sharaxan yahay inuu noqdo Kalitaliye-aqooneed.

  22. Mahad says:

    asc, Prof. Abdi samatar eed uma soo jeedin ee Qoraalka uu Qoray Farmaajo Ayuu fikirkiisa ka dhiibtay sida Qof Walba Xor u Yahay Fikirkiisa, Mida Labaad Qoraalka Farmaajo (Ninka Loo wado inuu somalia u noqdo PM) uu Qoray horta si wanaagsan u Aqriya, dadka badankood difaacaaya ma wada akhrinin Qoraalka si Qoto Dheer (in Detail). Qoraalka Farmaajo Wuxuu Been ka Sheegay Taarikhda Somalia, Waxaana Ka MuuQda Inuu u Qoranyahay Qaab uu Ku Qancinaayey (Western Scholars) reer Galbeedka, madaxweyne sheikh sherif ayaa noogu filan fikirkuu Ya Yidhi oo ahaa, (Farmaajo Qoraalkiisu Wuxuu Ahaa Qoraal uu Ka Soo Xigtay Qoraalo Kale) sheikh sherif khudbadiisuu ku yidhi, Marka Farmaajo Qoraalkiisu ma isagaa Qoray Mise Wuxuu ahaa pelygrism, Qoraal uu meelo kale ka soo xigtay si uu shahaadada jaamacad ugu qaato, isagaa jawaabtaas laga rabaa, shaki kuma jiro inuu Qoraalka farmaajo xadgudub ku Yahay Dhaqanka somali iyo Qabaailkoodaba

  23. ali says:

    marka hore waxaan halkan ka salamayaa dhamaan bahda somalitak marka xiga prof. samatar waxaan oran lahaa wixii somali 20sano halkan dhigay wali haa wadin ee isku day in la hilmaamo wixii tagay waxaana kuu sheegaya farmaajo in uu yahay soomali uusana gaarin xili wax laga sheego xumaan iyo samaan marka la aqbalo ayay ubilaaban in badana waxan maqla isaga o dhalialayo shqsi soomaali aqoontaada ugu faaidey dadka soomaaliyeed ee dhib haa ka dhax abuurin

  24. Ahmed says:

    Walahi anigu waxan dhihi lahaa prof samatar waxan ku aqanay fikrado fican lakin markan waa ila qaldanyahay maxa yelay edeymuhu sida iila muqataa waa qaar waqtigodii ka hormaray sida waxqabadka raisalwasaraha mida kale madaxda sida uu shegay in wax laga shegay maaha sida uu prof u buunbuuniyay maxaa yelay waxaa jira dadbadan oo xitaa ajanib ah oo fikirkas qaba. marka prof waxan ku oran lahaa markani inuu sinbiririxday maxa yelay hadalkisani waa mid fidno kicin kara. marka allaha nawada hanuniyo.

  25. Waxaan aad ula yaabanahay sida loo buun-buuniyay sheekada buugan; maan wada akhrin buuga isaga ah, laakiin waxaan daalacday qeebaha la sheegay in qoraagu meel ka dhac ugu geestay qabaa’il Soomaali ah ama shakhsiyaad ictibaar ku leh bulshada Soomaaliyeed dhaxdeeda.Ulajeedada tacliiqeygaan ma aha inaan difaaco qalad uu galay Farmaajo. Laakiin waxaan rabaa inaan laba qodob xuso; midka koobaad buuga isaga ah sida wax looga sheegayo iyo waxa ku qoran isma laha, qof walba oo wax akhriyana waxaa ku filan inuu link-ga ku dhufto http://somalitalk.com/2010/farmaajo/ ka dibna uu go’aan ka gaaro waxa la sheegayo waxa ka run ah iyo waxi ka bad badis ah. Qodobka labaad aan rabo inaan xuso waxaa weeye, hadaanan been la isku sheegeen saan u dhannahay jiilka Soomaaliyeed ee hadda nool waxaan qayb ku leenahay, mid dadban ama mid toos ah, dhibka Soomaaliya ku habsaday; waxaana shaki la’aan ah marxaladdan madaw ay taariikhdeena marayso inay raad mad-madow nagu wada reebtay. Hadaba, xikmadda waxay sheegaysaa inaan toosh la iska daba qaadan. Waan isku raaci kaarnaa inuu Mr. Farmaajo yahay nin xun oo meel ka dhacyo sameeyay; su’aasheyda waxaa weeye YAA WEEYE NINKA WANAAGSAN?
    Fursad aan siino kan ugu roon kuwa xun xun.

    Ugu danbayn, Dr. Samatar, oo ah aqoon yahan Soomaaliyeed oo aan qadarin weyn u hayo, waxaan leeyahay waa sax inaad naqdisaa waxi qaloocan, toosisaana waxi qalad ah ee aad mujtamacaaga ku aragtid, laakiin waxay iila muuqataa wareysigi aad siisay idaacadaa xamar inuusan waxba soo kordhin; hadaan iraahdo waxaad ka kaluumeysaneysay biyaha cakiran, Soomaalida qayba ka mid ahna ha kuu mashxaradaan baad is laheyd, waxaan ka baqayaa inaan ku dambaabo.
    Waa Dhibaato hadaan noqonaa dad buris la taagan meel walbo oo duminta ku wada takhasusay.

    Dib aan isugu noqono saan si ma ahan!

    Cidi hadalkeyga dhibsatay waan ka raali gelinayaa, ma rabo bari ka maalin in idaacadda laga yiraahdo ninkaa reer hebel buu caayay!

    abdullahi_sh@yahoo.com

  26. ABDULAHI says:

    SALAAN
    dhamaan walaalaha soomaaliyeed ee ka xun dhibaatada ay ku jiraan umadda soomaaliyeed ee colaadaha, abaaraha, sharci darrada dhaca boobka .
    lagu hayo shicibka iyo dalkaba oo ku ay ku hayaan shakhsiyaad soomaaliyeed
    oo isigu jira siyaasiin ,aqoonyahano , sarakiil hore iyo kuwo cusub
    taasoo ay u weheliso eithopia, iyo western,
    markaan dib ugu soo noqdo arrimaha kale ee ah buuga uu qoray new priminter
    waa wax furaya carqlad inuu ku fariisto xafiiska oo uu ku dhamaysto weeye ula jeedadu. iyadoo oo markii ladooranay uusan ku iman si sharci ah oo loo codooyey oo ku yimid qabiil iyo macrufadiisa.
    ina samatar waa prof soomaaliyeed aqoon aan yarayn uleh meesha ay
    ka ka dhiban tahay lana orankaro haddii isaga Pm/president in laga dhigo ku
    haboon marka ay daacadi jirto.
    kuwa is dooranaya ama qofkay doornayaan kusoo xulaan.
    inuu qabiiladda soomaaliyeed wax usoo dhimay. dad soo laayey . xoolo soo dhacay. haddana waxay keen sadeen farsamo yaqaan. xisaabiye. siyaasi. adiguna waxaad noo sheegtay.inuu waliba qoraa yahay oo uu katagay inuu ku
    daro cvgiisa kudarsado.
    GABAGABO. Waxaan aniga ila tahay inaad adigu ku xigsato marka dambe
    ee la doonayo in la isu sharaxo PRESIDENT/ PRMINISTER WAAN KUDOORANAYNAA
    WAXAAN KUGU EEGAYNAA SIDAAD WAX U MAAMUSHO IYO QABIILKAAD CAYDO AMA AMAANTO.
    SHURUUD KASOO DHAMAYSO HAY AADAHA QARSOON + DALALKA +
    WORLDS KA GABOOBAY + SOONA QAADO BOORSO

  27. dahir wadani says:

    A/c waxaa salaamayaa dhamaan soomaalidda runtaa jecel midnimadda iyo isjaceylka dhexdooda, oo wadaniyaddu ku jirto,
    marka labaad mahayno soomali run oo madax banaan oo u adeegi kara soomali, iskana dhaga tira danaha shiyeeye iyo reer galbeed jaceylka,
    soomaliya soomaalibaa leh,
    by dahirwadani

  28. Nuradin says:

    Dil iyo Gef yaa daran?

    ma jirto meel uu ra’iisulasarahu ugu gefay labadii madaxeweyne soomaaliya soo maray iyo qaba’ilada kale ee jiro maanta.

    Aden Cade iyo Cabdirashid Alaha u wada naxariisto, laakin weey qaldami karaan, wax dhib ahi kuma jiraan in la research lagu sameeyo wanaagoodi iyo xumaantoodi ku saabsaneed maamulkii dowliga ah.

    prof. Abdi Ismail Samatar dhaqan ayey u tahay inuu dhaleeceyo siyaasinta ka timid dhanka America. sidoo kale waxaa uu og yahay prof. ragga manata sheeganyo in ay yihiin Xildhibaano iyo wasiiro habka ay ku yimaadeen.
    waxaa ku jiro ragga dhiiga umada soomaaliyeed cabi jiray (Hoggaamiyo koxeed) waxaa ku jiro raggii jihaadka ku baaqay ee baabiyey caruurteenni, waxaa ku jiro rag takis wade ka ahaa dalalka Yurubta iyo North America oo u yimid dalka inay dhaqaalo ka sameystaan, caruurtooduna ay degan yihiin meelo nabada ah.

    waxaa kaloo jiro raggii fidnada ama dhibaatada soomaaliyaa heerkaan soo gaarsiyey, welina tixgalin iyo magac weyn ku leh dalka iyo gudaha magaalada Xamar.

    sidoo kale, waxaa la sheegay in uu Prime minister-ku amaanay reerkiisa, kuwa kalena uu aflagaadeeyey.

    Somaaliya waxaa qarsooni ma jiraan waana run qaba’iilada Xamar degani ay dhibaato isku hayaan, ummadii kalena dhibaato kale ku hayaan. Hadaba hadii Ra’iisulwasaraha Maxamed Farmajo midaas research ku sameeyo waa arrin dhab ah cid ama shaqsi diidi karo ma jiro.

    prime minsiter xoolo dadweyne ma qabo, dagaaladi haliga ee ragga hada mooshinka la kuf kufayo ay hurin jiraana kama qayb galin.

    waxaan qabaa su’aal, ma ninkii nin muslim ah dilay, xoolo dadweyne dhacay, ee hurin jiray dagaalada ku saleysan qabayaalada miyaa amaan iyo boogaadin iyo kuri la iskugu daro ninkaasi miyaa dalka wax ku kordhiyey. waa maya maya.

    Hadaba dalka waxaa wax ku soo kordhiyey ninkii Accademic Research sameyey xaqiiq dhab ah keenay isla markaana ay tahay magac iyo sharaf weyn u soo hoyatay soomaalida sarana u qaatay heerka aqooneed ee soomaalida?”?

    Hadii aan u Jawaabo gabdha Fahiimo, ma doonayo in wax ka sheego Prof. laakin waxaan sheegayaa Prof. Abdi weli u ka gudbin destructive level degree.

    Abdi Ismail waa nin American ah, afka soomaaliga ayuu si wacan ugu hadlaa.

  29. yuusuf says:

    dee walaal wax cad oo uu ku dhaliilayo farmaajo ma arkin oo ku qoran buuga. i read over n over n over. hadi dulmi iyo iskudir uu damacsanyahay prof samatar ma garan? arli dumay dib uumistiis ayaa na sugaya iskaashi iyo jaceyl baa loo baahanyahay. hadalkiisa waxuu soo dadajinayaa naceyb iyo qabyaalad kow ah. waxan oran lahaa anigu nabada aan adkeeyno. samatar, somalia nabadeeda maxad ka qabatay?

  30. wadaad says:

    ninkan faalada qoray ee farmaajo difaacaya baa kaba sii daran pro.samater warninyahow horta farmaajo gafkiisa waxaa kasii daran meesha la keeney iyo waxa loo keeney iyo cida keensatay ee bal dib isugu noqo adiga oo cadaalad samee farmaajo waa shaqti camiil ah taasna waa tilmaanta ugu fiican ee aan ku tilmaami karo farmaajo
    ilaahow na astur

  31. fahiima says:

    Alaahu akbar waaar hadii qof uu qofkale taariikhtiisa runta ka sheegaba ma isir ayaa la necebyahay cajiib. Maxamudoow Pro.samatar hatuu runta sheegay ma dayrkii mako ayuu dumiyay.Adiguse waa maxay sobobta aad runta uga damqanaysaa ma finkii qabyaalada ayaa la gu damqay oo inaadeer nimo ayaaad ku difaaacaysaa runtii aqoonyahanka waaad ku gefday adiga ayay ku sifaysan waxaad isaga ku sheegaysid ee jooji qabyaalada. inaadeeer kaana hadii ay aqoontiisa iyo akhlaaqdiisu difaaciwayday isgaga hadh ayayana caadifada qabyaaladu jarkaa tuurine hana u gefin aqooyahanka soomalidu ku ku faaanto