Home » Warar »

Wasiirka waxbarashada ee Pakistan oo billad dahaba gudoonsiisay Arday Soomaali ah


Islamabad, Paksistan: Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay ujeedkeeduna ahaa in billado lagu gudoonsiiyo  arday tiradooda garayso 2389 (laba kun sadex boqol iyo sideetan iyo sagaal)  oo  36  kamid ah ay hanteen billado dahab ah  kana qalin jabisay kuliyadaha kala duwan ee Jamacada International Islamic University intii u dhaxaysay September 2008 ilaa August 2009 ayaa maalinimadii shalay ahayd  ka dhacday xarunta shirarka ee Islamabad (Islamabad Convention centre).

Munaasabadan oo ay ka soo qayb galeen madax ka tirsan dawlada Pakistan, safiiro, maamulka jamacada, shaqaalaha, ardayda iyo marti sharaf kale oo goobta lagu casuumay ayaa ku soo gabagabowday sidii loou tala galay.

Wasiirka waxbarashada ee dalkan Mudane Sardar Assef Ahmed Ali, madaxwaynaha jamacada Dr. Anwar Hussain Siddiqui, iyo madaxwayne ku xigeenada Mrs. Parveen Qadir Agha. Qaar kamid ah hormuudyada kulliyadaha kala duwan ee jamacada ayaa munaasabdan ka hadlay waxayna bogaadiyeen dulqaadka iyo dhabar adayga ay sameeyeen ardayda intii ay tacliintooda kusoo guda jireen.

Ardayda biladaha lagu gudoonsiiyay ayaa ka qalinjabiyay kulliyadaha Management Sciences, Basic and Applied Sciences, Shariah and Law, Islamic Economics, Social Sciences, Islamic Studies, Engineering and Technology, Arabic iyo Luqadaha.

Waxaa xaflada lagu gudoonsiiyay  billad dahab ah (Gold medal) arday Soomaali ah oo lagu magacaabo Mahad salaad Muxumed  kadib markii uu keenay dhibcaha ugu sareeya shahaadada loo yaqaan B.A ee shareecada iyo Qaanuunka..

Waxaa kaloo ka mid ahaa ardayda qalin jabisay  sadex arday oo ayuguna soomali ah laguna kala magacaabo Zakariye Ismaaciil X. Nuur, Saleebaan Maxamed Maxamuud oo iyaga ka qalin jabiyay kuliyada shareecada iyo qaanuunka, iyo Jaamac Ciise oo isna ka qalin jabiyay kuliyada dhaqaalaha.

Gabagabadii xaflada waxaa billadaha ardaydan gudoonsiiyay Wasiirka Waxbarashada Sardar Assef. uu soo wakiishay madaxwaynaha jamhuuriyada Islaamiga ah ee Pakistan Mudane Asif Ali Zardari oo aan madasha soo xaadirin

Ururka guud ee ardayda Soomaaliyeed ( UGAS) ayaa sidoo kale hanbalyo u diray ardaydan kuna dhiiri galiyay inay sii wadaan tacliintooda si barri u anfacaan dalkooda iyo dadkoodaba.

Taniyo markii dhidibada loo taagay jamacadan horaantii 1980kii waxaa ka qalin jabisay arday gaaraysa 17000 (todobo iyo toban kun) waxaana jamacada ka helay shahaadada Phd 46 arday. Xilligan jamacada waxaa dhigta arday kor u dhaafaysaa 18000 ( sideed iyo toban kun) oo ka kala yimid ilaa 56 dal.

La xiriir Abdinur Mohamed Ahmed
Email: nobleman254@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

7 Jawaabood " Wasiirka waxbarashada ee Pakistan oo billad dahaba gudoonsiisay Arday Soomaali ah "

  1. Yonis Barre says:

    waxaan idin leeyaha Hambalyo dhammaan asxaabta qalin jabise, aad & aad aane idinkugu mahad celinaya sida wanaagsan ee aad dadaalka dheeriga ah ubixiseeen.
    waxaane idin leeyaha markale meeshiina kasii wada dadaalka maadama ow shaqo badan inaga wada sugayo wadanka, adinkune Allaha idinka dhigo kuwii uhorseedo sidii loo samata bixin lahaa wadanka.

  2. Sharif Cabdinuur says:

    AS WR WB
    SALaan kadib 4ta wiil ee la xusay iyo ninka laga tagayba hanbalyo ayaan leenahay. Runtii aniga dib ayaan ka ogaaday in ninkaa jiro waana ka xumahay in qoraalka uu kasoo muuqan waayo. Waxaa kaloo la iisheegay in Sh Maxamed madasha ka maqnaa. Any way haduu joogay iyo haduu maqnaaba hanbalyo auyaan leeyahay.

  3. Asc salaan kadib laba arday ayay ahaayeen kuwa gold medal ah helay marka mid unbaad ku xusteene meeyay kii kale? Sh maxamed Axmed Maxamuud isagana waxaan leenahay hanbalyo inkastoo aanan meesha lagu xusin. Sh maxamed madasha waa uu ka maqnaa waxaana haboonayd in la xuso.

  4. Waaan u hambalyeeynayaa walaalaha sharaft leh ee qalin-jabiyaya, anigoo ah arday waxkarta isla jamacadda ardadaasi ka qalin jabisay,,, balse meeshaa ninkale ayaa ka maqan oo la dhaho DR. Maxmed Axmed(maxamed macalin) oo isaguna helay billada dahabka .. kana baxay usuuluddiin qaybta M.Phile… runtiina uga baxay daraja aad u sarreeysa walow oow wadanka ka maqanyahay, balse magaciisa liska Gold medalist-ga ayuu ku jiraaa, meeshaana wa alaga yeershay. mahadsanidiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin

  5. zakariya says:

    Shariif… aad ayaad u mahadsantahay bro.. waxaa kaloo Gold Medalist) qaatay arday kale soomaaliyeed, walow uunan xaadirin xafladdaa waa Maxamed Axmed Maxmuud… M.Ph. Islamic Studies… wuxuuna ku dhammeeyaya 4/4….. dhibcaha ugu sarreeyo.. ee arday qaato, marka isagana halloo hambalyeeyo.

  6. Ina Xuseen says:

    Salamu Calaykum

    Hambalyo Mahadow adiga iyo walaalaha kale ee dadaalkaas dheeraadka ah muujiyay. Waxbarashadaasna Allaha idinkaga yeelo mid aad ku nafacsataan idinka, eheladiina iyo wadankii burburay ee aad u dhalateen, aamin.

  7. Allah ayaa mahadleh fursadaas iyo dadaalkaas idin siiyey.Raggii iyo dumarkii aad kasoo tagteen aad ayaay ujeclaanlahaayeen inaay idinkala qayb galaan munaasabadaas laakinse waa laysu diidey. Waxan idin rajaynaya inuu Allah idinka dhigo kuwa ay Somalia ku degto oo diintooda iyio dalkooda ushaqeeya.
    Waxaanse kabaqaya inaad jaamacada uqornaydeen arday kale, Ethiopian, Kenyan iyo wixii lamid ah, taasi mustaqbalka ayay wax unoo dhimaysa marka dib loo eego malafaadka jaamacada oo layirahdo jinsiyadaha bilidan qaatay somali kuma jiro.
    Mabrook yaa shabaab… halkaas kasii wada dadaalka. Fara kama qorna faanoole.
    Somali ha israacdo, Rabbigeedna ha utowbadkeento.