Abshir Nuur Faarax ayaa Habeenimadii October 10, 2010 ku geeriyoodey Muqdisho. Allah ha u naxariisto.
Waxaa xalay geeriyoodey Abwaan Abshir Nuur Faarax Weheliye (Abshir Bacadle), Allah ha u naxariistee wuxuu ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaalay magaalada Muqdisho isaga oo xanuunsanaa maalmihii aynu soo dhaafnay.
Marxuum Abshir Bacadle wuxuu ka mid ahaa abwaanada Soomaaliya ee ku sugan magaalada Muqdisho, magac iyo sumcad wanaagsana ku lahaa guud ahaan bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Marxuum Abshir Bacadle ayaa markii uu xanuunku asiibay isugu duceeyey gabay uu tiriyey, isagoo isla markaas gabayga ku xusay Ajasha, waxaana gabaygaas ka mid ahaa sidan:
“Hadii la i duugoo mara cad la i saaro, waxey igu sameeyeen magac cusub oo aan wali i soo marinee, sidaa yeela meyda indhihiisa cadaa dabadeedee, sariirtee bay iga badaleen saxar la’da aheydee, qabrigii isugu jiray hadii midigta la seexsho, sadax xarar hadii la dul suro jaqafyo la i saaro, oo ay ciida igu soo rogaan ahal iyo saaxiibo, oo sabanka la iga ceyrshaa laba sugaayee, Ilaahayow su’aalaha qabariga aan sixi waayinee,” waxa ayna ka mid ahaayeen hadaladii ugu danbeeyay ee laga soo min guuriyo abaawanka, Allah ha u naxariistee.
Abshir Nuur Faarax (Bacadle) wuxuu sannadkii 1946-kii ku dhashay Degmada Mustaxiil ee ee dhulka Soomaali Galbeed. Waxana uu ifka kaga tegey ehelo iyo qaraabo.
Waxaana lagu xasuustaa gabayadii guubaabada ahaa ee uu u jeedin jirey shacabka Soomaaliyeed ilaa xiliyadii Dowladii Maxamed Siyaad ilaa xilliyadii ka dambeeyey. Waxa kale oo uu qeyb ka ahaa samawadayaashii u gargaari jiray dadka dhibaateysan ee ku sugan duleedka magaalada Muqdisho ilaa uu ka geeriyoodey. Allah ha u naxariisto.
Marxuum Abshir Bacadle oo la aasay…
Allah ha u naxariistee marxuum Abshir Nuur Faarax (Bacadle) ayaa maanata (Axad Oct 10, 2010) waxaa salaadii Jinaasada lagu tukadey masjidka Abuu Hurayra ee ku yaal Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Salaadda janaasada waxaa ka soo qayb galay boqolaal qof. Markaas ka bacdi ayaa marxuumka la aasay. Allah janada Fardowsa haka waraabiyo, eheladiisana iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed samir iyo iimaan haka siiyo.
Allah ha u naxariisto Abshir Bacadle. Tacsida marxuumka hoos ayaad ku qori kartaa.
Qore: Muuse Maxamuud Jiisow
00252-061-5576666 / 00252-0699-907666
asc waxaan utacsiyeynayaa abwanka caanka ah abshir nuur faarax bacadle waa nin wax badan ka qayb qaatay horimarinta umada soomaaliyeed waxaana ilaah uga baryayaa in uu kitaabkiisa midig kasiiyo .
ILAAHAY HA U NAXARIISTO ABSHIR BACADLA ANAGANA ILLAAH NAMA FIDNEEYO GADAASHII
ILAHOW SOO SAAR ABSHIR OO KALE OO XAQA CARABKIISA KU CADEEYA KUNA DIFAACA XAQA IYO TOWXIIDKA ALLE WAYNE
Dhamaan waxaa tacsi tiiranyo leh u diraayaa dhamaan iyo ehelada oo ka geeriyooday Abwaan Abshir Nur farah.(Abshir Bacadle). in uu ka siiyo sabar iyo iimaan . Abshir ma ahan nin ka geriyooday only his family ee waxaa waaye nin ka geeriyooday somaali oo idil balse allaha u naxariisto.
INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJUCUUN.
INA LILAAHI MA AKHADA WALUHU MA ACDHAA WAKULISHAY’IN CINDAHU BI AJAL SABRAN YAA AALA BACDI.ISHUWAY ILMAYNAYSAA QALBIGUNA WAA MURUGOONAYAA MANA DHAHAYNO ILAA WAX ILAAHAY RAALI KAYAHAY MOOYEE.
ABSHIR BACADLE ALAAH HA UNAXARIISTO WAXAAN KU XUSUUSANAA GABAYADIISII UU SHIRKIGA KULA DIRIRI JIRAY DADKA TOWXIIDKA UGU BAYAAMIN JIRAY.
INNAA LILAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJUCUUN…………………..
Waxaan tacsi u dirayaa ummadda soomaaliyed, qoyskii, qaraabadii, iyo eheladii ka geeriyood Abshir Nuur Faarax “Bacadle” Ilaahay ha ka waraabiyo janooyinkiisa, samirna ha inaga siiyo dhammaanteen
Ajal ayaan la celine maanta waa loo baahnaa Abshir Bacadle.
Waxaan mar labaad leeyahay Janno ku war========Insha Allaah= AAmiin ===========AAmiin
انــــا للــــــــــه وانــــــــــا اليــــــــه راجعون
Ilaahay jannatulfirdawsa haka waraabiyo, samir iyo iimaana ha inaga siiyo, Abshir ma ahan nin katagay qoys keliya ee waxaa tabi doona dhamaan ummadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah. Inaga ilaahay Khaatumada hanoo wanaajiyo.
Inaa Nilaahi wa inaa Ilaahi Raajicuun
Eebe ha ku janatal Fardawsa ha ku geeyo, Ehelkaagiina Samir iyo Iimaan
Waan ku garaadsatey gabaya wanwaagsan ee Abshir, hanti fiicana waa ugu tagtey Ummada Soomaaliyeed
Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun Alle ha u naxariisto abwaan abshir nuur faarax bacadle janada alle ha ugu bishaareeyo qabrigana alle ha u waa siciyo samir iyo iimaana alle hanaga siiyo
إنَّا لله وإنَّا إليه راجِعُونَ اللَّهُمَّ أجُرْني في مُصيبتي واخْلُف لِي خيراً مِنْها
waxaan kuxasuusanaa gabayadiisii islaamiga ahaa sida gabaygii tawxiidka .daalibaan.xuquqda aadanaha . qaadka iyo kuwo badan
ilaahay hanunaxariisto abshir bacadle aamiin
انــــا للــــــــــه وانــــــــــا اليــــــــه راجعون
اللَّهُمَّ أجُرْني في مُصيبتي واخْلُف لِي خيراً مِ
ilaahay ha unaxariisto abwaabkeenii islaamiga ahaa samir ilahay kasiiyo umada tawxiidka iyo qaraabadiisii aamiin
waxaana kuxasuusanaa gabaygii tawxiidka .daalibaan.xuquuwda aadanaha , qabqablayaashii xamar tuu itiriyay .gabaygii ,markii shabaab qabuuraha soo saarayn kutaageeray lamaookoobikaro
Allaah ha unaxariisto abshir bacadle, ilaah ha uwaasiciyo qabriga ilaah ha ugadhigo rowda ka tirsad janada, ilaah samir iyo iimaan hakasiiyo dhamaan ummada soomaliyeed. gaar ahaan qaraabadii iyo ubadkii uu ka tagay. runtii geeridiisa aad ayaan uga naxay. inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicun.
Allahey ha u naxariisto Abshir Bacadle Jannata Firdowsaa Aclaa ha waraabiyo Amiiin
Ehelkiisa iyo Ummada Soomaaliyeed Sabir iyo Imaan ha ka siiyo.
Abshir Nuur Faarah alle ha unaxariisoto eheladiisii iyo dhamaan umadda somaliyeedna ee uu ka geeryoodey samir iyo iiman ha ka siiyo
Anigu waxaan u aqaan odeygii Tawxiidka
Janatul fardowsa alle ha geeyo(wanaag ayuu katagaye adigu maxaad katageysaa?
MInneapolis mn
Tacsi Marxuum Abshir Bacadle:
Anaga oo kala ah ehliyadiisa iyo asxaabtiisa waxaan halkan taci tiiraanyo marxuumka abshir nuur faarax bacadle oo kun geeriyooday magaalada muqdisho maalintii shalay .
waxaan leenahay ilaahay naxariistii jano haka waraabiyo ehliyadiisana samir iyo iimaan haka siiyo.
waxaan tacsiyadan u diraynaa dhamaan reer Nuur faarax iyo qoyskiisaa haweenkiisa iyo caruurtiisa waxaan leenahay ilaahay samir iyo iimaan haynaga siiyo isagana janatul firdowsa haka waraabiyo
Waxaa halkan Tacsi u diraya dhamaan Dadka ku nool wadanka switzerland iyo meela kale sida Uk Holand iyo sweden
Genenal Abdulkadir Ali dirie Subxaanyo
Fuad Cabdulaahi Xaashi
Abdinaasir Maxamed axmed
Yuusuf sheekh ahmed cali
faarax ahmed maxamed
Bashir Abdulkadir Botan
Nabadoon kaarshe Balal
Cumar Muuse Tarabi
C/kariin Maxamed Saalax
eedo Maryan sheekh Isaxaaq
Deeqa Cali mire
Cabdiraxmaan Salaad Diini
Bashiir Cabdiqaadir Bootaan
Waxaa soo tebiyey oo SomaliTalk soo gaarsiiyey Zakariye Hilowle
Tacsi
Dhammaan shaqaalaha iyo maamulka hay’adda warbixinada iyo talooyinka Soomaaliyeed ee {Somali Advice & Information Centre – SAICENT} waxaa ay tacsi u direysaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel walboo ay joogaanba iyadoo uga tacsiyeeynaysa geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Abwaankii weynaa ee Gabyaa Abshir Nuur Faarax Bacaadle oo shalay ku geeriyooday magaalada Muqudisho.
Abshir Bacaadle wuxuu ahaa abwaan Soomaaliyeed oo isku darsaday wadaninimo, ahludiin iyo isagoo had iyo jeer dadka ka wacyi galin jiray arimaha diinta iyo qiimaha uu waddanku leeyahay. Waliba waxaa si gaar ah loogu xasuustaa Xilligii uu dalku saameeyay dagaaladii sokeeye isagoo wax baddan ka digay in ayan Soomaali dabargo’in oo ay isdaba qabato.
Allaha u naxariisee hay’addu waxa ay leedahay Allahayow isgana ka waraabi jantul Ferdowsa ummadda Soomaaliyeed iyo ehelkiisiibana samir iyo iimaanba kasii Aamiin.
FG
Dhammaan boggaga Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa in ay Abwaanka taariikhdiisii soo qoraan.
Cabdixakiim Jaamac Jooje
Gudoomiyaha hay’adda Somali Advice & Information Centre
Leicester UK.
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.
Aad ayaan unaxay markii xalay la i soo wacay anigoo dhageysanaya gabaygiisa in la ii sheego geeridiisa. Nasiib uma yeelan inaan la kulmo laakiin waxaan ku raaxeystaa gabayadiisa gaar ahaan gabayadiisa TOWXIIDKA ka hadla. Allaha u naxariisto ajarna Allaha ka siiyo ajar difaaciddiisa diinta islaamka iyo waliba ammaantuu na ammaanay haddaan nahay gabdhaha muslimaatka ah.
Alla samir iyo iimaan hakasiiyo Umada soomaaliyeed oodhan gaar ahaan eheladii iyo qaraabadiid uuka geeriyooday :aabaha ducada iyo xigmada soomaaliyed ilaah waxaan uga baryaynaa insuugaantiisii danbidhaaf ugadigo jana farduusana kawaraabiyoo :Aamiin Aamiin :waxaana tacsidaa ookale udiray marxuunka ;dhalinyarada Reer Buuhoodle iyo dhamaan tanSSC
Waxaan halkan tacsi uga dirayaa dhamaan umada muslimka gaar ahan somalida iyo qoyski uu ka dhintay abwaankena abshir nuur faarax bacadle in Allah samir iyo imaan ka siyo asagan janada ugu bishaareyo Amiin… Aminانالله وانااليه راجعون
INAA LILAAHI WAA INAA ILAYHI RAAJICUUN.
geeridu waa xaq,nafwalibana way dhadhaminaysaa,alle ayaan uweydiinayaa naxariistiisii iyo jannadiisii wanaagsanayd,annaga alle ha ina siiyo samir iyo imaan.inaa lilaahi waa inaa ilayhi raajicuun.
Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun. Waxaan Allaah uga baryaa in uu su’aasha qabriga u fududeyo, aakhirana janadii firdowso ka waraabiyo. Allahuma Aamiiin.
Waxaan Alla ugu baryaya abwaanka somaliyeed inuu Janadii fardowsa ka waraabiyo Eheladii iyo kharaabadii uu ka tagayna samir iyo iimaan ka siiyo Aaaamiiiiiiin
ilaahoow su aalaha qabriga aanu sixi waayin , aamiiin aamiin
Allaa yarxamu soomali oo idilna samir iyo iimaan alla haka siiyo,
waa kaa halyeeygii ka huleelay soomaaliyeey, Xaq udirikii iyo gabyaagii cadaaladda .
khayr iyo wanaag badan baa lugu xasuustaa Xaaji Bacadle, waa iftiin ka damay ummada soomaaliyeey waa cod ka aamusay shacabka soomaaliyeed allayahoow u naxariiso u danbi dhaaf qabriga uwaasici,, AAMIIN AAMIIN.
انــــا للــــــــــه وانــــــــــا اليــــــــه راجعون
Anigoo kuhadlaya dhamaan jaaaliyada Somaliyeed ee kunool Qatar waxaan ugu tacsiyadaynaya shacabka Somaliyeed geerida naxdinta leh ee kutimid walaalkeen Abshir Bacadle oo dad badan oo aan aniga ugu horeeya aysan nasiib uyeelan inaay lakulmaan laakinse kunoolaa gabayadiisa diinta iyo xaqa lagu taakulaynayo.
Aad ayaan ujeclaanlahaa inaan ogaada gabayadii uu katiriyey xaalada wadanka meesha uu hada maraya.Waxan aaminsanahay inuusan aamusin ee walaalaha lanoolaa ayaan kasugayna inaay soo tabiyaan haddii aysan amni ahaan dhibaato idinkeeneyn.
Allaha dambigiisa dhaafa, anaga Allah naga dhigo kuwa kucimro qaato.
إنَّا لله وإنَّا إليه راجِعُونَ ، اللَّهُمَّ أجُرْني في مُصيبتي واخْلُف لِي خيراً مِنْها، إلا آجَرَهُ الله تَعَالى في مُصِيبَتِهِ وأخلفَ لَهُ خَيْراً مِنْهَا
Alle ha unaxariisto Suaasha qabrigana ha u fududeeyo Jannadiina ha geeyo Amiin
Golaha Fulinta Alecso (Tunis) oo isku duuban waxay tacsi u dirayaaan dhammaan shacabka Soomaliyeed ilaahay ha u naxariisto Abshir Nuur Faarax Bacadle
Alle swt ha unaxariisto janada firdowsana ha geeyo amiin