Home » Warar »

Beesha caalamka oo wada Qorshayaal ay ku yarayneyso Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif oo todobaadyadii la soo dhaafay safaro ugu kicitimay qaar ka mid ah wadamada Adduunka ayaa waxaa warar soo baxaya waxay sheegayaan in beesha caalamka ay wado qorshayaal wax looga bedelayo Dowladda uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynaha DFKMG Shariif waxa uu safar ku tagay Xarunta Qaramada Midoobey ee Nework, Magaalada Madrid ee dalka Spain, Addis Ababa, Jabuuti iyo Nairobi, waxaana wararku tibaaxeen in loo soo bandhigay qorshayaal la doonayo in isbedel loogu sameeyo Dowladda Federaalka, waxaana ka mid ah in la yareeyo xubnaha Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka kadib markii Beesha Caalamka u aragtay in aan wax dhaqaale ah loo haynin xubnahaasi oo tiradoodu aad u badan tahay. Warar ayaa waxay sheegayaan in la sameeyo gole hogaamin oo la doonayo in ay dhameeyaan waqtiga ka harsan Dowladda Federaalka oo ka yar mudo hal sano ah.

Qaar ka mid ah Wadamada Deeq bixiyayaasha ayaa iyagu horey u soo jeediyey in la sameeyo Gole hogaamin maadaama dowladihii hore ee Soomaaliya loo soo dhisay ay ku dhamaadeen is qabqabsi iyo is afgaranwaa laga soo bilaabo Dowladdii C/qaasim Salaad Xasan kadib markii ay iska hor yimaadeen Ra’isul Wasaarihii xiligaa Cali Khiliif Galeyr, sidoo kale Dowladdii uu hogaaminayey C/llaahi Yuusuf ayaa isna waxay iska hor yimaadeen Ra’isul Wasaarihii xiligaasi Cali Max’ed Geedi, sidoo kale waxaa iyana iska hor yimid C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isul Wasaare Nuur Cadde waana midda soo dedejisay in uu is casilo C/llaahi Yuusuf Axmed.

Khilaafyada ka dhex dhaca dowladda waxay ahaayeen kuwo marba marka ka dambeysay sii kordhayey, Dowladda Sheekh Shariif oo iyadu lagu soo dhisay dalka Jabuuti ayaa Ra’isul Wasaarihii Dowladaasi Cumar C/rashiid waxay iska hor yimaadeen Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxayna taaasi keentay in Ra’isul Wasaarihii DFKMG Cumar C/rashiid meesha laga saaro, iyadoo taas ay ka duuleyso beesha caalamka si arrimahaasi xal looga gaaro ayaa waxaa la doonayaa in la sameeyo Gole Hogaamin oo tiradoodu aad u yar tahay si meesha looga saaro isqaqabsiga.

Qaar ka mid ah Dowladaha daneeyo arrimaha Soomaaliya ayaa qaarkood waxay soo jeediyeen in meesha laga saaro dowlad leh Ra’isul Wasaare  si hawlaha dowladda oo dhan loogu madax-banaaneeyo madaxweynaha, waxaana nidaamkaan ku dhaqma qaar ka mid ah wadamada Yurub, waxaa sidoo kale la soo jeediyey in la dhiso Dowlad leh Ra’isul Wasaare  awood leh ,  oo madaxweynuhu uu noqdo madaxweyne sharafeed si halkaasi ay iga baxdo khilaafyada hareeyey Dowladdaha loo dhiso Soomaaliya.

Warar kale ayaa sheegay in Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif mar uu Booqasho ku tagey Magaalada Addis Ababa Todobaadkii la soo dhaafey ayaa waxaa lagula taliyey in Golaha Wasiirada cusub lagu soo daro Qaar ka mid Qabqablayaashii dagaalka ee soomaaliya lamana oga in Sheikh Shariif  ku soo dari doono Dowladda Cusub.

Madaxweynaha DFKMG Shariif ilaa iyo hadda wax faahfaahin ah kama bixin qorshayaashi ay wadato beesha caalamka iyadoo dowladda Sheekh Shairif intii jirtay ay la kulantay caqabado fara badan oo kaga imaanayey kooxaha mucaaradka ah kuwaas oo dagaalo joogto ah ku haya dowladda uu hogaamiyo, sidoo kale waxaa meesha ka baxay ciidamadii dowladda kadib markii loo waayey dhaqaale ku filan.

Amiin Yuusuf Khasaaro

amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.