Home » Warar »

Sheikh Cumar Faruuq: “Heshiis lala gali karaa ma jirto Dadka haysta dad, dal iyo duunyo muslim leeyihiin… “

  • “ONLF waa Urur xaq u dirir ah,  waa in naf & maalba lagu taageero”

Sheikh Cumar Faruuq oo Muxaadaro khadka Telefoonka ah laga waydiiyay Su’aalo ku saabsan Jabhadda ONLF & Halganka Ogaadeenya

Sheekh Cumar Faaruuq ayaa Muxaadaro dhinacyo badan taabanaysa maanta khadka Telefoonka ugu jeediyay Jaaliyada Soomaalida Ogaadeenya ee ku dhaqan Magaaladda Perth ee Galbeedka Australia, Maxaadarada diiniga ah ee uu Sheikhu u jeediyay umadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Perth ayay ahayd mid dareenka dadka kicisay waxaa goob joog ahaa wariye ka tirsan Shabkada Wararka ee Qorahay Online oo sahashay isku dubaridka & soo bandhigida Muxaarada uu sheekhu kaga hadlayay dadka Soomaaliyeed in ay dhaqankooda & diintoobada ku taagnadaan oo ay wali ka dhigtaan Allaah (SW) oo kali ah.

Su’aalaha Halkan ka dhagayso | Muxaadaradana Halkan ka dhagayso

Sheikh Cumar Faruuq waa Caalim Soomaaliyeed oo mudo dheer ku soo jiray fidinta diinta Islaamka isaga oo caan ka ah dhamaan gayiga Soomaaliyeed inbadana ay umadda Soomaaliyeed ka faa’iidaysteen, wuxuu Sheikhu in badan Maxaadarooyin & nadwo diina ah u soo jeediyay dhamaan umadda Soomaaliyeed wuxuuna kamid yahay Culimada sida weyn loo qadariyo. Wuxuu Sheikh Cumaf Faruuq wakhtigiiisa in badan u huray fidinta diinta Islaamka isaga oo kutub badan Akhriyay oo dad badan oo Soomaaliyeed ka faa’iidysteen sida Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah oo dad badan ka faa’iidaysteen.

Maxaadaradii uu maanta umadda Soomaaliyeed Sheekhu u jeediyay kadib ayaa la waydiiyay Su’aalo ku saabsan Halganka Ogaadeenya ka socda ee ay maanta majaraha u hayso Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya, Halgankaas oo lagu tilmaamo in uu yahay kuwa ugu taariikhda dheer Afrika.

Waa kuwan su’aalihii Sheikha la weydiiyay

Su’aal: Ururka ONLF ee Dagaalka kula jira Itoobiya ma banaan tahay in lagu taageero naf, maal, & Maskaxba?

Jawaab: “Bismilahi Raxmaani Raxiim Wabacdu Ururkaasi waa Urur wanaagsan oo xaq u dirir ah oo la dulmay oo ay gaalo dul dagtay oo dadkoodii & dalkoodiiba adoonsatay duunyadoodiina dhacday iyaguna u dul qaadan waayay oo ka dhiidhigay, sidaas darteedna u dagaalamaya. Hadaba Ururkaas waa in naf & maalba lagu taageero oo la ayido oo la gar-gaaro siduu Allaah (SW) wuxuu yidhi wa in istansaruukum fiddini facalaykumu alnasru, Haday diinta idinka gar-gaar dalbaan u gar-gaara oo aad hiil & hooba lagarab istaagtaan oo wixii aad heli kartaan ama aad haaban kartaan aydaan ka hagranin. Marka Ururkaasi (ONLF) Waa urur xaq udirir ah, gaalana la dagaalamaya, Dalkodiina gobanimo u doonaya mudo badana soo halgamaayay hadana halgankii ku jira marka ururkaas waa in lataagero. Wabilahi Tuwfiiq”.

Su’aal: Dad Soomali ah oo Muslim sheeganaya ayaa la safan Itoobiya oo la dagaalamaya dadka Xoreynaya dalkaas xukunkoodu muxuu yahay ?

Jawaab: “Bismilahi Raxmaani Raxiim Wabacdu “Gaalo wixii soo raaca oo gaalo gacansada iyagii buu la xugum noqonayaa kolka waa la waanin oo waa loo caqli celin haday waansabaan ooy wacdigii & waanadii qataan oo ay gaaladii ka hadhaan oy hagaa-gaan waa sidaynu doonaynay lakiin haday gaaladii ku mar-maan kana hadi wayaan oona hogaamiyaan raacaana waa la-layn sida kuwa gaalada ah loo laayay ayaa iyagana loo layn Wabilahi Tuwfiiq”.

Su’aal: Talis gaalo ah oo haysta dad & dal Muslim ah xoogna ku haysta dagaalna ka dhexeeyo, Heshiis noocee ah ayaa dhexmari kara?

Jawaab: “Bismilahi Raxmaani Raxiim Wabacdu “Dadkaas Muslimka haysta oo dad, dal & duunyo muslim leeyihiin haysta, quwad & xoogna ku haysta in ay inaga adkaadaan ama aynu ka adkaano ma ahee heshiil lala gali karaa ma jirto, oo in ay Muslimiintii dulaystaan dad & dalbana gumaystaan duunyadoodiina ka dhacaan loona dulqaato taas suurta gal maha kolkaas waa lala dagaalami, waana layska dhicin sidaasayna diintu ina faraysaa Wabilahi Tuwfiiq”.

Su’aal: Umadda Soomaaliyeed ee allaah ku abuuray Geeska Afrika & Dhamaan uamadda Muslimiinta ah maxaa xil ah oo ka saarayn garabsiinta walaalahooda la gumaysto ee u dagaalamaya in ay duliga saaran iska dulqadaan?

Jawaab: “Allaah (SW) wuxuu yidhi wa in istansaruukum fiddini facalaykumu alnasru, Hadii dal Muslim ah oo la dulmay oo la dul-dagay oo la gumaystay oo dad & duunyaba la dulaystay oo intay ka dhii-dhiyaan kacaan in ay waxaas iska dulqadaana u kacaan in allaale inta Muslimiinta ah idaylkood waxaa ku waajib ah in ay u gar-gaaraan oo ay hiil & hooba la garab istaagan ilaa ay dadkaas Muslimiinta ah ay duliga iska dulqadaan sidaasaana waajib ku ah Wabilahi Tuwfiiq”.

Su’aalaha Halkan ka dhagayso | Muxaadaradana Halkan ka dhagayso

La xiriir: qorahay99@yahoo.com
Isha: Qorahay Online. Oct 3, 2010 (QOL)


Munaasabad lagu taageeray Halganka Gobanimo doonka Soomaaliyeed ee ONLF oo lagu qabtay Minnesota

Dhanka kale Sabtidii (Oct 2, 2010) waxaa magaalooyinka Mataanaha ee Minneapolis/St. Paul ka dhacay munaasabad ay ka soo qaybgaleen dadweyne aad u farabadan, taas oo lagu xusayey sannad guuradii 26aad ee ka soo wareegtey asaaskii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (ONLF). Waxaana munaasabaddaas laga soo jeediyey gabayo, buraanburo iyo haddalo guubaabinaya halganka gobanima doonka Soomaaliyeed ee ONLF. Waxaana munaasabadda loogu magac daray “Xaqii Shacabkaa dilaacay”.

Sawirada qaar ka mid ah dadkii ka soo qayb galay munaasabadda, Oct 2, 2010.

Isha Sawirada: Ogaden.com (lehna xuquuqda sawirada)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

12 Jawaabood " Sheikh Cumar Faruuq: “Heshiis lala gali karaa ma jirto Dadka haysta dad, dal iyo duunyo muslim leeyihiin… “ "

  1. Puntland says:

    Sheekh Cumar Faaruuq Ilaah ha ka raali noqdo waa sheekh caalim ah oo mufti ah . Sheekh Cumar wuxuu arrinka ka eegey dhanka gumeysiga iyo dhibaatada lagu hayo dadkiisa Soomaaliyeed .
    Laakiinse anigu waxay arrintu iigula muuqataa in maanta dawladda Itoobiya ay diyaar la tahay in ay ka kacdo dhulka Ogaadeenya haddii ay aragto hab nabadeed oo wanaagsan oo ay uga bixikarto dhulkaas Ogaadeenya . Ma ahan Itoobiya sida laga dhigayo oo haddii ummad xoog lagu heysankaro dawlado waaweyn baa sii heysanlahaa laakiinse maalin cad beey isaga baxeeyn .
    Anigu waxaan qabaa in ONLF ay cayaarto shax wanaagsan oo dhulkooda si nabadgelyo uga saartokarto Itoobiya .

  2. jaahur says:

    Shiikh Cumar Faaruuq wuxuu la midabyahay kolba qoomkuu la joogo. Maanta wuxuu leeyahay ONLF waa xaq u dirir oo ciddii gaalada raacda waa diini in lala dagaalamo, shalayna wuxuu lahaa waliba isagoo kusugan Makada barakaysan waa xaaraan in lala dagaalamo gaalada muqdisho joogta iyo kuwa hoosta ku haysta. Hadaba markeebuu saxanyahay shiikhu?.

    Shiikhow jooji jir-jiroolanimada oo dhinac isugu lugo duwo. Waxaad banaysay in bakaaraha madaafiic lagu garaaco, in badweyntii soomaaliyeed la qaato, Waxaad ogolaatay in Madaxtooyadii soomaaliya, groonkii diyaaradaha iyo dekeddii caasimada gaalo qabsato iyo in Doolow, Yeed iyo Balanbale amxaaro degto waayo xukuumad ku sheeg intaas raali ka ah ayaad tiri waa xaq ee ha la taageero. Khaaf rabak yaa shiikh.

  3. abdalla says:

    Ilaahayow shacab somalida ogadenya u gargaar oo gumaysiga duleystey ka qaad,inshaa-alaahana wey gaadhi doonaan
    Ta kale dawlada somaliyeed hadey jiri lahayd oo aan ethoipia hoos tageynin wey xoreebi lahaayeen .

  4. Alxaji says:

    Asc walalayal dhamantin. Sheekhena allaha nabad yeello ajar iyo xasanaadna allaha kasiiyo xaqa uu noo cadeeyey.

  5. Dal Jir says:

    ASC. Soomaalida sideedaba caadifada qabiilka iyo mida Wadaniyada waa wax lagu yaqaan, waxaana baryahan ku soo kordhay mida Diinta Xaqqa ah ee beenta laga sheegayo. Balse aanu is weydiino ninkan fatwada bixinaya ama farriinta diraya, hortu isagu maxuu yahay? ONLF maxay tahay ? Somaali Galbeedi maxay ahaan jirtey ? Kililka 5aadi maxuu yahay ? Soomaali weyn se meeday ?

    Aayad Quraan ah ee Alle sbwtc. soo dejiyey ayaa oraneysey; ” Faman Yaclam Mitqaala Darati Sharan Yarah..Waman Yacmal Mitqaala Daratin Sharan Yarah’.” Sheekh Cumar Faaruuq wixii wanaag iyo xasanaad uu sameeyey Alllaha ka abaal mariyo, wixii qalad uu sameeyeyna in la isu sheego wey haboon tahay, inagoo dhamani Allaha inoo dambi dhaafo.

    Sheekh Cumar Faaruuq dhowr billood ka hor waxa uu Idaacadaha iyo TV’da Soomaaliyeed ka sheegay kolkii ay DFKGS ee taagta daran Sheekh Shariif hogaanka u hayo iyo Ra’iisul Baarlamaankiisii hore ee aqoontiisu yareyd Aadan Madoobe codsanayen Ciidamo Ethiopian in si deg-deg ah dib oogu soo laabta Muqdisho, Sheekh Cumar Faaruuq arrintan wuxuu ku tilmaamey in ay tahay Maado Diini ah isla markaana Muqadas tahay in DFKGS ay u yeerato cid kasta ee difaaci karta haddey ku jirto xitaa Ethiopia.

    Sheekh Cumar Faaruuq kolna Ethiopia ma wuxuu nooga dhigi in ay DFKGS ee Sheekh Shariif Difaacdo ay xaq tahay, kolna ma wuxuu noo sheegi in ONLF ay la dirirto ama ku jihaado Ethiopia ay waajib tahay…! maxaa arrintan si ka ah. ONLFtu waa Jabhad xornimo doon ah, dhibaato badan iyo halgan dheer u soo maartey sidey heeryada gumeyste isaga ridi laheyd, iminka se ma tahay xilli ay ku dhiiran laheyd ? ma Dowlad dhexe ee Soomaaliyeed cudud iyo ciidan Military leh ayey meel ko og tahay sidii kuwii hore ee xilliyadii Rayidka iyo Militariga. Jawaabta dhabta ahi waa maya.

    Haddaba waxaan kula tallin lahaa ONLF iyo Soomaalida Gayiga Soomaali Galbeed ku dhaqan, in aysan go’aan caadifi ah qaadan, oo ka fakaraan sidii ay shacabkooda iyo maatidooda ku badbaadsan lahaayeen, waxbarasho iyo caafimaadkooda ooga fakari lahaayeen, horumar ganacsi iyo mid degaaneedba oogu horseedi lahaayeen. Dowlad kaa cudud weyn, kaana dhaqaalle badan, kaana hub iyo qoryo waa weyn, wixii aad dhalintaada ku hoojiso uma arko tallo wanaagsan iyadaas iyo wixii idin kugula talliyaba, waa dad raba in shacabka ONLF hoojiyaan ee ka foojignaada.

    Soomaaliweyn markey dib isu hantaan, sharaftii lagu yiqiin soo ceshtaan, hanaankii ciidan iyo horseedkii wadaniyadeed ku midoobaan, ayaanu la xisaabtami karnaa cadowgayaga shisheeye iyo midka sokeeye, wixii intaa ka soo hadha nin walbow is dhowr, ummad kastaay is aruurso, badbaadso shacabkaaga iyo dhulkooda, yaanan la idin dagaal gelin…dagaal ay dadkiina oo qudha ku dhimanayaan..dhulku Soomaali oo idil ayuu ka maqan yahay… dhibtu Soomaali oo idil ayuu heystaa….Sheekh Shariif iyo Sheekh Cumar Faaruuqna midkood sharaftii Soomaali laheyd kaligood ma soo celin karaan.

    ” Nimaan Kuu Furri Doonin… Yuusan Kuu Rarin kolka horeba “.

  6. Shiikh Cumar Faaruuq ilaahay ajar iyo xasanaad ha ka siiyo xaqa goorwalba caddeeyo, ONLF ilaahay ha u gargaaro xornimo taam ahna ilaahay ha siiyo, Dhammaan Shacabka Soomaaliyeedna waxaa la gudboon inay isgarabtaagaan Jabhaddaas xaq u dirirka ah, Xornimada Soomaalida inteeda kale waxay ku xidhan tahay Xornimada Ugaadeeniya nin jecel iyo nin necebba, Sidaa awgeed waa lagama maarmaan in la garab galo, Waxaanna leeyahay qofkii aan wax kale tari karayni sharkiisa ha ka daasto, Ducaduna waa muhiim, Jibriil Saalax, London

  7. omar says:

    dadkiina qurbaha ku nool caruururtiina iyo xaaskiina nolo fiican iyo nabad ayay idin haystaan marka maxaad ugu diideesaan in dadka masiikiinata ay nolo iyo nabad heeleen? marka dagaal aan natiijo laheen nabada baa dhaanta.

  8. Idil says:

    maanta waxaa sharafdaro u ahaan lahayd in dadka degan dhulka loo yaqaan ogadenya ay iska fadhin lahaayeen iyagana la gumaysto laakinse waxaa farxad ii ah in ay ilaa maalintii lagu bilaabay gumaysi ilaa maanta ay ladagaalamayaan gaalada intii karaankooda INSHA ALLAH WAAD GUULAYSAN DOONTAAN WADA HAWSHAAS.

  9. Assalaamu Caleykum, Shiikh Cumar Faaruuq ilaahay ajar iyo xasanaad ha ka siiyo xaqa goorwalba caddeeyo, ONLF ilaahay ha u gargaaro xornimo taam ahna ilaahay ha siiyo, Dhammaan Shacabka Soomaaliyeedna waxaa la gudboon inay isgarabtaagaan Jabhaddaas xaq u dirirka ah, Xornimada Soomaalida inteeda kale waxay ku xidhan tahay Xornimada Ugaadeeniya nin jecel iyo nin necebba, Sidaa awgeed waa lagama maarmaan in la garab galo, Waxaanna leeyahay qofkii aan wax kale tari karayni sharkiisa ha ka daasto, Ducaduna waa muhiim, Jibriil Saalax, London

  10. Magan says:

    Sheekha ilaahay Raali ha ka noqdo Waxyaabo badan ayuu noo cadeeyay. Runtii waa wax laga xumaado dhibaatada lagu hayo dadkaa walaaleheen ah ee xitaa la gaadhsiiyay qof bani aadmi ah dhib uu soo maro kii ugu darnaa . siddii dawladdii somaliya u dhacday xabashidii waxay ku guulaysteen in ay helaan dad somali sheegta somali maahee u sheega koodii soo gala gobolada somaliya sida puntlan ama somaliland ama any otherlandba markaa sheekha ilahay khayr ha siiyo . kuwaa iibinaaya walaalahood ee xabashi raaligelin ka raadsanaaya sidii inay ilaah raaligelinaayaan oo kale .
    Ha ogaadaan in maalin lala xisaabtami doono aakhiro ama aduunba .
    Waayo somaliya ilaahay idankiis maalin ayay soo noqon.

  11. sheekha khayr Ilaahay ha siiyo waana dhab jabhada ONLF ilaahay ha guuleeyo waa dad u dul qaadan waayay dhibaatada lagu hayo dadka muslimiinta ah ee soomaliyeed cid kastoo isku dayda in ay is hor taagto ilaahay kuma guuleeyo sababtoo ah waa halgan dhab ah soomali dhamaan waxaa laga rabaa in ay taageerto jabhadaas uu sheekhu sheegay wabilaahi towfiiq.

  12. ALLOW SHACABKAYGA OGADENYA GARGAAR ADAA GARGAARAHA DHABTA AH AHE.sii wada halganka alle ayaa idinla jira,sheekhana waan umahadnaqayaa,ALLOW SOOMAALOO DHAN UHIILI oo isku duubnidooda tus.Wabilaahi tawfiiq.