Home » Warar »

Waxbarashada Soomaaliya: Muqdisho, Qardho iyo Lascaano iyo Warar Goos goos ah…

Muqdisho: 135 arday oo helay Deeq.. Qardho:  Imtixaankii 1aad East University iyo Urur taageeray  Nugal University iyo qiso la yaab leh oo Kenya ka dhacday… ……

  • Muqdisho: 135 arday oo ku guulaystay deeqaha waxbarashada ee laga helay dalalka Yeman Iyo suudaan 2010/2011
  • Qardho: Jaamacadda East Somalia oo Ardaydii ugu horeysay ay Imtixaan u Fariisteen
  • Nairobi: Urur Loogu Magacdaray Saaxiibada Jaamacadda Nugaal ee Laascaanood oo lagu Aasaasay Nairobi.
  • Nairobi: Xubnaha Taranka oo dadka lagala baxo marka ay geeriyoodaan

Waxaa Kenya dhawaantan ka dhacay arrin lala yaabay taas oo ah in dadku marka ay geeriyoodaan lagaba baxo Xubnaha Taranka qisadaas oo ka dhacda cisbitaalada. Haddaba, Najax oo ku sugan Nairobi ayaa arrintaas ka wareystay Agaasimaha Idacada IQRA FM Yaassin Cise Wardheere.

Waraysigaas halkan ka dhegeyso (mp3)

Warbixintii Joornaalada Kenya ka qoreen arrintan ka akhri halkan


135 arday oo ku guulaystay deeqaha waxbarashada ee laga helay dalalka Yeman Iyo suudaan 2010/2011

War-saxaafaddeed:

Wasaaradda Tacliinta sare iyo Hidaha waxay in muddo ah ku mashquulsanayd diyaarinta sidii loogu tartami lahaa deeqaha waxbarashada ee laga helay dalalka Yeman Iyo suudaan 2010/2011.

Imtixiaanka loogu tartamayo deeqaha waxbarasho waxaa la qabtay taariikhdu markay ahayd 23/9/2010, waxaa u fariistay imtixaanka arday caddadkoodu dhan yahay 291 arday, imtixaankaas oo u dhacay qaab caddaalad ah, waxaana si weyn uga mahadcelinaynaa Guddigii u huray waqtigooda qaaliga ah si caddaalad iyo hufnaan ahna hawshii u soo gabagabeeyay.

Mudada 23/9/2010-03/10/2010 waxaa ku soo dhameystirmay natiijadii imtixaankii deeqaha waxbarasho, mudadaas oo dhanna Guddiga waxay habeen iyo maalin ku hawlanaayeen sixidda iyo soo saaridda natiijada Imtixaanka.

Natiijada Imtixaanka deeqaha Waxbarasho ee dalalka Suudaan iyo Yeman loogu tartamay waxaa ku guulaystay Arday gaaraysa 135 arday.

Liiska Ardayda halkan ka eeg

Wasaaradda tacliinta sare iyo Hidaha oo looga bartay in wixii deeqo waxbarasho ah ee dalka soo gaara si cadaalad ah ugu tartansiiso ardayda soomaaliyeed. Wasaaradda waxaa ka go’an in ay joogtayso Barnaamijkaas, Waxaa laga yaabaa in ay dad. Waxaa laga yaabaa in ay dad qalin shubato ah yiraahdaan waxaan haynaa deeqo waxbarasho oo iib ah kaddibna ay dadka sidaas lacag uga urursadaan.

Haddaba waxaan uga digeynaa ummadda Soomaaliyeed in ay ka foojignaadaan waxyaabaha been abuurka ah ee suuqyada la wado. Hadii ay soo gaaraan Wasaaradda Minxooyin kale si Caddaalad ah ayaa loogu tartamid onaa loona soo dhexdhigi doonaa ummada soomaaliyeed oo dhan.

Ugu danbeyn Ardayda Soomaaliyeed waxaa ku boorinaynaa in ay ku daddaalaan Waxbarashada.

Ardayda Deeqaha Waxbarashada Sanad Dugsiyeedka 2010-2011 (pdf)

Isha: Wasaaradda Tacliinta sare iyo Hidaha DFKMG


Jaamacadda East Somalia oo Ardaydii ugu horeysay ay Imtixaan u Fariisteen

Sawirada Ardayda Jaamacada East Somalia DAAWO

Qaar ka mid ah ardaydii ugu horeysay ee Jaamacadda Bariga Somalia (East Somalia University) ayaa si rasmi ah u fariistay Imitaaxka Tijaabadda ee u gudbida Jaamacadda.

In ka badan 70 Arday ayaa Imtixaanka u Fariistay kuwaas oo kala ahaa Qeybaha kala duwan ee Maamulka iyo Sharciga.

Inta uusan Imtixaanka ardayda u Fariisan ayaa waxaa hadal kooban u Jeediyey Masuulyiinta Jaamacadda, kuwaas oo kula dardaarmay in ay si taxar leh Imitixaanka u fiiriyaan.

Prof. Axmed Maxamed Barre oo ka mid ah Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadda ayaa wax uu dardaaran u jeediyey arday isaga oo si gaar ah ugu booriyey in ay ardayda dhameystay Dugsiga sare ay muujiyaan dadaalkooda.

Waxa uuna ku dheeraaday Kuliyadaha ay Sanadkaan bilaabayaan isaga oo sheegay in ay Muhiimadda Koowaad siinayaan Kuliyadaha kala ah Maamulka iyo Ganacsiga (Business Administration) iyo Shariciga Islaamka (Sharia Law) kuwaas oo Imtixaankooda Caawa ardayda u fariisteen.

Waxa kale oo uu sheegay in mudo dheer ka dib in Qardho laga hirgeliyo Jaamacadda ay tahay fursad qaali u ah Ardayda degaanka iyo guud ahaan Puntland, isaga oo si gaar ah uga hadlay in Magaaladda Qardho ay ka mid tahay Meelaha inta badan leh Jawiga Waxbarsho.

Ardayda u fariistay Imitixaanka ayaa intii aan loo gudbin Fasalada aad u hadal hayey qaabka iyo sida uu Imtixaanka u dhici karo, kuwaas oo hadalo kala duwan isku weydarsaday Banaanka hore ee Dhismaha Jaamacadda.

“Jaamacadda Bariga Somaliya waa Jaamacadii ugu horeysay, ee degaanka Qardho laga furo waxa ayna tani fursad u tahay in Waalidiinta Ardaydooda la jecel waxbarshadda ay ugu faa’ideyaan in ay u helaan waxbarsho dhow oo isla markaana leh tayo” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah Waalidiinta Degaanka oo ku sugnaa Xarunta Jaamacadda xilli Mid ka mid ah Caruurtiisa u Imtixaanka u fariisaney”.

East Somalia University waxa ay kaalin weyn ka qaadatay Horumarka degaanka, iyadda oo ardayda degaanka ay ku Mashquulsan yihiin sidii ay ugu mid noqon lahaayeen ardayda wax ka barta Jaamacadda.

Sidoo kalena waxa Jaamacadda hawadda soo gelisay web ay si gaar ah u leedahay kaas oo lagu magacaabo www.eastsomaliauniversity.com .

Sawir Qaade: Deeq Sheeno

Waxaa soo tebiyey:
Abdiweli Gooni , Email: gooni@hotmail.co.uk


Urur Loogu Magacdaray Saaxiibada Nugaal University Of Laascaanood oo lagu Aasaasay Nairobi.

Waxaa maalinimadii shalay oo tariikhdu ahayd 02/10/2010, ka dhacay maagalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya shir ay soo qaban qaabiyeen xubno ka tirsan aqoonyanada SSC ka soo jeeda ee dalkan Kenya jaamacadahooda wax ka dhiga.

Kulankan oo ka dhacay Hotelka weyn, ee Nairobi Club Hotel oo ku yaala Bartamaha magaalada Nairobi ayaa waxaa si weyn u soo qaban qaabisay Aqooyanahad Aamina Ahmed Jabbane. Kulankan aya waxaa soo xaadiray Aqoonyahano ka kala socdey, Jaamacado, Ururo Caalami ah, Shirkado waa weyn oo Ganacsi iyo Bangiyo.

Waxaana ka mid ah, Jaamacada Nairobi University, oo ay ka kala socdeen Drs: Shuale Kiki iyo Dr: Ibrahim Yuusuf oo labaduba macalimiin ka ah jaamacaadaasi, Drs: Deeqa Sheikh oo ayaduna Macalimad ka ah Jaamacada Kenyatta University ee Nairobi, Pro: Hassan Rashid oo Macalim ka ah asaguna Jaamacada USA ee Nairobi, Dr: Kamow Kerete oo ah dhaqtar xaga Cilmi Nafsiga ku takhakhusay kana shaqeeya Cusbitaalada waa weyn ee dalka Kenya, Omar Mohamed oo ka socday Media Digital Compay, Hashim Ali oo isna ma teleyey Shirkada Hass Petroleum. Fatumo Abdi oo ka socotey First Community Bank, Aamina Jabbane oo ah isku dubaridihii shirka oo asayaduna ah madaxa khayraadka dabiiciga ah ee Gulf African Bank, Salim Hayat oo ka socdey shirkada Lion King LTD. Dr:C/rashiid Jaamac Kariye, Ganacsade ka mid ah SSC-kenyan.

Iyo qaarkale oo badan, shirkan oo Ajandhihiisu ahaa sida ugu sahlan ee loo caawin karo, ardeyda jaamacada Nugaal ee Laascaanood, ayaa waxaa Shir gudoominayey Pro: Hassan oo ka socdey Jaamacadda USA Nairobi, Gudoomiyaha ayaa wuxuu qofkastaba ka codsaday in uu magaciisa iyo halka uu metelayo sheego, waxaana is barasho iyo qadimaad kadib loo gudbey Ajandhihii shirka.

Ugu horeyn waxaa laga codsaday Martidii meteleysey Jaamacada Nugaal oo uu ka mid ahaa Pro: C/Risaaq Lafoole iyo Eng: Hassan Hadji oo ka mid ah Qurba joogta SSC in ay sharaxaad ka bixiyaan jaamacada, halka ay ku taalo, baahideeda iyo inta qaybood ee ka kooban tahay.

Waxaaa ugu horeyn hadalkii qaatay Eng: Hajji oo ka sheekeeyey jaamacada, waxbarashada guud ee dalka Soomaaliya. Wuxuna sheegay tan iyo intii ka dabeysey burburkii dawladii Soomaaliyeed in aysan jirin wax barasho dhamasytirin, taasoo sababtay buu yidhi in dhalintii Markey waayeen wax barasho ay noqdaan, Jidgalayaal, Afduubayaal iyo Budhcad badeed.

Wuxuuna sheegay in jaamacadan Nugaal ay tahay mid ka mid ah kuwa ay abaabusheen bulshada deegaanado, ka dib amrkii ay meesha ka baxday dawladdi dhexe ee Soomaaliyeed. Wuxuu sheegay in jaaliyadaha debeda oo kaashanaya dadka gudaha ay hirgeliyeen Jaamacadan.

Wuxuuna hadalkii ku soo dhaweeyey Gudoomiyaha Jaamacada C/Risaaq Maxamed Aadan Lafoole, Pro: Lafoole ayaa wuxuu halkaas ka soo jeediyey warbixin dheer oo uu ka soo bilaabay soo unugtii jaamacada iyo heerarkii kala gedisanaa ee ay jaamacadu soo martay, wuxuu sheegay in uu aad ugu mahadcelinayo kuna faraxsan yahay in uu arko dad wada aqoonyahano ah, kuna nool dalkan wax barashadiisu la mid tahay kuwa reer Yurub , isla markaana daneenaya waxbarashada Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Sool.

Wuxuu sheegay in maanta dadkan waxa ay ka fili karaan ay tahay in ay aqootooda wax ka siiyaan Jaamacada Nugaal ee Laascaanood iyo Ardeydeedaba. Wuxuuna sheegay in ay aad u soo dhaweyn lahaayeen waxkasta oo xidhiidh ah oo dhex mara jaamacada Nugaal iyo jaamacadaha kale ee ay ka socdaan Aqoonyahanadani.

Ka dib warbixinta Gudoomiyaha ayaa waxaa loo dhaadhacay, Su’aalo fara badan oo la waydiinayey Gudoomiyaha jaamacada, kuwaasoo dhamaantood ku saabsanaa Jamaacada. Su’aalaha oo la soo marsiinayey Shir gudoonka ayaa si toos ah hadana loogu soo gudbinayey Pro: Lafoole, waxaana ka mid ahaa Su’aalihii la weydiiyey in uu sheego cadadka ardeyda hada jaamacada ku jirta, wuxuuna ku sheegay in ay yihiin 521 arday. Drs: Shualla ayaa waydiisay Mr Lafoole inta haween ka ah cadaasku wuxuuna ku sheegay ilaa 110 taasoo noqonaysa boqol kiiba labaatan tirade 521 ga ah.

Wuxuu sidoo kale sheegay in inta badan Scholar ship-yada ay helaan ay siiyaan haweenka si beey dheehee kor loogu soo qaado hamigooda wax barasho iyo quluubtoodaba. Arintaas ayey si weyn u soo dhaweeyeen dhamaan Aqooyanadii iyo ganacsatadii halkaas iusgu yimid.

Sidoo kale waxaa wax laga weydiiyey, xaga amaanka, su’aal ahayd macalinkii loo diro Laascaanood si uu ardeydiina ugu soo fgaa’ideeyo amaan ma helayaa? Wuxuuna kaga jawaabay Lafoole in dadka Soomaaliyeed ay inta badan xushmeeyaan macalimiinta iyo dadka aqoonta leh. Wuxuuna sheegay ilaa iyo intii ay bilaabeen hawshan Jaamacada in aysan jirin macalin weerar loogu gaystay Laascaanood.

Asagoo sheegay in labo macalin oo u dhashay Kenya ay hadaba ku sugan yihiin Laascaanood, wuxuuna sheegay in uusan dhahayn amaanku waa boqolkiba boqol hadana aysan jirin wax shido ah oo la soo dersay macalimiintiisa.

Ka dib su’aalaha ayaa waxaa loo gudbey qaybtii u danbeysey ee Ajandhaha shirka oo ahayd, sidee wax loogu qaban karaa Jaamacada ? Taasoo la isla gartay in dhamaan dadkii shirka isugu yimid ay noqdaan Urur loogu wanqalay Saaxiibada Jaamacada Nugaal ee Laascaanood{ Friends Of Nugal University In Laascaanood} FNUL. Kuwaasoo shaqadooduna noqon doonto u Ololeynta jaamacadan iyo kor u qaadideeda aqooneed ee ardayda dhigata. Waxaana ay kaloo sameyn doonaan in dhamaan dadka xubnaha ka ahi ay ugu yaraan kala badhkood u tagaan Jaamacadan macalimiin ahaan, wakhtiyada fasaxooda ama wakhti ka mid ah wakhtigooda shaqoba.

Waxaana isla shalayba halkaas lagu doortay madaxdii ururka oo lagu soo koobay afar xubnood, kuwaasoo loo doortay gudiga fulinta ee Ururka FNUL.

Waxayna kala yihiin sedan.

1: Hashim Ali Gudoomiye Kana Socda Hass Petroleum

2: Drs: Deqa Sheikh Gudoomiye ku xigeen Kenyatta University

3: Aqoonyahanada Aamina Ahmed Jabbane Xoghayn Gulf African Bank.

4: Dr: C/rashiid Jama Kariye Madaxa dhaqalaha Ganacsade.

Waxaana dhamaan dadkii kaloo dhan ay noqdeen xubno rasmi ah oo ka tirsan ururkaas la magacbaxay Friends Nugaal University Of Laascaanood. Waxaana lagu balamay in shirarka danbe iyo hawlgalada la geli doono laga sugo madaxda la doortay kuwaasoo ka soo shaqayn doona arimahaasi.

Dhanka kalena Gudoomiyaha Jaamacadda Nugaal University Pro: Lafoole ayaa wuxuu ka qayb galaya shir caalami ah oo loo qabtay dhamaan Jamaacadaha Afrika ku yaalo, taasoo ay qabanayso dawladda dalka Spain. Waxaana shirkaas Soomaaliya u meteli doona Jaamacada Nugaal ee Laascaanood iyo Jaamacada Banadir ee magalada Muqdisho.

Gudoomiyaha ayaa hada ku sii jeeda dalkaasi Spain si uu uga qayb galo kulankaasi muhiim, kaasoo lagu wado in faa’idooyin badan oo xaga Waxbarashada iyo horumarinta jaamacada ah laga la soo kulmo.

Suleiman Xaashi Dheere.

Xaashidheere1@yahoo.com

Nairobi,Kenya.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Waxbarashada Soomaaliya: Muqdisho, Qardho iyo Lascaano iyo Warar Goos goos ah… "

  1. Abdul says:

    Dadaalada loogu jiro ubadkeena soo kacaaya, wax lagu farxo weeye. Haddi aan laga caajisin oo sidaas lagu sii wado dadaalka. Waxaa shaki ku jirin, in laga kaban doono bur-burka iyo dhaqan roggan gaadhey dalka. Aqoon ba wax bedesha oo anshax wanaaga iyo kala dambeynta curisa, kalsoonida ku abuurta shaqsiga, isku filaasho gaarsiisa bulshe degan leh.

    Aqoon darro, waa dibu dhac, indha adeeg, isku dhererin iyo wixi ilaahey naga xarameeyey oodhan.

    Fadlan, maqaalada noocan oo kale ee Ummada la wareeriyey oo wadadi mustaqiimka ahaa laga weeciyey noo badiya, si tusaale iyo toosin ugu noqoto.