Home » Maqaallo »

Sideed ugu xamaalan kartaa Qatar? . Q.7aad | Al-Hasani

Noolasha Doha iyo in caruurta lagaysankaro(A)

Assalaamu Alaykum. Aad ayaan ugu mahad celinya intiinii ila soo xariirtey ee iga codsaday inaan warbixin ugu soo diyaariyo noolasha Doha . Dabcan, waa dadka Europe iyo meelahaas jira ee raadinaya meeshii ay ula cararilahaayeen caruurta!

Sida caadada ah waxaan xasuusinayaa walaalaha kucusub maqaaladan taxanaha ah inay dib u eegaan qoraaladii hore si ay sheekadu ugudhamaystiranto.

Noolasha Doha maqaalibaa!

Noolal qaali ah maxaa loo yaqaan? Maxaa lagu qiyaasi karaa inay noolashu qaali tahay iyo inkale? Ma jiraa tacriif laysku raacsanyahay waxa ay tahay noolal qaali/rakhiis ah? Jawaabta adiga ayaan kuu daynaya!

Noolasha waa nin iyo taagtiis; midbay kutagantahay,midna waa loo yara dabciyay si kumeelgaar ah. Wadan iyo tuula kasta oo aan aduunka ka tagay ma arag qof igu yiri noolasha waa inoo jabantahay. Qofka meel kale kayimaada ayaa xukumi karo isagoo isbarbardhigaya labada meelood!

Qurba-jooga marka ay wada sheekeysanayaan,ninba dira $ 50 oo kuleh reerka waa kufilantahay Al-xamdulillaah.  Midkale, bishii lacaga farabadan ayaa daafaca  aduunka -ilaa $1500 , islamarkaasna bisha oon dhamaan ayuu telephoneka soo taaganyahay isagoo kuleh ‘biilkii waa go’ay! Miyaadan wax soo direyn? Malaha waa kaligiis oo noolasha ayuu meelkale kataaganyahay!

Qiso gaaban: 1991 markii lagu soo qaxay Kenya ayaan waxaan lasheekeystay nin Kenyan ah oo kashaqeeya istiqbaalka hotelka aan ku soo dagnay. Waxan waydiyey –faduul ahaan inta caruur uu leeyahay iyo waxa uu qaato lacag ahaan. Wuxuu ii sheegey inuu leey

ahay 3caruur ah iyo inuu qaato lacag KSH 2000 oo aan markaas kuqiyaasay $30!

Intaan yaaban ayaan ku iri: Sideed ugu nooshahay lacagta intaan la’eg?

Inta  igu qoslay ayuu iigu jawaabay: My friend, you have to economize it! Waa inaad isdeeqsiisaa waxaad helikartid! Waa hadal aan qaamuska Somalida kujirin laakinse gadaal ayaan ogaaday sirta meesha kujirta tahay- bisanka uqabo oo waxaaga biyo-biyeeyso! Qorshe miisaniyadaada kudhisana dajiso!

Guryaha, korontada iyo biyaha

Guryaha, qofkii shaqo wanaagsan helo, arintaas waa iska xalismaysaa oo shaqooyinka intooda badan waxay bixiyaan housing allowance fiican ama guri ayaa lasiinaya. Qofkii muruq-maal ah oo aan guri lasiin godkiisay biyo ugu galeen, waa inuu raadsadaa meelaha masaakiinta dagaan- machengo(xaafadaha muslimiinta kadagaan East Africa! Haddiiba lahelikaro).

Mushkilad kale oo kasoo cusboonaatay Qatar, guryihii qadiimka ahaa waa laduminaya oo wadanka waxaa kusoocota dhisma aan caadi ahayn.

Sidaas darteed dadka masaakinta waa kasii dabar go’ayaan Qatar oo wax kabaxa mooye wax kuma soo kordhan.

Waxyaabaha guryaha sii kicinaya waxaa kamid ah ayadoo dadka oo dhan ay kuwada noolyihiin hal magaalo- Doha. Wadanku malaha magaalooyin badan oo dagaan ah. Dhowr magaalo oo yar yar ah ayaa jira laakinse waa dhul warshadeed oo xaasaska madagaan. Si’aad fikrad ugu qaadatid qaymaha guryaha fadlan halkan kafiiri http://www.qatarliving.com/node/97528#comment-368606

Korontada iyo biyaha

Horay ayaan umaqli jirey in Carabaha batroolka ayaa ka rakhiisan biyaha lacabo, hadalkaas waxbaa ka run ah!

Wadama khaliijka guud ahaan, gaar ahaan Qatar waxay ahaan lahayd meel janna-aduunyo haddii ay jabnaan lahaayeen arimahan aan soo sheegney!

Imisaad umalaynaysaa in lagugu soo dalacaya haddii halkii  qolba uu AC leeyahay oo aan muda 9bilood ah aan hal saac ladaminayn kulayl dartiis? Biyahana waa intaas oo kale. Adigoo la liita noolasha kale ayaa hal mar korontada lagaa goosanaya haddii aadan dhiibin!

Gaadiidka reerka ma’aha faakihaysi

Meel waliba nidaambay leedahay. Qoyskasta oo halkan  dagan waxay unool yihiin sida qoyska Qatariga. Reerku waa qasab inuu leeyahay gaari oo lagama yaqaan bus iyo train ay dumarka iyo caruurta raacaan.

Waa qasab inaad leedahay ugu yaraan hal gaari haddii aadan awoodin labo. Haddii uu reerka dhowr meelood ukala kalahaya, waa  qasab in lahelaa gaari 2aad iyo cidii kaxaynlahayd haddii aanu xaaska iyo caruurta midna ku caawinkarin.

Kadaroo dibidhal, gaari qadiim ah lagama yaqaan, waa inaad raadisa gaari cusub. Gaari cusubna waa inaad kuraadisa dayn( bank), xalaal miyaa mise waa xaraam, waa dood furan. Taasina waa waxyaabaha noolasha sii qaaliyey oo aanay dadka kusoo xisaabtamin.

Waxbarasha caruurta

Waxbarashada caruurta waa qaali gaar ahaan iskuulada sida gaar ah loo leeyahay.

Waxbarasha ilaa iyo dugsiga sare waa lacag la’aan haddii aad dowlada ushaqaysid oo aad doonaysid inaay ilmaha kuu dhigtaan iskuulka Carabiga. Waxaa lagaa doonaya oo kali inaad soo iibsato uniformka iyo buugagta, iyo lacag yar oo transportiga baska oo sanadkii mar laqaado.

Marka dugsiga sare uu bilaabo ilmaha transport malahan oo adiga ayaa lagaa rabaa inaad gaysatid/soo qaadatid. Kaaga daranka, wiilka iyo gabadha iskumeel ma aadayaan oo waxaad ubaahanaysa labo transporti- waa kifaax kale oo noolasha sii adkaynaya.

Qofka ushaqeeya shirkadaha wanaagsan, waxaa loo ogalyahay ilaa iyo 3 cunug in waxbarashadood laga bixiyo haddii uu gaysanaya iskuul khaas ah!

Iskuulada kala duwan ee aad kahelikartid Qatar

1. Dugsiyada ay dowlada gacanta kuhaysa ee lagu dhiga manhajka wadanka oo maadooyinka oo dhan waxay kubaxan luuqada Carabiga  marka laga reebo English oo maado ahaan loo qaato.

2. Independent schools, waa qayb kale oo kamid ah iskuulada dowlada ay maamusha. Waa nidaam madax banaani lagu siinaya mudiirada iskuulada si’ay usoo saaran jiil kaduwan kuwii hore oo lajaan qaadi kara isbadalka wadanka kasocda.

Su’aalo badan ayaa katagan nidaamkan, gaar ahaan dhanka aqoonsiga shahaadada oo dad badan ayaa waxay sheegayeen in wadamada Khaliijka aysan aqoonsanayn nidaamka laakinse dowlada hadaf ayay kaleedahay!

Dugsiyadan 50% maadoyinka waxaa lagu dhigaa dhigaa luuqada English, sanadaha soo socdana waxaay noqonayaan 100%  English haddii aanay siyaasada iminka jirta wax iska badalin.

3. Iskuula international ah oo ganacsi ahaan loo furtay oo yurub iyo America kayimid.  Tayadooda inta aan laysla gaarinba, si’aan caadi ahayn ayay qaali uyihiin oo waxaa loogu talo gaalay ayaad isleedahay gaalada halka ama labada cunug wadata. Halkan ka eeg iskuul kuwaas kamid ah http://www.aja.edu.qa/admission-fees.php

4. Iskuulo ay leedahay jaaliyadaha kaladuwan ee wadanka dagan ee doonaya inay waxbarashada wadamadooda kuxirmaan si markay caruurta ku noqdaan wadamadooda halkaaas ugu siiwataan.

Intaan ogahay, jaaliyad waliba oo wadankan dagan iskuul ayay leedahay marka laga reebo Somalida inkasta oo aan kamid nahay jaaliyadihii ugu soo horeeyeen ee wadankan yimid!

Sidaas darteed, dhibaato wayn ayaa naga haysato inaan caruurta gaysano iskuulada jaaliyadaha oo waxay uhaystaan caruurta inaay dhaleen warlords.

Walaalyaal maqaalka oo wali socda, intaas ayaan kujoojinaya qaybtaan. Inta aan kulmayno markale, waxaan idinleeyahay ‘Somali ha israacdo, Rabigeedna ha utowbadkeento‘ Rafaadka waxaa looga bixikaro oo kali anagoo wadanka dajina.

Qaybtii hore: https://somalitalk.com/tag/al-hasani/

Adam Abuzuhri Al-Hasani

Email: abuzuhri1@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Sideed ugu xamaalan kartaa Qatar? . Q.7aad | Al-Hasani "

  1. Mh Mohammed says:

    ASC,,,

    Walaalkay Al Hasani,, Waxaan qaxooti ku ahay wadamadaas reer galbeedka aad ayaana u rabi lahaa inaan waxbarasho jaamacadeed ka helo Qatar,, si gooniuya ayaan kuula soo xariiri doonaa insha alaah.

  2. Jazaakumallahu khayra intiina tacliiqa saartay maqaalkan; gaar ahaan Micraaj, Awgaab, Ahmad Md iyo dulmidiid. Aad ayaan ugu mahad celinaya walaalka igu dhiiri galiyey inaan macluumaadkan urogo buug 300 pages ah, waa talo iga maqnayd laakinse malasocotaa hadalkaada kahorba inaan u arkin in warbixintaan qaymo sidaas ah leeyahay- dhabcan qoraalka qaymihiisa waxaa sheegi kara dadka akhristay. Waa fikrad aan kudadaali doona inaan ka run sheego.
    Walaalka isoo waydiyey macluumad kusaabsan xamaalka, fadlan dib ufiiri qoraalka qaybtiisa 1aad iyo 2aad oo aan filaya inaad kaheli kartid arciveka Somalitalk.com; haddii kale ila soo xariir si’aan sitoos kugu soo diro.
    “Somali ha israacdo, Rabbigeedna ha utowbadkeento’
    Wasalaamu Alaykum

  3. AXMED MOHD says:

    walaal waxaan ku waydiinayaa in aad faah faahin ka bixiso marka aad ka waran tay Nolosha Magaalada Qatar waxaad ka warantaa Qofka Shaqaalaha aha warshadaha ka shaqeeya muxuu Qaataa
    muxuu ku shaqeeyaay maxaase ugu badan oo Laga shaqeeyaa
    walaal waxaan Rabaa in aan imaado hadii Allah idmo oo ay ii suura gasho
    walaal markaa waxaan kaa doonayaa Adiga oo Raaliya war bixin Dhamaystiran
    ii soo dir walaal .

  4. Awgaab says:

    A/c
    Walaalkiis Qoraalka Kale Bal Ku So Dar Maciishada, Kirada Guryaha, adeega Caafimaadka, iyo Ganacsiga meesha Yaala Mahadsanid

  5. dulmidiid says:

    Maasha Allaah qoraalkaan aad iyo aad ayaan ugu helay.
    walow aan hadda ku fikireeynin inaan usoo guuro qatar, haddana
    waxaan ke helay macluumaad aad u heersareeysa jzk khair Al-Hasani
    Qoraaladaan waxaa loo isticmaali karaa jaamacadaha soomaali marka laga sheekeynaayo wadamada aduunka taariikhdooda iyo hab nolool maalmeedkooda.
    Ah-Hasani markaad dhameeysid maqaaladaan book ka kooban 300 page ah ma dhignaa oo ciwaankiisa yahay
    ku noolashaha qatar iyo sidii aad ugu bad baadi laheed.

  6. micraaj says:

    Asalaamu calaykum

    waxaan aad ula socdaa qoraalkan inaan lagu qorin layiri ee ninka qoray uu xog-ogaal uyahay xaaladaha uu ka sheekeeynaayo oo dhan, runtii waxaa muhiim ah in laga faa,ideeysto sahankaan oo anfacaayo dhamaan dadka doonaya inay ku noolaadaan qaarad, wadan, magaalo, iyo waliba xitaa xaafad cusub oo qaybaha hada uu ka hadlay walaakeen aad adna iska hubiso waanan uga mahad celinayaa.