Home » Faallo »

Joornalka Al-Ahram ee Masar oo Dhaleeceeyey Puntland Soomaaliya, si wayna ugu gafay shacabka Puntland

Sida uu qoray joornaalka Al Ahram ee ku hadla afka Dowlada Masar qoraladii maalmihii Isniintii, Arbacadii iyo Khamiistii oo ay taariikhdu ahayd (27, 29, 30/09/2010), wuxuu shaaciyey in dawlada Puntland ay xiriir la leedahay burcad badeeda Somaliya ka jirta.

Qoraagan oo lagu magacaabo Ayman al Siisi ayaa maqaalkiisa taxanaha ah u soo bandhigaya si ka fog asluubta iyo anshaxa saxaafada isla markaasna aan ka tarjumayn xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta Puntland Somaliya, ninkaan qoraaga ah ayaad moodaa inuu iska indha tirayo waxyaabaha wanaagsan ee ka jirta dowlad goboleedka Puntland ee Somaliya sida hormarka ganacsi, koboca tacliinta iyo caafimaadka sidoo kale dacwada iyo wacyigalinta ay culumadu ka wadaan masaajidada iyo dhamaan xarumaha guud.

Ninkaan ayaaa qoraalkiisa wuxuu uga hadlayaa kaliya xumaanta oo uu buubuuminayo, sida uu dhigayo degaanada Puntland xaqiiqda ka jirta meel ay isugu yimaadaan sirdoonka dowladaha ajnabiga, maamul iyo burcad badeed wadashaqaysta,dumar jirkooda ka ganacsada, iyo dad wada dawarsada, taasoo ah siduu u dhigay dhab ahaantii wax xaqiiqda ka fog oo aan sal iyo raad toona lahayn.

Qoraagaani waxuu gaf iyo meel kadhac wayn ku sameeyay shacabka puntland oo dhaqan soo jireena leh waxaana isla markaa uu meel kaga dhacay oo wax aan jirin ka sheegay degaanka puntland.

Hadaba qoraagan oo qoraaladiisa kusoo bandhigay sawiro aan islahayn muuqaaladooda iyo siduu hadalka u dhigay.

Intaanan u gudbin ubucda qoraalka saxafigaani qoray waxaan akhristow rabaa inaad ogaatid maxay tahay jariidada al ahram.

JARDIIDA AL-AHRAM (جريدة الاهرام)

Al ahram waa wakaalad warbaahineed oo ku hadasha afka dawlada Masar isla markaana waxaad moodaa qoraalkan uu soo bandhigay saxafigaani inuusan ahayn qoraal isaga kaliya ku kooban ee waxaa cad in isaga, tafatiraha (اسامة سرايا) iyo maamulaha guud (دكتور عبدالمنعم سعيد) ee wargaysku ay isku ogyihiin, sidoo kale ay iyaduna meesha ku jirto siyaasad ku talo gal ah ee ay raali ka tahay xukuumada dalka Masar maxaa yeelay joornaal kasta oo ka soo baxa wadankan wuxuu soo maraa kormeer guud inta aan lagu soo shaacin.

BOSASO

Saxafigani ayaa wuxuu kaga yimid Bosaso dhanka yemen isagoo ka soo safray dekadda Mukulla, yemen oo 180mile u jirta magaalada Bosaso, wuxuuna ku yimid Bosaso doon, sidaa daraadeed waxaanan hubin in markuu yimid Bosaso la baaray lana waydiiyey  ‘visa’ inuu wato iyo in kale, iyo

danta uu uyimid puntland, waxaana laxaqiijiyey in saxafigaani uu waydiistay ‘visa’ danjiraha Somaliya u fadhiya dalka Masar mudane Cabdalla Xassan, loona diiday ‘visa’daa.

Magaalada Bosaso wuxuu ka qoray ayaan waxaan ku soo koobayaa qoraalkan soo socda.

“Bosaso waa magaalada ugu caansan puntland waxaana kutaal dekadda ugu muhiimsan geeska afrika waxayna qiblo u tahay ganacsatada iyo dadka shaqodoonka ah, kuwa dawarsada, tuugada, burcad badeeda, sirdoonka dawladaha shisheeye,dumarka jirkooda ka ganacsada, waxay sidoo kale xarun u tahay maleeshiyaad uu sameeyey maraykanku waxaana ku yaal xabsiga ugu weyn puntland”

XIRIIRKA KA DHEXEEYA MADAXDA PUNTLAND IYO BURCAD BADEEDA.

Waxaa uu saxafigaani yiri “ waxaa puntland ka jito

mamul ama mu’asada ka kooban 66 xubnood iyo sidoo kale madaxwayne iyo madaxwayne ku xigeen waxaana taas loo yaqaana dowlada puntland , lakiin xaqiiqda dhanta ahi waxay tahay taasi ma ahan xukuumade waa golaha burcad badeeda “.

Waxaa uu yiri isagoo sii wada hadalkaas” shacabka puntladn oo tiradiisu tahay 2.5 malyon gaajo ayay naflayihiin waxaana ay wadooyinka ka tuugsadaan wadooyinka , halka golaha dowlad oo ah burcada madaxdeeda ay malaayiin doolara ay ku heleen muda kooban”.

Saxafigaan ayaa wuxuu qormadiisa ku sheegayaa in madaxwaynaha puntland cabdirixman faroole iyo wasiirka arimaha gudaha cabdilaahi ilka jiir ay xiriir toos ah la leeyihiin burcad badeeda, wuxuuna ku darayaa qoraalka madaxwaynaha faroole markii la dooranayey in abshir booyax oo uu ku sheegayo madaxa burcad badeeda uu Faroole usoo mariyey lacag dhan 1000.000$ hal milyan oo doolarka maraykan ka ah ninka lagu magacaabo Maxamed Kediye, si Faroole uu ugu laaluusho baarlamaanka puntland si ay ugu doortaan madaxwaynaha puntland.

Sidoo kale wuxuu qoray, hadalka had iyo jeerka soo yeera madaxwey

ne Faroole ee ah inuu la dirirayo burcad badeeda ayaa ah mid kaliya uu ku dejinayo kacdoona dadwayna iyo carada culumadu ay uga soo horjeedan burcad badeeda.

Dhawr jeer ayaa culumadu ka hadleen misaajidada kuna booriyeen maamulka inay la diriraan burcad badeeda, sidoo kale indheer garadka iyo isimada uu kamid yahay islaan Ciise ayaa ka hadlay arintaas.

Sida uu hadalkiisa u dhigay saxafigaani,  dhowr jeer ayaa islaanku u yeeray madaxwayne Faroole si uu ugu dhiiri galiyo dawlada inay la dagaalamaan burcad badeeda, laakin Faroole ayaa arintaas ka dhaga adaygay oo ku andacooday inaysan dawladiisu awood iyo itaal ay kula dirirto burcad badeeda aysan hany, arintaas ka dib islaan Ciise ayaa iskaga tagay caasumada Garoowe oo abaaray xaga baadiyaha Xasbahalle, kadib markii uu ogaaday in madaxwaynaha Faroole qudhiisu uu xiriir la leeyahay shufta badeedaas waa siduu hadalka u dhigaye.

Dhanka kale wuxuu saxafigaani cadaynayaa inuu helay joornaalka Al-Ahram koobi muhiim ah oo u ku saxiixan yahay Faroole taariikhdu markay ahayd 7.11.2009 qoraalkaas ayaa wuxuu ku socday xukuumada Yemen siiba wasaaradaha kala ah

  • Wasaarada arimaha gudaha
  • Wasaarada badaha iyo kaluumaysiga
  • Iyo taliyaha ciidamada ilaalinta xeebaha Yemen

Qoraalkaas ayaa ku saabsanaa sida uu leeyahay saxafigu kanoqoshada hishiis hore oo uu Faroole ugu ogolaaday ninka lagu magacaabo Saadiq Shire oo leh madaxna u ah shirkad lagu magacaabo UNIFISH, si ay shirkadaani u ilaaliso ugana hortagto burcad badeeda kana cayriso xeeba puntland, ninkaan lagu magacaabo Saadiq Shire ayaa wuxuu ka codsaday Faroole markii uu u ogolaaday hishiiskan inuu la socodsiiyo xukuumada Yemen laakin Faroole ayaa hishiiskaas ka noqday waxaana ku kalifay sida uu leeyahay cadaadis kaga yimid dhanka burcad badeeda.

Qoraagan ayaa wuxuu sidoo kale ku tilmaamaya in wasiirka arimaha guduhu ‘Ilka jiir’ xiriir toos ah la leeyahay burcad badeeda, uuna ku caawiyo raashin, khamro, qaad iyo hub, isagoo ku cadaynaya wasiirka wixii soo gala burcad badeeda inuu la qayb sado.

BURCAD BADEEDA

Ninkaan ayaa wuxuu ku sheegay burcad badeeda munadamo weyn oo uu madax u yahay ninka lagu magacaabo Abshir Booyax, waxaa jirtay mar la xiray ninaas laakin hawshiisa hogaamineed ayuu ka waday xabsiga gudihiisa isagoo ay waliba kaalmaynayaan masuuliyiin reer puntland ah, wuxuuna qaybtiisa kulaha isagoo xiran hawl gal kasta oo ay burcad badeedu sameeyan waa siduu hadalka u dhigaye, burcad badeeda ayaa waxay xiriir la leeyihiin magaalada Mukulla,Yemen ee dekadda ah waxyna ka soo iibsadaan doonyaha dheereeya iyo laashashka, hubka,qalabka isgaarsiinta, iyo qolabyo kale oo ay u adeegsadaan hawlaha burcad badeednimo, waxay kaloo warshado kaluumaysi ka fureen degmooyin ka mid ah puntland waa siduu hadalka u dhigaye.

Qoraagan ayaa qiyaas ahaan sheegay inay burcad badeedu dhan yihiin ilaa 1500 kun iyo shan boqol oo qof, iyo ilaa 10000 toban kun oo qof oo ku tiirsan lana shaqaysta burcadaas qabtana hawlaha kala ah, waardiyayaal, dareewalo, kuwo u dhaamiya biyaha, dumar dhilooyin ah, wuxuu soo qaadanaya saxafigaani tusaale been abuur ah isla markaasna ka fog xaqiiqda wuxuuna sheegay inuu la kumay nin soomali ah oo uu magiciisa ku sheegay S. C. Oo ku biiray burcad badeeda wuxuuna kasoo sheegay sidan

“mahaysan shaqo aniga iyo caruurtayda oo 6 ah waxaanna ku noolayn dawarsiga xaaskayga ay ka soo dawarsato hotel lada Bosaso hortooda, kadib markaan arkay saaxiibkay oo reer Garoowe ahaa oo isbedelay waxaan la yaabay barwaaqada cusub oo ka muuqata markan waydiiyey wuxuu iisheegay saaxiibkay inuu lashaqaysto burcad badeed beeshiisa ah, markaas ayaan go’aan waxaan ku gaaray inaan ka mid noqdo burcad badeeda si aan uga saaro xaaskayga iyo caruurtayda dawarsiga iyo nolosha xun oo ay ku jiraan isla markaasna aan u bilaabo nolol cusub“

DUMARKA JIRKOODA KA GANACSADA

Wuxuu qoray saxafigaani “waxaa jira tobanaan gabdho ah kuwaas oo u jiitay shilinku magaalooyinka burcad badeeda sida Ayl, Garacad, Caluula, Xarardheere si ay ula tuntaan burcad badeeda, gabar kasta oo isu aragta in jirkeedo soo jiidanayo ragga waxay tagtaa magaalooyinkaas waxayna ku andacoodaan gabdhahaasi lacagta ragga yaga anagaa ka mudan naagaha shisheeye, waxaa kaloo soo baxay ragg fataallo ah oo isu geeya ragga iyo dumarka iskagoo carrabka ku dhuftay nin lagu magaca caabo Saalim oo uu ku sheegay muwallad kaas oo ka soo dhoofiya dumarka jirkooda ka ganacsada ee ajaanibta ah dibada isagoo usoo kala xulaya mid kasta oo burcadaas ka mid ah noocuu ka helo iyo tilmaaha ay u dirsadaan sida dhererkeeda, miisaankeeda, midabkeeda, iyo kalarka indheheeda”

Halkaa waxa ka cad inuusan saxafigaani kala reebin dhamaan dumarkii Somaliyaliyeed isagoo ku tilmaamay qofkii dumar ah oo qurux isku aragtaaba inay u talaabto dhilaysi iyo akhlaaq xumo, sidaas daraadeed waxaad dareemaysaa in qoraalkiisu uu been abuur iyo buumbuumis yahay isla markaasna uu meel kaga dhacay sharafta gabadhaha soomaliyeed.

Ninkaan ayaa wuxuu qoraalkiisa ku sheegayaa in la xiray mar mukhaabaraadka Itoobiyana ay daba gal ku sameeyeen, sidoo kalena uu dhowr jeer ka bad baaday isku day dil loogaynsan lahaa ilaa markii dambe qaar ka mid ah masuuliyiin ka mid ah dawlada puntland ay si hal haleel ah diyaarad uga soo saareen airport ka magaalada Bosaso waa siduu hadalka u dhigaye.

GUNAANADKII IYO GABAGA GABADII

Talo soo jeedin ku socota maamulka puntland, isimada, culumada, iyo dadweynaha

  1. Waa in dawlada puntland an ka gilgilataa isla markaana cabasho ka muujisa, si deg deg ahna jawaab uga bixisaa been abuurkan wax loogu dhimayo maamulka iyo umada degta puntland.
  2. Waa in si fiican loo baaraa cid kasta oo soo galaysa puntland, gaar ahaa dhulka iyo badda.
  3. Waa in la hubiyaa dalkugalka qofka ajnabiga ah oo soo galaya dalka iyo dantuu u yimid.
  4. Dawaladu waa inay la timaadaa qorshe isla markaasna ay muujisaa ficil dhab ah oo ay kula dagaalamayso burcad badeeda.
  5. Isimada iyo culumaa udiinku waa inay wacyi geliyaan burcad badeeda.
  6. Waa inay wada ilaaliyaan dawlada, iyo shacabka puntland sir hooseedka dalka.
  7. Waa inuu maamulku xooga saaraa siduu ula diriri lahaa maan dooriyaasha sida daroogada iyo khamriga iyo dhamaan anshax xumada.

Fiiro gaar ah.

Qoraalkani waa tarjumaad kooban oo lagu sameeyey qormooyinkii uusoo gubiyey ninkan saxafiga ah, isma markaasna qoraalkii asalka ahaa qaybaha uu qoray ay ka mid tahay waraysi ninka uu ku magacaabay Abshir Booyax hoos ayaad ka heleysaa linkiga, waxaanse xooga saaraynay Tarjumada inta ugu muhiimsan qoraalkan.

Tixraac Qoraalkii Ahram:

http://www.ahram.org.eg/302/2010/09/27/12/40874/219.aspx

http://www.ahram.org.eg/304/2010/09/29/12/41139/219.aspx

http://www.ahram.org.eg/305/2010/09/30/12/41316/219.aspx

Mahadsanidin

Qoraalk waxaa tarjumay.
Abdulqadir Nour Said
Saidnour@gmail.com

FG: Sawirada waxaa daabacay Al-ahram

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " Joornalka Al-Ahram ee Masar oo Dhaleeceeyey Puntland Soomaaliya, si wayna ugu gafay shacabka Puntland "

  1. inaqasim says:

    Qoraaga,baaridiisa aad bay runta ugu dhowdahay,ma waxaa la beeninayaa in faroole burcad badeed ehel u yahay,wiilasha yaryar ee laashka wata waxay u shaqeyaan maraakibta nato ee hoganaysa xeebaha Somaliya,faroole iyo inta ka ag dhowna waa agents u fadhiya Bosaso,waxaa kormeere(supervisor) u sii ah meles oo amarada loogu soo dhiibaa,qaad iyo khamri iyo naagaha xunxunna oo weliba loo soo xullo kuwa cudurada xunxun qaba qaxaan filayaa in dhoof loogu keeno,Gabdhaha Somaliyeed ee muxajabaatka ah ka hufan arintaas tii nidaamka gaalo raaca ah ay dhaldhalaa ku khaldaanna lax walba shilinkey is dhigtaa lagu qalaa.Culumadu raali kama aha burcad badeeda sidaa awgeediyaga iyo isimada wanaag doonka ah waa mid laga eryay Bosaaso iyo mid la xiray,Sheekh Cabdilqaadir Mumin waxaan filayaa inuu ka soo jeedo gobalkan balse wuxuu ka doortay inuu u soo hijroodo dhulka towxiidka iyo ribaadka.Marka hadii aad u qiiroonayso Puntland waa hore ayaad qiiroon laheyd ee yaysan ku dhibin in la sheego sharoole iyo jawaasiistiisa in la og yahay.

  2. DR Yusuf says:

    Anigoo ah oqoonyahan reer puntland ah waxaan qirayaa saxafigaan inta badan u qoray waa xaqiiq dhibta Puntland haystana waxaan ku jirnaa xiligii 70aadkii iyo kacaankii Somalia weliba u dheertahay qabyaalad iyo reer jeceleysi waana mid dhib iyo dhawac ku ah aayaha Puntland
    waa sax Khamriga,dhilada, burcadbadeeda,sirdoonada ajaaniibta iyo gaal jaceylka waxaas oo dhana waxaa ka masuula waa Dawlada,Puntland waxaa usoo haajirey waxii Jaad,Khamriile,Tuugo ,Dhilooyin,daroogiiste, Somaali iyo Ethiopian lahaaba waxeyna ku haystaan difaac iyo dhiiri gelin waayo waa meel aduunyadu ku ilaaliso iney ka hortagto shacaairta islaamka,maaha mid ay doorteen burcadbadeeda reer Puntland waase arin Dawlado ajnebi ahi ku tageeran taasna waxaan ka faaidney in nala qabsado,Puntland waa lahaystaa sidey udhantahay aduunyada oo dhan baana haysata waana Garoon la rabo in lagu legdamo waayo baddii oo dhan baa naloo fadhiyaa waxaana sugnaa waa intii aduunyadu isku fara saarto,Dawlada Puntland markeliya arintaas kama hadlin kamana munaaqishoon waa xoolo xero ku jira waxeyna isugu yeraan Magacyada Madaxweyne,kuxigeen,wasiiro,xildhibaano iwm waana Gangs ka yimi dibadaha sida Australia meeshan waxey ka cayrsadeen Gans kale oo ka yimi Canada waxaan ku talin lahaa Madaama ay Puntland tahay tusaale Qabiil in loo waco Mudane Cabdulaahi Yusuf Axmed haka odayeeyo meesha intuu noolyahay,xalkale maleh micnaha Dawlad leedahayna waan ka fognahay
    w/towfiiq

  3. Mohamoud Sheik Abdulkadir "Diyeeshe" says:

    Runtii maqaalka ku soo baxay wargeyska Alahraam, lama yaabin ee waxaa maalmo ka hor ka baxay talefishanka Aljaziira qeybtiisa carabiga taxqiiq ama raad raac uu sameeyay Saxafi u dhashay dalka Denmark oo warbixin dheer ka sameeyay Burcad badeeda iyo waxa ku qasbay arimahaas inay ku dhaqaaqaan.
    Qaar kamida burcad badeeda waxay qirteen inay xiriir la leeyihiin dowladda ka jirta halkaasi Puntland oo ay si laaluush ay u siiyaan kolka ay fidyada ama madaxfurashada ka qaataan qolooyinka ay ka soo qafaasheen Maraakiibta, waana arin ay si cad ah u qirteen.

    Warbixintii kusoo baxday Talefishanka aljaziira waxay ahayd mid maqal iyo muuqaal ah oo aan marna mugdi ku jirin, sidaa darteed waxaan kula talin lahaa qoraalka Maqaalkan inuu marka hore hubsado arimaha siday u jiraan oo qoraalkiisa u jeediyo dowladd goboleedka ka jirta halkaasi inay siyaasadooda dib u eegaan.

  4. runsheeg says:

    intaan hoose dib ha loogu noqdo oo waa sax sida burcad-badeeda waa u hooy meesha wax dowlad la yiraahdo ma jirtee waa qabiil been isu sheegaya, teeda kale shahaado la dirirka uu sameysanta mareekan waa SAX, tuugo tuugo dhasahay.

    “Bosaso waa magaalada ugu caansan puntland waxaana kutaal dekadda ugu muhiimsan geeska afrika waxayna qiblo u tahay ganacsatada iyo dadka shaqodoonka ah, kuwa dawarsada, tuugada, burcad badeeda, sirdoonka dawladaha shisheeye,dumarka jirkooda ka ganacsada, waxay sidoo kale xarun u tahay maleeshiyaad uu sameeyey maraykanku waxaana ku yaal xabsiga ugu weyn puntland”

  5. shaikh hamud says:

    been buu sheegay saxfigaasi xaqiiqaduu ka fgaaday alaahna waa kaga dheerday qraalkiisaas fsha xun ee uu ka qray dhulka puntland cqiaabana waa ku mutaysan dna Alaah kama cabsan uu markuu yiri dumarkaas oo dhan baa jirkda ka ganacasada sido kale wuu ku talax tagay markuu yiri farole baa byaax lacag siiyey war ilaah bana ku dhaartay boyaaax xili hore baa dhuunta nabar kaso baxay uu ka fariistay arintaas anaga taganay untland hada 201kii ogna wax kasta o ku saabsan jiri badeeda mar dhawaydna wa la xiray asago u shaxaad tagay buracad madaxfurasho soo qaadatay tan ah ilsaan ciise wuu ka been sheegay rabina wa ala xisaabtamaya islaankku garowe buu jga waa siyaadasad raqiis ah o maamulka farle lagu magac dilayey tan ah qoraalkiisa waxaan aaaminsanahay inay ka danbeeyaan dad neceb puntland iy kuwa donaya inay fashiliyaabn maamulkan ileen somalli waxay taqaan wax dumine

    ilaah baa ka jaasayn dna saxafigaa sdiy kuwii marin habaabiyey ee cuqdad /l la jiifa rabi ha idiin duleey sidaad u jecveshihiin dulaynta walalihiin

  6. NINkan maqaalkan jibada kusalaysan iyo beel difaacidda meesha soo dhigay iyo ninka sheekha isku suntayba waxaan ku odhan lahaa adeerayaal inta ay daan wax difaacin ama aydaan kahadal maqaalkaas waa in aad caddaysaan PL aad ladhacsan tihiin meesha iyo goobta ay kutaallo iyo in ay wax iska bedeleen iyo in kale.ma tii hore oo dhulkii lagu heshiiyey katalisaa mise waa mid saddexda xaafaddood ee beesha aad difaacayso degto laguna sheego in layidhaahdo PL .waxaan idinku odhan lahaa inta aad iska daysaan maqaalkan ay qiiro jabaaanta kudheehan tahay in aad meesha noosoo dhigaysaa waxaan idinka codsan lahaa in aad xaqiiqada kahadashaan kana talisaan sidii loo badbaadin lahaa PL-tan qarka kasii duulaysa oo sidii waalidda ah ay usocoto.PL waxaa wada dhistay dad walaalo ah,hal aabbana wada dhalay laakiin dadkii dhistay maanta kuma wada jiraan ee HAL BEEL,sidaa daraadeed kuwa qiirada indhaha la’lasoo shirtagayana dee adeerayaal waa kuwaa un.INA XUSEENA wadada uu lamaray sheekada waan ubogay.waana sax oo dee maqaalkaba muxuu kusaabsan yahay beel difaac aad magac weyn ugalisay oo ah IN PL wax laga sheegay.wax caddaymo ah umahaysid in ay waxwalba hagaagsan yihiin ee waa in aad isdejisaan oo qaylo dhaantan u eg tollaayeeyda waa lay maagayda ah iska daa oo waxaad qalinka uqaadataa in aad waxbadan saxdo. SHAKHSI Ayaan ahay ma aaminsani in ay wax PL ah oo ladifaaco wakhtina laysaga lumiyo jirto,markaa waxaaba kaaga qayroonaan lahayd adiga oo LABA RAK CADOOD iska tukada inta aad isleedahay TOLKA uhiili, yaadan jar katuurmin.waana idin salaamayaa.

  7. sheikh ali
    waxaan aad ugu xumahay meesha uu la maray ninka isku magacaabe ina Hussen , Ina Hussen ma garan warku meesha uu u dhacayo.ninka suxufiga warbixinta qoray danbuu ka lahaa qoraaladiisi xaqiiqda ka fogaa iyo aflagaada aha, ninkaan waxuu ka faa’ideysta abaalkii an u heynay masaari , masaarida sida la wada ogsoon yahay way na caawintay dagaalkii 1964 an la galnay Itoobiya, maanta oo la joogo somaliya waxaa jooga dhaqaatir masaari oo ka shaqeeya isbitaalada , kuwa xanaanada xooaha ah , macalimin azhariyiin ah, suxufiga intaaas ayuu faa’ideysta markaas asagoon laga shaki qabin ayuu maray meyl kasta puntland ah,
    markaas ayuu aad uu buun-buuniyey been aad u xad dhaaf ah,
    anigu waxaan u arkaa ninkaas suxufiga meyl in uu uga dhacay karaamada reer puntland ,[ waa in websid yada soomalida lagu qoro suxufigaas reer masar edeb-darada uu ku kacay,
    dad badan oo faroole ku kacsan oo reer puntland ah ayaa ku farxaaya suxufigaan waxaa uu qoray ,adeer faroole lama caayin ee waxaa la caayey oo meyl looga dhacay reer puntland oo dhan ee arintaan kuu baraaruga.
    wad mahad santihin

  8. Ina Xuseen says:

    Asalamu Calaykum

    Cabdulqaadir, walaal qoraal xiiso leh ayaad noosoo gudbisay, oo sidaad tilmaamtayna ahayn mid farax gelinaya Soomalida. Ninka qoray (Ayman) waxaa fiicnayd inuu akhlaaqda wartabinta dhawro, waxyaalo badana kala reebo ama si daahsoon u tilmaamo. Xiiso iyo xushmad la’aanba ha watee qoraalku, laakin hadana, intii aanan caadifoon oo aanan la boodin Puntland ayaa la aflagaadeeyay, waxaan mudannahay inaan iswaydiino maxay tahay maslaxadda ugu jirta Ayman iyo Al-Ahraam ama dowladda Masar qoraalkaas aanan quruxda badnayn inay kaqoraan Puntland iyo inay xaqiiq jirta yihiin waxyaalaha qaarkood ee uu qoray iyo in kale? Markaa kadib ayaan go’aan uga gaari karnaa si fiyyow oo uusan dareen kacsan la socon in loo jawaabo, in loo aad looga caroodo iyo in la iskaba aamuso oo aanan waxba lala fajicin. Hadaba labadaas su’aalood aan isla eegno:

    Maxay tahay maslaxadda ugu jirta Al-Ahraam?

    Inuu Ayman qaabkaa wax u dhigo ama waxyaalo badan miiska soo saaro, waa arin maslaxad ugu jirto dowladda Masar, sababtuna waxaa weeye gacanka Suways (Suez Canal) oo ah isha 3aad ee Masar kahesho dakhligeeda ugu badan oo ay u arkaan in Burcad-badeedku khalkhal kuridi karaan dhaqaalahaas, balse inayba mar ku dhawaaqeen inay ciidan udiri doonaan, adigu dacaayad kaliyaad tilmaamaysaaye, waxaana arinkaa hadda kahor 2008 soo tabiyay wargaysyada Arabian Business News iyo Mail & Guardian Online oo sheegay in ‘Minister of State for Legal and Parliamentary’ uu yiri ‘Masar diyaar ayay u tahay fal militari inay ku qaado burcad badeedka, si’ay u difaacato maslaxadeeda’

    Tan labaad (Reuters 10/08/10) wuxuu sheegay in dakhliga Masar kasoo galay Gacanka Suways sanadka 2009-2010 uu ahaa $4.542 billion dollarka US, bishii July kaliyana ee sanadkaana ay soo mareen 1554 maraakiibta waa wayn ah oo bishaa kaliya laga helay $406.23 million dollarka US ah

    Marka arimahaas hadaan il-hoose ku eegno, waxay noo sheegayaan sababta ku kaliftay inuu Ayman soo safro oo uu waxaas qoro, taasoo marka lagu fiirsho indhihiisa, u muuqanaysa inuu dhawrayay maslaxadda dhaqaale ee dalkiisa iyo qiil usii samaynta in sawirka gobolka Puntland laga muujinayo uu yahay meel bahalo galeen ah oo kadhintay anshax, akhlaaq, dadnimo, horumar iyo dhan walba. Hadiise xageena laga fiirsho ah aflagaado iyo xadgudub aanan haboonayn. Hadaba fiirinta labada dhan iyo fahanka ujeedada hoose waxay noo sahlaysaa inaanan caadifoon.

    Waxyaalaha uu qoray wariyahaas xaqiiq miyaa?
    Su’aasha 2aad ee iswaydiinta mudan waxaa weeye, Puntland waxa laga qoray horta wax maka jiraan? Hadii aad Cabdulqaadirow soo booqatay Puntland, oo si qof Soomaliyeed oo damiir leh iskula hadasho si hoose oo aadana shisheeyaha xigsanayn ama u bandhigayn, hadana waxyaalo badan oo kusaabsan dhalinyaradaas Burcad badeedka waxbaa kajira, hadii aad goboladaas tagtayna waxaad arkaysaa ragaas iyo gawaaridda ay wattaan oo ay ka shidan yihiin music wadnaha ku xanuujiya oo aadan wadada la mari karin, cid yac oran kartana jirin, qof walbana siday doonaan ka yeelaan ilaa heerka awoooda dhaqaale gaarsiisay. Marka ragaas inay dumar badan wasakhayn karaan, arin shakki wayn geli karo maaha.

    Tan kale, intaas oo warbixina halkee ka helay ninkaan? Soo uma aysan waramin dad Soomaliyeed oo arimahaan og ama lug kuleh? Wax caddayn ah oo lid ku ah oo beenin kara xiriir inuu ka dhaxeeyo maamulka iyo Puntland anagu ma haynaa? Ka shacab Soomaliyeed ahaanse, maxaa maslaxad ah oo noogu jirta difaacidda Burcadbadeedka iyo maamul aanan shacabkiisa waxba u qaban karin? Hadiise fadeexad laga qoro, soo maaha wax meel aan anagu isdhignay, inaan waxna kharibno, sidaan u kharibnaynay dadka uga waranno? Yaase diidi kara oo aanan ogayn in gobolkaas ay dhawr dowladood ku leeyihiin sirdoono dibada laga kala xukumo?

    Gebogebo
    Su’aalahaas dhan iyo warbixinadaas isku geeyoo, Cabdulqaadirow, qoraalkaagu xiisuu lahaa, laakin ahaa qoraal watta qaylo dhaan oo aanan haysan wax ‘argument’ lid ku ah ninkaas oo aan iskaga dhicin karno. Isla markaana hadaysan garanayn madaxdeena maslaxadda shacabkooda, wax aan isku lurno ama u neef tuurno meesha ma yaalaan. Walow ay tahay wax laga xumaado in dadka Soomaliyeed ooo dhan aflagaado loo gaysto, laakin hadana ma arko cid sharafta umadda Soomaliyeed dhawraysa oo la isku xiijiyo in la difaaco, mar walba oo aad difaac istiraahdana kuwo xumaanteeda ka shaqaynaya ayaa kula dhashay, meel walbana sidaas ayaa Soomaali loogu aflagaadeeyaa, sidaa awgeed aan tartiibsano oo bal habdhaqankeena wax ka badalno, kana fiirsano cidda aan taageerayno

    Wassalam
    Ina Xuseen