Home » Faallo »

Qarankii Soomaaliyeed wuxuu ka nasan waayey qabyaalad, qabqable, qori iyo qaad

Qore: Muna Abshir Abdi

Isniin,  4 October 2010

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allah (SWT), nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato Nabigeenii suubanaa (CSW). Marka xigta dhamaan akhritayaasha sharafta iyo qadarinta mudanoow waxaan idin ku salamayaa Salaanta Islamka Asalaama Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatu.

Inta anaan qoraalkaan u guda galin waxaan u mahadcelinayaa dhammaan akhristayaashii mahada, hanbalyada iyo dhiirigelinta intaba ii soo diray ka dib markay akhristeen qoraalkii hore oo aan ugu magac daray  ‘’Daba Qabashada Qaranka Soomaaliyeed, Waxaa Ka Horeeya In La Qabto Damiir Laawaha   Hunguriga Xun’’. Qoraalkii hore waxuu ka hadlayey sidii la iskaga qaban lahaa damiir-laawayaasha hunguriga xun oo qaranka Soomaaliyeed hor kacaya, meel kastana la taagan Soomaaliyaan madax u ahay, Soomaalida baan mideynayaa, Soomaaliya baan wax u qabanayaa, Soomaaliya baan dowlad u dhisayaa, caddaalad baan noqonayaa iwm, iyaga oo dalkii iyo dadkiiba dabargoyn ku wada.

Tix suugaan ah oo aan hada ka hor qoray ayaa oranaysey ‘’Qaldaneey dareen laay, Waa adigaa is qalaayoo, Qarankaagii dhaafsaday, Qabqabliyo shisheeyee, Qabri baa danbeeyee, Qiyaamaha maxaad oran, Qaraxa iyo rasaastistiyo, Qudh la gooyo mooyee qabqablow, Maxaad qaban?

Qabyaalada iyo qabiilka

Aan ugu horreysiino qabyaaladda (Tribalism) iyo qabiilka (tribe).  Haddaba aynu is waydiinee, waa maxay qabiil? Waa maxay qabyaalad? Muxuu yahay farqiqa u dhexeeyaa qabiil iyo qabyaalad?

Aan ku hor marno qabiilka.  Qabiilku waa koox bulsheed ka kooban jufooyin (jilibbo) isu tegay oo asal ahaana isku meel ka soo jeeda. Mararka qaarkood waxaaba dhici karta in aysan asal ahaan isku aabbe ka soo farcamin ee dan gaar ahi isu geysay hadhowna is sheegtaan. Hadii aan si kale u dhigno qabiil waxaa lagu macneeyaa dad isu tagey, asal ahaan isku sinjiyad ka soo jeeda (isku abtirsiinyo), isku meel dega, isku dhaqan ah iwm hadii dadkaas is caawiyaan ama khayr ku midoobaan danbi ma aha. Alle (SWT) ayaa taas Qur’aankiisa kariimka inoogu cadeeyey waxuuna Alle yiri ‘’ ya ayyuha al-nasu inna khalaqnakum min dhakarin wa untha wa ja’alnakum shu’uban wa qaba’ila li-ta’arafu* inna akramakum ‘inda allahi atqakum *inna -allaha ‘alimun khabir’’ (Surat al-Hujurat, 49: 13). Dadow waxaan idinka abuuray lab iyo dhaddig (male and female), waxaana idinka yeellay shucuub (nations) iyo qabaa’il (tribes) si aad isu aqoonsataan, Ruuxase ugu sharaf badan Eeba agtiisa waa kan idiinku dhawrsasho badan, Eebana wax walba waa ogyahay.

Aayad kale oo qur’aan ka Alle (SWT) ka mid ah wuxuu Alle ku leeyahay ‘’Waxaa ka mid ah Aayadka ku tusin (qudrada) Alle samooyinka uu abuuray iyo Dhulka iyo kala duwanaanta afafkiina (luqadaha) iyo midabbadiina, taasina calaamad yaa ugu sugan kuwa cilmiga leh’’ (surat al-Rum, 30: 22).

Waxaa kale oo jira xadiis Nabigii (SCW) ku yiri’’ Dadka oo dhan wuxuu ka farcamay Nabi Aadam (CS) ,  Nabi Aadamna waxaa laga abuuray dhoobo (clay) , nin carab ah kama sarreeyo nin aan carab aheyn (non-arab), siddoo kale nin aan carab aheynna kama sareeyo nin carab ah (nor of a non-Arab over an Arab); sidoo kale caddaanku kama sareeyo madowga, madowguna kama sarreeyo caddaanka, waxaana idin ku wanaagsan kan Eebe ka cabsada oo akhlaaqda wanaagsan’’. Sida ay aayaadka Alle iyo Nabigeenii suubanaa (CSW) xadiistiisa ku aragtaan qabiilku ma aha danbi ee qabylada baa ah danbi. Sidaa darteed Alle (SWT) ma oggola dulmiga, hayb sooca, midab sooca iyo caddaalad darrada.

Qabyaaladda

Farqiga u dhexeeya qabyaaladda iyo qabiilka waxaad ka fahmi kartaan micnaha labada eray. Qabyaaladu waxaay qabiilka kaga duwan tahay, waa qabiilkii oo si xun loo isticmaalay.    Sida  Alle Qur’aan kiisa inoogu cadeeyey Qabiilku waa hab laysku aqoonsado hadii aan si khalad ah loogu dhaqmin balse qabyaladu waa dulmi cad.

Yaa ku dhaqma qabyaaladda

Qabyaaladda waxaa ku dhaqma jaahilka, maangaabka, danbiilaha, daneystaha, daamiir-laawaha, ninka xukunka jecel, qofka kalsooni darradu hayso oo hadii uu reerkiisa runta u sheego  (dulmiga ka qabto)  ka cabsanaya in ay go’doomiyaan iyo kan naftiisa aan ku kalsooneyn oo aaminsan in uusan noolaan karin qabiil la’aantiis.  Qabyaaladda dadka ku dhaqmaa waa koox danbiilayaal ah oo ku midoobey xumaanto iyo dulmi. Dulmiga iyo xumaanta waxay ku sameeyaan walaalkood kale oo Muslim ah, waxay ku dumiyaan dalkooda, wax fiican isuma sheegaan, wax wanaag ah lagama dhaxlo, danbiga iskama qabtaan, damiir iyo caqli midna ma laha aan ka ahayn qabiilkooda. Dadka qabyaaladdu madax martay oo qabqablayaasha iyo damiir-laawayaashu marin habaabiyeen qarannimo ma aaminsana iyo Soomaalinimo midna, qabiilkooda baa wax kasta kala qiima weyn xataa heer ay diintii Ilahay garab maraan baay ku sugan yihiin.

Qabqable, qaad iyo qori

Maadama aan qabyaaladda iyo qabiilkii ka soo hadalnay aan u soo yar noqonno qabqable, qaad iyo qori. Saddexda qodob oo kor ku xusan xariir wanaagsan baa ka dhexeeya balse aaynu kala qaadqaadno. Aan ka bilaawno qoriga wax lagu dilayo yaa horta inoo keenay. Qorigii ugu horeeyey ilaa hada lama hubo qofka sameeyey, ulajeedka uu ka lahaa iyo goorta uu sameeyey balse aqoonyahanada cilmiga Sayniska ku takhasusay waxay sheegan in qorigii ugu horeeyey oo luqada ingiriska loo yaqaan Gunpowder uu sameeyey Nin u dhashey dalka Shiinaha qarnigii  kow iyo tobnaad (11th century).  Ninkaasi qori caadi ah ma sameen balse waxuu sameeyey waxyaalo qarxi kara oo uu ka sameeyey qaybo ka mid ah Kimistariga  (potassium nitrate+ charcoal +sulphur).  Ka dib Sanadku markuu ahaa 1257 – 1265 ayaa Nin magaciisa la oran jirey Roger Bacon uu buug ka qoray kaas oo uu u bixiyey ‘’ Opus Majus ‘’ (greater work) ’. Roger oo u dhashey dalka ingiriiska wuxuu buuggiisa ku soo ban dhigay waxyaalihii gunpowderka laga sameeyey.  Xabbadda dhacda waxay soo if baxday taariikhdu markay ahayd 1326-1400 .  Dagaalkii ugu horreeyey oo lagu galay qori wuxuu ahaa dagaal dhex maray nin boqor ahaa oo la oran jirey King Edward III oo u dhashay dalka Ingiriiska iyo qabiilka iskootishka (scots) la yiraahdo. Inkastoo ay dadka qaarna sheegaan in ay jireeen dagaallo kale oo la isticmaalay qoriga sida dagaalkii dhexmaray Mumlukes (Egyptian sultan) iyo Moguls taarikhdu markaay aheyd 1260. Isku soo wada duuboo wixii intaas ka danbeeyey waxaa la isku dayayey in la sameeyo xabbadba xabbad intay ka dilliin badan tahay, ka shiish dheer tahay, ka quwad weyn tahay,  ilaa la gaaray heer waddamada qaarka horumaray ay sameystaan awoodda nukliyeerka (nuclear power), kaas oo wixii lagu rido aan waxba ka reebeyn. Soomaalida hadii awoodda nukliyeerku gacanta u soo geli lahaa reerba reerka kale buu ku ridi lahaa, waxaanba oran karnaa Soomalida xabadi kama harteen hadii Nuclear power loo gacan galin lahaa.  Sababta Soomalidu waa dad fudfudud oo aan ka fekerin dhibka soo socda ee waxaay kaliya oo ka fekeraan markaa marxaladda taagan. Sidaa darted, hadii ninka jaahilka ah oo aka -47 umadda ku dhammeeyey loo gacan geliyo awoodda nukliyeerka (Nuclear Power) maxaad filanaysaan?? Jawaabtu waa iska caddahay baan filayaa balse waxaan shaki ku jirin in qorigu uu yahay belo Soomaaliya oo awalba  jahli la deristey loo sameeyey.

Soomaaliya hadda qof kasta qori buu wataa, qabiil kasta hub bay urursadeen, qabqable kasta hub buu yeeshay, koox kasta hub bay yeelatay oo isku mawqif ah. Marka yay hubkaan baas u urursanayaan? sow inay iyagu isku dabargooyaan ma rabaan?  Maxay tahayse meleeyshiyo beeleedkaan meel kasta hubka la taagan? sow kama fiicnaateen in la sameeyo ciidan qaran?. Ciidan qaran la’aantu iyo qabyaaladdu waxay xataa sababeen in beelihii walaalaha ahaa oo waligood wada degi jirey ay manta isku haystaan dulkii, biyihii, ceelashii iwm. Marka hadii aan ciidan qaran la helin dadkaana hubka laga uruurin cawaanta ah oo xabbadda isu wada haysta see baa lagu gaarayaa dowladnimo iyo qaranimo?  Akhristoow adaan jawaabta kuu dhaafayaa.

Qaadka

Waa maxay qaadku?

Maxamuud Az-zubayri baa laga hayaa ‘’qaadku waa shaydaan Geed loo ekaysiiyey’’. Allaylehe xoolo shaydaan wax ku leeyahay waa u egyahay. Qaadka aqoonyahankii ugu horeeyey oo wax ka qoray waxuu u dhashey dalka Sweden, magaciisana waxaa la oran jirey Peter Forskal (1736-1763). Aqoonyahankaas Scientists-ka ahaa oo markaas isagu socdaal ku tegey dalka Yemen ayaa geedka qaadka u bixiyey magac cilmi ah  (scientific name) Catha edulis. Qaadku wuxuu raacsan yahay dhirta cilmi ahaan loo yaqaan Celestraceae (Dicotyledon), waxaana dirtaas aay qaadka isku nooca yihiin ka mid ah kuwo sun ah iyo kuwo daawooyin laga sameeyo.  Sanadihii la soo dhaafay waxay dadka cilmiga Sciense-ka bartey si isdaba joog ah u baarayeen waxyaabaha uu ka kooban yahay geedka Qaadku. Sanadkii 1887 kii, ayaa labo nin oo la kala oran jirey Gerock & Fluckiger ogaadeen in geedka qaadka ay ku jirto maaddo loo yaqaan ‘’cathine’’. Arintaan waxay ku dhalisay dareen weyn aqoonyahannada maaddada cathine-ka wax ka yaqaaney. Taariikhdu markay aheyd 1974 ayaa qarammada midoobey maalgaliyeen aqoonyahano si fiican u soo baara geedka qaadka, maaddooyinka ku jira iyo dhibaatada uu u keeni karo dadka daaqa geedkaas. Cilmibarayaashii ku kala takhasusay maaddooyinka biology, chemistry, biomedical iwm waxay caddeeyeen in geedka qaadka ay  ku jirto maaddo kale oo ka khatarsan cathine taas oo iyana loo yaqaan cathinone.  Baaritaanadaas ka dib waxaa caddaatay in qaadku yahay maandooriye ama maskax dooriye laguna sheegi karo ‘’Mukhaadaraad’’, aan ka duwanayn maan dooriyaasha kale sida xashiishka, Marijuanaha, herionka (herion) iyo kookeynka (Cocaine). Labadaan maaddo ‘’cathine iyo cathinone ‘’  waxaay isku mid yihiin iskuna eg yihiin (structurally and chemically) maadada loo yaqaan d-amphetamine. D-amphetamine waa maado awood u leh inay qofka u diiddo hurddada iyo daalka labadaba, waxayna qofka qaata ama cuna ka xiraan cuntada.  Halkaas waxaa ka cad in qaadku ka mid yahay maandooriyaasha aduunka dhibka weyn ku haya balse qaadku waxuu kaga duwan yahay wakhtiga la cunayo baa aad u faro badan. Waxaa dhici karta in qofka qaadka cuna uu toban saac oo isku xigta meel fadhiyo, intaa uu cunayana uusan cunto cunin, socod sameen taas oo dhib weyn  dhinaca cafimaadka u keeni karta ruuxa cuna jaadka. Dhibka kale waxaa weeye qofka qaadka cunidiisa caadeeystey (khat abuser) markuu jaadka cunitaankiisa ka kaco hurdo buu iska galayaa 10 saacadood ah , waxaana uu halkaas ku waaynayaa 20 saacadood oo maalintii ah.  Sida aad la socotaanba malinta dhan waa 24 saacadood, marka hadiiba 20 saacadood uu qofku hurdo iyo jaad cunis ku dhameeystey maxuu akhiradiisa, maalkiisa, ilmihisa, xaaskiisa iyo bulshada uu ka dhashey midna ku soo kordhin karaa? Waa waxba baan filayaa.

Waxyeellada qaadka

Dhibka ugu weyn oo qaadku u geysto qofka cuna waa cafimaad darri ka dhalata hurdo la’aan (insomnia), raaxo la’aan (restlessness), hadal tiro iyo Himmo-kicin (talkativeness & excitement), daal badan (physical exhaustion), dabeecadda oo is beddesha (mood swings), il-waaynaad (mydriasis), cunto-xumo (decreased appetite),  dhidid joogto ah (sweating), hamimga iyo dareenka qofka oo dhaca, shuban (constipation), feker badan iyo buuq nafsiyan ah (suicidal depression). Waqti dheer qofka isticmalaayey qaadku wuxuu u keeni karaa waxaas oo dhan wax ka sii khatarsan sida: dhib xagga maskaxda ah (mental problem), cudurka wadnaha (coronary artery disease), kansarka afka (oral cancer), cudurka kelyaha (kidney disease) iyo cudurka beerka (liver disease).  Waxaa la ogyahay oo cad in qaadku dhibka ugu weyn u geeysto habdhiska dareenka dhexe oo loo yaqaan Central nervous system (CNS) .Waxaana lagu ogaadey taas marka la darsey xaaladda dadka cuna jaadka kuwaas oo ku nool walwal iyo cabsi (anxiety and paranoia) iyo dubaab (paracusia).  Dakhtar lagu magacaabo Dr. Michael H. Chapman oo ah dhakhaatiirta aad looga yaqaan dalkan Ingriiska kana tirsan jaamacadda college London Medical school, ayaa sheegay malintii cafimaadka (health day) in lix bukaan (patients) oo ahaa dad horey jaad u soo cuni jirey una dhashey East Africa ay dhammaan qabeen cudurada beerka kuwaas oo uu dhamaan sabab uga dhigay jaadka baaritaan uu ku sameeyey dabadeed.

Qabqable

Qabqable waxaan filayaa sharaxaad dheeri ah inoogama baahna maadama ay Soomaalidu intooda badan ka dheregsan yihiin. Qabqable isaga mar kasta waxaa u daran sidii uu maalmo magac ku yeelan lahaa iyo sidii uu maalin taajir ku noqon lahaa. Mar kastana qabqable, qabyaalad, qori iyo qaad lama kala ag waayo.  Qorigu waa kuu wax ku dili lahaa, la’aantiisa waxba ma xukumi karo, qabyaaladdu waa tii uu koox ama malayshiyaad beeleed ku sameysan lahaa la’aanteedna waxba ma sameyn karo uu kaligiis, qaadka wuxuu ka mid yahay  maandooriyaasha  dalkeenana dhibka ku haya (xag dhaqaale , xag cafimaad ,  diini, akhlaaq, caqli, iyo bulshadeedba ), sidaa darteed qabqable iyo qaad lama kala ag waayo xataa hadii uusan isagu cunin shaqaalihiisa ayaa cuna. Waayo qofku markuu waxyaalaha maanka dooriya cuno waxyaalo badan oo uusan caadi ahaan sameeyeen buu sameynayaa. Tusaale ahaan qofku markuu maandooriyaha isticmaalo wuxuu ka tagaa salaaddii Alle,  markuu salladii Alle farad yeelay ka tago wuxuu noqonayaa qof Iimaan la’ oo aan waxba deeqin, oo aan xishoon, oo Ilahay ka cabsan wuxuuna ku dhacaa macsiyo badan, sida sinada, dilka, xadidda iwm.  Waxaa taas cadeyn u ah damiirli’da, dadnimo xumada, Alle ka cabsi yaraanta iyo xishood la’aanta ummadda Soomaaliyeed ayamahaan danbe ku soo kordhaya.

Waxaa nasiib xumo weyn ah in Soomaalidu fahmi wayday qabqable danaha gaarka ah oo uu leeyahay.  Soomaalidu waxay fahmi wayday waxa Hutu iyo Tutsi fahmeen oo ah dalkaan labadiina qolo midna uma harayaan hadii aad idinku is dhamaysaan ee dalkiina dhista dowladna yeesha sida waddamada caalamkaa oo dowladaha leh.  Dadkii Soomaaliya matali jirey ee sharafta iyo waddaninimada lahaa waa dhamaadeen. Waxaa beddeley kuwa aan ahayn waddaniyiin oo daneystayaal ah. Waddani  (patriot) waxaa beddeley  qabqable dagaal–ooge ah, Qaran (nation) waxaa beddeley qabyaalad, dan guud waxaa beddeley dan gaar ah, quwadii Soomaaliya waxaa beddeley qaran jabay iyo qaxooti gaajaysan, golaha baarlamaanka Soomaaliyeed waxaa beddeley guurti-beeleedka Soomaaliyeed, xilkas waxaa beddeley xin badane xaasid ah, ciidankii dalka waxaa beddeley maleeyshiyeed beeleed hubaysan, aqoonyahannadii ummadda Soomaaliyeed waxaa beddeley ibliis suit ku labbisan oo hadba gees diyaarad u raacaya dadkiisii iyo dalkiisii sii dabargoynaya, shacabkii Soomaaliyeed oo sharafta lahaa waxaa beddeley shacab sharaf xun oo qabqable u wada adeega.  Sidaa darteed dalkii hooyo waxaa baabi’yey qabqable qori, qaad iyo qabyaalad isla helay. Hadii aan raggaas iyaga meel looga soo wada jeensan oo shacabka Soomaaliyeed hurdada ka kicin iyo khiyaaliga ay ku nool yihiin qabyaaladdu suuri mayso, qaran dhismi mayo, Soomaali isu imaan maayso, sharaftii aan lahayna soo ceshan mayno.

Gunaanad iyo gabagabadii

Afarta qodob oo aan kor kaga soo hadalnay waa afar qodob oo qofkii doonaa uu ka heli karo gudaha Soomaaliya, qori suuqa baad ka soo iibsan kartaa, mukhaadaraadka sidoo kale, qabyaladu waaba dhaqanka Soomaalida, umadduna waaba wada qabqable iyo siyaasi miiran. Siyaaasigu ama qofka siyaasadda galayaa wuxuu u baahan yahay in uu leeyahay khibrad, waayoaragnimo iyo aqoon balse ma aha in qof kasta isu sharraxo siyaasad kana hadlo siyaasad uusanba macnaheeda fahamsaneyn.  Calaa kuli xaal, muhiimadda ugu weyn oo qoraalkaani wuxuu ahaa in aan ummadda u sheego in qabyaaladda, dulmiga iyo dilka dhiiga qofka baniaadamka ah waliba Muslimka ah xaraam yihiin.  Waxaan kale oo walaalahayga Soomaalida ah u sheegi lahaa in ay ka haraan dariiqa uu qabqabluhu u horseeday oo kan Alle (SWT) raacaan. Alle raali kama aha dulmi, caddaalad darro iyo in qof Muslim ah dhiigiisa si xaq darro ah lagu daadiyo.   Ayadaha Eebe iyo xadiistii nabigeenii  Muxammad (CSW) laga soo warshey midna ma aha dheeldheel iyo kaftan.  Qofka u qaata kaftan ama ka dhegaadeyga waa qof diinta Islamka ka baxay oo danbi faro badan shaqaystay aakhirana naarta gelaya sababtoo ah wuxuu khilaafay Qu’raanka Alle iyo sunnada Nabiga (CSW).  Waxay diinta Islamku caddaysay in Qabyaaladda, yasidda, dilka iyo islaweynidu tahay danbi weyn oo ciqaab iyo Caro Alle lagu mutaaysan karo.  Sidaa darteed, Ummadda Ilaahay abuuray ma kala sarsarreeyaan,waxaa lagu kala sarreeyaa oo kaliya Alle ka cabsi (taqwo wanaagsan) iyo camal wanaagsan. Adduunyadu waa maalmo qudha, qofna aduunkaan kuma waarayo sidaa darted, waxaa baniaadamka dhaxal gal u ahi waxaa weeye  camalka suuban oo uu aduunka  intuu joogey shaqeystey.   Sidaa darted, diinta Islamku ma oggola in qof xaqdarro loo dilo, ma oggola in qof la dulmiyo, ma oggola in la dawersado, ma oggola in dhiig dhulka Allah (SWT) ku socda na yiri lagu daadiyo bilaa macne, ma oggola Ilahay qofka nimcada uu siiyey in uu ka abaal dhaco.  Ilahay waxuu ina siiyey dal qurux badan, dal wax kasta laga helayo, dal meel wanaagsan aduunka kaga yaal. Marka loo eego  waddamo badan oo aduunka ku yaal oo aan intaas Ilahay ina siiyeyba haysan  Allah waa ina jecel yahay waayo waddan fiican ayuu ina siiyey, bado leh, shidaal leh, ceelal leh, wabiyo leh, beero leh, buura leh, Muslim buu innaga dhigay, isku midab baan nahay, isku dad baan nahay marka hadii aan intaas oo nimco ah oo Ilahay (SWT) ina siiyey ku shukriyi waayney, danbi baan Ilaahay ka galnay, Maalinta aakhirana waa la ina su’aali doonaa Ilahayna waa inagala xisaabtami doonaa. Ilahay ayaadkiisa wuxuu ku leeyahay ‘’xusuusnaada dadow nimcada aan idin siiyey’’.

Ayaandarada ina haysata iyo dhibka oo dhan innagaa isugu wacan. Marmarsiinyaha iyo hadii aan heshiin laheyn ummado kale ayaa nagu dhex jira ha la iska daayo. Cidna inaguma dhex jirtee inagaa isku dhex jirna, innagaan waxba isu oggoleyn, innagaan hoggaamiyayaal fiican laheyn, innagaan shacab fiican aheyn, taas baa xaqiiqo ah. Shacabka Soomaaliyeed iyagoo og in dhibka ugu badan iyaga ku socdo bay misana maalkooda, afkooda iyo addinkooda 3daba ku tageeraan kuwa dalkeenna duminaya. Waxaa yaab ah in dadka Soomaaliyeed oo qurbaha yimid, dal aysan lahayn jooga oo qaxooti ku ah ay haddana taageeraan nimanka noocaas ah, oo ula kala safsaftaan qabiil-qabiil iwm. Hada ka hor baan tix aan qaran ugu magac daray sameeyey erayada ayaa waxaa ku jirey ‘’waxaa qaladaadka keenay, qaar (dad) badan baan qiima lahaynoo, qabiil qudha kaga jiraa, qaddaadiicday (shilimadka ceyrta) helaan, qabiil u adeegsadoo, qaxooti waxaan ahayn, qiyaastii aan mudnaan, qisa yaab laa jirtee, side qarankeenii dumey , dadyahow qiil ugu helnaa’’. Gabagabadii waxaan ummadda Soomaaliyeed kula dardaarmayaa waliba dhallinyarada in ay qabyaaladda iska ilaaliyaan dadku waa isku mid, dadku waa Soomaali, dalka Soomaali baa leh.  Qabqable qurbaha ka tegay iyo mid dalkii jooga midna yuu idiin gacan haadin, hana taageerina waayo labaduba dan Soomaaliyeed ma wadaan, dano gaar ah bay wataan.

—————Dhammaad———–

Muna Abshir Abdi Osman

Biomedical Scienstist, UK

Munadecent@hotmail.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

7 Jawaabood " Qarankii Soomaaliyeed wuxuu ka nasan waayey qabyaalad, qabqable, qori iyo qaad "

  1. Munna walaal waad salaamantahay ilaahay khayr ha ku siiyo, hanna kaa jasaa i mariyo sidda quruxdda badan ee cilmiyeysan ee aad dhibka qabqablaha, qaadka, qabyaaladiistaha, iyo qoori- laha uga sheekeysay. Walaahi waan ooyi gaadhay !. Hadii rag xumi nasiib u heleen in ay dalkeena hogaanka u qabteen waa saad u sheegtee, ilaah baa qadaray waana masuubo aynu inaku horey u galabsanay, horta ilaah waxan ka baryayaa in ilaah rag san oo kuwii dalka wadi jiray ah ilaah keeno. waxa kale oo aan aad ugu faraxay hadii rag xumo nagu dhacday ilaahay waxan ka barya yaa in aan dumar xumo nagu dhicin. Munna ilaah ha kaa jasaa sii yo waanada ad soo jedisay isma lahayn gabadh Soomaliyeed baaba sidaas u fekeri karta, waayo arimaha Soomaliya waay ka aamuseen, ragaa xunna way u daayeen. WaxAan dumarkeena ka filayey in ay ka soo baxaan gabdho dalka hogaanka u qabta sidii Indhiera Gandhi, Banasiir Buuto, Margerth Tharcher laakiin hadda waxaan dareemay in dumar noo nool yahay.

  2. Asalaamu Caleykum,

    Maashaa Allah Muna, Allah ha kaa abaal mariyo maqaalkan qiimaha badan ee aad uga hadashay dhab ahaan masiibada Soomaali ku habsatay halka ay salka ku hayso, waxaase su’aal ah aaway dadkii damiirka lahaa ee wax ku qaadan lahaa?! ee ka waantoobi lahaa balaayadan naafaysay!

    Dhibka kale oo jira waxaa weeye dadkii samaha ka talin lahaa oo noqday fadhiid iyo fulayaal aan waajihi karin sharwadayaasha hogaanka noo qabtay oo aan ka dhigi karin mansabka aan u qalmin ee ay boobeen!

    Tusaale ahaan: waxaan maraynaa heer uusan haweysan karin siyaasadda Soomaaliyeed ama mansab madaxtinnimo ilaa nin is nacay mooyee! oo waxaa halhayskii noqday war dhiiqadaas ma gali karee iga wad! waa yaabe yaa laga sugayaa inuu dhiiqada ka baxsho haddii loo daayay kii qasayay!!!

    Si kale haddaan u dhigo, waxaa laysku keeni la’ yahay 2 shardi oo looga baahan yahay ruuxa hoggaanka u qaban kara qarankaan jabay oo ka soo bixin kara ceelka dheer ee uu ku dhacay: labadaas waxay kala yihiin AQOON IYO AMMAANO, labadaas oo aan laysla helinna xalka Soomaali waa fog yahay reerkuna sidan buu usii rarnaan, haddaan Rabbi usha dhexda nooga qaban!

    Allow Soomaali Hoyataye Hanbada u qabo!!!!
    aamiin yaa rabbi…

    Firdows

  3. mujahid says:

    asc muna walashis runbad ka hadashay runtii waxaa ficnan lahayd in manta 100 kula mida lagahelo somalia waxan hubi lahaa in is badal iman lahaa

  4. jasaaki laahu khayr waxaan rabi ka baryayaa inuu gabdhaha adigoo kale ah ku badiyo bulshadeena kii rag ahaa badnkii qabyaalad qori iyo qaad baa derderey waad ku mahad san tahay walaal.

  5. Ina Xuseen says:

    Asalamu Calaykum

    Muno waxaad soo bandhigtay qoraal sharaf, dhiira gelin iyo cilmiba laga kororsan karo. Marka marna waan kaaga mahad celin qaabka kudheehan dhiiranaanta iyo tixgelinta (courage & consideration), marna waxaan Eebe kaaga baryayaa inuu miizaankaaga xasanaadka kuugu kordhiyo.

    Ammaa oraahda aad tiri “nalaguma dhexjiree anaga ayaa isku dhexjirna”!, waa oraah suuban oo runa, laakin hadana sababta aan iskugu dhexjirno ayaa ah in nalagu dhexjiro, in nalagu dhexjirana waxaa sabab usii ah inaanan ubadnayn dad leh tayyo (quality) aqooneed, fakareed iyo dadnimo, taasoo sababaysa in nalagu iibsado wax raqiis ah, sidaa awgeedna kunoqono ‘Dad iyaga isku dhexjira’, illayn waa lagu dhexjiraaye oo qaarkood waxba u ogolayn qaarka kale ama aanan fahmi karin maslaxadooda gaarka ah iyo tooda caamka ah, laakin ka shaqeeya maslaxad shisheeye.

    Hadana, sheekadu qabqable kasii waynaan doontaa, waayo waaba anaga aragna inuu Maraykanku badalayo siyaasadiisa iyo qorshihiisa Soomaliya oo uu xiriirkiisa ubadan doono S-land & P-land. Tan oo aad moodo inay soo ifbaxayso xantii ahayd dalka in loosii kala qaybsho 4-qaybood, S-land, P-land, S-Galbeed iyo Koonfur. Marka kudhex jirkaas iyo sii kala jarjaridaasba. Waxaa uun looga bixi karaa, waa tayyada ruuxa Soomaliyeed oo la kobciyo, iyadoo laga bilaabayo dadka aqoonta sheekta inay tayyadooda aqooneed iyo kartidooda dadnimo dib u eegaan oo dayactir ku sameeyaan, waxna isku ogolaadaan, waayo iyagaaba hadda kadaran qabqablihii warkiisu gabaabsigu sii yahay.Sababtoo ah isbedelka bulshadeed ee lagu badbaadi karo, maaha mid si fudud ku imaan kara, balse waa mid qaadanay wakhti dheer, kharash badan, sidaa awgeedna ubaahan ikhlaas, sabar, karti, naf hurid, geesinimo, wadashaqayn iyo is-xasdi yarid. Waana intaas, inta kamaqan inta wax fahansan ama aqoonta sheekata, markaasaa mid walba kaligiis meel bahal ku cunaa ama fakarkiisa qurxoonaaba soo dhaafi waayaa maskaxdiisa.

    Marka kale, mahadsanid walaal.

    Wassalam
    Ina Xuseen

  6. Muna walaal mahadsanidin aad baan ugu faraxsanahay in aan arko gabar sidaadoo kale u fekeraysa. Point aad muhiim u ah baad tabatay waana loo baahnaa qodobadaan oo kale in dadka loo qeexo. Mahadsanid sis. Keep it up the good work.

  7. wadani says:

    asc, muna aad iyo aad ayaan kaaga mahad celinayaa , qoraalka aad u qiimaha iyo qaayaha wacan, points-ka aad ka hadashayna waa kuwo muhiim u ah ummada somaliyeed si ay hormar ku gaari lahaayeen….