Home » Faallo »

War Hilbaha Culimada waa Sune iska Ilaaliya | Q.3aad | Faaruuq

Hada ka hor baa la ii sheegay in uu nin yiri waa wareey !! war balaayaa dhacday !! markaasaa la yiri war xageen u cararnaa haddee ?? markaasuu nin kale yiri war masaajidda aan u cararno markaasuu ninkii   yiri war balaayadaba masaajidkeey ka soo yeeertay oo ay ka timid !!

Waa laga yaabaa in ay sheekadan tahay sheeko rasmi ah sidoo kale way dhici kartaa in ay tahay qiso aan jirin oo la alifay si kastooy tahayba  miraha ama murtida sheekadan ku jirta waxaa weeye asalka waxuu ahaa ama umadda u dahqan ahaa haddii balaayo dhacdo in masaajidda loo cararo ama wadaadka loo cararo oo halkaas ayaa lagu nabad galayaaa sida soomaalida tiraahdaba  reer xamarka gaar ahaan  (minii la yaabo yaasiinka )   sidaas ayaa waligeed dhici jirtay laakiin maanta xaalkii waa is badalay oo balaayadii waxayba ka bilaabatay masaajidda ama hadii aan si kale u dhigno balaayada iyo dhibaatada wadankii maanta ka socoto waxay lugaha la gashay  dad ahlu diin ah (wadaaddo) waaana kuwii awalba xagooda kheyrka loo raadin jiray

Dad badan ayaa waxay ku doodayaan dood macquul ah oo meeshana ku jirto oo ah war dadkan aad culimada lee dihiin ee aad lee dahay hilbahooda waa sun iyo kuwan wadankii ka dagaalamaya ee ah dhinacyada iskaga soo horjeeda siyaasadda soomaaliya iyaga laftooda miyaysan aheyn culimo ahlu diin ah  sidayse hilbohooda sun ku noqonayaan marba hadii ay umaddii dhibaato iyo dagaal iyo burbur la dhaxjoogaan habeen iyo maaalin ??   taasi waa su` aal muhiim ah oo meeshana ku jirto in laga jawaabana mudan ?

Su aasha kale ee meesha ayadana ku jirto waxay tahay hadii hilbaha culimada ama xanta culimada ay sun tahay ama xaaraan tahay hilbaha dadka kale ee aan culimada aheyn ma subagbaa ama ma xalaal baa ?

Waxaaan ku dadaaalaynaa labada su` aalood in aan ka jawaabno si cilmiyaysan inshlaah

Culumo markaan lee nahay waa shaqsi ama qof ilaah diintiisa baray oo dadka dheer aqooonta diinta islaamka si qota dheerna wax u bartay isla markaana kala saari kara xalaasha iyo xaaraanta xaqqa iyo baadhilka runta iyo beenta ,  waana kuwa aan horay u soo tilmaanay oo aan niri waxay dhaxleen Anbiyada oo waxay ka dhaxleen cilmiga diinta islaamka , haddaba hadii aan sidaas u qeexno caalimka ama sheekha  ragga maanta isku haya siyaasadda soomaaliya waxay u badan yihiin dad diinta aqooon u leh  qaarkoodba waaba culimo wax badan ka garanayo diinta islaamka waliba qaaar waxaa ku jira  diinta ka qaatayba shahaadada ugu saraysa ee jaamacadaha laga qaaato oo ah shahaadada Diktoornimada ama PHD  rag shahaaadadaas haysta ayaa ku jira  marka iyaga laftooda waa culimo oo aqoon sare ayeeyba diinta u lee yihiin laakiin waxaan oran karnaa diinta aqoonteeda iyo fahamkeeda iyo  ku dhaqankeeda  waa kala duwan yihiin .

Diinteenna islaamka meel adag ayeeey ka is taagtay in qofka muslimka ah dhiigiisa si fudud lagu daadiyo waxayna diinteenna qeexday  xaaladaha gaarka ah ee qofka muslimka ahi uu dhiiigiisa ku banaan yahay waxaana ka mid ah :

1  hadii uu qofka u galmoodo( zinaysto) haddii uu nin yahay ama uu haween yahayba qof aaan sharciga islaamku u xalaalayn isla markaana uu qofkaas horay u soo maray guur !! qofkaaas waxaa lagu dilaaya dhagax waxaana xugumkaas ku fulinaysa dowladda islaamka kadib markii ay maxkamadda shareecada islaamka arinkaas ay ku cadayso qofkaas kadib

2  haddii uu qofku qof kale dilo ama qofkaa uu dilay muslim ha ahaado ama gaaal ha ahaado laakiin kudhax nool dowladda islaamka ah isla markaana ku dhax jooga heshiis dhaxmaray asaga iyo dowladda islaamka kaasi waxuu la mid yahay qofka muslimka ah oo xagga xuduudda ama qaanuunka ciqaabaadka qofkjaaasi qofka muslimka ah dilo isagana waa la dilayaa qisaas ahaan

3    iyo qofkii diinta kaba baxa si cad ,waxaa la farayaa in uu towbad keeno hadduu diidana waa la dilayaa oo waa gaaloobay waxaana u daliil ah xadiitthkii nabiga laga wariyay SCW :

قوله عليه الصلاة والسلام (لايحل دم امرئ مسلم إلا بإحدي ثلاث الثيب الزاني والنفس بالنفس والتارك لدينه المفارق للجماعة )وقوله عليه الصلاة والسلام  (من بدّل دينه فاقتلوه )

Hadaba xaaaladahaaas sadaxda ah unbay diinta islaamka banaysay dhiigga qofka musllimka ah waxaa soo raaci karo oo axaadiistuna cadaysay  dadka Falaagada ah ee duurka gala kadibna dadka laaya ama dhaca ama haweenka kufsada kuwaas ayagana  Ciqaab gaar ah ayeey lee yihiin hadba danbiga ay galeen nooca uu yahay ayeeyna ku xiran tahay  .

Carrabka Qofka iyo mas`uuliyaddiisa :

Horta waxaa muhiim ah in aan ogaanno in qofkasta oo muslim ah wax kasta oo uu ku hadlayo am uu qorayo in isaga mas  uul ka yahay laguna xisaabtamayo maalinka qiyaamaha , haddii uu yahay hadalkaasd uu ku hadlay mid kheyr ah iyo haddii uu yahay sharba , waa lagula xisaabtami haddii aan aduunkan lagula xisaabtaminna maalinka qiyaamaha ayaa lagula xisaabtami marka qofka arinkaas rumaysan ogna hadana waxuu rabo ku hadlayo ama soo qoraya waxa uu rabo waa qof aan aakhiradiisa dan ka laheyn  arintaas aan xusnay oo ah in qofka carabkiisa iyo qalinkiisaba uu isaga mas `uul ka yahay lagulana xisaabtamayo maalinka qiyaamaha

Umadda soomaalida waxaa lagu tiriyaa ama lagu yaqaanaaa aduunka oo dhan in ay yihiin ummad hadal badan  (Oral society ama Oral community  mana aha dad wax qora inta badan .

Waxaa lagu yaqaanaa meelkastooy joogaanba in ay  maqaaxiyaha iyo goobaha kalaba isugu yimaadaan kadibna waqtigooda inta badan waxay ku bixiyaan hadal ama waxa ay soomaalidu u taqaan ( fadhi Ku Dirir ) hadalkaas ayagoon u aaba yeelayn waxa uu ku hadlaya in uu yahay wax maalinka qiyaamo uu ajir iyo kheyr ooga helayo iyo haddii uu yahay mid uu ilaah ooga sii fogaanayaba oo uu maalinka qiyaamahana cadaab iyo caro alle kala kulmayo alle hortiisa

Bal aan aayada qur aan ah iyo axaadiisba soo qaadanno ka hadalaya arimahaas aan ka hadalayno :

ولا تقف ما ليس لك به علم إن السمع والبصر والفؤاد كل أولئك كان عنه مسئولا } . [ سورة الإسراء ، الآية : 36 ]

يا أيها الذين آمنوا اتقوا الله وقولوا قولا سديدا } .[سورة الأحزاب ، الآية : 70 ]

{ ما يلفظ من قول إلا لديه رقيب عتيد

{ إذ تلقونه بألسنتكم وتقولون بأفواهكم ما ليس لكم به علم وتحسبونه

هينا وهو عند الله عظيم } .[ سورة النور ، الآية :15 ]

(( وهل يكبُّ الناس في النار على وجوههم إلا حصائد ألسنتهم ))

(( إن العبد ليتكلم بالكلمة ما يتبين فيها، يزل بها إلى النار أبعد ما بين المشرق والمغرب )). متفق عليه

(( من يضمن لي ما بين لحييه وما بين فخذية ؛ أضمن له الجنة )). رواه البخاري

Dhamaan aayadahaas iyo axaadiiistaas ayaa si fiican u tilmaamaya qatarta uu lee yahay qofka carrabkiisa iyo sida ay muhiim u tahay in uu qofku aad ooga taxadaro aadna ooga fiirsado waxa uu ku hadlayo ama uu qorayo  Aayadaha waxay toos u cadeeyeen in qofka aysan banaanayn in uu ku hadlo wax uusan aqoon u laheyn ama uusan ogaynba maxaa yeelay qofka  maqalkiisa iyo araggiisa iyo xataa qalbigiisaba waa la weydiinayaa maalinka qiyaamaha .

Waxaa kalooy caddeeyeen in qofkasta eray kastoo ka soo baxa afkiisaba isla markiiba ay jiraan 2 malag oo uu alle u xilsaaray in diiwaan galiyeen kuna qoraan buuggiisa acmaashiisa lagu qoro

Sadaxda axaadiis ee danbe waxay caddeeyeen in waxa ugu badan oo ay dadku naarta ku galaan ay tahay waxyaabaha ay galabsadeen carabadooda ,oo aysan aad ooga fiirsanaeyn waxa ay ku hadlayaan ama ay qorayaan .

Xadiith ka u danbeeyana Nabigu waxa uu lee yahay ((  yaa ii ballan qaadaya in uu ka adkaan karo ama xakamayn karo  Carrabkiisa iyo Xubinkiisa taranka ma acowradiisa in uu zino ka ilaaliyo ??  qofkii sidaas u xakameeya labadaas xubin carabka iyo xubinka tarankaba anigana waxaan u damaanad qaadayaa in uu jannada galayo !!!!

Waa maxay Farqiga u dhaxeeyo  Xanta culimada iyo Xanta dadka kale ?

Xanta sideedaba waa xaaraan mana banaano markaan ka hadlayno xanta culimada ama hilbaha culimada in ay sun tahayna macnaheeda ma aha in dadka kale xantoodu ay banana tahay ama ay subag tahay sida uu soo qoray walaal ka mid ah walaalaha ka dhiibtay fikradahooda qoraaladeydii hore .

Xantu in ay xaaraan tahay waynu wada ognahay ama qofku hakaa maqnaado ama hakula joogee qofka xamanaya walalakiina waxuu la mid yahay sidii qof cunaya walaalkii hilbihiisa asagoo dhintay !!  waa tusaale aad u fool xun oo quraanku uu soo qaatay maxaa yeelay walaalkaa asagoo nool ayaadba hilbihiisa cuni Karin oo naftaada iyo damiirkaada toona uusan ku siinaynin bal kawaran asagoo bakhtiyay ??!!

Laakiin hadana  xanta culimada way ka duwan tahay tan dadka kale waxayna ooga duwan tahay arimahan soo socda :

1 .  xanta qofka caadiga ah ee aan cilmiga laheyn waa dhaawac loo geystay asaga shaqsiyaddiisa oo kaliya laakiin kuma laha wax  saamayn ah bulshada uu ku dhaxnool yahay laakiin sheekha ama caalimka xantiisa waxay xad gudub weyn ku tahay sheekha shaqsiyadiisa iyo waliba bulshada uu dhax nool yahay iyo waliba diinta uu xanbaarsan yahay intaba si xoog badan ayeey u saamaynaysaa !!

2.   xadgudubka ama dhaawaca sheekha loo geysto waxay hoos u dhigaysaa ma qiimo tiraysaaba diinta uu umadda u sheegayo oo dadkii waxay is dhahayaan soow kii sidaas iyo sidaas yiri ma aha naga dhaafa warkiisa ma rabnee ??

3. Ilaahay waxuuu ballan qaaday in uu dagaal ku qaadayo qof kasta oo ku xadgudbo ama colaad u qaado qof uu ilaah jecelyahay sida culimada oo kale iyo awliyada ilaahay waxuuna alle ku yiri xadiithul qudsi

(( (( من عادى لي وليا فقد آذنته بالحرب )). رواه البخاري .

Hadaba yaa diyaar u ah in ilaah dagaal la galo ?? ama ilaahay iska dhicin karo !!???   ma jiro qof ilaah iska dhicin karo hadaba qofkii caaya ama xanta ama afxumeeya culimada iyo dadka diinta umadda gaarsiinaya ha u diyaar garoobo dagaal asaga iyo ilaah dhaxmari doono ama aduunka gudihiisa ama aakhiraba marka la tago

Waxaa dhacayba tusaalooyin badan oo rumaynaya xadiiskaas daddhibaato u gaystay culimo oo ilaah ku ciqaabay aduunka intaanan aakhira la gaarinba !!

Ilaaahayna 2 qolo oo kaliya ayuu dagaaal ogaysiiyay in uu ku qaadayo qolo waa kuwaan aan ka hadlayno ee culimada iyo dadka uu ilaah jecelyahya ku xadgudbo colaadna u qaada ,  qolada labaadna waa kuwa Ribada bannaysta ooku  shaqaysta isla markaaaan cunta  alle waxuu kuwaas agaysiiyay dagaal ayagana in uu ku qaadayo  :

(ياأيها الذين أمنوا اتقوالله وذروا ما بقي من الربا إن كنتم مؤمنين فإن لم تفعلو فأذنوا بحرب من الله ورسوله)

4. Qofka dhibaataynaya ama afxumaynaya culimada waxuu tooos u dhibayaa oo uu ku xadgudbaya rasuulka SCW qofkii rasuulka dhibaateeyana alle ayuu dhibaataynayaa maxaaa yeelay culimada waxayba wakiil ka yihiin rususha oo fariintoodiii ayeey dadka gaarsiinayaan ,marka qofka wax u geysta anbiyadii ay ka dhaxleen cilmiga oo ay wakiilada u ahaayeen ayeey toos u dhibaataynayaaan

Marka waxaan qormadeenna ku soo gabagabaynaynaa in ilaah aan kawada caqbasano carabkeena iyo qalinmkeenana aan ilaalino isla markaana aan ogaano wax kasta oo aan ku hadlayno ama aan qorayno in Alle uu nagula xisaabtamayo maalinka qiyaamaha ama aduunkaba nagula xisaabtami doono , isla markaana waa in aan ogaanno in ay jiraan 2 malag oo markasta labada garab naga kala saaran oo midna waxuu qorayaaa waxii san oo hadal ama qoraal ah oo aan ku hadalno midna waxuu qorayaa eray kasta ama qoraal kasta oo xun oo aan ku dhaqmayno marka taas ayaan nafteyda iyo tiinnaba u dardaarmayaaa

Qormada soo socoto ayaan ku eegaynaa saamaynta aflagaadada culimada ay ku lee dahay bulshada dhaxdeeda iyo waliba Anshaxa iyo aadaabta nalooga baahan yahay marka aan saxayno khaladaadka culimada islaamka guuud ahaan ma aha kuwa soomaalida oo kaliya haddii allaha awooda lihi uu noo ogolaado  .

Qaybaha kale qoraalka: Akhri https://somalitalk.com/tag/faaruuq/

Maxamed sh cumar faaruuq

ibncumar@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " War Hilbaha Culimada waa Sune iska Ilaaliya | Q.3aad | Faaruuq "

  1. Waad mahadsan tahay Maxamed Sxb qoraalkaaga aadka u muhiimka ah maasha allaah haddii ay wax ku qaadanayaan culamada Soomaaliya dhiiga ku daadinaysa iyo haddii ay wax ku qaadanayaan dadka xamanaya intaba, laakiin aniga fikir ahaan waxaan Maxamedow aan aaminsanahay culumada Soomaaliya iyaga ayaaba isku keenay in Hilibkooda la xalaashado illaa iyaga ayaa kii dadka xalaashaday oo maalin waliba dhiig dhinacooda ka daadinayaan.

  2. Aabid says:

    Salam;

    Walaalkey waxaan rabaa in aan xasuusiyo hadeey culumadu sidan u’qiima badanyihiin bal kawaram kuwa diinta Allah,Rasuulkiisa..(scw),kacbadiisa iyo sharafta culumada iyo muslimiinta dhan ba u’dagaal tamaya..bal hadaba dhiigooda kawaram dadka macal culumada difaacaya miyuuna dhiigoodu ahayn ka ugu SUNTA BADAN..markaa maxaa loo caayaa Mujaahidiinta ood uga hadli weeyday xaqii aaway iyo miisaankii…culumadana waan jecelahay qofkii dulmu culumada caaya ama la’dagaaltama noocuu doono ha’ahaade dadkaasi dhiigoodu xalaal buu noqonayaa waayo rasuulkeenii (scw) baa dhahay qofkii awliyaa Allaah ladagaalama Allaahna dagaalbuu lagalayaa…wa jazaakallau kheyran.

  3. cali says:

    waad ku mahad san tahay walaal macluumadka aad noo sheegtay runtiina hada somalidii wayba baratay inay culimadii ka dhex baxaan oo markaad aragtidba waxad aqrinaysaa sh hebel ba hada ka hor saa dhahay hadana saas ayuu yidhi ,,,,sh hebel waa ictisaamtii is dhiibtay oo calosha wayneed !! war annaga wax aragnay wallee dad salkodu fudud yahay baa nasoo galay ee aan salka xejisano somalaaay