Home » Maqaallo »

KU CIBRO QAADO CAYNABA!!{Mohamed Nuur Mooge(Somali6)

Haddi aan wax yar ka idhaahdo Arimaha ka Dhacay magaalada CAYNABA maalmihii la soo dhaafay. Ee ku saabsan labada Dumara ee la kala yidhaahdo Asiya Jamac Ali iyo Xiis Mohamed Diiriye Ee laga Afduubay Maxkamada ku dhex taala Magaalada CAYNABA ee Gobalka seeraar.

Arintaasi waxay na xasuusinaysaa Khader Qodax Digaale oo la yidhi wuxuu dilay Fanaankii Ahmed Gaceyte Inta maxkamad Magaalada hargeisa la soo taagay waxba lagu waayey oo aanu ka codsanay Qaadigii in la sii daayo.Dabeeto wuxuu yidhi qaadigii ma sii deynayno sababtoo ah Nabad galyadiisa ayaa Khater ku jirta iyadoo jeelkii magaalada hargeisa ku yaalay dib loogu celiyey ka dib waxaa dhacday in jeelka dhexdiisa lagu Garacay Khader Qodax Digaale oo ilkaha laga daadiyey. Mudo ka dibna la yidhi ninkii waa dhintaye kaalaya meydkiisa qaata.

Qofku danbi uu gali karaa waayo waa Ibnu Adem marka se danbigii la baadho hadii wax lagu helo qofkii waa in danbigii lagu qaado haddii lagu waayana waa in la iska sii daayaa Billaahi calaykum ma waxa sharci ah in lahayo Qofka ka soo jeeda Beesha Gabooye ilaa inta uu ka dhimanayo. Aan su,aal idiin weydiiyee muxuu yeeli lahaa qof idinka idin kamida oo hooyadii ,walaashii, sodohdii ama xaaskiisa suuqa badhtankiisa la jiido Dareenkuunu muxuu noqon lahaa ? waxaan aaminsanahay arintaas oo kale inaanay marnaba anaga naga suuroodeen hadaad hadii aad nooshahay waxwalba waa laga yaabaa inaad aragto.

Waxaanu moodeynay in ay meesha Dowlad dadka oo dhami u simanyihiin ay ka jirto wadanka waxaa cadaatay hadalkii uu Gudoomiyuhu yidhi Tiinka iyo Garanwaagaba wadanka waan ka cidhib tirayaa waxaa kaloo na qaladay markay doorashadii dhamaatay hadalkii uu Madaxweynuhu yidhi ee ahaa Dadka laga tirada badan yahay xuquuqdooda waanu ilaalinaynaa. Dhacdadani ma hadyadii lanoogu balan qaadaybaa.

Waxaan hadalkeyga ku soo gaba-gabaynayaa waxaan leeyahay idinkuna Nimcada ha iska daadinina Anagana Nabad galayada ha noo diidina.waxaan u mahad naqayaa Odayashaa,Salaadiinta,Dhalinyarada,Dumarka ka soo jeeda Beesha Gaabooye kana gil-gishay arintaas ee ka sameeyey Mudaaharaad Magaalada Burco iyo inta damiirkoodu noolyahay ciday doontaba ha noqotee arintaas ka damqatay oo aanu leenahay waad mahadsantihiin.

Wabilaahi Tawfiiq

Gabooye Minority Organisation,Europe & North Amrica
Mohamed Nuur Mooge(Somali6)
E-Mail:somali6@hotmail.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " KU CIBRO QAADO CAYNABA!!{Mohamed Nuur Mooge(Somali6) "

  1. axmed makoma says:

    ka dib markaan akhriyey , arrimo kale oo la mid ahna aan soo akhriyey muddo hore, waxaa leeyahay oo aan reerka gabooye iyo somalida laga tiro badan yahay ALLAH idiin a liidin, dadka somaliyeed ee wuqooyiga somaliya ku dhaqan waa dad aad u xadaarad yar ama xadaarad xun weli ku dhaqma, oo qalbigau fadhida.

    hadabo anigu waxaan arkaa somalida kuwa ugu liita waa kuwaas.
    arrimahaan oo kale innaba koonfurta somalia ka ma dhacaan iyo wax u dhowba.sidaa ku ogaada in ay wuqooyi dhaqan xumo la liitaan.

    amadeo.

  2. Ass. Alaykum. Saaxib waxaan kutalinlahaa inaad sheekada oo dhan dib ugu soo celisid iyo sida ay wax udhaceen waayo waxaa lagayaaba inaad lahadlaysid dad horay ula socday sheekada laakinse aniga iyo dad badan waan kucusubnahay oo horay ulama socon wax meeshaas kadhacay. Teeda kale, waxa Somalia kadhacaya ma’aha wax gabooya kali ah kusocda ee umada oo dhan ayaa lagumaadaya. Qisadu maxay ahayd? Bilowgeeda iyo cida kadanbaysay.
    Tankale, shacabka Somaliyeed ee shabakadan kuxiran maxaa dhacay oo la aamusanyihiin haddii ay fahmeen oo ay horay ula socdeen? Maxay tacliiq usaari waayeen qoraalka dadka lasoo dhaxdhigay? Mise sideyda oo kale ayaysan fahmin.
    Minority xanuunka ay leedahay waxaa ogaan kara qofka kunool Carabaha. Haddii aan Somalia kulaabto tolow ma ku orondoona qof Somaliyeed waxaad tahay midgaan…gaboy.. iyo magacyada dadka lagu yaso!
    Wa shukran