Home » Faallo, Warar »

Dhulkii Safaaradda Soomaalida ee Dalka Kenya halkuu ku danbeeyay? Yaase iibsaday?! Q.2aad

15 million Kenya SHILLINGS ayaa lagu iibsadey Dhismihii Safaaradda Soomaalida ee Nairobi, balse lacagta Dhismaha Safaradda Soomaalida uu marayo waxaa lagu qiyaasay 130,000,000 Kenya Shilling…

F.G Intii la socotay qormadan waxaan qormadii hore ku soo sheegnay Sandkii 1969-kii in ay dowladda Soomaaliya iibsatay dhulka safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya balse sanadkii 1973 ayay dowladda Soomaaliya albaabada u furtay dhismaha cusub ee Safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya.

Sidee loo sii iibsaay dhulkii Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya?

Dhulka Safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya waa dhul ay leedahay Dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed iyadoo qof waliba ogyahay in dowladd walba oo caalamka jirta ay ee dano siyaasadeed kala dhaxeenayaan dowladd kalle ay furato xafiiis ama dhismo safaaradeed arrimaha labada dowladood looga wada hadlo sidaas si la mid ah ayay dowladda Soomaaliya oo adkeeneeysa xiriirka ay la leedahay dowladaha dariska furtay safaarad ay ku yeelan doonto dalka Kenya oo ah dal daris dhow la ah dalka Soomaaliya.

Sannadkii 1991 waxaa bur-burtay dowladdii Soomaaliya ee uu Madaxwaynaha ka ahaa Allaha u naxariistee Mudane Maxamed Siyaad Barre kadib waxaa bur-burkii dowladimada Soomaaliya horay u sii raacay wax walba oo ay dowladii Soomaaliya laheyd ama bililiqo loo geeestay sida ay doontaba ha u dhacdee.

Xafiisyadii dowladda iyo dhammaan kaabayaashii dowladnimo ee dal ay dowladi u dhisantahay astaan u ah ayaa mar qura la bur-buriyay ama bililiqo loo geestay hadda safaaradda Soomaalida waxa ay ka midtahay xafiiyadda Dowladii ay ku leedahay dowlad kalle suuragalna maahan in dowlad la’aani ay safaaradi sii shaqeeyso balse in shaqsi dowlad matalaya uu iibsado ayaa wax laga xumaado noqota.!

Muddo 4 sano kadib bur-burkii dowladii Soomaaliya  sanadku marka uu ahaa  1994-kii ayaa xafiiskii Dowladda Soomaaliya ay ku laheyd bartamaha Magaladda Nairobi gaar ahaan dhismaha International House la bixin waayay ijaarka ayaa lagu qasbay diblamasiyiintay joogtay in loo sheego in ay ka guuraan waana la xiray xafiiskii Safaaradda Soomaalida ee ay bartmaha magaalada Nairobi ku laheyd – (Xafiiska kiradiisa la bixin waayey waa xafiis ku yaal dhismaha International House oo inta badan dublamaasiyiintu ay daganyihiin, kaas oo ka duwan dhismaha guriga safaarada Soomaalida ee la iibsadey. Guriga safaaradda oo ah dhisme ay leedahay Soomaali waa guriga uu degganaa  safiirka, ahaana xarunta rasmiga ee safaaradda Soomaaliyeed iyo xafiiskeeda guud ee Nairobi, isla markaana shaqooyin ay ka socdeen.)

Intaas kadib danjirihii Soomaalida ee dalka Kenya u joogay inta aysan bur-burin dowladi Soomaaliya iyo qaar ka mid ah shaqaalihii safaaradda ayaa ku dhiiraday in ay iibsadaan guriga safaaradda.

Dad badan ayaa is waydiinaya safiikii iibsaday magciisa iyo meesha uu hadda ku noolyahay?.. magaca Safiirkii ugu danbeeyay ee iibsaday safaaradda Soomaalida ee uu mas’uulka ka ahaa waxaa la yirahdaa Axmed Sheekh Maxamed sida la iigu sheegyne wuxuu ku noolyahay dalka Ingiriis-ka balse magaaladda uu ku noolyahay, waxa uu qabto iyo sawirkiisa intaba wax macluumaad kama hayo?

Imisa lacag ah ayaa lagu iibsaday Yaase laga iibiyay?

Sidaan qormadii horayba aan ku sheegay dhismaha Safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya waxa uu ku yalaa xaafada Westland ee Magaladda Nairobi waana xaafadaha ugu qaalisan uguna amaanka badan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Axmed Sheekh Mohamed Safiirkii ugu danbeeyay ee Soomaaliya u fadhiyey dalka Kenya iyo qaar ka mid ah shaqaalihii safaaradda ayaa iibsaday dhulkii Ummadda Soomaaliyed ay ku laheyd dalka Kenya sandkii 1994 xilli dagaalo Ahli/Qabiil ay ka socdeen qeeybo ka mid ah dalka Soomaaliya gaar ahan caasimada Muqdisho.

Axmed Sheekh Mohamed ayaa aduun lacageed oo gaaraya 15,000,000 (Shan iyo toban Milyan) oo Kenya Shilling ku iibsaday safaaradda Soomaalida wuxuuna ka iibiyay nin la yiraahdo Suleeymaan Raxmatulaahi iyo Xaaskiisa una dhashay dalka Kenya balse asal ahaan ka soo jeeda dalka Hindiya.

Xilliga Safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya la iibsanayay dad badan oo Soomaali ah ayaa Qaxooti ku ahaa dalka Kenya balse safiirkii iyo qaar ka mid ah Shaqaalaha Safaaradda ayaa ku mashquulsanaa in ay ka macaashan dhul ay leeyihiin Malaayiin Soomaali ah.

Axmed Sheekh Maxamed wax uu ku iibsaday safaaradda Soomaalida lacag gareysaa KSh15,000,000 balse lacagta Dhismaha Safaradda Soomaalida uu marayo waxaa lagu qiyaasay 130,000,000 (Boqol iyo Sodon Milyan) oo Kenya Shilling oo ah lacag aad oog badan lacagta uu safiirkii ugu horeyay ku iibsaday dhulkii uu mas’uulka ka ahaa.

Dabcan waxaa kugu soo dhaceysa sidee suuragal ku noqoneeysa in la iibsado dhulkan balse maskaxda ku hay in arrintani ay ku luglahaayeen Safiirka Soomaalida, ninka Hindiga iyo shaqsiysaad ka tirsan Dowladaha Kenya iyo intii ka hartay shaqaalihii dowladda Soomaaliya gaar ahaan qaar ka mid ah shaqaalihii wasaaradda Arrimaha dibadda.

Haddaba waxaa is waydiin Mudane hadii uu Axmed Sheekh Maxamed mas’uul ka ahaan lahaa guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed soo ma iibsadeen dhulka Soomaalida oo dhan?, sidee shaqsi dowlad dhan matalaya uu ku iibsaday dhulkii uu mas’uulka ka ahaa? Cajiib. Nin aduun joogoow maxaa aragti kuu laaban.

Iibsiga Safaaradda Soomaalida yaa ka hor yimid?

Allaha u naxariistee Muuse Xirsi Faahiye oo ahaa Safiirka Soomaaliya ee dalka Djibouti inta uusan geeriyoon sidoo kalana ahaa mid ka mid ah Xogheenada Safaaradda Soomaalida ee Kenya xilliga la iibsanayay iyo nin kale oo magiica lagu sheegay Maxamed Cumar ayaa la sheegay in si toos ah ooga hor yimaadeen in hantida Qaranka in la iibsado balse waxaa loo sheegay in ay qaataan lacag gaareysaa 130,000 (Boqol iyo Sodon kun) oo Kenya Shilling ayna isaga aamusaan arrintan inkastoo ay diideen Muuse Xirsi Faafiye iyo Maxamed Cumar.

Markii ay ka hor yimaadeen in la iibsado safaaradd Soomaalida isla markaana ay diideen in ay lacagtaas qaataan ayaa lagu soo eedeeyay in ay Mukhaadaraad ka ganacsadaan kadibna waxa loo taxaabay xabsi dalka Kenya ku yaal oo ugu danbeyntii dadaal ay sameyeen dad Soomaali ah oo dalka Kenya joogay la sii daayay Muuse Xirsi iyo saaxiibkiis Maxamed Cumar.

“Sida loo kala iibsaday waa si sharci daro ah” ayuu yiri Allaha u naxatiistee Danjire Muuse Xirsi Faahiye waraysi uu siiyay TV-ga ETN ee Soomaalidu leeyadahay lagana daawado Afrika iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta.

Xilligan yaa dagan Safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya?

Kadib markii dadka Soomaalida ee dagan dalka Kenya ay ka horyimaadeen iibsiga dhismaha safaaradda Soomaalida ayna dowladda Kenya u sheegeen in ay qalad tahay in dhul dowlad ay leedahay ay shaqsiyaad iibsadaan ayay dowladda Kenya go’aan ku gaartay in aanan cidka daganaan karin. Dadkii arrintan dadaalka u galay waxaa ka mid ah Danjiye Muuse Xirsi Faahiye, Maxamed Cumar, Ganacto uu ka midyahay Huseen Dhimbil Warsame iyo dad kale oo Soomaalida dalka Kenya ah uuna ka midyahay Axmed Isaaq Gudoomiyaha Gudiga Doorashada ee dalka Kenya iyo Qareen Maxamed Ibraahim.

Sida sawiradaba ka muuqdaan cidna ma dagana mana dayactirna lamana ogala in la dhax galo ama sawir laga soo qaado waxaana waardiye ka ah rag Kenyan ah oo dowladda Kenya ay u xilsaartay in ay ilaaliyaan dhismahan uu muranka ka taaganyahay balse Decoment uu sameeyay Wariye C/rashiid Duqa oo ka tirsan TV-ga ETN ay ugu suura gashay in uu Video ka soo duuba noqdayne Vidoe-gii ugu horeey ee laga qaado dhulkii Safaaradda Soomaalida ee haawanaya.

Dowladda Kenya waxa ay ka xanibtay ninkii iibsaday iyo Shaqaalaha Dowladda Soomaalida labadaba balse waxa laga dhigay kiiska mid maxkamadeed inkastoo marar badan oo ninka guriga laga iibiyay ee Suleymaan Raxmtulaahi iyo shaqaalaha safaarada Soomaalida ee Kenya ay iska horyimaadeen aysan suuragal noqon in maxkamadu go’aan ka gaarto sidaas ayuuna dadka Soomaalida ah dhulkaasi kaga maqanyahay.

  • FG/SIXID. Lacagta lagu iibsadey guriga  safaaradda waa Kenya Shilling,  ee ma aha Doolar, waxaana u mahad celinaynaa akhristayaasha naso xasuusiyey.

La soco qeybta 3-aad.

  • FG. Sawirada Safaaradda waxaa asalkii qaaday ETN TV lehna xuquuqda. Waxaa faafiyey SomaliTalk.

Qaybaha Qormada ka akhri: https://somalitalk.com/tag/safaarad/

Ibraahim Da’ud Abdalle

sayfudiin@gmail.com

Kuala Lumpur, Malaysia.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

15 Jawaabood " Dhulkii Safaaradda Soomaalida ee Dalka Kenya halkuu ku danbeeyay? Yaase iibsaday?! Q.2aad "

  1. mahamud says:

    asc asxaabeey Kenya waa noo heesaa safaaradeeda ee ukaadiya dhul qaran leeyahay ma gadmee ileen Kenya waa dal ey dowladnimo ka jirto sidaa daradeedna aanan hantida qaranka Somalia lagu dhici karin, balse hadii Kenya arintaa raali ka noqoto safaaradeda Somalia ku taal aa anagane qaadaneenaa tht is all alaha wadanka nabad nooga dhigo intaas aa noo muiim ah

  2. sade says:

    waad mahadsantihiin sida aad ooga hadleesaan arimahan ama hantida soomaaliya
    Laakin waxaa isweydiin leh aaway kuwa dowladnimada sheegtay Sida 1 -ABDULLAHI YUSUF
    2-ABDIQASIM
    3-SHARIFF
    waxaa kawada hadli karo labo dowladood SHARIFF IYO YUSUFBA Saxibo ayey yihiin kenya

    amay arimuhu safiir kaweyn yihiin?
    GURI Qiimo weyn maleh aaway kuwii badda in SUN lagu daadiyo gatay
    aaway kuwii badda kenya siiyey

  3. MA LADHACAY MISE WAA LA IIBSADAY?
    Ass. Alaykum. Waa loo baahanyahay qoraal taabanaya qadiyad aan kamidaysanahay oo aan qofna lagu durayn. Iibsiga safaarada waa ka duwanyahay sida aan Anaga uburburinay wadankeena; haddii ay ahaanlahayd hanti Qaran, umad lagumaaday iyo malaalin labarakiciyey. Wixii nadhaxmaray waa gudaheena waa inoo maalinkale iyo marka aan gaarno jawigaas iyo maxkamad aan leenahay iyo wixii nool markaas- Allaha nagu simo. Adigana iska ilaali in danbi lagugu soo eedeeyo maalintaas!

    Amaa wixii caalamka noo gaysto gaar ahaan wadama aan dariska la’ah Somalia ee waliba lugta kula jira- waa lasoo ceshada; bal waa inaan buun buunina, malaha waaba intaas oo wadani-nimo iyo calan difaacii dib inoo xasuusisa. Qiiro wadani-nimo iyo Somali 77 ayaa ugu danbaysay!
    Documentiga lagu kala iibsaday maxaa kuqoran?
    Kenya waa dowlad waa wadan leh qaanuun iyo kala danbayn.Waan idinku raacsanahay in Kenya tahay meel fasaadka kubadanyahay laakinse marka ay timaado hanti iyo wax kala iibsi wali waxaa lagu iibsada lawyer iyo meel sharci leh.
    Su’aasha aan wali raadinaya waxay tahay :
    1. Markii maxkamada laysla tagay, muxuu sitay ninkan lagu sheegey Raxmatullahi oo tusinaya inuu guriga ka iibsaday ninkan magaciisa lagu sheegey Axmed Sheekh Maxamed?
    2. Guriga mawuxuu kuqornaa inuu leeyahay Axmed Sheekh Maxamed mise Qaranka Somalia?
    3. Safiirku mawaraaqaha guriga ayuu haystay oo magaciisa kuqoranyahay?
    4. Amuu khalad jirey oo gurigu kuqornaa qof walow ay lacagta bixisay dowlada Somalia sida qoraalka kucad?
    5. Dowlada Kenya maxaay guriga ugu wareejin la’adahay ninkii iibsaday haddii sida lasheegey lakala iibsaday? Ama ugu wareejinla’adahay dowlada Somalia haddii sharci daro lagu kala iibsaday!
    6. Raggii dacwada galay maxaa sharci ah oo lagula dooday oo lasoo hordhigay? Maxay la istaagtay qadiyada? Ma dhanka dowlada Somalia mise lawyerkii ayaa lacag loo waayey?
    7. Dowladihii Somaliyeed walaw ay tabar darnaayeen- laga soo bilaabo Qaasim ilaa Shariif- xariir wanaagsan ayay lalahaayeen dowlada Kenya, mawaxad ileedihiin cidna arintan marna kalama hadlin Kenya ?.

    Adinkoo iga raali ah, ilaa iyo inta qoraalada ay soo dhamaystirmayaan waxan qabaa inaan ladhihin ‘Guriga Safaarada Somlia ee la iibsaday’ balse lagu badalo ‘Gurigii Safaarada Somalia ee ladhacay’
    Qoraal aan ka akhriyey shabakada shaahid wuxuu muujinaya inaay dowlada Somalia raad ku leedahay.
    http://somali.alshahid.net/news/kiiska-safaaradii-soomaaliya-ee-nairobi-oo-weli-socda/
    Aakhiiran, waa fiicnaan lahayd in Somalitalk America ay waraysi ugu tagto ninka layirahdo Maxamed Cumar Aadan “Gaange”! iyo waxa uu nagu soo kordhinkaro arintaan.
    Safaaradan oo aan soo ceshano waxay daliil utahay inaan dalkiina kusoo celinkarno sidii uu waa ahaan jirey!
    Iga raali ahaada ayaamahan dambe waxan isku arkay hadal farabadan oo mararka qaar iga dhumiya hadafka iyo xigmada. Ujeeda ka raac hadalka ee hadaba galin erayada aan sida qaldan ucabiray!
    “Somali ha israacdo, rabigeedna ha utowbadkeento!”

  4. a c bahda somali talk iyoqoraaga faaladaan waa arrin wanaagsan in qofkastoo soomaali ah uu wax ka qoro wixii dhacay qoraaga maqaalkaan wuxuu joogay kenya waa ku saxsan yahay wixii uu ka kororsaday halkaas safaaradda somalia ee kenya waxay ka mid tahay kuwa la iibsaday marka in laga hadlo waa mudan tahay aad buu u saxsanyahay qoraaga maqaalkan

  5. Omar says:

    Anigu Somalia waa ka quustey waana iska deynaya hadalkeeda.
    Adinku safaarad 90yadii la gatey ayad ka hadlaysaan oo wadanaddnnu didd inad ka amusaan.
    Laakiin soo firsada haddaan la dhiman dalkan dhan aaan u malayn in lag kala ege oo la kala iibsadey oo mdaxa uun nala tusayo.Magaca somlia la yiraahdana inuu taariikh afka looga sheekeeyo illeen qoraalka annagu ma jecline ayaan u malayn.hadaan ilahay gargarkiisa nagu badbaadin.

  6. Hassan says:

    Ninki safaaradda gatey,nimanki wasaaradihi dalka oo dhan boobay oo ilaa hada sidi hanti gaar ah u haysta,kuwi taalooyinki taariikhiga ahaa xaday kuwi warshadihi fujistey oo east Afrika u raray,kuwi kuwi beerahaiyo guryaha muslinka weli haysta oo la yaqaan.
    Kuwi umadda Somaliyeed marba tuulo iyo magaalo ku duulaayay oo kufsiga iyo guryaha dadka la fiiqdo ku kacaayay. dadkana iska toogtooganaayay.
    qolo waliba meeshi ay wax ku sameysey qofki ay ku samaysay iyo meeshi ay ku sameysey dadki taagnaa qaar badan waa nool yihiin. Yurub iyo mareekanna waa la wada joogaa maalin ayaa la isu wada keeni doonaa oo maxakamd la soo wada taagi doonaaye iska suga oo sii arruriya diiwaanka yuusan idinka lumine.

  7. asc dhaman hawl wadeenada somalitalk.com iyo qoraaga ibraahim iyo dhmaan akhristayaasha intaas kabacdii wxaan u arkaa qoralada noocano kale ha inay muhiim u ah taariikhda soomalida iyi dabagalka safaradaba markaas dadka leh maa wax hada dhacaya laga hadlana wxaan leenahay tan uu ka hadlayba walalayaal waa loo baahanyahay qof walbana wxa uu awoodo haqabto waana ugu bogadinaynaa walalka isxilqaankiisa iyo wakhtigaa uu ku bixiyay markaas qofwalba waxa uu awoodo haqabto

  8. Boss says:

    Asalaamu calaykum.. walaahi waa wax laga naxo.. lagana danqado runtii allena laga magan galo.. waayo dadka ku dhiraday hanti dawladeed inana wa ina ibsan lahayeen.. haday awood u helaayan, amaa lacagta guriga lagu gaday xoga macquul wa ila noqon wayday 1500.000$ xogaa waa ila badan tahay runtii.. gurigan arkay lacagtaa uma qalmado….waayo wadankan ku noolahay xataa guryaha inta lama kala siisto o ah wadan aad uhoramaray.. amaa walaalka xogta soo bandhigay dabcan dadaal bay ka ahayd waa nin ragoo ka danqaday hantidaa qaran ee xatooyada lagu sameyay..midna yaan la ilaawayn ilayn somali hadaynu fudayd baan waxba inaka reebayn.. walaalku wuxuu kusaxiixay qoralkisa.. inay khaas u tahay soo badhigada macluumadkan… marka cudur daarku wa muhiime aanu isu cudur daarno looolz

  9. Ciise says:

    Waad salaamantihii, waxaan idiinka mahad celinaayaa sida waajibkii idin saarnaa aad u gudataan, idinkoo isku deyaaya in aad danta ummadda Soomaaliyeed oo cid walbaa u cadow tahay aad wax uun ka badbaadisaan.
    Waxaa iga talo ah :a)Dadkeenu waxbay maqlaan ee wax ma akhriyaan, sidaa awgeed in la helo dad ka hadla Raadiyaha (e.g. BBC) ama TV (e.g. Universal). Waxaa badanaa hadla oo ummadda si qaldan wax ugu sheega dad dan gaar ah ama dan qabiil ka hadla, waxaase meesha maqan cidii ummadda wacyi gelin ka duwan u sheegi lahayd.
    b)In la sameeyo lana helo shakhsiyaad fiira dheer oo arki kara khiyaanooyinka ummadeena loo maldahaayo laguna mashquulinaayo dhacdooyin is dabajooga oo maalinle ah, iyadoo aan marna laga hadlin xaqaa’iqa runta ah ee ka jira dhulkeena.
    c)In la daba galo dhamaan kuwa isku sheegaya Siyaasiyiin go’aamadooda
    si ay u ogaadaan in uu jiro Xisaabtan dambe, haddiise lagu mashquulo qof wuxuu yiri iyadoo aan waxa ka dambaya la eegin waxaan dhumaaya dantii qaranka iyo dadkaba , waxaana xoog yeelanaaya tii Qabiilka.
    d)Qormo ama fikrad ay ka muuqato dan gaar ama qabiil in aan la soo daabicin.

  10. Abdullahi says:

    Ismail Barkhadle waxaan kaa dareemay muwaadininimo, waana mid qaali ah ee ogoow taas, waxaan kaa codsan lahaa inaad la xiriirto walaalka u istaagay inuu dabagal ku sameeyoa hantidii qaranka ee la lunsaday, Ibrahin daauud fadlan dadaalkaaga sii wad… waad mahadsan tihiin…… abdullahi

  11. Magan says:

    Dauudow waad ku mahadsantahay Fadeexadan wayn ee aad soo bandhigtay Runtii waa dambi aan yarayn dhul qaran iyo dadkiisii nin iib saday marba hadii uu nimankii diiday in la iibyo safaarada uu xabsiga u taxaabay waxaa fiican in ninkaas aad leedaha ingriiska ayuu shaah ka cabayaa in maxkamad la soo taago isaga iyo wixii noociisa oo kale ah waa haddii ay cadaato in falkaas uu
    gaystay. runtii waa arin xun haddii ninkasta oo dalka dambi ka gala dadka shacabka ah xasuuqa inuu hadhaw ku daba gabado qabiilkiisa.
    qabiilkiina ay ku garab istaagaan ceebta iyo fadeexadda uu u soo jiiday waa cajiib.

  12. AHMED says:

    Salaan Dabadeed.. Xoogaa waxay U baahanatahay sixitaan xaga qarashka guriga…. Waxaan ogahay in Guriga La Kala Siistay 15 Million oo Kenyan Shilin ah maaha Dolllar.. markaa bahda Somalitalk iyagoo mahadsan xoogaa halkaas ha ku noqdaan… ETN.TV iyo Barnaamij soo saarihiisa C.rashid Duqa.. aad buu u mahadsan yahay wuxuuna mudan yahay in la abaal mariyo maadaama uu yahay ninkii ugu horreeyey ee dunida ku nool oo sawir noocuu doono ha ahaadee ka soo qaada Dhismaha Qaranka… isaga iyo Somalitalk-ba waxan leyahay mahadsanidin.. Qiimaha Guriga Waxaa lagu Iibsaday lacag dhan 15 Million Oo Kenyan Shilin ah oo Xaaraan ah…. waxaana markii la qiimeeyey guriga lagu qiimeeyey in uu dhan yahay 130 million oo Kenyan Shilin ah… Xafiiska Qareenada Ibarahim And Issack Company ee Dooda soo dhicinta Ku Jira tan iyo 1994-kii..

  13. Guled says:

    safaarad ayaa la iibsadey ayaad ka hadleysaan somalia oo dhan ayaa iib ah 20 sano u danbeysay wax kasta la iibsadey wiil & gabdho ayaa i iibsadey caruur ayaa la iibsadey ha laga hadlo Runta dhul & guriga wax oo yahay ma jirto ummada somaliyeed habaar weyn ayaa ku dhacay dad badan ayaa qalad agooon baa la laayey dumar & caruuur ayaa la laayey hada ma ha laga hadlo dhibaadad siday u kala weyn tahay Runta ha la isku sheego

  14. Yaabane says:

    SCM. Dhamaan shaqaalaha iyo aqristayaasha boggan.

    Inta aanan ku mashquulin arinka dhacay iyo sida uu u dhacay, waxaan la yaabay xisaabta kor ku qoran macquul ahaanshiyaheeda in laga bixiyo guri ku yaala qaarada Africa oo aan laheyn taariikh fog oo kumanyaal sano ah, si ganacsi looga sameeyo dalxiisayaal ajaanib ah iyo taariikhyahano dan gaar ah ka leh. Mar waxaan ku fekeray amaa looga jeeday kenya money xisaabta boqolka milyan iyo barka ah ama in laga waday 1500,000$, waana tan dambe tan iigu macquulka badan in looga jeedo qiimaha kor ku xusan.

  15. waan idin salaamay salaan kadib saaxiib waxaan idiin sheegayaa in aan ahaa dadkii daganaa safaarada markii la iibsanayay xog badana ka haya waxaan idiin sheegayaa in Maxamed Cumar Aadan “Gaange “oo ahaa Ninkii diiday Inuu lacag qaato loona xiray arintaa uu ila joogo magaalada Minneapolis MN waad mahad san tihiin