Home » Warar »

Jaamacadii ugu horeysay oo laga furay Qardho (Sawiro/ Warbixin)

Xaflad lagu furiyay Jaamacadda Bariga Soomaaliya ee Degmadda Qardho (East Somalia University) ayaa maantay (24-09-2010) si rasmi ah xariga looga jaray.

Furitaanka Jaamacadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Masuulyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Waxbarshadda Puntland,Aqoonyahano iyo dad waxgarad ah.

Halkan ka daawo sawirada

Xaflad Qado sharaf ah oo Madaxda Jaamacada ay ku qabteen Hotelka Guffurre ka dib ayaa waxaa loo soo dhaqaaqay Halka ay ku taalo Xarunta Jaamacadda taasi oo masuulyiinta ay kormeer ku sameeyeen Qeybaha kala duwan ee Dhismaha Cusub ee Jaamacadda.

Ugu horeyn waxaa halkaas hadal kooban ka jeediyey Ustaad Sakariye Maxamud Ciise oo ka mid aha masuulyiinta hirgelisay furitaanka Jaamacadda Bariga Somaliya.

Proff. Axmed Maxamed Barre oo isagana ka tirsan Maamulka Jaamacadda East Somalia University ayaa wax uu in badan ka hadlay heerka waxbarsho ee Qardho ay soo martay isaga oo sheegay in 1984-tii ay aheyd halkii ugu horeyay ee la rabay in laga furo Jaamacad Goboladda Waqooyi bari, hasse yeeshee mudooyinkaas intii ka dambeysay aysan suurto gelin.

Wax uu sheegay in aysan hirgelin illa wakhtigaas, hasse yeeshee dadaal badan oo loo galay furitaanka Jaamacadda ay maantay suurto gashay.

Proffka wax uu si aad ah ugu dheeraaday in uu rajeynayo in Jaamacadda Bariga Soomaaliya ay noqto mid kaalin wayn ka qaadata dhiiro gelinta xagga waxbarshadda degaanka gaar ahaan Dhalinyaradda.

Maxamed Siciid Hogaama la roor Duqa Cusub ee Qardho ayaa isagana wax uu sheegay in isaga ay si gaar ah farax ugu tahay furitaanka Jaamacadda, sabatoo ah wax uu sheegay in in badan lagu rajo weynaa furitaanka Jaamacadda.

Duqa ayaa wax kale oo uu ka hadlay kaalinta Qardho ay kaga jirto waxbarshadda Puntland, isaga oo xusay in dadka u dhashay degaanka ay ahaayeen kuwa inta badan ku mashquulsan sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka ka jira dalka Soomaaliya.

Wax uu soo qaatay in hirgelinta Jaamacadaha kale ee Puntland ay fikradeeda iyo weliba hirgelinteeda kaalin weyn ku lahaayeen dhalinyaradda Degaanka Qardho, kuwaas oo maantayna u soo jeestay degaankooda.

Madax badan oo halkaas ka hadshay ayaa wax ay ku dheeraadeen ka hadlida Waxbarshadda degaanka , Ustaad C/ladiif Bilaal Cabdow Gudoomiyaha Waxbarshadda Gobolka Karkaar ayaa waxa uu isagana ku dheeraada Qiimaha Waxbarshadda ay u leedahay qofka, isaga oona ka sheekeyay in Qardho rag badan oo Wasiiro Waxbarsho ka soo noqday Puntland ay ka mid ahaayeen Ragii Qardho wax ku bartay.

Waxa uuna soo qaatay Wasiir ku xigeenka Waxbarshadda Puntland Cali Gamoote,Wasiirkii hore ee Waxbarshadda Axmed Siciid Aw Nuur iyo Agaasimayaal badan oo ka tirsan Wasaaradda Waxbarshadda.

C/ladiif Bilaal waxa uu sheegay in uu ahaa Macalinkii wax soo baray dhalinyaradaas iyo kuwa kale oo jira dibadaha, laakiin waxa uu sheegay in markaan looga baahan yahay sidii ay gacan ugu geysan lahayeen sii socsiinta Tacliinta guud ahaan.

Ugu dambeyntii Waxaa lagu soo dhaweyay Wasiir ku xigeenka Waxbarshadda Puntland Cali Gamoote oo ka sheekeyay Waxbarshada Qardho heerkii ay soo martay iyo maantay halka ay joogto.

Waxa uu sheegay in uu isaga ka mid ahaan Dhalinyaradii dugsiga hoose illa Sare ku qaatay Qardho, isla markaana gacan ka geystay dhismaha Iskuulo badan oo laga hirgeliyay Degaanka xilligii dowladii dhexe.

Cali ayaa sheegay in sanadkii 2003dii Madaxweynihii Xilligaas C/laahi Yusuf Axmed, qoraal codsi ah oo loo gudbiyey oo ka hadlay Furitaanka Jaamacado laga hirgeliyo Puntland, Warqad uu xilligaas qoray ku cadey in Qardho laga hirgeliyo Jaamacadda Koowaad ee laga furay Puntland.

Dhan kale waxa uu sheegay in Ragii xilligaas dadaalka ugu jiray Furitaanka Jaamacadda Qardho ay ahaayeen Proff. Khaliif Maxamed Barre iyo C/waaxiid Cali Xundhur, hasse yeesheen maantay ay suurto gashay in la hirgeliyo.

Waxa uu si gaar ah dadka degaanka kaga codsaday in ay Caruurtooda geeyaaan Jaamacadda East Somalia University si ay Aqoontooda meel sare u gaarto.

Xafladii furitaanka ayaa wax ay ku soo dhammaatay sidii ay ugu talo galeen Madaxda Jaamacadda East Somalia University Qardho iyagga oona sheegay in ay dhawaan bilaabayaan Qoritaanka Arday ugu horeyay ee dhiganeysa.

Halkan ka daawo sawirada

Source: Qardho-Media

La xiriir:

kaydnetwork@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

13 Jawaabood " Jaamacadii ugu horeysay oo laga furay Qardho (Sawiro/ Warbixin) "

  1. mustafa says:

    acww
    guuuuuuuuuuuuuuul guuuuuuuuuuuul,
    waa guul usoo hoyatay guud ahaan umada soomaaliyeed gaar ahaan bulshada ree qardho,waxaan leeyahay qolyaha xisdigu ka buuxo sida gabadha ismahaan oo kale walaal qardho waa magaalo dawayn kana dawayn garowe bosaaso iyo gaalkacayo waxaan xusuustaa 1983 bosaaso iyo growe kama jirin dugsi sare sidaa darteed ardayda reer garoowe ama reer bosaaso waxay dugsi sare u imaan jireen qardho.magaalada qardho waa magaalo waxbarasho waxaa la xasuustaa ardayda markay u fariistaan imtixaanka jaamacadaha ardayda qardho waxay geli jireen no one or 2 waa wax la ogyahay marka shalaa barateen ee wala shubi jiray ha arkinina garowe oo mushuharka puntland iyo burcad badeed ku dhisantay!!

  2. Faduma Axmed says:

    As’allamu caleikum

    Awalan waxaan salaan qaali ah u dirayaa dhamaan walalhii isku howlay marnaamujkaan waxbarsho anoo dareensanahay in ay ku bixiyeen waqti faro badan oo ay iyagu u bahnayeen, waxaan Allaah uga bariyin in uu aduun iyo akhiro barkeeyo runtii magaaladu waa magaalo wax barsho iyo nabada ay tariikhda u gashay waxaan filayaa in ay ka wada fa,iidaysan donaan dhamaan umada Somaliyeed iyo kuwa degaanka waxaan kaloo codsan in la tageero laguna baxsho wax walba oo ay horumar ku gaari lahayd loona duceeyo maamulka iyo inta ku hawlan waxaana filayaa waad argteen isdiiwaan gelinta ardeyda gudaha kuweena qurbaha joogana oo la jaha wareersan waxbarshada ilmaheena aan ka fa’iideysano insha allaah.

  3. ruun says:

    Asc wr wb, walalayaal waa wax lagu farxo in gobolwalba helo wax barasho sababtoo ah. dadku waa dan yar ma wada awoodaan in ay jamacado u adaan magalooyin kale.sidaa darteed aad baan ugu hanbal yeynayaa dadkii ka soo shaqayey iney furaan jamacadaan qardho ilahay haynisiiyo ajarkeeda ayaan leeyahay. umada qoreyso qabiil ayaa laga dhigayw axaan leeyahay ka wan tooba fadhi ku dirirka iyo xasi nimada una ogolaada walalkiina kale wuxuu helayo,Walalka kale ee leh hal jamacad baa ku filan puntland waxaan ku leeyahay xiligii tigtatootiyada waa laga ilbaxay adeer lays caburinayey ee lalahaa xamar kaliya ayaa jamacad ah oo meel walba looga imaanayey. Walalaka leh qabiil beey ka dhigeen meesha waxaan kuleeyahay allaha ku daaweeyo somaliya gobol walba qabiil baa daga marka qabiil soomali ah meel ay kuwada dhan yihiin wey yar tahay ama maba jirto ayaan qabaa sxb. hadii meel walba qabiil kaaga ifo gurigagagna wuu kaga ifi oo islantada ayaad u ceyrin doon taa mustaqbalka . Nabada iyo wanaga iyo horumarka hala taageero somaliyeey .wabilaahi towfiiq . N inka leh hhal jamacad haloo dayo puntland waa nin ganacsi wata ee aan udaneyneyn mushtamaca ayaan qabaa .wabilaahi towtiiq

    ruun mahamed

  4. omar says:

    aniga waxy ila tahay in hal jaamacad oo quality leh in ay ku filan tahay garowe qardho ilaa galgacyo. quality is better then quantity.

  5. Cabdullaahi says:

    Waa arrin aad loogu farxo, inkastoo qof aanan weligiis masaajid soo gelin, markuu soo galo, waa in loo sheego xushmada masaajidka oo ugu horreysa inuu kabaha bannaanka soo dhigto, taasi waxaan uga jeedaa, tacliin marka la yiraahdana waa inaan shaarka qabiilka bannaanka soo dhiganaa… Faallooyinka halkan dadka qaarkii ku soo qoreen, farxaddii loo hayey jaamicadda cusub ayey rabaan iney calaamad qabiil usameeyaan. Taasina Allaan ka magan galney.

  6. Ismaan says:

    Jaamacadihii ma wexeey noqdeen maqaayad ninkii doona iska furto? Ilaahoow Soomaaliya u gargaar. Sow ma ahan in Dowlada Puntland la weydiisto ruqso, iyo in ruqsadaas la helo? Ruqsooyinka jaamacadaha lagu furo sow ma lahan shuruudo ku xiran? Mase hadaad soo weydiisato waa lagu siinayaa?

    Su’aashu wexeey tahay, shuruudihii jaamacadnimo ma buuxin kartaa jaamacadan cusubi? Macalimiin heer Masters Degree ama ka kor heysta iyo agabkii kale ee jaamacad laga doonayey mala hayaa marka hore? Soomaaliyeed yeysan caadifadi idin qaadin ee jaamacadahan magaalo kasta laga furayo halaga fiirsado.

    Mar dhow 100 kor wey u dhaafi doonaan jaamacaduhu sababtoo ah qabiil kastaa wuxuu rabbaa inuu magaaladiisa jaamacadeeyo. Waa cajiib. Wadan faqiir ah oo dagaalo la degeen intaas oo jaamacadood ma qaadi karaa? Wadamadii horey u maray ayaanba awoodin in magaalo kasta jaamacad yeelato.

  7. Hussein says:

    Asalaam calaykum dhamaa bahda waxbarshada jecel iyo somali talk. Waa arrin aan ku farxay maalinkasta inaan arko magaalo somaaliyeed oo waxbarashadeed la hormarinaayo waa arrin fiican waana in loo hambalyeeyo dadka shaqadaas dhibka baddan qabtay oo aad arragtaan waxeey waqti hayeen galiyey iyo maal.

    walaahi masahlana hadana waa in abaal baddan loo hayaa dadka maanta waddankii wax ka qabanaya iyo maanta burbiranaya wax isku dhow maaha. Agoonta waxbarashada lacag la’aan halooga dhigo iyo inta aan wax heesan intaas waa iga talo , u naxa kiina dhibaataysan rabi ha idiin naxariistee.

  8. Dr. Suad says:

    Guul u soo hooyatay ardada Magaalada Qardho waxaa mustaqbalka dhow waxbarashada sare ka qaadan kartiina magaaladiina insha’llah waa arrin aan ku farxay horumarka walaalaha noo fududeeyey.
    Dhamaan ardada reer Qardho ee wax kabarta Sudan, Egypty, Pakistan, India, Malaysia , North America iyo waddamada kale waa inaad caawisaan Jaamacada laga furay Qardho oo aad ka war raadisaan waxa loo baahan yahay intaas wa iga waano.
    Shaqo wacan shacabka Qardho iyo waxgaradkeeda rabi ha idinka abaal mariyo shaqadaad qabateen aamiin.

    Dr. Suad Ahmed
    Yokohama
    Japan

  9. Dr. Liibaan says:

    Asalaam calaykum dhamaan somalitalk groups iyo walaalaha somaaliyeed ee jecel aqoonta iyo waxbarashada ardada soomaaliyeed meel kasta ha joogeen.

    Waxaa aad ugu farxay Jaamacada Qardho laga suubiyey, waa arrin wanaagsan oo loo baahnaa. Sida la ogyahay Qardho waa magaalo fac weeyn oo soo saartay dad ugu caansanaa Somalia hadeey noqoto tacliin, iyo siyaasada , Magaalo miisaan weeyn kuleh somalia.

    East Africa Universiy ee Bosaaso kutaal ragii aas aasay waxaa ka mid ahaa rag ka soo jeedo deegaanka Qardho iyo Puntland State university. Marka sidaan hubo insha’allah Jaamacadan cusub ee laga furay Qardho ee loo bixiyey East Somalia University waa ay horimari insha’allah sida kuwa kale waana wax lagu farxo.

    Waxaan jeclaan lahaa in Somalia Jaamacadaha ka jira oo dhan wadda shaqeen yeeshaan oo is dhaafsadaa macluumaadka isna caawiyaan. Maxaa yeele aqoonta waa furaha horumarka waa in dhalinyarada saboolka ahna looga dhigaa waxbarashada free mustaqbalka insha’allah rabi waa idinka abaal marin intii kla qeeb qaadatay dadaalkaas.

    Markaan u soo laabto Magaca Qardho waa markii loo qaro somaali ahaan, laakiin english ahaan Gardo ayeey uqorantaa sas ayeey malaha u qoreen , laakiin waxaan jeclaan lahaa in Qardho laga dhigo insha’allah.
    Waa arrin u taal raga aas aasay ama tiirarka u taagay Jaamacada Qardho.

  10. walaal waxaa isu kay qaban wayday ciwaanka magaalada ku qoran e jaamacada laga furay iyo kan boodhka jaamaca kuqoran Qardho iyo Gardo magacii magaalada miyaa la bedelay mise inta dadka oo aan Qardhaba joogin la rabo in wax la fahamsiiyo ayaa dadkii magaalada deganaa magacoodii laga bedelay

  11. omar says:

    mashaAlaah waa markii ugu horeesay oo qabyaalada meel fiican gashay. qabiil kasto inay waxbarashada ku loolamaan jaamacada furtaan waa hormar dhinaca qabyaalada laga gaaray.

  12. maxamud axmed maxamed says:

    waxaan maanta sharaf weyn noo ah in jamacad cusub laga fura magalad qarsho ee gobolka karkaar waan dadaal aad uwanaagsan in xiliga hada lajoogo oo dadki dhanka waxbarashada ubateen oo ay fahmeen waxay tahay wax-barashadu tahayna lonosha iyo horumarka wadankata waayo kitaabka quraanka ah ayaa lagu shegay inaysan sinay dadka tacliinta leh iyo kuwaan lahay waxaan ini leenahay mahadsinidiin mamulka jamacada isuna howlay siday dadka u horumarinlahaa illahay ha inila gees qabto hadafkiina ha inigaarsiiyo

  13. siwayn ayaanu usoodhowaynaynaa jaamacadda gobolka karkaar magaala madixiisa laga furay magaalada da da way ee qardho wayna mahad sanyihiin masuuliyiintu kashaqeeyay furitaanka jaamacadda