Home » Warar »

Safiirkii Hore Soomaaliya ee Sudan iyo Sii Hayaha Xilka Safiirnimo ee Shir jaraa’id ku qabtay Khartuum

Waxaa Arbacadii  21/09/2010 si wada jir ah shir jaraa’id ugu qabtay xarunta Safaarada Soomaaliya ee Sudan Safiirkii hore ee Soomaaliya ee dalka Sudan Mudane Mahadi Abuubakar Maxamuud iyo Sii hayaha xilka Safiirnimo ee Safaarada Sudan isla markaana ah madax taba barada Dublumaasiyiinta Wasaarada Arimha Dibada ee Soomaaliya Mudane Yuusuf Calasoow Maxamuud.

Shirkaas Jaraa’id oo ay ka soo qooyb galeen qaar ka mid ah Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Sudan ka hoowlgala waxa ay labada mas’uul warbixin ku siiyeen Saxafiyiinta, waxaana ku hormaray Safiirkii hore Mudane Mahdi Abuubakar Maxamuud isagoo ka war bixiyay Mudadii labada sano aheeyd oo uu xilka hayay isagoo xusay in uu ahaa Safiirkii ugu horeeyay ee la soo magacaabo burburkii dowladii Soomaaliya kadib, waxa uuna u sii daadagay wax yaabihii u qabsoomay inta uu xilka Safiirnimo hayay, qodo badii uu xusayna waxaa ka mid ahaa ….in ay safaaradu yeelatay mudadii uu xilka hayay dhul cabirkiisu yahay 500m/sqr (shanboqol oo mitir oo isku weer ah) oo ay dowlada Sudan ugu deeqday Soomaaliya, taas oo aan suura galin intii ay jirtay safaarada laga soo bilaabo 1964tii, halka ay xarun u sameeyeen markii ugu horeeysay Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Sudan kaas oo dhisan Mudo 23 sano ah, sidoo kale waxa uu Safiirku sheegay in ay si toos ah ugala hadleen Dowlada Sudan xarig hal sano ah oo lagu xakumi jiray Soomaalida tahriibka ah taasoo ay dadaal dheer kadib ka aqbaleen.

Mar uu ka war bixinayay caqabadaha ugu waaweeynaa ee soo wajahay inta uu xilka hayay waxa uu yiri “ Ma jirin wax Miisaaniyad ah oo loo qoondeeyay Safaarada iyo howl-wadeenadeeda taasoo caqabad ku noqotay habsami u socodka hoowlaha Safaarada”

Mudane Yuusuf Calasoow Maxamuud oo ah Sii hayaha xilka Safiirka Soomaaliya ee Sudan aya asna shirka jaraa’id ku sheegay in uu halkeeda ka sii wadi doono dadaalkii iyo hoowlihii ay qaban jireen Dublumaasiyiintii ka horeeyay asaga ee Safaarada.

Mar wax laga weeydiiyay in ay Safaaradu hir galin doonto Basaboorka cusub ee Soomaaliya ayuu waxa uu ku jawaabay “ waxaan fileeynaa in Sudan ay dhawaan ka mid noqon doonto wadamada uu ka hirgalay Basaboorka Cusub taasna waxaan ku jirnaa hoowsheeda”.

Dhanka kale asagoo ka jawaabaya Su’aal aheeyd a “(Muxuu yahay rayigaaga ku aadan xadgudubka lagu hayo Saxaafada xorta ah ee Soomaaliya)”? waxa uu ku jawaabay: ““… Saxaafadu waa Indhaha ay Bulshadu wax ku arakaan iyo Dhagaha ay wax ku Maqlaan, waxa ayna mudanyihiin tix galin gaar ah waana dareemi karaa dhibaatada uu Suxufiga u marayo xog soo uruurinta iyo u adeegida Bulshada maadama aan aniguba ka mid ahay bahda Saxaafada, waayo waxaan mudo 6 sano ah aan u soo shaqeeynaayay wargeeyskii Xidigta Ogtoobar ee doowladii kacanka, runtii waan la danqanayaa Saxafiyinta Soomaaliyeed waxaana leeyahay garabkiinaa nahay mar walba…..”.

Waxaa kale oo uu taabtay in Safaaradu ay eegi doonto xaalada qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Sudan, waxa uuna balan qaaday in ay wax u qaban doonaan inta karaankooda ah.

Gabagabadii hadalkiisa waxa uu Mudane Yuusuf u dar daarmay dhamaan Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan Jaaliyada iyo Ardayda Soomaaliyeed ee Sudan in ay Illaaliyaan Qarannimada iyo Midnimada Soomaaliyeed, kuna fakaraaan sida ay u samata bixin lahaayeen shacabkooda tabaaleeysan.

Waxaa xusid mudan in shalay oo ay tariikhdu aheeyd 20/09/2010 in ay ku ekeeyd shaqada hoowlwadeenada Safaarada oo gaaraya 6 dublamaasi iyo Safiirka sida ku cad wareegto ka soo baxday Wasaarada Arimaha Dibada ee Soomaaliya.

Wariye/ Maxamed C/wali Yuusuf “taango”

KHARTOUM-SUDAN.

otaange@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Safiirkii Hore Soomaaliya ee Sudan iyo Sii Hayaha Xilka Safiirnimo ee Shir jaraa’id ku qabtay Khartuum "

  1. Waxa wax lagu farxo ah in si is fahan ku dhehan lagu badalay safiro badan ayna so dhaweyen walalahoda lagu so badalay,tasi waxay ku tusinaysa in walalaha somaliyed dhib laga dalay o dowlad diyar loyahay.dhankale suasha ah maxa lo badali wayay safirka somaliya u fadhiya Iran?waxan ogsonahay on gob jog unahay in dhaqdhaqaqa dowlada dacif tahay micnaheduna tahay mucarad farabadan o kaso horjeda (TFG)marka odi say ukala koraysa lo qada ayay somalidu tirahda,e mahan in dadka qar lo danleyahay’NB: WAXAN KALO CODSANAYA IN DHAMAN WALALAHA SOMALIYED LO WADO ISTAGO SIDI DALKA NABAD LOGU SO CELIN LAHA WAYO DALKA CID KHAS AH MASULIYAD KAMA SARNA.MAHADSANIDIN WIXI AN BI’IYAY RALI AHAD.BY ALI ASAD SOUTHERN SUDAN

  2. waar safiirada soomaliyeed waa lawada badalayaa ee waxaa layaab ah kan iran cabdiraxmaan cabdi xuseen oo wx kale iska daayoo ardayda masaakiinta ee deeqaha loosiiyo 1000$ siisanaya maxaa loo arkiwaayaya mise shariifku isagaa la od yaabyaab yaabkii