Waxaa qoray: Axmed Shiil Muxumed
Borlänge, Sweden
Bismillaahi wassalaatu wassalaammu calaa Rasuulilaahi
Hordhac:
Waxaa jirey maqaal aan qoray 14 kii bishii May ee 2007 dii, kunasoo baxay Bogga somalitalk.com, cinwaankiisuna ahaa Borlänge iyo Somalitalk.com II, oon uga hadlay noloshada bulshada soomaaliyeed ee markaa kunoolayd magaaladan. Maadamma uu isbadal wayn oo lixaad leh jiro sidoo kale dhaqdhaqaaq iyo firfricooni billow ah ay kahillaacay magaaladan, ayaan jeclaystay inaan soo qoro qayb kamid ah dhaqdhaqaaqyadaa oon aad ugu bogay muujinaysana isbadalka durba kabillowday magaalada iyo sida bulshada soomaaliyeed ee magaaladan daggan ay hore ugu socoto.
Billowgii U.M.I.S:
Dhowr iyo toban qof oo kamid ah soomaalida Borlänge ayaa isula timid fikrad kusalaysan isudumidda iyo yagleelidda nidaam ay soomaalidu wadaagto, nidaamkaas oo matala magacooda, codkoodana kulmiya, sidoo kalena horumariyo ra’yigooda.
Waxay markaa billaabeen inay fikraddooda dhax geeyaan dadka si ay ugu helaan taageero bulshada dhaxdeeda ayagoo iskudaray inay dadka afraad afraad ugu sharxaan aragtidooda sidoo kalena ururro yaryar oo hawlo kala duwan qaban jirey oo kukoobnaa dad aad utiro yar ay iskudayaan inay kadhaadhiciyaan in lajoojiyo ururrada yaryar ee dadka gaar ah kukooban, maadaamma dadka soomaaliyeed magaalada kusoo batay il gaar ahna lugu eegayo loona arko hal koox oo iskumeel katimid waa lagama marmaan inay kalimadooda kulmiyaan yeeshaanna hal magac oo kulmiya si arsmi ahna afkooda ugu hadli kara.
Muddo dhowr bilood ah markay hawshaa wadeen ayey billaabatay inay dad badan ladhacaan fikraddooda sifiicanna usoo dhaweeyeen billaabeenna inay lashaqeeyaan sidoo kalena dhiirrigaliyaan.
Gudagalkii dhisidda U.M.I.S (Uurka Midnimada iyo Isbahaysiga Soomaaliyeed)
Markay aad ufarabateen dadkii ladhacsanaa fikradda ayaa go’aan lugu gaadhay in ladhiso guddiyo kala duwan oo loo xilsaaro abaabulidda iyo hirgalinta hawlihii loo baahnaa si ururka dhidibada loogu taago, waxaana halkaas kudhammaatay hawshii ay hayeen aasaasayaashii.
Waxaa laga qaatay qorshayaashii lasoo qaddimay ee kusaabsanaa sida uruka loo dhisi midkan hoos kuqoran, iyadoo la’isla gartay inuu ururku kakoobnaado 5 Gole oo kala ah:
1- Golaha Guud oo ah isugayn dhammaan xubnaha ururka oo uu xitaa kujiro maamulka ururku. Golahan waa golaha ugu sarreeyo ururka uguna awoodda badan, waa dadka iskaleh ururka.
2- Golaha Dhexe (Golaha Shuurada) oo kakooban 31 xubnood ahna wakiilka Golaha Guud oo ladooran labadii sanoba mar, sidoo kale ay hawshiisu tahay inuu dajiyo siyaasadda ururka iyo qaabka u ushaqaynba. Xubnaha Golahan waxaa si toos ah udooran Golaha Guud oo uu wakiilna kanoqon markii ladoorto.
3- Guddiga Fulinta oo ah maamulka hagayo ururka matalayana dibad iyo gudeba, fulinhayana siyaasadda iyo istiraatiijiyada ay dajiyaan Golaha Guud iyo Golaha Dhexeba, wuxuu kakooban yahay Guddiga Fulintu 11 xubnood.
4- Guddiga Doorashada oo kakooban 7 xubnood, wuxuu waajibaadkoodu yahay diyaarinta iyo hirgalinta doorashada Golaha Dhexe, Guddiga Fulinta, Guddiga Doorashada iyo Guddiga Dabagalka iyo Hantidhowrka.
5- Guddiga Dabagalka iyo Hantidhowrka oo kakooban 3 xubnood, waajibaadkooduna yahay kawarhaynta habsami usocodka hawlaha Goloyaasha Ururka iyo xisaabxidhka Ururka xilliyada kala guurka. Guddigan wax xil ah oon taas loo igmaday ka’ahayn kama qaban karaan ururka. Dhaqdhaqaaqooduna wuxuu kukooban yahay dabagal iyo xisaabxidh oo qudha.
Waxaa ladiyaariyey xeerarka ururka lugu dhaqi lahaa oo kakooban 15 cutub oo kasii kooban 197 qodob oo kahadlayo laga billaabo calaamadda ururka, magaca, waajibaadkiisa iyo xubin kasta waxay qaban ama ayna qabin karin iyo wax walba oo khuseeyo hawlaha ururka.
Shirwaynihii Golaha Guud:
Waxaa laqabtay shirwaynihii Golaha Guud 7 agoosto 2010 ka, halkaasoo ay soo xaadireen 245 xubnood luguna anxisiyey xeerarkii ururka ee kakoobna 197 da qodob, sidoo kale waxaa si shakhsi shakhsi ah loogu codeeyey xubnihii usharraxnaa inay kamid noqdaan Golaha Dhexe ee ururka, waxaana isasoo sharxday 44 qof ayagoo kutartamayey kuraas dhan 31 kursi. Markii lawada codeeyey oo codadka latiriyey waxaa lugu dhawaaqay inay kuguulaysteen kamid ahaanshaha Golaha Dhexe 31 kii qof ee ugu codadka batay oo ah kuwa hoos kuqoran:
Golaha Dhexe (Golaha Shuurada)
Shaxdan hoose waxaa kuqoran xubnaha kuguulaystay inay kamid noqdaan Golaha Dhexe iyo xubin walba intuu cod helay.
|
Guddiga Doorashada
Guddigan ayaga looma codayn sidooda ayuu Golaha guud ku ansxiyey maadaamma 7 qof un ay isasoo sharraxday.
- Cisman Fariid Buux
- Farxaan Yuusuf Jimcaale
- Cisman Dhegnaas Axmed
- Fowsiyo Cumar
- Cabdirisaaq Nuur Xaashi
- Faadumo Huseen Guuleed
- Cali Cismaan Isaaq
Guddiga Dabagalka iyo Hantidhowrka
Guddiga Dabagalka iyo Hantidhowrka waxay ahaayeen 4 murashax waxaana soo baxday saddexdan hoos kuqoran
1- Axmed Shiil Muxumed 186 |
2- Xasan Cabdikariin Cali 181 |
3- Cabdiqadir Mohamed Maxamuud 114 |
Doorashada Guddoomiyayaasha iyo kuxigeennadooda:
Sida uu qeexayo xeerka doorashada ee ururka, Golaha Guud wuxuu shirwayniihisa kudooran xubnaha Golaha Dhexe ee ururka oo kakooban 31 xubnood, sidoo kale Xubnaha ladoortay ee Golaha Dhexe waxay shir ugaara ayagana kudooranayaan Guddoomiyaha Golaha Dhexe, kuxigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Guddiga Fulinta iyo kuxigeenkiisa. Intaa kadib Golaha Dhexe waxay iskadooran dhaxdooda Guddi hoosaadyo uquma hawlaha kala duwan ee uyaalla ururka. Guddoomiyaha Guddiga Fulinta iyo Kuxigeenkiisa waxay ayagana soo dhisi 9 ka xubnood ee kadhimman Guddiga Fulinta, kadibna waxay kulasoo noqon Golaha Dhexe oo cod uqaadi kadibna ama ansixin ama diidi.
Guddoomiyaha Golaha Dhexe waxaa loo doortay Sheekh Ibraahim Axmed Aadan, kuxigeenkiisa Cabdirisaaq Xaaji Axmed.
Guddiga Fulinta oo ah fuliyayaashii hawlmaaleedka ururka waxaa Guddoomiye loo doortay Cabdullaahi Axmed Sabriye, kuxigeenna Sacad Muuse.
Xubnaha Guddiga Fulinta waa sidan:
1- Cabdullaahi Axmed Sabriye Guddoomiye
2- Sacad Muuse Guddoomiye Kuxigeen 3- Ibraahim Muuse Xoghayaha Guud 4- Injineer Aadan Warsame Khasnajiga Uruka 5- Barfossar Maryan Yuusuf Arimaha Qoyska iyo Dumarka 6- Cabdullaahi Axmed Sheekh Cali Arimaha Bulshada 7- Dr. Cabdiraxiim Nuur Yaasin Dhaqanka 8- Nuuradiin Munassar Dhallinyarada iyo Isboortiga 9- Maxamed Maxamuud Guure Warfaafinta iyo Islaqabsiga/Isla jaanqaadidda |
10- Cabdifitaax Ibraahim Xubin |
11- Ugbad Cabdi Cali Xubin |
Mabaadii’da aasaaska u ah ururka U.M.I.S:
Sawirrada waxaa lagasoo xigtay Bogga: http://www.soomaalidamaanta.com Waxaa soo diyaariyey Axmed Shiil Muxumed Borlänge, Swedan ahmedshil@yahoo.com
Tixraac: Borlänge iyo Somalitalk.com II |
Asww waxaan salaanta kor ku xusan kadib mahad aad u wayn usoo jeednaa Allah subxaanahu watacalaa kadib walaalkeen Ahmed Shiil Muxumad iyo somalitalk. sida ay noogu soo gudbiyeen faaladan iyo warbixintaan aadka u qiimaha badan loona soo agaasimay una qaabeeysan ee uu walaalkeen Ahmed Shiil inaga dharjiyay, Dhanka kale waxaa aad ii farxad galiyay in reer Borlänge uu rabi waafajiyay in ay danahooda ka tashtaan sameestaana urur mideeya una adeega bulshada reer Borlänge ee Somalida ururkaas oo aan aminsanahay in uu waxwayn oo baahi ah uu dabooli doono insha allah, waxaana dhihi karaa waa urur ay indho ama hogaan u yihiin dad aqoonyahano ah karti iyo waayo aragnima balaarana u eh shaqa iyo masuuliyada oo xilsaaray ee rabi subxaanahau watacalaa hala garabgalo .
wcww
Borlänge iyo Somalitalk aad bey umahadnayihiin,waxaan halkan si gaar ugu mahadnaqaya walaalka(shiil)ee sogudbiyay warbixinta waafiga ah oo
kadhigeysa Somalida sweden umad iskufilan ayaheeda katashankarta
waxaan dhihi karaa midho wanagsan baad ubadkiina u bedhen iyo umad
somaliyedba,talabo gesininmoleh baad qadeen ee horay usiisocda guul
baanu idin rajeynayaa,magiciina ha,jiro.