Home » Maqaallo »

Heesaha xaga dambe laga saarayo muuqaalada cabsida badan ma casri iyo horumar baa mise waa ayaan daro iyo khalad????

Baryahan dambe waxa Idaacadaha la iska arko (Television) ee ku hadla Afka Soomaaliga iyo goobaha kale ee lagu kaydiyo sugaanta Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan lagu arkayay kuna soo kordhay suugaan ama heeso muuqaal ah kuwaaasoo dhinaca dambe ama background looga dhigayo muuqaalo argagax iyo murugo xambaarsan , sida dad soomaaliyeed oo gaajo u le,anaya macluusha ka muuqatana ay gaarsiisay in inta hilibku ka dhamaaday uu maqaarku ku dhagay lafta,dabadeedna feeraha ama sararahuna xabad xabad u muuqdaan, kuwaasoo u badan caruur iyo waayeel, iyo kuwa dhiigoodu uu dhulka ku qubanayo rasaasna ay maasheesay gibilkooda, iyo qaar kale oo silic iyo saxariir la balambalaya,kuwaasoo isugu jira caruur haween iyo waayeel,hadaba su,aasha is weydiinta mudani waxay tahay ,maxaa iska quseeya muuqaaladaasi argagaxa iyo tiiraanyada badan ee qabsaday bulshadeena iyo fanaan ama fanaanad ku luuqeyneysa hees musig iyo laxan qurux badan la saaray ?…
waxa aan rabaa in ay iiga jawaabaan abwaaniinta soomaaliyeed gaar ahaan abwaaniinta iyagu doortay in ay sidaan falaan ,waxaan kaloo jecelahay in saxaafadduna ay fikirkeeda ka dhiibato.

Waxay ila tahay dunida maanta aan joogno waa duni sanaacada iyo technologiyadu meel sare gaareen,soomaaliduna ay tagtay ama nolol u raadsatay degaano ay ku nool yihiin dad haysta dhaqamo kala duwan kala midab ah isla mar ahaantaana diimaha ay aaminsanyihiin ay kala duwan yihiin.

Hadii aan u soo daadego micnaha iyo duludca qormadeyda aan ka leeyahay waa,
maxay qaar ka mid ah fanaaniinta soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ku nool qurbuhu marka ay heesayaan ay dhinaca gadaale ugu soo qaataan ama ugu dul heesaan muuqaalada xambaarsan dhibaatooyinka uurku taalada leh ee qabsaday shacabkeena, sow ma oga in muuqaaladaasi naxdinta iyo fajaca lehi ay yihiin dad soomaaliyeed oo qaarkood waa hore ay dhinteen isla mar ahaantaana ay dhici karto amaba ay dhacdayba in marki ay muuqaaladaasi ka arkeen qaar ka mid ah shaashadaha muuqaalada,wiilkoodii, gabadhoodii,walaalkood,adeerkood,aabahood,hooyadood, ama qof kamid ah eheladooda oo waa hore ku dhintay musiibooyinkaas na soo maray ay soo gocdaan,isla mar ahaantaana soo xusuustaan boog waa hore xanuunkeeda ay ka biskoodeen .

Haa waa hubaal mana ahan mid indhaha aan ka qarsan karno,waxyaabahaan ay qaar ka mid ah fanaaniinteena ama abwaaniinteenu u arkayaan wadaniyad , balse dhibatada xambarsan,waxaa jirta siyaaba kale oo loo adeegsan karo soo bandhigida wixii xumaa ee dhacay iyo sida looga digtoonaan karo inaanay soomaalidu mar kale u laaban,

Hadaba hadaan soo qadimo mid kamid ah sababaha igu xambaaray in qormadaan qoro waxa ay tahay anigoo ku sugan xaafad aan ka deganahay magaalada Rochester ee gobolka minessota ee dalka maraykanka ayaa waxa ii soogalay mid ka mid ah soomaalida aan isla deganahay xaafadda xilli aan daawanayay mid kamid ah heesahaan aan hada ka hadlayo ,ee muuqaalada naxdinta badan ay xaga dambe ka muuqanayaan, waxa uu ii sheegay in walaalkii oo reerkooda ugu weynaa uu ku jiro muuqaaladaasi argagaxa leh isagoo indhaha ii saaray walaalkii oo dhiigu sidii dhibicda roobku uga qubanayo, dhacdadaasina ay dhacday sanadkii 1991dii,waxa uu iga codsaday inaan damiyo heesta isagoo indhihiisuna ilma ka soo daateen

Hadaba waa yaabee abwaanka heestaasi alifay ma isagaa codsaday in muuqalada caynkaasi ah la dul saaro heesta uu miraheeda sameeyay? mise waa wax u qaas ah fanaanka ama fanaanada luuqda leh ,mise Televisinada soo saaraya ayaa masuuliyadaa iska leh,?..

Ogoow inaanu qofna jecleyn in walaalkii hooyadii aabihii iwm,oo waa hore geeriyooday waliba saxariir ku dhintay in lagu heeso marka waxaan dhihi lahaa qof walowba waxadan adigu qaadan lahayn walaalkaa ha u qaadin..

Shucuubta soomaaliyeed waa shucuub lagu yiqiinay ku adkaanta dhaqankooda suuban iyo diintooda sharafta iyo weynaanta badan meel kastaa dunida ha ka joogaanee ,hase yeeshee waxa maanta taa badalay in dadka soomaaliyeed ay noqdeen kuwa xaalkoodu noqday( meesha aad joogto siday u taalo aa loola yaalaa), taasoo micnaheedu noqonayo meesha aad ku nooshahay sida looga dhaqmo iyo waxa laga sameeyo ayaa la sameeyaa,

Si kastaba ha ahaatee waxaan qormadeeyda ku soo gabagabeyn lahaa soomaalidu waxay leedahay dhaqan iyo diin wanaagsan ee yaan lagu dayan oo la koobiyeyn dhaqamada qalaad,waxanan dubuubta hadalkeyga ku soo gunaanadi lahaa,,maxaa iska quseeya muuqaaladaasi argagaxa iyo tiiraanyada badan ee qabsaday bulshadeena iyo fanaan ama fanaanad ku luuqeyneysa hees musig iyo laxan qurux badan la saaray ?…
waxaan rabaa in ay iiga jawaabaan abwaaniinta soomaaliyeed gaar ahaan abwaaniinta iyagu doortay in ay sidaan falaan ,waxaan kaloo jecelahay in saxaafadduna ay fikirkeeda ka dhiibato,wixii kala gudboon..

W/Q:Sakariye Xaashi Afrax.

Email: saxaaf25@hotmail.com
Rochester MN U.S.A

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Heesaha xaga dambe laga saarayo muuqaalada cabsida badan ma casri iyo horumar baa mise waa ayaan daro iyo khalad???? "

  1. Cumar says:

    ASC, Asxaabta webkan iyo qoramadan ninka iska leh waad mahadsantihiin, Mar haddii ay su’aal la timi Jawaabta naga hoo.
    1. Caalamka islaamka dal aan fanaaniin iyo fan aan laheyn ma jiro. Culumi waaweyn wey leeyihiin walba qaar baa shareecadalagu xukumaa.
    2. Haddii aanad ku doogsaneynin diifta iyo darxumada dabooshey dadkeenna iyo dalkeenaba, haka dudin kuwa daahfuraya ee dunida u bandhigaya.
    3. Suugaanta soomaaliyeed, weligaa ma maqshay hees walwaaleed, carratan, guubaabo, hiyi kicin iwm.