Home » Warar »

Hobyo: Haween isu Diyaarinaya in ay Noqdaan Burcad Baddeed ka dib markii ay ku qanci waayeen…

Maxaa ka Taqaan Magaalo Xeebeedka Hobyo….

Waxaa Dhawaan Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug Booqasho ku tagey Wariye Cabduqaadi Axmed Jimcaale wuxuuna soo direy Warbixintaan oo si aad ah uga hadleysa Xaaladda Magaalada Hobyo oo ah Magaalo Qadiimi ah:

Magaalada Hobyo waa Magaalo Xeebeed ka tirsan Gobalka Mudug waxayna qiyaas ahaan dhanka koofureed 260 KM kaga began tahay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta u ah Gobalka Mudug Hobyo waa magaalo dadka ku nool badankood ay yihiin Kaluumeeysato u Jalaab tagta xeebta Hobyo Magaalada ayaana laheyn Ganacsi aad u buuran waxaana Ganacsigeeda ku xiran yahay ugana yimaadaa Magaalada Gaalkacyo oo Masaafo badan u jirta .

Halkan ka daawo sawirada

Sidoo kale malahan Hobyo Ceelal Matoor ah oo dadka Biyo Macaan ka cabaan maka layaga yimaado Ceelal Gacmeed oo Cid walba ugu dhex qodan Gurigeeda Biyahaasna waxay yihiin kuwa aan la cabikain oo dhanaan ah balse waxaa jira Cealal Biyo macaan waxaana Fuustadii biyahaas Hobyo la kala siistaa Kontan Kun oo Shalin Soomali ah Dadka ku dhaqan Hobyo ayaa Biyahaas u isticmaala Cabid iyo Cuna karin howlaha kale waxay u isticmaalaan Biyah kale Magaalad waxaa Ceel Matoor ah ugu dhaw Ceel u dhaxeeya Hobyo iyo Gaawaan oo wax badan ka fog Nasiib daro mala soo gaarsiin wali Biyaha Ceelkaas Magaalada.

Xaga Caafimaadka Hobyo malahan wax Hosbitaal ah xataa lagama helo Goob Fayo dhowr Caafimaad ama Meel Kaniin laga helo Qofkii ku xaunuusada waxa dabiib loogu soo qaada Magaalada Gaalkacyo Taasana waxay ku tusineysaa baahida Caafimaad ee ka jirta Hobyo.

Dhinaca Waxbarashada Hobyo malahan xiligaan Goobo wax lagu barto balse waxa jiray School weyn oo ku yaalay Magaalda inkastoo hada uusan shaqeyn oo albaabada loo laabay sababa la xiira isqabqabsi soo dhex galay dadka Deegaanka mana ahan Dadka ku nool Hobyo Badankood Dad ku Haminaayo in ay Wax Bartaan.

Xaga Koronatda Hobyo ma ahan Korantadeeda mid joogta ah oo dabooli karta baahida Koronto waxayna leedahay hal Mishiin oo Koronta Siiya Hobyo balse Inta badan Dadka ma wada isticmaalaan marka laga reeboMeherada Qaar o ou isticmaalo adeegyo ay ka mid yahay Buuxinta dabka Mobeladda.

Dhanka Isgaarsiinta Magaaladda aad ayay ugu liidataa waxaana ku taalo hal Shirkad oo Isgaarsiin Waxan aad ciriiri u ah xaga ku hadlaka Telefoonada. Adigoo Dhibaado Fara badan Ka marayo Xiliga aad Dooneysid In aad Qof Wacdo

Hobya ayaa ah meel ay ku yar yihiin goobah Maqaayadaha ah ee wax laga cuno waxaan ku yaal labo iyo Sadex kuwaasna mahan kuwa kaafin kara dadka Magaalada iyo kuwa Soo booqda Saasoo ay Tahayna xili walba mashaqeyaan sidoo kale Xaga Hotelada Hobyo malahan Hotelo Far badan waxayna xiligaan leedahay Leedahay halo Hotel oo aan sidaas u weyneyn asagana madaboolo baahida Dadka Hobyo Booqashada ku taga.


Dadka ku dhaqan Magaaldda Hobyo oo badan kooda ah Kalumeysato ayaa Subax walba Aroortii waxay ku kalahaan Xeebta si ay ugu soo Jalaabtaan iyagoo Badda ka soo hela Kheyraad kala duwan Xeebta Hobya ayaa Dadka ka Kalumeysta ayaa aad u Fara badnaa inta aysan Dilaacin Burcad Baddeeda Soomalida waxaana haatan Hoos U dhacay kalumeysatada ka Jalaaban jirtay Xeebta Hobyo Taas ayay waxaay ku macneeyeen Kalumeysatada Dhibaatooyin kaga imaada dhanka ciidamada Nato ee Xeebaha Somaaliya U jooga Magaca La dagaalanka Burcadbadeeda Waxayna sheegeen in ay ka burburiyaa doonyo fara badan ayna ka jaraan Shabaakadaha u yaala Bada waxayna sidoo kale sheegeen kaluumeysatada in howlahoodi ay saameeyn ku yeesheen Dabeeylihi Xooga badanaa ee ku Dhuftay Xeebaha Soomaliya oo doonyo fara badan ka burburisay kalumeysatada

Marka aad Tagtid xeebta Hobyo ayaa waxay idhahaagu qabanayaan doonyo aan sidaas u badneyn oo ka Kalumeysanaayo Xeebta gudaheeda iyo kuwa kale oo banaanka yaal doonyaha ay haatan ku shaqeystaan Kaluumeeysatada Hobyo ayaa waxaa Sadax jibaar ka badan kuwa Ka burburay oo daadsan banaanka xeeba Hobyo.

Dhismayaasha ku yaala Magaalada Hobya waxay u badan yihiin kuwa Qadiimi ah waxaaa jira dhismayaal ay carra Qarisay Adigoo shaki kaa galay in meesha ay ahaan jiray guryo iyo in kale Ayadoona guryahaas ay Gabi ahaan dadka isaga guureyn waxaana inta badan dhismayaasha asaamey ay u dhaw yihiin xeebtaa Hobyo guraayaas ayaa ah kuwa qadiima ah waana guryihii ugu horeeyay ee laga dhidbo Hobyo

Taalada uu Sawirkeeda kuu muuqdo waa mid ka mid ah meelaha ugu caansan Hobyo waxayna astaan u aheyd maraakiibta ku soo xiran jirtay Dekada Hobyo xiligii dowladii dhex ay ka jirtay Dalka Soomaliya waxaana haatan ka muuqda bubur xoogan oo soo gaaray man jirto Cida isku howshay in ay dayactirto waxaana ka dheehan kartaa sida ay gudaheeda uu burburkaXoogan u soo gaaray.

Sidoo kale Taaladan waxay ka mid tahay Taalooyinka caanka ah astaana u ah Hobyo waxayna ku taalaa Ilinka horre ee laga soo galo Magaalada Hobyo Waxayna dhinaca ku haysaa Airportkii hore ee Hobyo waloow xiligaan uuyahay mid burbursan

Magaalad Hobyo ayaa waxay ka mid tahy goobaha ay Burcadbadeed ku soo xirtaan Maraakiibta ay soo qafaashaan waxaa xiligaan Hobyo kuxiran Markab laga leeyahy kuuriyada Koonfureed oo Shidaal ka soo qaaday Ciraaq una socday Mareykanka waxayna Burcad Badeeda Markabkaasi kaasoo Afduubteen meel Kun iyo laba Boqol oo Meyl u jirta xeebaha Soomaliya sidoo kale waxa xeebta ay burcad badeeda ku haystaan dooni yar oo Ganncsi

Haddii aan u soo labaano kalumeysata Hobyo ayaa badankooda wxay ka cabanayaan dhibaatooyin ay kala kulmaan cidamada shisheeye Ee Ku sugan Xeebaha Somaliya

Cali Warsame Cali waxaa uu kamid yahay kalumeysatada Hobyo waxuuna mudda 50 Sano ah ka kalumesanaayay Xeebata Hobyo waxa uu leeyahay dooni yar oo ah kuwa ay Soomalida u yaqaanaan Huuriga waxuuna Subax walb galaa Badd halkaas oo Shabaag ay u taalo Cali Warsamae ayaa waxaan kula kulmay Xeebta Hobyo xili uu Badda ka soo jalaabtay Uuna watay Libaax Badeed Yar Waxaana weydiyay Dhibaatoyinka U la kulmo Xiliga uu Ku guda jiro Howlahiisa Kalumeysi Waxuuna ii sheegay Cali in Dhibaatooyinka ugu Badan uu kala kulmo Markiibta Shisheeya ee ku Sagun Biyaha Somaliya Kuwaasi oo u sheegay in ay xiliyada Qaar ay u qabtaan Burcad badeednimo iyo in ay Shabaagadaha Ka jaraan

Kalumeysatada ku nool Magaalda Hobyo ayaa aminsan in hadda xeebaha Soomaliya ay xaalufiyeen Markiib shisheeyo oo si sharcidaro ah ugu kalumeysta Xeebaha ayagoona sheegay in ay xeeba marka ay ku kalahaan xiligii hore ay heli jireen Khayraad Fara badan ayagoona sheegay In ay ka heli jireen meel aan sidaa ugu fogeyn xeeba Hobyo Kalumeysatada Hobyo ayaa ka wada siman eedeyn ay u jeedinayaan Maraakibta Shisheeye C/Khaliif Xassan Waxuu kamid yahay Gudiga Kalmuesatada Hobyo Waxuuna ku eedeyay Maraakiibtaas in aysan Xeebaha Soomaliya U joogin La dagaalanka Burcad badeeda Balse uu ku Sheegay in ay U joogaan Ilaalinta Maraakiibta Sida Sharcidarada Ugu Kalumeysta Badaha Somaliya.

Sidoo kale kalumeysada Hobya ayaa qaba in burcad badeeda qudhooda ay ku kaliftay dhibaatoyin kaga yimaada dhan ka Markiibta Shisheeye oo ay sheegeen in ay ka burbiriyeen doonyihii ay ku kalumeysanayeen Taasna aysababta inay Bada galaan oo ay Maraakiib soo Qafaashaan balse waaxy amiinsan yihiin kaluumeysatada Hobyo in hadii burcad badeeda la siiyo shaqo ay joojin lahayeen Howlaha ay hada kuguda jiraan.

Dadka ka kalumeysta Hobyo kuma faraxsano in Burcad badeeda ay soo Afduubtaan Maraakiibta Xamuulka iyo kuwa Dalxiisa yaasha ah balse waxay sheegeen in ay ku Taageersan yihiin Burcad badeeda in ay Qabsadaan Maraakiibta sida sharcidarada ugu kauulmeysta xeebaha soomaliya.

Dhanka kale burcad badeeda Hobyo waxaya ku leeyihin Saldhig weyn waxaana lagu soo xiraa Markiibta laga soo Qafaasho Biyaha Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan waxaana Maraakiibta ay soo qabtaan ka qaataan lacago Fara badan oo ah mid ay madax Furasho ugu qaataan waxana marka aad galeysid Magaalada Hobyo Caadi Ka ah in ay shacabka Ku dhaqam halkaas ay ku weydiyaan Su’aalo dhowr ah ayna ka mid yihiin Saami miyaa laguu qoray Badda miyaa galeysaa iyo kuwa kale oo badan Balse Su’aasha isweydiinta mudan ayaa waxay tahay Burcad badeeda ma aaminsan yihiin in ay yihiin burcad maxayse isku arkaan?
Marka aad su’aashaas weydiisid qaarka mid ah burcad badeeda ayaa waxay durbadii kaga jawabayaan manihin burcad badeed ee waxanahay Cidamada ilaalada xeebaha taa badalkeeda waxay Burcad badeed ku tilmaamaan markiibta shisheeye ee ku sugan xeebah Soomaliya,

Dadka sugan Hobya ayaa markii loo qeybiyo Sadex ayaa waxa qeyb ay yihiin burcad badeed qeybna waa kuwa wax ka suga Burcada halka qeybta sadexaadna ay yiiin dad iska ganacsata ah .

Ganacsatda Hobya ayaa inta badan alaabahooda waxaa si Deyn ah ama Amaah ugu qaato alaabahooda burcad badeeda ayagoona lacago Fara badan Saarta alaabaha Waxayna u xisaabiyaan qimaha sheyga ay qadanayaa Sadex jibaar qiimaha u jooga sheyga ay sinayaan laakiin Ganacsatada waxay lacagahooda ay sugayaan inta markabka u xiran ay lacagtiisa qadanaayan burcad badeeda waxaa kaloo jira dad u yimaada Magaalada Hobyo Rag ka mid ah Burcad Badeedka oo ay qaraabo ama saaxiibo yihin waxaan dadkaas Buug loogu Furaa Magaalada

Burcada Badeedka ayaa uqeybsada markabka ay lacagaha ka qaatan sadex qeyb oo kala ah a Ninka Maalgaliyay , Raga soo qabta iyo kuwo markii markab la soo qabto kadib si ilaalo ah u Fuula.

Waxana sadexdaas qeybood lacagaha ay qaataan ka sii suga kawa kale oo loo yaqaan Simayaal waxaana Simiyaasha loo qeybiyay Sadex Qeybod waxayna kala yihiin Saami hoose kaasi waxa uu u gaar yahay Gabdhaha xiriirka la Leh Burcad badeeda ,Saami dhexe iyo Saami sare waxaa qaata maalgaliyaha iyo raga soo qabta markabka, waxaasa jira qaar ka mid ah gabdhaha ku nool Magaalada Hobyo oo sheegey in aysan ku qanacsaneyn Saami hoose laakiin hadda waxay doonayaan in ay dhankooda Maraakiib soo qafaashaan ka dib markii ay ciilkaambiyeen Ragga Burcad Badeedka ahaa oo wax weyn ka sii waayeen Hantida fara badan ee ay helayaan Burcad Badeed waxayna ku jiraan sidii ay heli laheen Doomo dheereeya haddi riyadooda u suura gasha waxay noqonayaan Haweenkii ugu horeeyey ee soo qafaasha Maraakiibta Taariikhdana wax badan bey ka bedeli doonaan maadaama raga keliya ay haatan keligood noqdeen kuwa iska dhuuqaya lacagaha la helo Maraakiibta la soo qafaasha.

Haweeney aad ugu dhaarsan in ay gasho Badda ayaa tiri: “wax badan baa banaanka fadhiney waxayna raga naga badiyeen haweenow Badda Cagaha geliya waxaana qalbiga gashataan in hal heyskaa ana markeenna aan qaadan doono oo aan dhihi doono Ragow Cagaha Badda geliya arrintuna ay noqon doonto (Lagaa Barayow lagaa Badi).”

Inta badan gabdhaha ayaa waxaa ku dhaliyey in ay raacaan Burcad badeeda markii ay soo jiiteen Gawaarida qurxoon ay wataan Burcadda Taasoo ay soo dadajisa in Gabdhaha Hobyo ay soo xera geliyaan kuwa kale ee meelaha Fog jira ee ku nool Magaalooyinka kale.

Cabduqaadir Axmed Jimcaale
Hobyo Gobolka Mudug
keeyse20@hotmail.com

Waxaa soo tebiyey
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Hobyo: Haween isu Diyaarinaya in ay Noqdaan Burcad Baddeed ka dib markii ay ku qanci waayeen… "

  1. faarax says:

    Aad ayaa u mahad santahay Wariye C/qaadir Axmed jimcaale iyo amin Qasooro waxaa c/qaadir ugu mahad celinayaa sida qotada dher leh uu noogu sharaxy magaalda hobyo aad ayaa noo bartay ani waligey hobyo matagin lkn hada waxaa iga siisay fikir marka mahad sanid c/qaadir sii laba lab shaqada aad umada u haysid sxb

  2. Abdulkadir says:

    aniga waxet ila tahey in ay somalidu maanta ka burburtey dhan kasta hadii aay ahan laheed mid dhaqaale, mid diineed iyo ijmaaciba, waxaan ubaahaney in aan isku tagno oo la dagaalano falalka xun ee ka socda wadankeena

  3. Guula says:

    Bravo! ninka maqaalkan soo qoray waxaad ogaata inaad glamorising ku sameeyneysid fal fool xun, waxaad ka hadashay bilicda magaalada iyo qaab nololeedkeeda laakiin qoraalkaaga waxaa laga dhahan san karaa sida aad ula dhacsan tahay gabdho soomaaliyeed oo fal xun ku kaca anagoo qaati ka taagan raga toodi. What happened to our Islamic morals and values?

  4. maxamuud says:

    hubyo waa magalo qali waxayna ka mid tahay magaloyinka somalia ugu horey talada u jedan ama guryaha bur buray waa kuwii suldan ali yusuf