iyo Xafladdii Ardayda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Shiinaha…..
SUUDAAN:
Raabidada Ardayda Soomaaliyeed ee Caalamiga ah ayaa magaalada Khartuum ee dalka Suudaan ku qabtay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay munaasabadda Ciidul fidriga ee barakaysan , Raabidadan oo metesha jamaacadda Ictisaam ayaa kulankan cinwaan uga dhigtay “Midnimaddu waa aasaaska sharafta umadda”.
Xafladdan ayaa lagu soo bandhigay barnaamijyo aad u muhiim ah oo isugu jiray doodo cilmiyeysan, kalmado wacyigelin & baraarujin ah, madadaalo , & weliba tartan aqooneed, kuwaasoo dhamaantood gun dhig looga dhigay mdinimadda umadda Soomaaliyeed.
Barnaamijka xafladda waxaa furay guddomiyaha Raabidada Ardayda Soomaaliyeed ee Caalimaga ah ee dalka Suudaan, Sh C/laahi Cali Ugaas oo soo dhaweeyay marti sharaftii ka soo qeyb gashay kulanka , uguna hambalyeeyay munaasabadda ciidda ee barakaysan, ka dibna waxaa is raacraacay kalimadahii & doodihii cilmiyeysnaa ee ku saabsanaa sida lagu gaari karo midnimadda umadda Soomaaliyeed oo ay soo jeedinayen aqoonyahanno kala duwan.
Guddomiyaha Raabidada Sh C/laahi Cali Ugaas oo soo dhaweynaya ka soo qeybgalayaasha
Xafaladadan ayaa waxaa khadka teleefanka uga qeyb qaatay guddomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ahna raiiska Jamaacadda Al-Ictisaam , Dr Sh Bashiir Axmed Salaad oo runtii ku dheeraaday ahmiyadda ay leedahay midnimadda , asigoo tilmaamay in ay muhiim tahay in umaddu ku midoowdo diinta Islaamka , gacmahanai s qabsadaan. Sidoo kale Sheekhu wuxuu aad ula dardaarmay ka soo qeybgalayaasha oo uu u sheegay in looga fadhiyo kaalin muhiim ah in ay ka qaataan badbaadinta umadda & mideynteeda .
Sh Maxamed Aadan oo ka hadlaya in midnimaddu tahay Madlab Sharci ah & Khayaar istiraatiiji
Xafaladan oo ay ka soo qeyb qaleen qeybaha kala duwan ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Suudaan , sida macalimiinta jaamacadaha , ardayda , ganacsatada , culimaa udiinka & wax garadka kaleba ayaa qeyb weyn ka qaatay doodaha & barnaamijyada kale ee xafladda, waxayna si weyn ugu riyaaqeen qaabka quruxda badan ee Raabidada Ardayda Soomaaliyeed ee Caalamiga ah u soo bandhigeen barnaamijkan.
Dr Xuseen Bashiir oo ah brofeesar wax ka dhiga jaamacadaha Suudaan
Dr C/qaadir Geedi oo ka mid ah xildhibaanadda dolwadda Soomaaliyeed oo ka hadlaya xafladda
Xafladdan ayaa ku soo gabogaboowday jawi deganaansho & afgarasho ku dheehan tahay.
La xiriir
C/laahi Cali Ugaas
ibnucabbaas2005@hotmail.com
SHIINAHA
Xafladda Ciidda ee Ardayda Soomaaliyeed ee wadanka Shiinaha
Halkan ka daawo sawirada xafladda (China)
Munaasabad lagu xusayay Ciidul Fidriga ayaa ka dhacdey Magaalada Wuhan ee Wadanka shiinaha halkaas oo ay joogaan dadka soomaaliyeed ee ugu badan ee ku nool dhulwaynaha shiinaha, waana ardey wax ka barata Jaamacada kala duwan oo ku yaala Magaaladaas.
Ardeyda ka soo qeyb gashey munaasabada iyo dhamaan Muslimiinta ku nool Gobolka ayaa isugu hanbalyeynayay Munaasabada Ciida. sidoo kale waxaa ardeyda khadka Taleefoonka uga soo hanbalyeeyey Qunsulku Safaarada Soomaalida ee wadanka Shiinaha Mudane Cawaale Cali Kulane .
Intii ay socotey Munaasabada Ciida ayaa waxaa ka hadley Qaar ka tirsan Ardeyda Kuwaasi oo si diiran u soo dhaweeyey Munaasabada Ciida iyo waliba ardeyda Cusub ee waxbarasho doogaanka ah oo sanadaan soo gaaray Jaamacadaha Magaaladaani.
Sidoo kale waxay ay ardeydu Hanbalyo u direen Dr. Xuseen Abshir Xasan iyo Murwadiisa Maryan oo Maalinimadii shalay Wiil ugu dhashey Isbitaalka Jaamacada Wuhan, waxayna ilaahay uga baryeen in wiilkaasi noqdo kii soo barbaara dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisana Anfaca.
Gudoomiyaha Midowga Ardeyda Jaamacada Wuhan Maxamed Cabdiraxmaan Faarax Qooje oo ka hadley Munaasabada ayaa gacmo furan ku soo dhaweeyey ardeyda Cusub ee Sanadaan soo gaartey wadankaan.
Waxaa sidoo kale hadalo qiimo badan ka jeediyey Goobta.
Gudoomiye xigeenka Midowga. Feysal Axmed Salaad.
Maxamed Cumar
Cabdiraxmaan Warsame
Mustafe Kismaayo
Jaamac Yare
C/laahi Maxamed
Bashiir Maxamed
Maxamed Nuur
Maxamuud
iyo Ardey kale oo badan.
sidoo kale waxaysan u suurta Galin inuu Goobta yimaado Dr. Xuseen Abshir, oo isagu ardeyda ugu horeyntiiba ku soo dhaweeyey Magaaladaan iyo Jaamacadahaan, waxuuse sidoo kale Dr. Xuseen Hawada u soo mariyey ardeyda China iyo dhamaanba Umada soomaaliyeed Hanbalyo ku aadan Munaasabada Ciida, waxuuna u rajeeyey ciidaadaan ciideeda in dhamaanba ilaahay Baraare iyo barwaaqo nagu gaarsiiyo iyo anagoo talaabo horey usii qaadna.
Sidoo kale Maxamed Ibraahim Geedi, Maxamed Cabdilaahi Xasan, Maxamed Cabduqaadir iyo Maxamed Ciise Raage oo dhamaantoodba ka tirsan Gudiga Guud ee Midowga ardeyda Ayaa Hambalyo la mid ah hawada u soo mariyey dhamaan ardeyda iyo soomaalida meel kasta oo ay joogaan.
Isku soo wada duuboo Munaasabada Ciida ee shalay ayaa ahayd mid si weyn ayay ardeyda ugu muujiyeen Farxada iyagoo Cashada ka dib wareeg lug ah ku soo marey goobo badan oo qurux badan.
Maxamed Nuur Gele.
wuhan Hubei China.
wssu@ymail.com
somhust@yahoo.com
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.