Home » Warar »

Siihayaha Safaaradda Shiinaha oo khudbo ka jeediyay shir ka dhacay Shiinaha oo loo qabtay Safiirada Africa (Zhejiang International Business Week)

Sii-hayaha Safiirka Safaaradda Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha (China) Mudane Cawaale Cali Kullane ayaa ka qeyb galay shirweyn oo lagu casuumay dhamaan Safiirada Safaaradaha Africa ee dalka Shiinaha shirkaasoo loogu magac daray (Zhejiang International Business Week).

Shirkan oo ka dhacay magaalada Hangzhou, Zhejiang Province, ayaa waxaa loo qabtay in lagu dhiirigaliyo ganacsatada Shiinaha ee dooneysa inay maalgashtaan Dalalka Afrikaanka ah.

Mudane Cawaale ayaa shirka ka jeediyay khudbo loo wada riyaaqay isagoo ku booriyay ganacsatadii ka soo qeybgashay shirka inay maalgashadaan dalka Soomaaliya, lana matanoobaan ganacsatada Soomaaliyeed.

“ Madaxweynaha Soomaaliya iyo hay’adaha Dawlada oo dhan waxay ka shaqeynayaan in nabada dalka si buuxdo loo sugo” ayuu yiri wuxuuna ku nuux nuuxsaday in ay jiraan gobolo badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya isla markaana xasiloon.

“Waxaan u soo jeedinayaa ganacsatada Walaahaneena ah ee Shiinaha inay maalgashadaan gobolada nabdoon ee dalka sida Waqooyiga dalka, Puntland iyo Galmudug” ayuu si diiran u yiri waxaa kale uu xusay mudane Awale in magaalada caasimada ah ee Muqdisho in ay tahay magaalo Ganacsi “Dawlada iyo maamulka Muqdisho waxay ku howl-jiraan dhawaana ku guleysan doonaan insha Allah soo celinta nabada Caasimadda, sidaa daraadeed waxaa lagama maarmaan ah in ay ganacsatada Shiinuhu ay maal gashtaan kana faa’idaystaan fursadaha waa weyn ee dhaqaale ee ka soo socdo magaala madaxda Soomaaliya madaama ay dagaal iyo dagaal la’aanba halbowle u tahay Soomaaliya oo idil”

Waxaa kale oo uu mudane Cawaale Xusay in firfircoonida Ganacsatada Soomaaliya ay curiyeen in ay ka shaqeeyaan kuna dadaalaan soo celinta nabada Soomaaliya, wuxuuna isagoo tilmaamay in shirkii Soomaaliya ee Turkey oo qodobo wax ku ool ah ay ka soo baxeen oo dhiiri gelinayo tageerida ganacsatada Soomaaliyeed iyo Dawlad goboleedyada.

“Sida maanta laga warqabo dhamaan dalalka Afrika wey wada shaqeynayaan taasna waxaa cadeyn u ah sida hufan ee A.U.-da,iyo IGAD ay dadaal ugu jiraan inay ilaaliyaan dib u soo noqoshada nabada Soomaaliya” ayuu mar kale yiri.

Waxaa kale uu Mudane Awale Ali Kullane mahad celin qaas ah u gudbiyey Danjiraha Uganda ee shiinaha Mudane Charles M. Wagidoso iyo Danjire ku xigeenka Burundi , iyo sida ay labada dawladood u gacan qabanayaan soo celinta nabada Soomaaliya.

Waxaa kale oo shirka daadihinaye Agaasime ku-xigeenka Expo 2010 mudane Jiang Zhengyun, oo ku gubaabiyey Ganacsatada Shiinaha in Soomaaliya ay dhawaan Nabada soo celinayso oo halka ay ka suura geli karaan fursado dhaqaale oo waaweyn oo anfaca Soomaaliya iyo Shiinaha.

Maxamed Cabdi Goobe, Hangzhou, Zhejiang Province
cgoobe@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.