Iyadoo Wadanka Ereteriya ay saaran tahay Cunaqabateyn Caalami ah waxaana Cunaqabateyntaas ku soo rogey Qaramada midoobey ka dib markii lagu eedeeyey Ereteriya in ay sii hurineyso Xaalada Soomaaliya isla markana la sheegey in Saanad Meleteri u dirtey Kooxaha ka soo horjeeda Dowalada KMG iyadoo taasi ay jirto islamarkaana Dowladda Ereteriya ay dafirtay ayaa hadana wararka la heleya waxay sheegayaan in Dowladda Ereteriya looga maarmi waayey Xaaladda soomaaliya.
Waxaa dhawaan Dalkaas tagey wafdi ka socda Midowga Afrika iyo Wakiilka gaar ah ee Soomaaliya Mr Mahinga waxayna kulamo qaatey dhowr saacadood ay la qaateen Madaxweynaha wadanka Ereteriya Isayas Afawarki waxaana kulamadaas la iskula soo qaadey arrimaha Soomaaliya waxaana lagu waramey in Madaxweynaha dalkaas laga codsadey in uu ka qaybqaato Xal u helidda arrimaha Murugsan ee Soomaaliya iyadoo Mr Mahinga uu sheegey in Dowladda Ereteriya ay balan qaadey in ay gacan ka geysaneyso arrimaha soomaaliya hase yeeshee wuxuu meesha ka saarey Aqoonsiga Dowladda uu Hogaamiyo Shiikh Shariif Shiikha Axmed. (5 September 2010 ayaa madaxweyne Isaias Afwerki waxa uu Casmara ku qaabilay ergeyga gaarka ee Soomaaliya Mahiga).
Madaxweynaha Ereteriya ayaa laga soo xigtey in uu sheegey in soomaaliya aysan ka jirin wax Dowlad ah isagoo sheegey in Sheikh Shariif uu ka qaybqaatey Wax uu ugu yeerey Xasuuqa Ummadda Soomaliyeed ka dib markii loo adeegsadey Ciidamo shisheeye oo uu sheegey in ay shacabka ku xasuuqeen Hubkii ay heysteen” Bal fiiri waxa Shacab ee ku dhimanaya dalka Soomaaliya Balfiiri waxa Isbitaaladda Muqdisho yaala “ayuu si kulul u yiri Madaxweynaha dalka Ereteriya oo sheegey in haatan diyaar u yahay in uu ka qaybqaato sidii Xal Waafi ah looga gaari lahaa xaalada Cakiran ee Soomaaliya
Wafdiga Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey ee gaarey Wadanka Ereteriya ayaa ku soo beegmey xili Dalkaas ay saaran tahay Cunaqabteyn Caalami ah waxaa la sheegey tegista Wafdiga ay soo dedejisey markii Dalka Ereteriya looga maarmi waayey xalka soomaaliya oo la sheegey in ay feregelin uga imaaneyso qaar ka md wadamada deriska la ah Soomaaliya kuwaas oo qaarkood fergelin Meleteri ku sameeyey Soomaaliya Sanadihii la soo dhaafey oo ay ugu horeyso Dowladda Itoobiya wuxuuna Madaxweynaha Ereteriya wafdigaas u caddeeyey inuusan waxba kala hari doonin sidii Soomaaliya u heli lahayd Dowlad loo dhan yahay wuxuuna u soo jeediyey Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika in aysan waba kala harrin gacansiinta Shacabka soomaaliyeed
Madaxeynaha Ererteriya wuxuu sheegey in aysan waxba soo kordhin doonin Ciidamo shisheeye oo la geeya Soomaaliya wuxuuna ku taliyey in kuwa hadda jooga si deg deg ah looga saaro waayo ayuu yiri waxay maalin weliba Xasuuqaan Shacabka Soomaaliyeed
Warar Hoose ayaa sheegeya in Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ay doonayaan in Dowladda Ereteriya boos laga siiyo xal u helidda arrimahA Soomaaliyeed waxaana laga codsadey Dowladda Ereteriya in dowladda federaalk ku soo biiriso ururka Xisbul islaam maadaama Dowladda Ereteriya lagu xanto in ay taageeero weyn siiso Xisbigaas hase yeeshee Madaxweynaha ereteriya ayaa sheegey in ay adag tahay in la isku keeno Dowladda Sheikh Shariif iyo Hogaamiya Xisbu Islaam Shiikh Xasan Daahir Balse Madaxweynaha Ereteriya waxaa uu soo jeediyey in la qabto Shir Dib u Heshiisiineed oo lagu dhiso Dowlada Soomaaliyeed iyadoo Wafdigii ka socdey Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey ay sheegey in ay si weyn isku afgarteen Madaxweynaha Ereteriya in u ka qayb qaato Xal u helidda Arrimaha Soomaaliya
. Wasiir ka tirsan Xukuumadda FKMG oo ku Baaqay in Sharmarke uu is Casilo
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Dastuurka Qabyada ah oo ah PDF ka akhri halkan: Af-Soomaali ama English
. Muxuu Salka ku hayaaKhilaaf Mar kale soo kala dhex galay Sheekh Shariif iyo Cumar C/Rashiid
. Dastuurka cusub oo Khilaaf ka dhex dhaliyey Sheikh Shariif iyo Cumar C/rashiid
###
Marka hore weji ma ku leeyihiin ay codsi ugu gudbiyaan Eriteriya? Sow kuwii la saftey Senawi iyo Museveni oo cuna qabateynta ku soo rogay maaha iyadoo Itoobiya weli haysato magaaladii lagu dagaaley ee Badme.