Home » Warar »

Shiikh Shariif iyo Cumar Cabdirashiid oo Muqdisho iyo Nairobi ku kala wada Shirar midba kale uu doonayo in uu xilka ka qaado

Cabdiraxmaan Faroole oo sheegey in uu dhexdhexaadinyo Shiikh Shariif iyo Cumar Cabdi rashiid—-

Markii uu Khillaaf uu ka dhex oogmey Madexweynaha Dowladda Federaalka  Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Raiisul Wasaare Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa waxaa bilwdey Shirara lagu kala shukaansanyo Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada waxayna  shirarkaas ku saabsan yihiin khilaafka u dhaxeeya labadaas Masuul iyagoo ay shiraakaas haatan ay ka socdaan  Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi waxaana shrarkaas si weyn looga dareemey Khilaafka xoogan ee u dhaxeeya labada Masuul iyadoo qaar ka mid ah xildhibaanada ay sheegeen in Raiisul Wasaaraha uu deg deg isku Casilo halka Madaweynaha isna lagu tilmaamey mid ka masuul ah Khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Raiisul Wasaaraha

Xildhibaanadii shirka la qaatey Madaxweynaha DFKMG ay sheegeen in Raiisul Wasaaraha uu galey wax loogu yeeray Khiyaano Qaran ka dib markii uu beesha Calamka uu ka dalbadey in la qabto shirweyne Dib u heshiisiineed oo ay ka qayb galaan ku dhawaad Saddex kun oo ergo hase yeeshee Raiisul Wasaaraha ayaa ka cudur daartey Warqadaas uuna ku tilmaamey mid si khalad ah uga baxdey Xafiiska Raiisul Wasaaraha hase yeeshee Xildhibaanada ayaa dalbanaya in Raiisul  Wasaaraha uu deg deg uu isku casilo sidoo kale waxay dalbadeen in Raiisul Wasaaraha uu horyimado Golaha Baarlamaanka si ay Dowladiisa u weydiisato Codka Kalsoonida

Khilaafka u dhaxeeya Labada Masuul ayaa la sheegey in aysan soo feregelin Beesha Caalamka marka laga reebo Wakiilka Qaramada Midoobey ee soomaaliya  Mr Mahinga  oo isagu soo gaarsiiyey qoraal Casumaad ah  oo aan la garaneyn wixii ku qornaa hase yeeshee waxaa siyaasiyiin ku dhow Madaxweynaha ay sheegeen in Madaxweynaha DFKMG la soo gaarsiiyey Casumaad ka timid Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey taasoo ku saabsan ka qaybgalka Shirweynaha qaramada Midoobey oo ka dhacaya Magaalada Newyorka Dabayaaqada Bishaan waxaana ka qaybgalaya dhamaan Madaxweynayaasha Adduunka waxaana shirkaan la qabtaa Sannadkiiba Mar.

Labada Masuul ayaa wararku tibaaxeen in midba midka kale wuxuu doonayaa in uu ka qaado Xilka iyadoo sanadkan Horaantiisii uu Madaxweynaha uu xilkii ka qaady Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid hase yeeshee Raiisul Wasaaraha DFKMG Cumar ayaa Ganafka ku dhuftey Xil ka qaadistaas wuxuuna ku tilmaamey Mid Sharcidarro ah balse Madaxweynaha ayaa waqtigaan Doonaya in Xilka qaadista xiligaan uu u maro dhinaca Baarlamaanka waana mida keentey Madaxweynaha DFKMG uu kulan la qaato Xildhibaano iyo Wasiiro.

Khilaafka u dhaxeeya Madexweynaha iyo Raiisul Wasaaraha DFKMG ayaa ku soo beegmey xilli ay weli Dagaalo ka sii socdaan Magaaladda Muqdisho sidoo kale waxa ay ku soo beegmeen iyadoo Ciidamdii dowlada FKMG ay heyso Mushaar la’aan waxayna  xoogoodii ay ka soo baxeen Safafka hore balse Raiisul Wasaaraha ayaa sheegey in Dhawaan Ciidamada ay qaadan doonaan Mashaarkoodii.

Waxaa Madaxwynaha iyo Raiisul Wasaaraha DFKMG soo gaaray baaqyo lagaga codsanayo in khilaafkooda ku xaliyaan Wadahadlo wuxuuna Baaqii ugu dambeeyey uu ka yimd Madaxweynaha Maamulka Pundland Cabdiraxmaan Faroole oo daboolka ka qaadey in uu xiriiro la sameeyayey Madaxweyne Shiikh Shariif iyo iyo Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid isagoo sheegey in ay ka aqbaleen in labadooda uu dhexdhexaadiyo  sidoo kale Beelaha Hawiya Madaxdooda dhaqanka ayaa iyana ugu Baaqey Shiikh Shariif iyo  Cumar Cabdirashid in khilaafkooda ku xaliyaan wadahadal iyo dib u heshiisiin.

Isku soo duuboo waxaa Muuqato in marba marka ka dambeysa uu sii xoogeysanayo Khilaafka u dhaxeeya labada masuul ee ugu sareeya xukuumadda FKMG mana jirto saan saan muuqata oo lagu xalinayo Khilaafkooda.

. Wareegtooyinkii Cumar C/rashiid iyo Shariif Xasan ku dalbadeen in Dastuurka la ansixiyo ayadoo aan loo qaadin Afti Dadweyne

. Wasiir ka tirsan Xukuumadda FKMG oo ku Baaqay in Sharmarke uu is Casilo

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Dastuurka Qabyada ah oo ah PDF ka akhri halkan: Af-Soomaali ama English

Muxuu Salka ku hayaaKhilaaf Mar kale soo kala dhex galay Sheekh Shariif iyo Cumar C/Rashiid

Dastuurka cusub oo Khilaaf ka dhex dhaliyey Sheikh Shariif iyo Cumar C/rashiid

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Shiikh Shariif iyo Cumar Cabdirashiid oo Muqdisho iyo Nairobi ku kala wada Shirar midba kale uu doonayo in uu xilka ka qaado "

  1. ali says:

    Dowladda hadda jirta waa tii Casmara waxaana soo dhisay Sheikh Shariif marka haddii ay waxqaban wayday eedeeda waxaa iska leh Shariifka .
    Haddii uu rabao in uu wax hagaajiyo liis kale oo wasiiro cusub ah ha soo qorto hana ka saxiixo R/wasaaraha .
    Waxaan u arkaa arinta in ay tahay mid jagada ina cabdirashiid qofka kale in lagu bedelo la rabo .Bal fiiri waa R/wasaarihii ugu shido yaraa Cumar .

  2. Ascw. salaan kadib arrinta qilaafkan ka dhacay labadaa nin waa wax la filayo maadaama labaduba ayan markii hore wax xaq ah ku heshiin. waxa ay ku heshiiyeena ay ahayd uun inuu ninba ninka kale maslaxadiisa ku gaaro. Marka hadduu mid maslaxadiisa inuu gaarayo ogaado asoo midka kale ka madaxbanaan ama aan u baahnayn waa wax iska caadi ah inuu ka taqalusayo. Runtii haddaad filaysaan inay labaddaan nin wax xaqa ku heshiiyeen oo ayan maslaxadooda u shaqaynaynin. Maxaa loo la’yahay mid xaqa uu u raadinayay xal u helida dhibaatada soomaaliya u istaaga, oo runta shacabka u sheega iyo waxa uu khilaafku yahay isla markaana u sheega in maslaxadaa weyn ee qaranka soomaaliyeed uu u baahan yahay uu ninkani ka soo horjeedo, inta midba midka kale uu u raadsanayo suu uga taqalusi lahaa asoo laaluushaya baarlamaan isku sheega.

  3. abdirisaq says:

    Horta dawladdaan ayadaanba cid kle waxba u hayn ee ayagii mushaarkooda meesha ku qaadanyay iyo woxoogaagaa qandaraasyada ah iyo kaalmada ay dhexda uga dhici jireen hadday isu diideen oo is qabqabsanayaan.dee waa u talo xumo waayo labo nin oo iyagiba is maareyn weydey ma waddan arrimihiisu dhan walba isaga murugsan yihiin ayay maareeyn karaan arrintiisa?
    Midda labaad waxabad mooddaa in meel kale turub laga cayaarayo oo marki shaxda si loo dhigo oo natiijadi la rabay ay kasoo bixi weydo waqtigi iyo qorshihi dhaqaale ee loogu talagalayna dhamato in dib la isugu dhufanayo si raggaas meesha uga baxaan oo rag kale oo la qorshaystey plan B ah loo soo geliyo iyana markooda.. Si wax yihiinba, Ragga lagu hareereysanyahay oo jago ku dirirayaa waa wax maskaxda ka weyn.

  4. A. Abanur says:

    ASCWW,

    Salaan ka dib, haddii aan fikirkeyga ka dhiibto arrinta khilaafkan u dhexeeya Madaxweynaha iyo Wasiirka 1aad, xalka in uu yahay in uu ka tanasulo Xilka Wasiirka 1aad ina Cabdurashiid, waxaan arrintaa ahayn yaanan lagu daalin ee waa in uu iska tagaa Ina Cabdurashiid xal aan taa ahayn ma filayo in la hello.

    Wabillaahi Towfiiq