Bismillah:
Waxaa mahad leh Allah inoo sahlay in aan markale hambalyada ciida barakaysan ee Ramadaan u soo tebino dhammaan akhristayaasha SomaliTalk.
Waxaan idiinku hambalyaynaynaa cibaadada suuban, waxaan idiin rajaynaynaa nabad, barwaaqo iyo baraare. Allah cibaabada suuban dhammaanteen ha inaga aqbalo.
Soomaaliya waxaan Allah uga baryaynaa in uu kadhigo dhul nabad ah, Soomaalida Allah niyadooda ha isuwanaajiyo.
Dunida oo dhanna waxaan u rajaynayneynaa nabad waarta.
Waxaa bahda SomaliTalk si gaara ugu mahadnaqayaan dhammaan akhristayaasha noosoodiray hambalyada ciida barakaysan, waxaana dhammaan idiin soo tebineynaa hambalyo taas lamida.
Allah sannadkan kiisa kale nabad iyo barwaaqo ha inaku gaarsiiyo, iyo nabad caam ku noqota dunida, insha Allah.
Marlabaad Hambalyada Ciida naga guddooma.
Kulu Caam wa-antum Bikheyr.
CIID MUBAARAK
Allahu-Akbar, Allahu-Akbar. La ila-ha ill-lal-lah. Allahu-Akbar, Allahu-Akbar. Wa-lilahill xamdu.
الله أكبر ، الله أكبر ، الله أكبر ، لا إله إلا الله ، الله أكبر ، الله أكبر ولله الحمد
Wabillaahi Towfiiq
AKHRI: IIDAHA iyo SALAADAHOODA
Bahda SomaliTalk.com
Ramadaan, 1431
Ehalkaaga iyo Asxaabtaada ma u direysaa Hambalyada Ciida Ramadaan, Soobooqo boggaga hoos kuqoran:
“CIID WANAAGSAN ”
Waxaan dhammaan bahda Somalitalk iyo akhristayaasheedaba ugu hambalyeynayaa Ciidan barakaysan ee “Ciidul Fitri “waxaanna idin leeyahay ku ciida barwaaqo, baraare iyo nabad , waxaanna alle ugu baryayaa ummadda Soomaaliyeed iyo Qaranimadeedii uu alle u soo celiyo Dowlad xaq iyo Caddaalad ku xukunta uu alle u dhalliyo , mar kale waxaan idin leeyahay “Ciid Mubaarak- Kullu Caamin Wa antum bikhayr “