Home » Maqaallo »

Sideen u Fahamnaa Qur’aanka? Q28aad.

Suurada 106aad Qureysh:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Qureysh oo ah Magaca Qabiilka uu ka Dhashay Nabiga Suuban (Scw) Qabiilkaas oo ahaa Qabiilka ugu Caansanaa Jaziirada Carabta.

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 4 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada At-Tiin ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Qureysh:

Suuradan waxey si gaar ah uga Hadashaa Nicmooyinka uu Alllaah (Cw) siiyay Reer Makah, waxaa ugu weyn Nicmooyinka Qureysh lagu Galadeystay Nicmada Amniga iyo Nicmada Maalka.

Suurada 107aad Al-Maacuun:

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aaydaheeduna waa 7 Aaayadood, waxeyna soo dagatay Suurada At-Takaathur ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Maacuun:

Suuradan waxey ka Hadashaa laba Qlo oo Dadka ka mid ah waxeyna Tilmaantaa Astaamaha lagu Garto, labadaas qolo waxey kala yihiin.

Gaalka InkiraNcmooyinka Alle (Cw) ee Beeniya Maalinta Xisaabka iyo Abaalmarka .
Muunafiqa wax walba uu Qabanaya istus tus u Sameeya, Haduu Dukanayo ama wax kale oo Wanaagsan sameynayo.

Suurada 108aad Al-Kowthar:

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 3 Aayadood, waxeryna soo Dagatay Suurada Al-Caadiyaat ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Kowthar:

Suuradan waxey ka Hadashaa Fadliga iyo Galada weyn ee uu Allaah (Cw) ugu Nimceeyay Nabi Muxamad, waxeyna Suuradan Nabiga Fartay Salaada inuu joogteeyo Hadiyagana (waa Xoolaha Xaramka lagu Gowraco Xiliga Xajka) Goowraco si uu Allaah uga Mahad Celiyo Nicmooyinka lagu maneestay.

Suurada 109aad Al-Kaafiruun:

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadheedu waa 6 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Al-Maacuun ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Kowthar:

Suuradan waxey ka Hadashaa Towxiidka iyo in Xiriir Kalgacaltooyo aan lala yeelan Ahlu Shirkiga, waxeyna Suuradan Muslimiinta fartaa in aysan Dabac ka galin Arimha Diinkooda ku Saabsan.

Suurada 110aad An-Nasri:

Suuradan waa Madaniyah, Cadadka Aayadaheedu waa 3 Aayadood, waxey Soo Dagatay Suurada At-Towbah ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada An-Nasri:

Suuradan waxey Guud ahaan ka Hadashaa Guushii Muslmiinta ku Furteen Magaalada Makah, iyo Islaamka sida uu ugu Faafay Jaziirada Carabta oo Dhan, guusha Makah lagu Furtay Bishaaradeeda waxey soo Dagatay oo Muslmiinta lasoo Gaarsiiyay Waxyi ahaan ka hor Waqtiga Guushaas.

Suuradan waxaa kaloo lagu Xasuustaa in uu Cumar Ibnu Kahdaab ku Xujooyeay Rag Odayaal o Badan oo saxaabada ka mid ah markii ay Garan waayeena waxuu weeydiiyay C/llaahi Ibnu Cabaas si uu u Dareensiiyo Darajada Xaga Cilmiga ee Ibnu Cabaas, Ibnu Cabaas waxuu ku Jawaabay: Suuradan waxey ka Hadashaa Geerida Nabiga in ay soo Dhawaatay, taasoo ah Macnaha saxda ay suurada Tusineysay, Nabna waxey Suuradan Fartay Marka la gaaro Guusha Makah lagu Furanayo , Dadkana Diinta kusoo Xoomaan inuu arinkaas yahay Tilamaan tuseysa Ajashiisa in ay Dhawaatay, sidaa darteed wxaa la yiri ku Tasbiixso Mahadinta Rabigaa, waa Rabi Towbada Aqbalee.

Suurada 111aad Al-Masad:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Masad ama Tabat waan Suurad Makiyah ah, Cadadka Aayadaheedu waa 5 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Al-Faartixa ka dib, Musxafkana waxey kaga Beedan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Masad:

Suuradan Guud ahaan waxey ka hadashaa Halaagii ku Dhacay Abuu Lahab oo ahaa Cadaawada mid ka mid ah Cadawga Diinta Islaamka iyo Muslmiinta Xiligii waxyiga soo Dagayay, wuxuuna Nabiga (Scw) u ahaa Edeer xaga Nasabka (Dhalashada) laakiin waxuu Dagaal bareer ah ugu jiray sidii uu Diinka Islaamka u Dabar Goyn lahaa, waxaana Arintaas ku Gacan siin jiray Xaaskiisa, sidaa darteed ayaa Suuradan Labadoodaba loogu Balan Qaaday Hoog iyo Halaag inuu ku Dhici Doono.

Suuradan waxey Daliil Cad u tahay in aysan waxba Qiimaha ku Fadhin Dhalashada Xaga nasabka ah Hadii aysan Dadka Wanaaga iyo Xaqa isku Raacin, maxaa yeelay Ninkan loo yaboohay Hooga waxaa uu ahaa Nabiga Suuban (Scw) Adeerkiis.

Sidoo kalana waxaa la mid ah arintan Qisadii Nabi Nuux Markii Doonta lagu badbaadiyay in la Halaagay dad uu Wiilkiisa ka mid yahay, maadaama Wiilka uu Aaabihiis ku khilaafay Diinka iyo Xaqa waxba Qiima ah malaha inuu Nabi Dhalay oo Cadaabka ugama Badbaadin Aabihiis inuu Nabi yahay darteed, waxaa kaloo la mid ah Cadaabkii ku Dhacay dad ay ka mid tahay Xaaskii Nabi Luudh maadama ay ka mid aheyd Dadka khilaafay Diin ahaan Nabi Luudh.

Waxaa Dhanka kalana jira inuusan Ruux Xumaan ku yeelaneynin dhalashadiisa darteed ama waxa uu asaga ahaan jiray Markiisii hore, arintaasna waxaa Daliil u aha Cikrima waxaa uu ka mid ahaa Markii dambe Muslmiinta wax Dhaliil ahna kuma Laheyn inuu Aabihiis Abuu Jahal yahay, Cumarna waxaa uu ahaan jiray Gaal weliba markii Dacwadii Islaamka Bilaabatay Col ku ahaa, markuu Muslimayna waxaa uu Noqday Khaliifka Labaad ee Muslmiinta wax Dhaliil ahna kuma laha inuu Gaalnimo soo maray.

Waxaa xasuusin Mudan Xaga Nasabkana inaan aysan Ruux ka reebeyn inuu Sharaf iyo Maamuus yeesho inuu ka dhashay Ruuxa Reer yar ama Adoon ahaan jiray Darteed, arintaasna waxaa Tusaale u ah Bilaal oo ahaan jiray Adoon Xabashina ahaa waxaa uu Muslmiinta ku dhex lahaa Maamuus iyo Sharaf aan lasoo koobi Karin, waxaana la mid ahaa Salmaan oo u Dhashay Reet Faaris inuu Sharaf ku gaaray Islaamnimadiisa darteed inuu Nabiga Yiraahdo: Salmaan Anaga Ahlu Beytka ah ayuu Naga Mid yahay, Halka Abuu Jahalna Halaag iyo Hoog loo Balan qaaday Gaalnimadiisda Darteed.

Waxaan kusoo Gabagabeynayaa inaan dadka Muslmiinta ah ee Soomali ku iraahdo isku Tixgaliya Toosnaanta iyo Wanaaga Qofka Naf ahaantiisa uu ula yimaado, Ruuxna yaan loo Aamaanin ama loo Dhaliilin Dhalashadiisa Darteed waayo dadka waxaa wada Dhalay Aadam iyo Xaawo Ciidna waa laga wada Abuuray, Ruuxna kama Fiicna Ruuxa kale Dadkana ka mid ma aha Ruux Dahab ama Nuxaas laga sameeyay, sidaa darteed Ruuxna kama sareeyo Ruux kale ilaa Diinta iyo Iimaanka inta uu kaga wanaagsan yahay maahane.

AKHRI QAYBAHA KALE: https://somalitalk.com/tag/quraanka/

W/Q: Cali Axmad
asadxg@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.