Home » Faallo »

Sideen u Fahamnaa Qur’aanka?. Q: 29aad.

Suurada 112aad Al-Ikhlaas:

Suuradan waa makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 4 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada An-Naas ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Ikhlaas:

Suuradan waxey si Guud uga Hadashaa Tilmaamaha Dhabta ee Rabi lagu yaqaano. Waxeyna Suuradan Tilmaantay Allaah (Cw) inuu kali yahay oo uusan laheyn Mid Shabaha, Mid la mid ah, iyo Xaas iyo Caruur toona.
Suuradan waxey Meesha ka Saartaa Caqiidooyinka Qaldan ee dadka aan Muslimiinta aheyn Allaah (Cw) ka Aaminsan yihiin.

Faalo kooban:

  • Mushrikiinta waxey Aaminsan yihiin in Malaaikta tahay Gabdho uu Allaah Dhalay
  • Yuhuudana waxey Aaminsan yihiin in Cuzeyr yahay Inan uu Allaah Dhalay.
  • Masiixiyadana waxey Aaminsan yihiin in Nabi Ciise yahay inan Allaah Dhalay.

Marka Suuradan waxey Meesha ka Saareysaa Caqiidada Qaldan ee Noocaas ah, maxaa yeelay Allaah waakan wax kasta Asaga ka Deeqtoon, wax kastana ay asaga u Baahan yihiin, waa kan Cirka iyo Dhulka kala Ilaaliya in ay Iska Dul Dhacaan, Dhulkana Buuraha ku Adkeeyay , Samada Tiir la’aanta taagay, Aduunyada oo dhana jirsiiyay ayadoonan jirin, marka uu Doonana Baabi’in doona, waa kan Hodanka ah laakiin wax kasta ay Baahi asaga u qabaan, wa midaan Dhiman, waa Midaan wax Cunin, waa Midaan Baahan, waa Midaan Hurdin ama Lulmoon, marka suura gal ma ah in la yiraahdo Alle ayaa u Baahaday Caruur, ama Ciise waa Wiilkii Alle iyo wax la mid ah.

Allaah oo Wiil lagu Sheego Dunida Maanta waxaa aad usoo Hadal qaada Masiixiyada oo yiraahda Masiix (Nabi Ciise) waa Wiilkii Alle, ayagoo Sabab uga Dhigaya Arimaha kala ah.

  • Nooca Abuurkiisa Darteed.
  • Mucjizooyin Nabi Ciise lagu arkay dartood.

Nabi Ciise Hadii laga Abuuray hooyo kaliyah macnaheedu ma aha inuu Darajadii Insaanka ka Gudbay waayo waxaa ku Uunka Allaah (Cw)Abuuray kuwo aan Hooyo iyo Abaaba laga Abuurin sida Aadam, Xaawo, Malaaikta, Jinka Asalkiisa, hadana midkood Marna ma muteysan karo in la Caabudo, marka Abuurka Nabi Ciise ayaa ah Aabuur ka dhaw kana Sahlan aragti ahaan kuwa aan soo sheegnay oo kuma Muteysan karo in la Caabudo Abuurkiisa Dartiis.

Tan kale ee Masiixiyada ku Andacoodaan oo ah in uu Allaah Xeelad darteed Caloosha Maryama usoo galay si uu Insaanka uga Daahiriyo gafkii uu Ibliis ku Riday Xaawo iyo Aadam ee janada looga soo saaray, waxeyna yiraahdaan Insaan kasta ee Dhintay Ciise Dhalashadiisii ka hor waxaa uu Dhintay asagoo xambaarsan Gafkii uu Aabahood Aadam Galay, kaliya waxaana ka Badbaadaya intii Rumeysay Ciise inuu yahay Wiil Alle Dhalay.

Waxaa la yaab ah in Dad ku Doodaan Dembi in laka Dhaxlo, hadii ay taas sax tahay waxaa sidoo kale lakala dhaxli lahaa Ajarka oo Qof aan Abidkiis wanaag sameynin ayaa la wadaagi lahaa oo Dahxal ahaan u Heli lahaa Ajar iyo Wanaag ay Shaqeysteen dadkii Asaga ka Horeeyay!.

Waxaanaba Xasuusin Mudan Allaah inuu Marka horeba Dad Dembi ay galeen dad kale u raacaneyn sida ku Cad Quraanka iyo Sunnaha, Arintaas xataa waxaa Qora Beybalada Qaarkood, sidoo kalana waxaa Xasuusin Mudan in gafkii ay galeen Aadam iyo Xaawo laga Cafiyay oo laga Towbad Aqbalay, marka sideeba gaf Cidii Gashay laga cafiyay loo Dul Dhigaa Cid anan waxba Galabsan?!.

Arinta Labaad ee ay Nasaarada Ciise u yiraahdaan waa Wiilkii Alle Kaliftayna in ay Caabudaan waa Mucjizooyinkii ay ku Arkeen Nabi Ciise Markii uu Dacwada Faafinayay, Mucjizooyinkaas oo fara Badnaa waxaa ka maid ah inuu Nabi Ciise Nooleeyay Nin Dhintay, hadaba waxaa Isweydiin Mudan arintaas ma sabi kartaa in uu Nabi Ciise ku Muteysto in la Caabudo?.

Hadii ay sax tahay Mucjizadaas darteed inuu Xaq u yeesho in la Caabudo waxaa kaloo in la Caabaado Muteysanaya Nabiyaal badan oo Xataa Beybalada ka Sheegaan in ay Mucjizo ahaan Nooleeyeen Dad Dhintay, taas Macnaheedu waxey Noqoneysaa in La Caabudo Nabi Saalax oo Dhagax Hal iyo Nirig Mucjizo ahaan kasoo saaray, in la Caabudo Nabi Muuse oo Ul Mucjizo ahaan ka Dhigay Mas weyn!

Hadii aan si Gaar ah u Tilmaamo Beybalada waxaa ku Qoran in Nabi Ilyaas Nooleeyay Cunug yar markii uu Rabi Baryay asagoo ku Dul Foorara Wiilkii yaraa ee Meydka ahaa waxaana uu yiri { ….. Rabiyoow Illaaheygoow Nafta Wiilkan kusoo Celi Gudahiisa, Markaasuu Rabi Maqlay Codkii Nabi Ilyaas oo Naftii Wiilka kusoo laabtay Gudahiisa} . (الملوك 17/19-24

Ma saxbaa Marka in la yiraahdo Nabi Ilyaas waxuu Muteystay in la Caabudo Maadama uu Nooleeyay Dad Dhintay? Hadii aysan sax aheyn sidoo kalana sax ma aha in la yiraahdo Nabi Ciise waa in la Caabudaa oo wuxuu Nooleeyay Nin Caazir la yiraahdo oo Dhinsanaa!

Marka waxaan leenahay Allaah (Cw) kaliya ayaa ah kan wax Nooleeya waxna Dila, Nabiyadiisa waxa ay Sameeyeen Mucjizo ahaana kuma Muteysanayaan in lagu Caabudo, ee waxey ku Muteysanayaan kaliya in la Rumeeyo in ay yihiin Rasuulo Xaq ah uu Allaah (Cw) soo Diray.

Beylada Qaar waxaa ku taal inuu Nabi Ciise inuu Alle (Cw) Baryay si uu Mucjizooyin u siiyo, si ay u Rumeeyaan Dadkiisa oo ay u gartaan inuu Rasuul Xaq ah yahay (Mucjizada waxaan kuu Su’aalanayaa dadkaan dartood si ay u gartaan inaad Adiga isoo dirtay..)

(ولكن أسألك من أجل هذه الجماعة، ليؤمنوا بأنك أنت أرسلتني ” (يوحنا 11/26))

Marka arimahan waxey Cadeynayaan in aysan jirin Cid Cibaado Mudan oo aan Allaah (Cw) aheyn, iyo in Dembi Cid gashay aysan Cid kale Dhaxlin, sidoo kalana Nabi Ciise inuusan Abuurkiisa Dartiis Cibaado ku Muteysan karin ama Mucjizooyinka gacamihiisa lagu arkay daraadood maadama Abuur ka yaab badan uu jiro islamarkaana Mucjizada Noleynta wax Dhintay amaba aan asal ahaan Nooleyn Nabiyo badan Gacmahooda lagu arkay ayagoon marna Xaq ugu yeelan in lagu Caabudo.

Fadliga Suurada Al-Ikhlaas:

Suuradan waxaa Nabiga Suuban (Scw) ka Sheegay Fadli aad u weyn in ay leedahay, sida in uu yiri: waxey u Dhigantaa Qur’aanka sadax u Qeyb Dhig, waxaa kaloo Sugan in Adkaar haan Suuradan iyo labada ka Dambeysaa loo Aqristo saalaad kasta ka dib iyo Subax iyo Galab kasta si ay Xijaab iyo Xirzi xir uga Naqdaan Qofka Muslimka ah.

Suurada 113aad Al-Falaq:

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 5 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Fiil ka dib Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Falaq:

Suuradan Dadka bartaa in ay Allaah (Cw) kaliya Magan galaan marka ay Dhibaato Naftooda uga baqaan amaba ay Dhibaato sida Sixirka, Isha iyo wax la mid ah ku Dhacdo naftooda, maxaa yeelay Insaanka waxaa Dhibaato kaga Imaan kartaa Meelo fara badan iyo waqtiyo Fara badan Sida Dugaag, Insi kale , Jini iyo wax kasta oo Dhibaato dadka gaarsiin kara.

Suurada 114aad An-Naas:

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 6 Aayadood, waxeyna Mar sooo wada Dageen Suurada Al-Falaq, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada An-Naas:

Suuradan waxey ka Hadashaa In Allaah laga Magan galo Sharta Cadawga ugu weyn ee insaanka leeyahay Ibliis iyo kaalmeeyayaashiisa, kuwaasoo dadka ka leexiya Jidka Toosan ee rabi Raaliga ka yahay ee ah Jidka kaliyah ee Janada lagu gaaro, waxaana Qur’aanka Meelo badan uu Allaah kusoo Gudbiyay Dhaar iyo handadaad uu Ibliis Dhibaato kula Damacsan yahay Insaanka, arintaas oo Muujineysa Cadaawada Ibliis weynideeda iyo Kahtarta uu Insaanka ku yahay.

AKHRI QAYBAHA KALE: https://somalitalk.com/tag/quraanka/

W/Q: Cali Axmad
asadxg@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.