Home » Warar »

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo si kulul uga hor yimid Dastuurka Cusub ee dhawaan la sameeyey

C/llaahi Daahir Barre oo sheegay in dastuurka cusub aan lagala tashan Hay’adaha Dowliga… iyo Madoobe Nuunow oo yiri “Ma aha in la siyaasadeeyo Dastuurka cusub”…..

Waxaa isa soo taraya diidmada looga soo horjeeda dastuurka cusub ee dhawaan ay soo bandhigeen Guddi loo xilsaaray Dastuurka, waxaana nuqulo ka mid ah Dastuurka loo qaybiyey dhammaan qaybaha kala duwan ee Bulshada, hase yeeshee markii nuqulkaasi la soo bandhigay ayaa waxaa markiiba ka hor yimid Madaxweynaha Dowladda Federaalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sheegay in dastuurkaani yahay mid aan u adeegeen Bulshada Soomaaliyeed ayna ka haboon tahay Dastuurkii 60-kii.

Diimadii ugu dambeysay waxay ka timid Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka C/llaahi Daahir Barre oo sheegay in dastuurkaan aan lagala tashan Hay’adaha Dowliga ah ee Qaranka Soomaaliyeed isagoo sheegay in ay wataan dad aan Soomaali danteeda wadin, waxa uuna sheegay in aan dastuurkani aan laga qaybgelin dadkii aqoonta u lahaa in ay diyaariyaan dastuurkaasi, waxa uuna soo dhaweeyey hadalkii ka soo yeeray Madaxweyne Sheekh Shariif oo uu ku diiday dastuurka cusub.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka C/llaahi Daahir Barre waxa uu sheegay in dastuurkaan uu yahay mid aan u adeegeen bulshada Soomaaliyeed ayna daba ka riixayaan dad shisheeye ah oo aan marnaba ka shaqeynin maslaxadda umadda Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ay ahayd marka hore in dastuurka la tashigiisa laga qaybgeliyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Madoobe Nuunow oo Guddoomiye u ahaa Guddigii loo xilsaaray Sameynta Arimaha Dastuurka ayaa sheegey in Nasiibdarro tahay in xiligaan la Siyaasadeeyo Dastuurka Cusub ee loo sameeyey dadka Soomaaliyeed  isla markaana loo yeelo qaab Qabiil wuxuu kaloo uu sheegey in Dastuurka Cusub uu saldhig u yahay Shareecadda Islaamka wuxuuna inta badan ka kooban yahay Dastuurkii Lixdankii isagoo sheegey in ay ku jiraan arrimo la xiriira Federaalka iyo Shareecada Islaamka, isagoo ku tilmaamey Khilaafka soo kala dhex galey Madaxweynaha iyo Rasiil Wasaaraha mid Ayaandarro xilli uu sheegey in shacabka ay sugayaan Ansaxinta Dastuurka Cusub.

dastuur

Dhinaca kale Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo haatan ku sugan Magaalada Nairobi ayaa olole ugu jira sidii Dastuurka Cusub Afti loogu qaadi lahaa waxaana la sheegey in Raiisul Wasaaraha uu wato Barnaamij in Odayaasha Dhaqanka soomaaliyeed kulan loogu qabto Magaalada Garoowe si ay afti ugu qadaan Dastuurka Cusub maadaama la sheegay in Odayaasha Beelaha ay yihiin kuwa ka ka wakiil Noqon kara Dhamaan Bulashada Soomaaliyeed, waxaana la sheegey in Cumar Cabdirashiid uu qoraal u gudbiyey UNDP Iyo NDI si ay ugu qayb qaataan Ansaxinta Dastuurka iyo soo daabulida ergooyinka Beelaha soomaaliyeed.

Qodobka 174aad ee Dastuurka Cusub oo ku saabsan dhaqangelinta dastuurkan ayaa waxa uu dhigayaa “Dastuurku wuxuu dhaqan-gelayaa 90 maalmood kaddib markii lagu ansixiyey Afti Dadweyne”.

Khilaafka soo kala dhex galay Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa waxa uu gundhigiisu yahay dastuurka cusub kadib markii Madaxweynuhu uu sheegay in dastuurkaasi yahay mid wax badan ay ka qalad yihiin, waxa uuna soo jeediyey in la qaato dastuurkii hore ee Lixdankii.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa iyana waxay sheegeen in dastuurka cusub uu yahay mid iska hor keenaya Bulshada Soomaaliyeed, sidoo kale waxay sheegeen in aan marnaba lagala tashan dadka aqoonta u leh sameynta dastuurka, waxayna ka codsadeen hay’adaha ku lugta leh oo ay ugu horeyso Hay’adda UNDP in ay faraha kala baxdo daabacadaada iyo hirgelinta dastuurkaasi.

Qodobo ka mid ah dastuurka ayaa waxaa la sheegay in ay si aad ah uga hor yimaadeen inta badan Bulshada Soomaaliyeed kadib markii lagu qoray in Madaxweynaha qofka ka noqonaya wadanka aaysan shuruud u ahayn in u uahaado Muslim, waxaa kale oo ka mid ah qodobada sida weyn looga soo horjeestay in Soomaaliya lagu dhaqo wax loogu yeero Dimuqaraadiyad iyadoo Soomaaliya 100% muslim tahay.

Shirkad Aan la Aqoon halka ay ka soo jeedo oo Federaalku ku Wareejisey Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Sheikh Shariif: Dastuurku waa in uu helo Afti Dadweyne, haddii taas la waayo waa in la qaato Dastuurkii 1960-kii

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo si kulul uga hor yimid Dastuurka Cusub ee dhawaan la sameeyey "

  1. Ahmed says:

    Intee xeerku yaala ee la ilaaliyo, xeer ilaaliyuhu haduusan arkeynin kan AMISOM xamar ku joogaan oo aan umada laga tashan uga hadlayaa mid isagoo og in Sh Shariif soo magacaabey. Inta wax aqrisa qorana waa ogaayeen in Dastuur isku lagu qabaneyey Djibouti oo in mudo ah fadhiyeen, oo intaas wasiirada iyo hay’ado iyo kaabo qabiilo isaga daba laaban jireen si midkasta danihiisa ugu dhex arko.

    Ninka Xeer-Illaaliye isku sheegaya, sow kama mid ahayn dadki dhaariyey ama joogey xafladii xubnahan Dastuur isku sheega soo diyaariyey.

    Somali hadaan nahay waxaan caado ka dhiganay in wax kasta la iska mucaarado xitaa hadii markii hore ku heshiiney inaan wax wada samaysano, marka tusaalaha XeerIlaaliyaha ma ahan wax cusub. waa sheeko sii jireen ah, LOOMA DHAMA, GOW MALEH GUUSH MALEH.

  2. Osman Haji says:

    Akhiyaarta Ramadaan Kariim.
    Hadii aanan Qaldaneyn Distuurka ugu horeeyey ee Somaliya waxuu dhigaayey in qofka madaxweyne ka noqonaayaa Somaliya in uu yahay
    Somali iska dhal ah, Muslim aanan qabin haweeney shisheeya ah markaas ayuu isku so sharixi karaa madaxweynaha Somaliya.
    Marka hadii jirto oo laga saaray qodobkaas, hade waxaa iska cad nimanka
    dabada ka riixaaya Dustuurkaan in ay xooga yare oo lacag ah ay ku iibsanayaan Qarannimadii iyo sharftii umada Somaliyeed ay heleen marka waxaan soo jeedinaayaa in il gaar ah lagu eego dadka noocaas ah Somaalinimadooda ayaaba u baahan in fiiro gaar ah la siiyo, aduunkan waxaa ka jira 192 Dowladood kuligoodna sidaas iyo si kadaran ayey u tahay lama taabtaan, Teenuna waa lamataabtaan ee sidaas ula socda.
    Wasalaamu Calykum

  3. waa wax lasoo dhaweeyo diidmada xeer ilaaliyaha,waxayna iigu muuqataa isaga iyo madaxweynaha wadanku in ay maanta matalayaan ummadda soomaaliyeed.waana sida uu hadalka udhigay mudanaha wadanka madaxweynaha ka ah oo ah in laqaato kii 60kii maxaa yeelay kaasay shacabku muddo kusoo dhaqmayeen.ina c.rashiidna waxaan u arkaa nin u adeegaya dadyow kale ma garan karo,ujeeddadiisa uu ugu ololaynayo waxaan shacabkana kasoo fulin laakiin ay wataan dadyow aan garanayn waxa ay shacabku rabitaankoodu yahay.waana marin habaabin dastuurkaa waxaana madaxweyne:shariif ugu baaqayaa isna in uu bilaabo ololihii uu uga hortegi lahaa dastuurkan,diidmadiisana shacabka soomaaliyeed ayuu ka turjumayaa.insha allaah waxba uhirgeli maayaan qolyahan qorshaha fog kaleh shacabka soomaaliyeed iyo wadankoodaba.

  4. cabdirisaaq says:

    war hoy ina cabdirashiid aniga qof baan ahaye nabadoon iyo kaabo qabiil midna mas,uul igama noqon karo markey noqoto ansixinta dastuurka. oo waxaan ka dhiibanayaa codkeyga halkaan anigoo muwaadin soomaali ah WAAN DIIDAY dastuurkaan shakiga badan wata. bal aan su,aal weydiiyee nabadoonada uu leeyahay wax baan ka ansixinaa horta wax ma aqrin yaqaaniin???? qaarbaa indhaha wax ka arag, qaar baa dhegaha la, qaar baa caada qaata ah marka Cumaroow mu,aamarada umada ka daa oo AABAHAA oo kale noqo wuxuu ahaa nin wadaniye,