Home » Maqaallo »

War Hilbaha Culimada waa Sun eh IsKa Ilaaliya !!!

Maxamed SH Cumar Faaruuq

ibnicumar@yahoo.com

————

Asalamu Calaykum  Wraxmatulaahi

Waxaan ka cudurdaaranayaa gaar ahaan bahda Somalitalk ku xiran in aan muddo hawada ka maqnaa oo aanan waxba ku soo qorin in muda ah boggan qiimaha gaarka ah u leh Soomaalida akhristayaal aad bandanna ay ku xiran yihiin .

Qormadan aan cinwaanka ooga dhigay sida idiin muuqataba waxaan jeclahay in aan ooga hadlo dowrka ama kaalinta culimada islaamka guud ahaan gaar ahaanna kuwa sooomaaliyeed looga baahan yahay maanta oo aan dhmaanteenba lawada socono Xaaladda adag eeuu wadankii maanta marayo iyo dhibaatada ka socotaba .

Culimada Diinta aqoonta u leh marka kobaad xil baa ilaah saaray  (SWT) kaas oo uu ku sheegay qoraankiisa kariimka ah waxuu alle ku yiri :

( وإذ أخذالله ميثاق الذين أوتوا الكتاب لتبيّننه للناس ولا تكتمونه فنبذوه وراء ظهورهم ) سورة البقرة

Waxaa kaloo Ilaaah quraankiisa ku sheegay asagoo ka hadalaya reer Banii Israaiil in uu lacnaday reerkaas maxaa yeelay ( munkarka)  ama xumaanta iyo waxkastoo fool xun iskama aysan reebi jirin sidaas darteed ayaa ilaah uu lacnadaya lacanadda macnaheedana waa naxariistii alle oo qofka laga fogeeyo  ilaah waxuu yiri asagooo macnahaas aan xusnay tilmaamayo  :

(  لعن الذين كفروا من بني إسرائيل علي لسان داؤود وعيسي بن مريم ذلك بما عصوا وكانو يعتدون كا نو لا يتناهون عن منكر فعلوه لبئس ما كانو يفعلون )    سورة المائدة

Marka halkaas waxaan ka fahmaynaa oo iska cod hadii dadka xumaatada wada ama dhibaatada wada ciddey doonaanba ha noqdaane hadii aanan la iska qaban oo culumada iyo aqoonyahanadaba aysan ka hadlin arintaas in lacanadaas uu eebe sheegay ay nagu soo daganayso waa hubaal.

Aaayadaha arintaa ama dowrka culimada looga baahan yahay ka hadalayana aadbay u fara badan yihiin laakiin labadaas bal aan ku kaaftoono isla markaana aan u gudubno dhanka Axaadiista Rasuulka laga wariyay     ((عليه الصلاة والسلام

Haddii aan Xadiithka macnahiisa soomaali ku sheegno maadaama uu yahay xadiith dheer

(( qofka danbiga ama khaladka ku dhacaya iyo kan ka qabanaya waxay la mid yihiin sidii dad dooni (Safiinah) saaran  oo kale badda doonidaas oo 2 dabaq ah qaarkood waxay saran yihiin dusheeda Qaarkoodna waxay saran yihiin dabaqa ama qeybta hoose marka haddii ay kuwa qeybta hoose dagan uu harraad ama oon qabto waxay sii marayaan ama jiirayaan kuwa ka sareeya ayaga , kadib talo ayeeey keeneen qoladii hoose oo waxay yiraahdeen war kawarama haddii aan doonida meel hoose ka Bujinno /Dillaacino kadibna aan halkaas ka cabno biyaha anagoonba dhibin walaalaheena dusha saaran oo aanan marka jiirin ama Dardarin , marka haddii ay qolada taladaa khaldan wadata ka aamusaaan oo ay doonidii hoos ka bujiyaan/ama duleeliyaan waa halaagsamayaan dhamaantood kuwa kore iyo kuwa hoosaba maxaa yeelay doonidii ayaaba wada dagaysa halkaas ayeeyna kuwada dhiman haddiise ay qolada sare yiraahdaan war jooga oo ay gacamaha qabtaan way wada badbaadayaan dhammaantoodba ))

Xadiithkaas waxuu tusaaale aad u dhaw u yahay dadka maanta munkarka sameynaya meel kastooy joogaanba waxaa looga baahan yahay dadka aqoonyahanada ah sida culumada indheergaradka /Cuqaasha iyo Duubabkaba in ay dadkaas gacmaha qabtaan warka jooga dhibaatadan aad wadaan ay yiraahdaan iyo dhiiggan aad sabab la`aanta ku daadinaysaan haddii kale dhamaanteen waan wada halaagsamaynaa oo dhibka ka yimaada inta danbiga waddo oo kaliya kuma koobnaanayso ee waa uu wada saamaynayaa dadkoo dhan ka xun iyo kan sanba .

Intaas waxay iga aheyd hordhac ee bal aan u sooo yara daa dago mowduuca maqaalkan aan doortay in aan ka hadlo waxaan ooga hadli doonaa sidan hoose.

  1. Maxaa igu kalifay in aan mowduucan ka hadlo waqtigan xaadirka ah ??
  2. Maxay tahay Asbaabta ku kalifayso dadka qaarkood in ay meel ooga dhacaan Culimada ama ay erayo xun xun u adeegsadaan markay maqlaan sh Hebel ayaa sidaas sheegay ?
  3. Maxaa ka dhalan kara afxumada iyo duridda culimada la durayo ? saamayn intee la eg ayeeyse ku lee dahay sheekha laftiisa iyo bulshada wax ka barata dhaxdeedaba?
  4. Ugu danbeyn maxuu yahay Anshaxa iyo aadaabta Nalooga baahan yahay haddii qof caalim ah ama sheikh ah war nalooga soo sheego ama Fatwo laga soo sheego in uu soo saaray sh hebel sida sh Cumar faaruuq iyo SH Maxamed Cabdu Umal ama SH SHariif cabdi nuur ama culimada kalaba midkuu noqdaba waa isku wad amide ??
  5. Haddii aan ku hormaro su aasha hore oo ah maxaan mowduucan ooga dhawaajiyay waqtigan xaadirka ah ee la joogo ??

Jawaabta waxay tahay  waxaa maalmahan danbe aad u badatay  dhaleecaynta iyo aflagaadada iyo afxumada culimada loo gaysanayo , oo aad ku arkaysa meel kasta sida TV yada soomaalida ,cajaladaha laga soo duubay qaar culimada ka mid ah iyo website yada soomaalida iyo kuwa carabiga ku soo baxaba , arintaas  aad ayeeyu badan tahay maalmahan danbe ee waliba gaa ahaan lagu jiro marxalad fitno ah nabigana uu ku tilmaamay in ay aakhiru zamaanka iman doonto waqtigan oo kale (  Qofku uu waaga u baryayo asagoo muslim ah hadana uu casarkii u billaabanayo asagoo gaal ah )   taas oo uu banigu SCW ku tilmaamay sida habeenka mugdiga ah oo kale oo uusan qofku waxba arkaynin waana middan aan maanta ku nool nahay oo xaqqii iyo baadhilkii dadkii iskaga dhaxdarsameen , runtii iyo beentiina lakala saari la` yahay , munkarkii iyo macruufkii lakla saari la` yahay  kii Aqoonta lahaa iyo kii jaahilka ahaa lakala garan la` yahay , Culimadii aqoonta diinta ah laheyd ee umaddu ku taqaanay cilmiga iyo diinta iyo waxaa lakala saari la` yahay Caamadii waa kuwa culumo iska yeelka ah ee isu akaysiiya iyaga oo aan aqooon haba yaraatee aan diinta Islaamka u lahaeyn amaba 4 kitaab oo yar yar soo dhagaystay ama Cilmi dhagood haysta waa sida ay soomaalidu tiraahdee kadibna ka hadlaya masaajidda iyo TV yada oo ku leh sh hebel waa khaldan yahay iyo sh hebel waa faasiq iyo sh hebel waa gaal oo waxaas ayuu sheegay iyo fattwadaas ayuu soo saaray !!!

Qolooyinkas ayaa maanta aad saaxada iyo goobaha warbaahinta oo dhan aad oogu  batay taas oo waajib nooga dhigayso iyo qof kastoo aqooon diinta u lehba in uu ku baraarujiyo khaladaadkaas ay galayaan iyo hafaryadaas ay culimada hafrayaan in ay ka digtoonaadaan iskana ilaaliyaan in ay meelkaga dhacaan culimada iyo caaqiba xumada ka dhalan karta arintaas ay ku dhaxjiraan .

Tusaaale haddaan sooo qaatto 2 isbuuc ka hor ayaa dhamaan website yada waxaa la soo wada galiyay fatwo laga wariyay Sh Ccumar faaruuq xafidahullaah iyo codkiisii oo duuban gaar ahaan waxaa la soo galiyay website kan Somalitalk 2 fatwo oo sheekha laga duubay oo ay lee yihiin waa ay is burinayaan ama way iska soo horjeedaan !!   kadibna waxaa la soo daba dhigay  warkaas sheekha laga sheegay hoostiisa oo ay rag badan iyo haweenba soo qoreen Afxumo iyo aflagaadooyin aan la soo koobi Karin oo waxwalba lagu sheegay sheekha daka qaarkiisba aysan waxba iskula harin mana aha somalitalk kaliyee kuwa badan ayaa la soo galiyay oo soomaali iyo carabi iyo English intaba ku soo baxo   haddaba Arimahaas ayaa igu kalifay bal in aan talooyinkayga iyo naseexo waxii ay aqoonteydu gaarsiisan tahay in aan ka iraahdo inshlaah .

2  .hadaan u gudbo qodobka labaad  Asbaabta ku kalifayso dadka in ay culimada afxumeeyaan maxayse ka faaiidayaan ama maxaa ku kalifayo danbigaas aadka u weyn ??

Inta aanan qodobkan danbe galin waxaan idin wada xasuusin lahaa in culimada ay bulshada dhaxdeeda ku lee yihiin boos ama makaanad aad u weyn  oo aan la soo koobi Karin hadaaanse wax yar ka tilmaano .

Ilaah waxuu ku lee yahay quraankiisa kariimka ah aayadahan soo socda :

قال الله تعالى : { قل هل يستوي الذين يعلمون والذين لا يعلمون}.[ سورة الزمر ، الآية : 9 ]

ويقول – سبحانه -: {إنما يخشى اللهَ من عباده العلماء}. [سورة فاطر ، الآية : 28 ]

ويقول – جل وعلا -: { وأطيعوا الله وأطيعوا الرسول وأولي الأمر منكم}.[ سورة النساء ، الآية : 59 ]

وأولو الأمر- كما يقول أهل العلم – :هم العلماء، وقال بعض المفسَّرين : أولو الأمر: الأمراء والعلماء.

ويقول الله – جل وعلا – : {يرفع الله الذين آمنوا منكم والذين أوتوا العلم درجات والله بما

تعملون خبير}. [ سورة المجادلة، الآية11

وروى أبو الدرداء رضي الله عنه عن النبي (صلى الله عليه وسلم) أنه قال: (( فضل العالم على العابد كفضل القمر على سائر الكواكب ليلة البدر. العلماء هم ورثة الأنبياء . إن الأنبياء لم يورثوا ديناراً ولا درهماً ، وإنما ورثوا العلم ، فمن أخذ به ؛ فقد أخذ بحظ وافر)

Afartaas aayadood iyo xadiithkaasba waxuu tilmaamayaa in culimada ay fadli gaar ah lee yihiin oo aysan la mid  aheyn Caamada oo kale , waxaana taas fahmi kara ama dareemi kara oo kaliya dadka caqliga leh ama indheer garadka ah sida aayaduba cadeysay ,  waxaa kaloo uu alla tilmaamay  aayadda u danbeysa in ilaah darajooyin gaar ah uu siiyay culimada oo dadkoo dhan ay kawada sareeyaan .

Waxaa kaloo (aayadda 3 aad alla nagu amray in aan maqalno oo aan adheecno ilaahay iyo rasuulkiisaba iyo dadka Talada iyo hoggaanka noo hayaba ) dadka talada iyo hoggaanka umadda hayana waa  Culimada iyo Umarada iyo dadka haya hogaanka siyaasadeed .laaakiin waa hadii aysan macsiyo oyo dadka ugu yeerin .

Xadiithka horana waxuu tilmaamayaa in ay culimadu dhaxleen Anbiyada kamana aysan dhaxlin Xoolo iyo Hanti ee waxay ka dhaxleen Cilmiga diiniga ah iyo in ay umadda  gaarsiiyaan diinta qofka nasiibkaa helana waxuu helay nasiib aad u weyn oo qaali ah !!

Nin gabayaa ah oo carab ah ayaa horay u yiri gabay ay xikmado badan ku jiraan waxuuna yiri  :

الناس من جهة التمثال أكفاء ****** أبوهمُ آدم والأم حواء

فإن يكن لهم في أصلهم نسب ****** يفاخرون به فالطين والماء

ما الفضل إلا لأهل العلم إنهمُ ****** على الهدى لم استهدى أذلاء

وقدر كل امرأ ما كان يحسنه ****** والجاهلون لأهل العلم أعداء

Afartaas beyt waxuu gabayaagu ku sheegay dadku sawir ( Haykal ) ahaan waa isku wada mid oo aabahood waa nabi Adam hooyadoodna waa xaawo wax is ay iskugu faani karaanna maba jiro oo hal meel bay ka soo wada jeedaan waa dhoobo iyo biyo (manida)  fadli waxaa leh oo kaliya Culimada kuwaas oo ku hanuunsan hadyiga nabiga , qofka  qiimihiisana iyo darajadiisana waxay ku xiran tahay hadba waxa uu yaqaanno , dadka Jaahiliinta ahna waxay markasta col la yihiin dadka Cilmiga leh  !!!

Taasna waa xaqiiqo jirta in badan oo waxaa jirta aqoon darada darteed u xasdaya culimada oo maantoo dhan xamanaya  shaqana ka dhiganaya

  1. Qodobka labaad aan u imaado inkastoon kuba dheeraaday intii hore ee fadliga culimada ku saabsaneyd waxaana ka amid ah asbaabta ku kalifaysa in ay culimada wax ka sheegaan oo ay xantaan

    1.
    Xaaasidnimo

oo in badanoo soomaalida ka mid ah iyo umadaha kalaba waxaa dhacda in uu sh fulaan iska naco oo xanto maantoo dhan maxaa yeelay sheekhaas ayaa magac iyo  sumacad iyo xoolaba ilaah siiyay ama codkarnimo iyo aftahanimo iyo geesinmo ayaa ilaah siiyay marka intaas oo dhan uma ogola mar haddii uusan gaari karinna heerkiisa oo kalana waxuu ku calool fiyoobaan karaa kuna caafimaadi karaa oo kaliya in uu sheekhaas xanto ama aflagaadeeyo meelahaas Bogagga soomaalida akhristaana ku soo qoro tacliiqaadkiisa ( Comments )

2  Jahli iyo hawo raacis

oo qofku maadaama uusan aqoonba u lahayn waxaan sheekha laga sheegayo diin uu ku kala saari karo waxii sax ah iyo waxiii khalad ahna uusan garanaynin , haddee waxaa u sahlan oo kaliya in uu iska caytamo ama dadkii ka horeeyay waxii ay soo qoreen un  aflagaadda ahaa uu iska daba raaciyo asagana .

3. Taqliid ( ku dayasho indha l`a )

waxa carabiga lagu yiraahdo  oo dadka qaarkood waxuu maqlayaa ama akhrinayaa hebel ama urur fulaan oo uu ka tirsan yahay ayaa sheekhan Naqdiyay ama gaalaysiiyay isagana markaasuu ku raacayaa oo sheekhii gaalaysiinayaa ama aflagaadeynayaa maxaa yeelay xizbigii aan ka tirsanaa ayaa sidaas ku xukumay !!!   meeshii laga rabay in uu bal waxan sheekha lagu haysto baaritaan ku sameeyo oo  Adiladiisa iyo waxa uu bal sheekhu cuskaday uu daba galo ayuuu iskaga raacayaa xizbigiisa iyo xarakada uu ku jiro hadba mowqifka ay ka qaadato sheekha fatwadiisa hadey taageeraana wuu la taa geeri hadey gaalaysiiyaana wuu gaaalaysiin tusaalooyinkana way badan yihiin laakiin waqti uma hayno oo culumo badan ayaa la aflagaadeeyay qaarkoodna laba gaalaysiiyay maxaa yeelay qoladaas ayaa sidaas ku xukuntay anigana qoladaas ayaan ka tirsanahay ama reer hebel oo aan ka dhashay ayaa go` aankaas ka qaadatay aniguna waan ku raacsanahay !!!

taas waxay la mid tahay tusaale ahaan  gabay uu yiri  shaacir Carab ah oo zamankii jaahilayadii hore noolaa intaan nabigaba( SCW ) la soo saarin ayaa waxuu yir :

وهل أنا إلا من غُزية إن غوت ****** غويت وإن ترشد غزيةُ أرشد

((((Macnaha waxaa weeye anigu reerkaas quzayata la yiraahdo unbaan ka soo jeedaa haddey xumaadaanna oo ay lumaanna waan la lumi haddey toosnaadaanna  oo ay quman yihiinna anigana waaan la qumanahay )) !!

Marka reerkaad ka dhalatay ama ururkaad ka tirsan tahay in aad wax kasta ku raacdo laguma amrin ee waxaa lagu faray xaqqa in aad raacdo taasna waxay kaaga baahan tahay in aad wax barato oo aad wax baarto sida aad mas`alada markaas la isku haysto iyo qofka xaqqa ku taagan ku fahmi laheyd.

Dhaqankaas asaga ahna oo ah reerkaad ka dhalatay  iyo Xarakadaad ka tirsan tahay un in aad ku gowracnaato mabaadidooda waa wax aad noogu badan oo nolosheenaba ka mid noqotay  hadaan Soomaali nahay !!!

  1. Fatwada oo ka soo horjeedda sida uu rabo ama ay rabeen :

Qaar badan oo soomaalida ka mid ah hadii ay wadaadka ama sheekha su` aal diini ah ay weydiiyaan kadibna uu ooga jawaabo si ka duwan sidii ayaga ay jeclaayeen ama aaminsanaayeen waxay bilaabayaan sheekhii in ay nacaan/ oo xantiisa banaystaan /aflagaado iyo afxumo badanna u gaystaan !! maxaa yeelay sheekha ayaa khilaafay sidii ayaga ay rabeen ama aaminsanaayeen !!!  taasna waa cajiib waxaana tusaale ahaan aad ku arkaysaaa kuwa fara badan oo soomali ah fikradahooda ku soo qoray  Somalitalk  sheekh hebel mathalan caynaya ayagoo tacliiq saaraya fatwadiisa ama kalimadiisa  maxaa yeelay jawaabtii ay jeclaayeen oo ay ka rabeen ayaysan ka helin !!!!!

Taasna waa cajiib sheekha haddiiba uu cilmi lee yahay  mas`alada wax laga weydiiyay waxuu ka eegayaa xagga sharciga oo waa faqsan  maslaxada umaddana ay ku jirto  asagoo raacaya nusuusta quraanka iyo axaadiista nabiga( SCW) ,   haduu ku saxan yahay sheekhu waxuu ka helayaa 2 ajir haddii uu ku khaldan yahayna waxuu ka helayaa 1 ajir sida  rasuulkaba sheegay ( SCW ) laakiin muhiim  ma aha in uu cid gaar ah fatwadiisa ku raalli galiyo ama ku qanciyo !!! Arintan aad ayeey muhiim u tahay waana dhibaatada maanta nahaysata wadankeeniina ka socoto oo tusaale ahaan haddii sheekhu uusan u hadlin sida ay rabaan qolooyinka ka dagaalamaya dalkii sheekhaas agtooda waa ka dhintay waxayna ku tilmaamayaan sheekhaas wax alla waxay doonaan ayaga oo Afxumo ah sida daba dhilifnimo ilaa Gaalnimo ay ka gaarsiiyaanba !!!

Maadaama uu mowduuciii aad iila dheeraaday 2 da qodob ee ii harsan walina aan ka hadlin dib ayaan u dhiganayaaaa  Ciidda kadib إن شاء لله ayaan soo gudbin doonaaa .

Waxaaan ilaah noogawad baryayaa in uu naga wada dhigo kuwii hadalka dhagaysta intiisa wanaagsanna ka qaata  intiisa xunna qofka u naseexeeya  si khaas ah ayagoo oola xiriiraya  .

رمضان كريم وكل عام وأنتم بخيروعافية

w/ calaykum waraxmatulaahi

Maxamed SH Cumar Faaruuq
ibnicumar@yahoo.com

::: Wax aadan Aqoon u Laheyn ha Dhax Galin !! (qormadii 2003)

::: Sheikh Cumar Faaruuq oo soo dhaweeyey Ciidamada Shisheeye, Taas oo ka duwan Mowqifkiisii 2007

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

7 Jawaabood " War Hilbaha Culimada waa Sun eh IsKa Ilaaliya !!! "

  1. Ascw. salaan kadib walaalayaal horta mid waan isku raacsan nahay waa in cullimada hilibkeedu sun yahay. Waxaase jira in cismadii ay la dhimatay Rasuulkeenii Suubanaa(scw) oo maanta aan la helaynin qof macsuum ah.
    Marka hadduu qof culimo ah qalad galo ma aha inaan u aragnaa inuu dhulka
    ku dhacay oo waxyaabihii wanaagsanaa oo uu sameeyay oo dhan ay yihiin waxba kama jiraan(cilmigiisii). Caalimi wuu qaldami karaa ee anaga yuu na
    fidnaynin. ee aan iska ilaalino qaladka culimada ka dhaca. Hadduu qaldamo waa banii’aadam oo wuu qaldami karaa, kuwa qaldamana waxaa ugu qayroon kuwa qaladkooda ka soo noqda.
    Mida kale waa fikrad uu qoray shiikh saahid Amison maxay meesha u joogtaa haday itoobiya la mid ahayn. hadday jawaabtu tahay waa caalami oo caalamkaa wata. caalamku waa midka inoo diidan inaan heshiino. kow iyo labaatan sano oo xukun kaligii taliye ah caalamku wax kama oran, hogaamiye kooxeedyo na burburiyayna caalamku wax kama oran, Hadda may faraha nagla baxaan ileyn waxba nooma qabanine. Dhinacna way u dhici lahayd arrinta soomaali. Faragalinta caalamka waa waxa halka na dhigay.

  2. Scwxwb:
    Wallaal Mohamed maya ma ahan Baydhabo & Muqdisho markii Dambaba C/llaahi Yusuf Xamar Villada ayuu fadhiyey !!!!
    Se Waxaan ka wadaa markii Hore Ethiopia oo horar ah oo soo Duushay in ay Soomaaliya Qabsato ayey aheyd, taas oo Soomaali oo dhanba la Dirirtay hoygu Horeeyeen Ururkii Isbahaysiga Dibi Xoreynta Soomaaliyeed.
    Se Ciidamada Aminson waxay ku yimaadeen Ballan Qaad Dawladnimo waana Ciidan loo Baahday markii Muslim Muslim Dhiigiisa Banaystay taas oon caadi aheyn.
    Waa Yaab Muslim laga celinaayo wallaalkiis Muslim ah iyo Hooyo Muslimah oo la qaxinaayo,Markaas Fatwado waa is badelaysaa waxay la mid tahay markii Ciidamaddii Roomaanka ee Dagaalkii Xudhayn ay Dad Muslimiin ah ay iska soo hormarsiiyeen oo ay u haysteen Maxaabiis taas oo haatan loo yaqaano ( human shield) Taas oo Caalimkii weynaa ee Cizi Bin C/salaam RC uu fatwooday in Muslimiinta Teedka laga Dhigtay la laayo si loo badbaadsho malaayiinta kale.
    Taas oo badaleysa in Dhiiga muslimku Xaaraan yahay ???marka sidaas ula soco Culumada Muslimiinta oo dhanba caalamiyan sida Mutamarka Islaamka iyo Kuwii Qadar Ku shiray wey kala badaleen in Amisom & Ethiopia aysan isku mid aheyn ,Sidoo kale Culumaddii Majmaca ee Soomaaliyeed ayaa isku Racay in Amisom nabadda ay ku yimaadeen ay ku baxaan ee aan dagaal loo horseedin ummadda & Qax cusub !!!!! taas baana caddatay 2 sano bay alshabaab & xisbul islaam dagaalamaayeen ma saareen Amison ??? maya ee kumaankun soomaaliyeed ayey Dileen, kumaamkunna waa dhaawaceen,kumaankunna waa Qaxiyeen !!!! Taas ayuu Shiikhunaa Cumar Faaruuq fatwadiisu isku badashay Muslim Muslim laga celinaayo oo Masiixi kacelinaayo !!! waa sida ay Reer Xamarku u dhahaan cimrigaaga oo dheeraaday Geel Dhalaayana waaku tusaa ??? SCWXWB.

  3. mohamed says:

    sheekh saahidoow zamanka iyo makaanka isbedelay muxuu yahay? ma xilliga c/laahi iyo xilliga shariifkaa? ma xamar iyo baydhabaa?/
    in badan baan maqlaynay in sheekh cumar uu fatwooyinkiisa ku saleeyo qabyaalad iyo wax aan ahlu cilmiga ku haboonayn, fatwadanna ma aqali karto waxaan qabyaalad ahayn.
    alloow xaqa na garansii, sheekh cumar iyo annagoo dhanna na hanuuni.

  4. As wr wb.

    Ugu horreyn qofka maqaalka qoray wuu ku mahadsanyahay hanuuninta ah inaan la bannaysan hilibka culimada, dhabtiina waa wax laga xumaado in qof dhan oo ilaahay darajo siiyay cilmi diineed ah la aflagaadeeyo.

    Tan kale, qoraagoow, waxaan kuu sheegayaa iyana inaysan xumayn in sheekhyada wax la tusaaleeyo, ogow waa Bani’aadam oo maahan macsuumiin, lakin habka naqdinta culimada ama guud ahaan dadka cilmiga leh way ka duwantahay sida caadiga ah ee loola hadlo jaahiliinta, waayo waxa qumman inaad qofka u naqdiso hab cilmiyaysan oo ku dhisan caddaymo iyo daliillo cadcad kana dheer aflagaado iyo cay adigoo tusinaya halka uu ka simbiriixday, marka usluubka naqdiga ama fikirka loo soo bandhigaya ayaa qaldan, oo dhabtii dadkii hore ee salafku iyagoo kala aragtiyo duwan bay hadana wada noolaan jireen, lakin haddaan soomaali nahay maba naqaan habka naqdinta, keliya caay iyo aflagaado, aflagaado kuuba roone, gaalaysiin baa la marayaa iyo in murtadnimo la isku tilmaamo.

    Tan kale, in Culimada la caayo zamankan, dhibka keenay waxa uu yahay, fitnada iyo musiibooyinka somalida ku habsaday iyo dagaallada sokeeye ayaa waxaad arkaysaa dad culimo sheeganaya oo u qiil keenaya danbiilayaasha qaar, markaa waxay sababtay in dadka aan cilmiga badan lahayn ay nacaan culimo oo dhan, waa sidii ninkii reer miyyiga ahaa ee yiri ” Waxaan nahay duul ay culimo waashay”, marka zamankanna fitnada socotaa ogoow culimada xitaa way saamaysay in ALLAAH u naxariistay mooyee.

    Marka walaalkeeyoow, mahadsanid, se dadka sh. faaruuq aflagaadeeyay iyagaan ku dab iyo reer keeni doonin, waa la ogyahay samaanta iyo wanaaga sheekhaas lahaa ALLAAH ha noo xifdiyo, umaddana ha ku badiyo isagoo kale AAAMIIN, dhabtii waa sheekh nabadda jecel wanaagana jecel xilli ay badatay dad nabad diid ah oo dab huris u banbaxay.

    Jazaakallaah, I hope inaad ujeedkayga fahamtay.

    Nadifa

  5. Ruuxii Aabihiis u ekaada dulmi ma sameyn ( man shaabaha abaahu famaa dhulim)!!!
    Haddii mohamed Shiikh Cumar Faaruuq uu Aabihiis Difaaco wax khalad ah ma sameynin, Maqaal miisaaman ayuuna qoray.
    Dadka Shiikheena ku tilmaamaya in Fatwooyinkiisu kala gedisan yihiin ma oga miyaa in fatwadu isku badasho waqtiga & makaankaba sida Culimadu dhahaan:( Al-fatwadaa tataqayaru bi taqayur alzamaan wal makaan) !!!ma iloowdeen in hal meel ibnu Cabaas ay labo nin u yimaadeen ayagoo mid kastayi weydiinaayo ninkii Ruux muslim ah dilaayi Towbad ma leeyahay ???markaas buu kii hore ku yiri towbad ma leh kii labaadna uu ku yiri towbad waa leeyahay ???
    Ardeydii ibnu Cabaas baa yaabay ???markaas buu yiri kan hore wuxuu doonaayey in uu Ruux dilo sida indhihiisa ka muuqatay,kan kalese daalibu cilmi buu ahaa,
    Marka Shiikheena Cumar Faaruuq ma ku khaldana fatwo kasta uu dhiibay asagoo xaaladda markaas jirta ka hadlaaya.
    waana tan uu ibnu cumar ka dhawaajay ee ha la yaabina.

  6. sheekhunaa says:

    sc wr wb

    marka maqaalka qofka qoray waxaa uu ila eg yahay wiil abihiis difacaayo waxaa dhacayna cid kasta maqleen marka cumar faruuq sidee buu ahaa dowladii caydiid dowladii cabdulqasim? sidee buu ahaa dowladii cabdulahi yusuf axmed sidee buu ahaa dowlada sheekh shariif ? fatwooyinka uu ka bixiyay baa ahayd mujahid caydiid sidaa oo kale cabdulqasim! cabdulahi yusufna dowlad gaalo raac ah in lala dagaalo. dowlada hada jirtana uu yiri waa dowlada islaami waana in la racaa! hadalkastana waa duuban yahay marka waxaan culimo u aqaan kuwan aad dadka walaalaha musliminta ah qori is gaalaysi iskugu dhiibin, fitanada somalia ka socotana waa loo wada jeedaa. shalay maa la walnaa mise maantay?marka waxaa iga ahaanaysaan in la difaaco qof sheekh sheegtay umad somaliyeed uka hiiliyay.
    somalitalka iyo webside somali eed malaha yaase inkiri karo ileen qofkii fatwadii uu ku fatwooday maa jirto.

  7. ASC
    RAMADAAN KARIIM /CIID MUBAARAG
    jazaakalaahu kheeyraa maxamed sh.cumar faaruuq,qudrada ilaahay bay kamidtahay waayo isla mowdhuucaas ayaan waday qornadiisa marka aan arkay sida walaalo badan ay baneeysteen hilibka culimada khaas ahaan kuwa soomaaliyeed siiba kuwooda kubaheeysan AL-ICTISAAM .rag badan ayaa kadhigtay macaash arintaasi oo xataa qaarkood ufurtay website yo iyo barnaamijyo maqal ah oo ay dhaleeceen iyo aflagaado u jeediyaan marna ayba culimada somaaliyeed dab kadhexshidaan ayagoo su’aalo weeydiis kusoo gudbinayo barnaamijkooda maqalka ah.aad baan isugu dayay in aan ka waaniyo balse ilaa hada wax mirraha ma aysan sameen.
    sikastaba ha ahaatee walaalkeey maxamed sh. cumar faaruuq aad baad ugu mahadsantahay qormadaada.
    wasalaam