Home » Warar »

Dhagaxtuur oo loo magacaabay Agaasimaha Wasaarada Gaadiidka

Gudoomiyihii hore ee gobolka banadir ahna lataliyaha madaxweyne sheekh Shariif oo loo magacabay agaasimaha w/gaadiidka iyo taariikhdiisa oo kooban

Shir balaaran oo ay Khamiistii iskuugu yimaadeen golaha wasirada ee dowlada Fadarlka KMG Somaliya ku yeesheen xafiiska raiisal wasaraha uuna shir gudoominayey wariisal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayuu ku magacabay gudoomiyihii hore ee Gobolka banadir Max’ed Cusmaan Cali ( Dhaagaxtuur) in uu noqdo Agaasimaha Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo dhulka Xukuumada KMG Soomaaliya.

Kulanka maanta ay iskuugu yimaadeen golaha wasirada ee xukuumada KMG somaliya ayaa waxaa shir gudoominayey wasirika 1aad Cumar C/rashiid Cali sharma’arke intii uu socday shirka ayaa waxaa warbixin dhinacyo badan taabaneysay looga dhageystay wasiirka arimaha dibada ee dowlada Fdaralka KMG somaliya Yuusf DHeeg isaga oo ka warbixiyey socdaalo uu ku soo maray wadamo dibada ah .

Waxaa Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke uu k aaqriyey wareegto uu madaxweynuhu ku magacaabay 13/05/2010 Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo dhulka ee xukuumada KMG Soomaaliya in u noqod duqii hore ee Magaalada Muqdisho ahaana gudoomiyihii gobolka Banaadir Max’ed Cusmaan Cali Dhagaxtuur.

Ra’iisul wasaaraha dowlada KMG Somaliya ayaa u sheegay golaha wasirada in Dhagaxtuur u soo bandhigey golaha Wasiirada Xukuumada KMG Soomaaliyawaxaana dhamaan golaha wasiirada Xukuumada kMG ay isku raaceen in Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo dhulka laga dhigo Max’ed Cusmaan Cali Dhahagaxtuur.

Hadaba maxaa ka taqaanaa waase kuma Max’ed Cusmaan Cali Dhahagaxtuur waxaa loo magacaabay 20/11/2009 kii la taliyaha madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed xaga arimaha bulshada wuxuu soo qabtay ku xigeenka arimaha bulshada laba jeer ee dowlada hoose ee gobolka banadir .

Ku xigeenka nabad galyada dowlada hoose ,xukuumadii nur cade wuxuu so noqday duqa magalada ahna Gudomiyahay Gobolka banadir .

Wuxuuna jagadaas haayey mudo Afar bilood ah .

Wuxuu ka mid noqday golaha deegaanka xamar17/11/2008 .

23/11/2008 wuxuu noqday duqa magaalada Muqdisho .sidaa ayuu laba jeer ku noqday duqa magaalada muqdisho.

Gudoomiyaha gudiga nabad galyada ee gobolka banadir wuxuu noqday 11/2/2009 .

Sidoo kale wadamadi uu u tagay howl qaran islamarkaana heshiisyo la soo galay ayaa waxaa ka mid ah dalka Holland magaalada Amsterdam oo u matalaya shir looga hadlayey dimuqradiyada .

Iyo sidoo kale isla dalka Holland magaaladiisa heeg

Dalka gariiga wuxu somaliya uga qeybgalay shir looga hadalyey la dagaalanka faqriga .

Dalka jarmalka ayuu uga qeyb galay shir degaanka looga hadlayey .

Wadanka isu taga imaaraadka carabta ee midowday ayuu shir uqa qeyb galay uu SOmaliya matalayey arimaha biyaha .

Wuxuu heshiis mantaaneyn ah la soo saxiixday guqa magaalada Lombardi ee dalka talyaaniga laba jeer .

Dalka Ethiopia ayuu sidoo kale wax ka saxiixay heshiis lagu mantaaneynayey magaalooyinka Adis Ababa iyo Muqdisho .

Magaalada maraakish ee dalka marooko shir looga haldayey arimaha Magaaloyinka jamacada carabta ayu u matalayey magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya .

Dalka Cameroun magaalo madaxdiisa Yaundi wuxuu uga qeyb galay isaga oo somaliya matalayey shir loogu magacday Am four kaas oo looga hadlayey arimaha dib u dhismaka dowladaha hoose

Dowlada hoose e magaalada jiddah shir looga hadlayey arimaha magaalooyinka iyo dowladaha hose ayuu uga qeyb galay isaga oo matalayey dalka Somaliya .

Dalka shiinaha ayuu uga qeyb galay shirka horumarinta magaalooyinka dalalka la saaxibka ah dalka shiinaha dadka

Intaa ayaan ku soo koobaynayaa tariikhda agaasime dhagaxtuur oo aan intaa ku ekeyn ayaan u balan qaadaynaa cidii intaa wax ka badan dooneysa in aan u dhameystiri dono inshaa alaah

Muuse Maxamuud Jiisow
00252-061-5576666/ 00252-0699-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Dhagaxtuur oo loo magacaabay Agaasimaha Wasaarada Gaadiidka "

  1. Xassan Yare says:

    Waxaay ila tahay in dhagaxtuur uu socdaal fara badan iyo shirar badan galay asagoo matalaya Somaliya, waxaa isweydiin leh shirarkas luqadee buu uga qeyb galay illen afsomali kaliya ayuu yaqaanaaye.??????
    Mar aan arkay su-aalo aay UNIVERSAL TV weydiineysay ayaan waxaan dareemay in uu afsoomaliga xattaa dhib ku yahay oo uusan ku qudbadeenkarin.
    Iga mahan xaasidnimo ee waxaan ula jeedaa guud ahaan dadka shirarka
    dibadaha loo dirayo aay noqdaan dad yaqaana luqadda lagu hadlayo
    fahmayana waxa laga hadlayo, dalka markuu kusoo laabtana laga sugayo warbixin natiijadii iyo waxii uu kala kulmay shirkaas uu aaday.
    Dowladdu ha joojiso shirarka loo aadayo fasax ahaan iyo nasasho. (DALXIIS).