Home » Faallo »

Bakaaro Allow Ur u bixi !! | Amiin Yuusuf

Qoraalka oo sawiro leh halkan ka eeg (pdf)

Markii bilowdeen dagaaladii sokeeye ee soomaaliya sanadkii 1991dii ayaa ganacsatada Soomaaliyeed waxay bilaabeen in ay ku soo uruuraan Suuqa Bakaaraha kadib markii ay soo guureen Suuqyo kale oo ku yaalay Magaalada Muqdisho, iyagoo Suuqaan bidayey in ay xoolahooda ugu heli karaan nabagelyo buuxda, wixii waqtigaas ka dambeeyey suuqu waa uu balaartay isagoo markii hore ahaa meelo kooban oo lagu gado Qoryaha, Cawska iyo Caanaha, haddii aan kuu tilmaamo Suuqa Bakaaraha inta uu ku fadhiyo hadda waxa uu u dhexeeyaa laga bilaabo Wadada loo yaqaano Jid Mareexaanka, la soo rogmo Wadada Wadnaha ilaa waxaad gaartaa wadada Masjidka Sheekh Cali Suufi ee KPP, la leexo wadada ilaa aad ka gaarto Jidka Sodonka waa dhul aad u weyn waxaana ka dhismay dhismayaal aad u waaweyn, haddii ay mudo kuugu dambeeysey ma garan kartid  in suuqaan uu yahay Suuqii Bakaaraha, iyadoo ay madaafiic aad u adag ku dhacayaan suuqa haddana waxaa ka socda Dhismayaal cusub oo hor leh. Waxaana Booska dhisan la kala siistaa oo Villa Ah 120 oo kun oo Doolar haddii uu dhismaha uu qurxoon yahay dhowr Dabaq uu ka kooban yahay lagaaga Jimcinmaayo 500 oo kun oo Doolar

Xaaladda Suuqa Bakaaraha waxa uu soo maray heerar kala duwan, laga soo bilaabo xiligii hogaamiye kooxeedyada suuqu waxa uu mar ku sigtay in uu xirmo kadib markii ay agagaarihiisa ka dhacay dagaal sokeeye, hase yeeshee

Mitidnimo iyo dadaal ay sameeyeen ganacsatada Soomaaliyeed ayaa suuragelisay in suuqa xaaladdiisa nabadgelyo xakameeyaan  waxaana xiligaasi loo sameeyey ciidamo Madani ah oo suuqa amnigiisa ilaaliya, iyadoo intii ay socdeen dagaaladii hogaamiye kooxeedyada Suuqa Bakaaraha ay ku dhaceen dhowr madfac, waxayna dadku ku xasuustaan madfac ku dhacay Suuqa Dahablaha oo ay ku dhinteen haween fara badan, wixii waqtigaa ka dambeeyey suuqu waxa uu helay nabadgelyo la isku haleyn karo, waxaana ka ganacsada dhamaan bulshada Soomaaliyeed laga soo bilaabo Raas Caseyr ilaa iyo Raas Kambooni, kuwaas oo xoolahooda  Suuqaas ku aaminay, waxa uuna Suuqu xiriir ganacsi uu la leeyahay Soomaalida ku nool kililka Shanaad ee Itoobiya iyo Soomaalida ku nool Waqooyi bari ee Kenya, iyadoo nin ganacsade ah oo u dhashay Waqooyi Bari ee Kenya uu yiri “Shidaalka iyo Raashinka nooga yimaada Magaalada Muqdisho gaar ahaan Suuqa Bakaaraha, waxa uu aad uga jaban yahay ama ka raqiisan yahay mid nooga yimaada Dekedda Mombasa”, sidoo kale nin ganacsade ah oo isna ka soo jeeda Soomaali Galbeed ayaa isna waxa uu yiri “Xaqiiqdii Raashinka iyo badeecadaha kale ee nooga yimaada Muqdisho waxay si aad ah uga jajab yihiin kuwo kale ee nooga yimaada gobolada kale ee Itoobiya, marka waxaan dhihi lahaa Suuqa Bakaaraha waa il Soomaaliyeed ay ku tiirsan yahay bulsho badan oo Soomaali iyo ajnabai isugu jirtaba.

Xaaladda Nabadgelyo ee Suuqa Bakaaraha waxay mar kale qalqal gasahay xiligii uu Madaxweynaha wadanka ka ahaa C/llaahi Yuusuf Axmed iyo markii ay dalka soo galeen Ciidamada Itoobiya, waxaana suuqa mar keliya ku faafay Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwo Soomaali ah oo dhac iyo boob ka gaystay halkaasi, waxaase ka hor tagay kacdoonkii xiligaasi ka jiray Magaalada Muqdisho ee looga soo hor jeedey soo gelitaankii ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, hase yeeshee xilligaasSuuqa waxaa  mar kale haleeyay madaafiic aad u xoogan waxaana ku dhintay Boqolaal Soomaaliyeed iyo qaar kale oo hantidooda halkaasi ku waayey, hase yeeshee dadaal uu sameeyey Nuur Xassan Xuseen (Nuur Cadde) oo mar Ra’isul Wasaare ka soo noqday Soomaaliya iyo ganacsatada suuqa ayaa isla gartay in suuqa loo sameeyo ciidamo Madani ah oo wata dhar gooni ah kana madax banaan dhinacyadii isku hayey Soomaaliya, xiligaas wixii ka dambeeyey dib ayuu u soo noolaaday suuqu waxa uuna ganacsigiisu noqday mid aad u balaaran, nin dhallinyaro ah ayaa waxa uu yiri “Waxaa la yaab leh in Dukaamo ku yaala goobo ka baxsan suuqa Bakaaraha lagu qoray ‘Price Bakaro’, oo loola jeedo in qiimaha Suuqa Bakaaraha uu Dukaankaani wax ku iibinayo, hase yeeshee  qofku uusan ku qanacsaneyn in Qiimihii Bakaaro wax looga iibiyo taa bedelkeedana uu ka jecel yahay in Suuqa Bakaaraha si toos ah uga soo iibsado, waxaana dhihi karaa Bakaaraha waxaa aaminay dadka Soomaaliyeed oo jecel in ay mar kasta suuqaasi wax ka soo iibsadaan”.

Waqtigaan Suuqa Bakaaraha waxaa la dhihi karaa waxa uu marayaa waqtigii ugu halista badnaa, waayo waxaa maalin walba ku dhimanaya boqolaal Soomaali ah oo aan waxba galabsan kadib Marka kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Shisheeye ay dhowr madfac ku tuuraan goobaha ay ku sugan yihiin AMISOM ayna ku jawaabaan Madaafiic Culus oo ku hoobata Suuqa Bakaaraha, Haweenay ayaa waxay tiri “Suuqu ma wuxuu noqday meel lagu aarsado, waayo ma garan karo waxa madaafiicda loogu soo ridayo, waxaa la yaab leh in marka uu dagaal ka socdo deegaanka Xoosh sababta ay ciidamada AMISOM madaafiic ugu soo ridaan suuqa Bakaarhaa, waxaan u qaatay in ay tahay Soomaali badan xaggee kaa xigtaa”.

Suuqa Bakaaraha waxa uu cariiri sii galay Todobaadkii la soo dhaafay kadib markii wadadii ugu muhiimsaneyd ee ay isticmaalayeen Gawaarida ka timaada Dekedda weyn ee Muqdisho ee badeecadaha u wada Bakaaraha isla markaana ay isticmaalaan  Gaadiidka Dadweynaha ay xiran tahay, hadda waxaa geliya oo furan waa wadada Warshadaha oo iyana dhib badan ay ku qabaan Gawaarida Ganacsiga ee Suuqa Bakaarhaa u socda, waxaana wadadooyinka burbursan ku arkeysaa Gawaari ku gadoontay oo kuwaas oo ku sii jeeday Suuqa Bakaaraha, nin odey ah oo Ganacsato ah ayaa waxa uu yiri “Labada dhinacba waxay naga qaataan kharashaad, marka waxaa fajiciso nagu nooqotay in wadooyin badan oo  suuqa Bakaaraha loo soo mari jiray ay labada dhinac ka qotaan dhufeysyo waaweyn”. Waxaana soo xasuustay sheekadii Caro Weelo ee ahayd markii Awr dhowr ah ay Afka iyo dabo isaga xirtay, Awrtiina ay bilaabeen in ay iska daba-wareegaan ayay tiri Caro Weelo “Alle waa sidaan rabay”, markay aragtay in waxaani ay soconeyn ayay hadalkii hore ka laaabatay oo tiri “Allow Ur u bixi” sow uma eko in Muqdisho Af iyo Dabo la isaga xiray. Waxaan soo xasuusta cayaar aan waagii

carruunimaddeydii cayaari jiray oo ahayd in anaga oo carruur badan aan gacmaha is qabsano isla markaana mid naga mid ah uu dhexda noo galo isago dhahay “Intee ka baxaa” , waxaana ug u jawaabeynay “Meel Alla…..Meel Alla..”, markii u wareero oo uu garan waayo meel uu ka baxo, ayaa waxaa la yiraahdaa “Ka bax bilaabaha caaraddiisa”, waxa uuna isku maqiiqaa meel labada carruur u dhexeysa oo cariiri ah, sheekadaas markaad ka tusaale qaadato sow uma eka Xaaladda Muqdisho, inkastoo ay weli ay la’ dahay meel ay isku maqiiqdo.

Weli waxaa Muqdisho ka socda Dagaalo iyo madaafiic la isweydaarsanayo hadda oo aan maqaalka qorayo waxaan dhageyga ku soo dhacay madaafiic loo tuurayo dhanka Suuqa Bakaaraha nin dhallinyaro ah oo ku sii jeeday suuqa Bakaaraha ayaan weydiiyey meesha uu u socdo waxa uu sheegay in uu ku sii jeedo Bakaaraha, waxaana kula taliyay in uu maanta iska joogo, waxa iigu jawaabay “Sxb Weli laguma dhihin miyaa Aabbe caano ayaan u baahanahay, haddaba in dadku ay weli ku sii indho adeegaan Suuqa Bakaaraha oo ay madaafiicdu sida roobka ugu socdo waxaa keentay duruufta guryahah ka jirta, waxaana taagan nahay haddaana nahay dadka ka xoogsada suuqa Bakaaraha in aanan suuqa ka baaqan inta la geli karo xitaa haddii Nuyokleer uu soo dhaco, mar haddii nalaka daba ooyaayo oo carruur aan waxba garan ay guryaha noo fadhiyaan”.

Isku soo wada duuboo Bakaaraha oo lagu sheego in uu yahay suuqa ugu weyn Bariga Afrika isla markaan dhowr jeer la kulmey Gubasho xoogan Khasaarana ka soo gaartey Ganacsato Fra badan , Ummad baddana ay ku xiran tahay ayaa xaaladdiisa haatan taagan tahay ‘Allow Ur u bixi’.

Qoraalka oo sawiro leh halkan ka eeg

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Bakaaro Allow Ur u bixi !! | Amiin Yuusuf "

  1. MUNA says:

    ilaahey ha idinku badbaadiyo suuqaas. baryada allahna hala badiyo masiibadan in ilaah naga dul qaado oo caruurteena aan u soo celino wadankoodi hooyo insha allah.