Home » Faallo »

Sidee La isu Waafajin Karaa Baaqa Madaxwayne Siilaano Iyo Nabad raadinta Garaad Abshir

DHAMAAN WAAN SALAAMAYAA Bahwaynta webka Somalitak iyo dhamaan umada muslimiinta ah meelkastooy joogaanba Ramadaan kariim. waxaana u mahadcelinayaa shaqaalaha somalitalk ee noo suuragaliyey in Aan si wanaagsan uga haqabla Aanno wararka Xaqiiqda Ah ee soomaaliya iyo Meelabadan oo kaleba mahadsanidin.

intaas kabacdi sida laga wada dharagsan yahay waxaa baaq soojeediyey madaxwaynahay soomaaliland mudane axmed maxamed maxamud siilaanyo. kaas oo ku wajahan Sool sanaag cayn.

Baaqaas oo ah Gogolnabadeed. maalmo kabacdi waxaa bilaamay guuxa dad waynaha. kuwaas oo ay ugu horeeyaan garaado iyo Cuqaal. waxaa bilaamay shirar iyo wadahadalo. si Ay uga jawabaan hadalka madaxwayne siilaano. iya goo is kudayaya in lagabaxo dhibka mar uun kaas oo daashaday umada nafbadanna ay kubaxday. garaadadaas oo u danbeeyey garaad Abshir.

. Aniga Rayi Ahaan ilamaxuma Garaadku fikirkiisu waayo wuxuu doonayaa waanabad nabadna waa macaantahay. garaadku Haduu Nabadwado halataageero oo Yaan la diidin. ciidamada dagan maanta widhwidh iyo hareeraheeda haduu garaadku sinabadgalyo ah uga saarayo garaadka halataageero oo yaanladiidin. hadiigaraadku Madaxwayne siilaanyo iyo Dawlada soomaalilandba uu waan waan lagalo oo nabadgalyo kusoodabaalo deegaankaas yaan la diidine halataageero gartaadka.

waxan leeyahay madaxwayne soomaaliland siilaanyo hadii Aad kadhabayso baaqa iyo gogosha aad kubaaqday ee reer sool sanaag iyo cayn waan soodha waynaynaa lakiin waxaan kaa codsanayaa in Aad nabada kasoo dhisto aas aaska hoose oo ah in aad ciidamada soomaalilan ee jooga dhulka sool sanaag iyo cayn sinabadgalyo ah iyo wadahadalba leh lagu xaliyo arimahooda.

in shacabka la tixgaliyo in garaadada la tixgaliyo in doonsita shacabka waxbadan laga hormariyo
in mesha lagasaaro awood ciidan iyo muruqbaan kujoogaa ee lagubadalo wadahadal toos ah sidii nabada loo adkaynlahaana la i suguyimaado meel dhexdhexaad ah.

hadaba maxaa lagudboon umada kudhaqan sool sanaag cayn

  • 1 waa in Ay wadahadal ay yeeshaan dhexdooda ah
  • 2 waa in ay khilaafka yareeyaan dhexdooda ah
  • 3 waa in ay ixtiraamaan garaadada sharaftaleh
  • 4 waa in nabada laga hormariyaa waxkasta.
  • 5 waa in dariska lagula noolaadaa nabadgalyo.
  • 6 waa in Wax la isu quudhaa oon Cadbursijirin iyo nin tooocsi.

MAXAALAGUDBOON QURBA JOOGTA sool sanaag iyo cayn waxaa kula talinlahaa

  • 1 waa in Ay xaqdhawraan dadka gudaha kudhaqan
  • 2 waa in aysan hurin colaad sokeeye iyo midshisheeye toona
  • 3 waa in ay umada wacyigaliyaan oo aysan shilinkooda cadaab kumutaysanin
  • 4 waa in Aad uga faa ii daysaan aqoontiina dhanka nabadgalyada.
  • 5 waa in laxaqdhawro fikirka garaadada iyo cuqaasha nabadajecel
  • 6 waa in Aad caawisaan shacabka kudhibaataysan sool sanaag iyo cayn

Wabilaahi Tawfiiq

Qore Abdirahman Mahamed Aden U S A MINNESOTO
saalim_81@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Sidee La isu Waafajin Karaa Baaqa Madaxwayne Siilaano Iyo Nabad raadinta Garaad Abshir "

  1. Oman A says:

    Asalaamu Calaykum,

    Salaan kaddib sxb, C/raxmaan Lafooloow,

    Meel ciidan fadhiyo, kaas oo doonaya inuu soo afjaro xuduud beenaadkii lixdankii ka hor ee saancaddaaluhu xariiqday nabadi kama muuqato diyaarna maaha. Soomaalidu maanta waxay u baahan tahay wax dhiigooda ku kala hagoogta ee uma baahna inay isu dawladayso, odaygan Siilaanyo ee aad sheegaysaana waxan aad ka waramayso horay ayuu u diiday. Bal u fiirso isaga oo ajandihiisu yahay inuu wadanka kala jaro oo ku tiirsan cadowgii ruugcadaaga ahaa ee Abbasiiniya ayuu nabad ka diiday qaran waynihii Soomaaliyeed markaas oo uu daba qabasho lahaa lana badbaadin karayey. Maanta oo uu ku guulaystay inuu Somaaliya gaadhsiiyo meesha ay taalo ajendihiisii kala takoorka ahaana weli jeebka ku sita madaxweynana kuba sheeganaya nabada uu ku dhawaaqayo yuu u jeedinayaa??? Ma adiga mise aniga mise labadeenaba??!!!. Waxaan kusoo celinayaa Soomaaliya uma baahna inay isu dawladayso ee waxay u baahan tahay wax dhiigeeda kala badbaadiya. Haddii arinkan adiga iyo Siilaanyo aad xal u haysaan ka qaada ciidamada goonigoosadka ah ee ku sugan dhulkii Daraawiishta inaan qorshahaasi gadmayn waad ogtihiine, haddii kalese Soomaaliyi soddonkii sano ee u danbeeyay qumaati uma miyir qabine odaygu riyadiisaas ha iskaga socdo ridada warankana ha u dulqaato
    Osman A

  2. ABDIRAXMAAN,fikradaadu maxuma,laakiin waxaad inbadan iska indha tirtay xaqiiqada waxaadna daah saartay cidda lala hadlayo ma jifooyin deegaanadaa oo lala shiraa mise waa in la eegaa cidda ay maanta talada dadkaasi ka go’do.waxaan daah lasaari karin in maanta ay kasoo gudubtay ummadda SSC-SOMALIA in ay garaadadoodu la fadhiistaan oo ay lahadlaan siyaasiga,waxaanay taasi kusoo go’aamiyeen shirarkii kala duwanaa kasocday NAYROOBI,HOLHOL IYO BUURA-WADAL,in xagga siyaasadda ay matalaan maamulka SSC-SOMALIA ama HOGAANKA SSC-SOMALIA. sidaa daraadeed maanta hadday jirto cid nabad doonaysa oo kamida maamulka uu silaanyo caynaanka uhayo waa ain qiraan cidda xagga siyaasadda ay kala xaajoonayaan oo ah HOGAANKA SSC-SOMALIA. laakiin inta ay kuwareegayaan madax dhaqameed lama heli karo nabad islaaxda,uma jeedo madaxdhaqameedku mamatalaan dadkaasi oo uma hadli karaan ee hawsha ayaa ah mid lakala leeyahay waxaanay lafadhiisan karaan un waa madaxdhaqameedkee dhiggooda deegaanadaa kasoo horjeeda.midna maskaxda kuhay sxb in maanta dadka ladoonayo in ay wada hadlaan ama deegaanada laga hadlayo ee nabadda loo doonayo iyo kuwa doonaya nabadda ee maamulka hargaysa kamida in ay aad ukala duwan yihiin xagga waxyaabaha ay kala aaminsan yihiin. TUSAALE:maamulka hargaysa wuxuu aaminsan yahay in lakala gooyo wadanka soomaaliya,halka dadka SSC-SOMALIA kasoo jeedana ay iyagu aaminsan yihiin soomaalinimo iyo in wadanku halkeliya ahaado. maamulka hargaysa wuxuu aaminsan yahay in ay deegaanadaa iyada utaliso ama ay kamid yihiin,halka SSC-SOMALIA-na ay aaaminsan yihiin in aanay shaqo isku lahayn maamul ugaara ay leeyihiin.

    markaa sxb yaan lagu xiiqin waxaan jirin ee waa in runta loo hogaansamaa oo la eegaa,sida aan dadka hargaysa iyo burco dega aan loogu khasbi karin ay kusoo laabtaan soomaaliyada kale oo muqdisho looga taliyo, ayaanay shacabka SSC-SOMALIA-na lagu khasbi karin in ay hargaysa waxkasugaan. markaa sxb Abdirahman Mahamed waa in aadan daaha saarin runta deegaanadaa kajirta.ogowna inta maamulka hargaysa uu haysto dhul ay dadkale leeyihiin oo aanay ku imaan rabitaankooda in aan la helayn xal.shacabkaana waxaa ka go’an in ay difaacdaan danahooda iyo danaha shacabweynaha soomaaliyeed,isla markaana aanay laascaanood unoqon meesha laga kala dhantaalo ummadda soomaaliyeed ee aan sinaba loo kala jari karin.hadday hargaysa xal doonayso waa ay garanaysaaye waa in ay martaa wadadeeda oo ay ciidamada qaadaa,HOGAANKANA aqoonsataa oo ay lafadhiisataa,si mushkiladda siyaasadeed loosoo afjaro,deris wanaagna loo helaa.HOGAANKA SSC-NA waxaan odhan lahaa adeerayaal waxaanu idiin dhiibanay ayaanu idiinka fadhinayaa ee hawlaha dardargeliya,hana ujoojinina hawlahan kala furfurka ah ee ay hargaysa hormoodka katahay. waxa aad kushaqaynaysaana waa rabitaankayaga annaguna ma ogolin in wadanka lakala dhantaalo,.

    QURBA-JOOGTANA WAXAAN ODHAN LAHAA:adeerayaal idinkaa laydinka fadhiyaa sidaad ubadbaadin lahaydeen dhulka soomaaliya oo mid ahaada loogana badbaadin lahaa kuwan kala go’a uu wakhtigu kaga dhacay.