Shan culimo ah ayaa soo saaray bayaan ay ku cadaynayaan mowqifkooda ku aadan heshiiskii ay jabhadda UWSLF la gashay xukuumadda Itoobiya bishii July 2010.
Bayaanka waxa uu u qoraa sidan:
Bayaanka oo ku qoran PDF halkan ka eeg
Bayaan ku aadan heshiiska Jabhadda UWSLF iyo Ethiopia
Qodobada qoraalka:
1. Maxaa nagu bixiyay maqaalkan?
2. Hordhac lagama maarmaan ah
3. Maxaan ka qabnaa heshiiska?
4. Maxaan ku dhisnay soo dhaweenta heshiiska?
5. Maxaan ka qabnaa qodobada heshiiska?
6. Xukunka raggii heshiiska galay?
7. Talooyin:
Culimada Qoraalka soo saartay
1. Sh. Maxamed Macallin Cabdi Umal.
2. Sh. Maxamud Sh. Maxamed Shibli.
3. Sh. Maxamed Shaafici Khaliif.
4. Sh Cabdiraxman Sh Cumar.
5. Sh. Xasan Ashkir Ibraahim.
Maxaa nagu bixiyay maqaalkan?
Waayahan danbe waxaa si balaadhan warbaahintu u qaadaadhigaysay heshiiskii ay jabhadda ( UWSLF) la gashay dowladda Ethiopia, ayadoo aragtiyo kala gadisan laga qaatay.
Waxaase xusid mudan in culimo aan kamid nahay magacyadooda warbaahinta laga xusay, ayagoo loo tiirinayo dushana laga saarayo waxyaaba aysan waxba ka ogayn & mawaaqif aysan lahayn ayagu.
Arintaasi markay dhacday dhowr goorna ay soo noqotay kadib ayaa waxaa qasab noqotay inaan cadeynno xaqiiqada jirta & sida ay wax u dhaceen.
Hordhac lagama maarmaan ah
Waxaan jecelnahay inaan marka hore caddeynno in annaga oo ah culimada ku saxiixan bayaankan aannan waxba kala soconin, tashina nalaga galinnin heshiiska xabbad joojinta markii lagalayay, balse waxaa nala soo gaadhsiiyay markii lagu kala tagey dhaqan galentiisuna billaabatay kadib.
Sidoo kale nalooma keenin mana aannan akhriyin qodobada heshiiska intaan lasaxiixin, balse wuxuu nuqulka qodobada heshiisku nasoo gaadhay markii lagu kalatagay xafladii saxiixa kadib.
Maxaan ka qabnaa heshiiska?
Markay xabad joojintu soo baxday, si rasmi ahna loogu dhawaaqay, ayna muuqatay in loo socdo heshiis dhamaystiran oo lala galayo dowladda Itoobiya, si taxadar leh ayaan usoo dhawaynnay arinkaas guud ahaan.
Maxaan ku dhisnay soo dhaweynta heshiiska?
Soo dhawaynta heshiiska ladamacsanyahay balse aan wali qodobadiisu soo shaacbixin waxaan u cuskannay oo aan ku dhisnnay laba qodob oo lagama maarmaan u ah arin kasta oo miisaanka sharciga la saarayo, waana kuwan:
A ) waaqica xogtiisa
Cid kasta oo si dhab ah uga warhaysay waqtiyadii dambe xaaladda jabhadda & dadwaynaha gobolka daga ee muslimka ah, waxaa qasab ah inuu wax badan ka ogyahay xaqiiqadan hoos ku qoran:
1) Jabhaddu muddo dheer ayay dagaal kusoo jirtay, Dagaalkaa oo aan dhul lagu qabsanin, dacwo iyo diin faaftana aan waxba ku kordhinin.
2) Markii maskax fayow oo cilmi leh lagu fiiriyo natiijadii dagaalka waqtiga dheer socday iyo duruufaha hadda ku xeeran wuxuu malahiisu u badanayaa inuusan xaalku wax ka soo raynaya u muuqanin.
3) Bulshada muslimka ah ee dagan gobolkaa waxaa ku dhacay mudadii dagaalku socday dib dhac wayn oo dhanka diinta iyo aduunyaba leh, oo waxaa faafay jahli iyo afkaar ka horjeedda tawxiidka iyo sunnada, maadaama culimadii iyo ducaadii laga dhexsaaray magaalooyinkii ay bulshadu daganayd, taasoo fursad siisay afkaartii khaldanayd iyo jahli aan caadi ahayn.
B) Usuusha shareecada
Arinta markii la saaro miisaanka shareecada, lagana daayo xamaasadda iyo ficiltanka aan miisaannayn ee miithaaliga ah, waxaa soo baxaya inay lagama maarmaan tahay in la tixgeliyo qawaaciddan sharciga ah ee hoos ku xusan:
1) Waxaa si cad ugu qeexan quranka & sunnada nabiga (S.C.W.) in gaalada dagaalku nagala dhexeeyo lala geli karo heshiis nabadeed, waa haddii ay maslaxada muslimiintu sidaa ku jirto.
2) Waxaa kale oo sugan inay dhici karto hadii ay duruufi keento in ayadoo qayb muslimiinta kamid ah dagaal kula jirto gaalo, qayb kalana uu heshiis dhexmari karo, waana masalada loo yaqaano (تجزؤ العهد) arintaana waxaa cadeeyay quraanka aayada (72) ee suuratul anfaal iyo sunnada sida ku cad qisada Abubasiir ee saxiixulbukhaariga ku timid, iyo qisada xudeefa iyo aabihii ee saxiixulmuslim ku timid.
3) Waxaa kale oo quraanka & sunnadu cadeeyeen in jihaadka hubaysani uu wasiilo u yahay jihaadka kalimada, (dacwada) & inuu tirtiro ama yareeyo shirkiga & in dadka diinta laga fitneeyo, sida uu Allaah yidhi (وَيَكُون الدِّين كُلُّهُ لله وَقَاتِلوهُم حَتى لا تَكُون فِتنَة)
4) Culimada aqoonta dheeraadka ah u leh cilmiga loo yaqaanno (علم المقاصد) sida سلطان العلماء العز بن عبد السلام iyo الإمام الشاطي iyo شيخ الإسلام ابن تيمية waxay cadeeyeen in hadii uu tasarufku ama wasiiladu xaqiijin waydo ujeedadii & maslaxadii loogu tala galay, ama nusqaamiso oo ay dhib u gaysato inaysan shareecada waafaqsanayn ayna lagama maarmaan tahay in la saxo. كل تصرف شرع لمقاصد بطل بفوات مقاصده أوبعضها) )( )
5) Sidaa darteed hadii jihaadka seeftu keeni waayo towxiidka iyo sunnada fiditaankooda, fitnada iyo shirkiguna inay bataan mooyee uusan waxba kadhimin, ma aha jihaadkaasi kii quraanku sheegay, sidaa darteedna wuxuu u baahan yahay in dib loo fiiriyo oo lagu noqdo sharciyadiisa.
6) Hadii ay mas’uuliinta jabhadda (UWSLF) iyo culimadoodu u cadaato in qorigii uusan xaqiijinnin maslaxadii shareecadu ugu talagashay, raja badanna aan laga qabin inuu hadda kadib wax soo kordhin doono, isla markaana laystuso inay kubadalan karaan jihaadkii kalimada & dacwada ee asalka ahaa, waa arin sharciga iyo caqliguba fahmi karaan mudnaanteedana leh.
Hadday masaladu sidaas tahay waxaa fiqhi darro lagu tilmaami karaa in la yidhaahdo ku soco jid loo badinayo in uusan keenaynnin guul dacwo iyo mid millatari toona, oo taa macnaheedu waxaa weeye waxba yaysan kuu badbaadin.
7) Waxaa lagama maarmaan ah in la ogaado qoriga & jihaadka hubaysani inaysan ka hoos baxsanayn miisaanka wayn ee axkaamta shareecada oo dhami ay hoos timaaddo loona yaqaanno ( قاعدة المصالح والمفاسد ), taasoo sheegaysa wax kasta oo dhibkiisa & mafaasidiisu kabadato dheeftiisa & maslaxadiisa inuu noqonayo xaaraam, xataa asalkiisu waajib ha ahaado markii hore( ) .
Sidaa darteed in larumeeyo oo lagu qanco in mar walba, xaalad walba & wakhti walba uu qorigu maslaxo yahay mafsado raajix ahna uusan marna yeelan Karin, waa nooc kamid ah waxay shareecadu u taqaanno ( الغلو فى الدين ) oo macnihiisu yahay xadgudub & kabad badis diineed.
Qawaaciddaa & kuwa lamid ah ayaan ku dhisnnay soo dhawanytii aan soo dhawaynnay heshiiska xabad joojinta & nabadda.
Kadib maxaa dhacay?
Waxay kadib – Xabad joojintaa aan sidaas ku soo dhawaynnay – jabhaddu billowaday inay isu diyaariso heshiiskii rasmiga ahaa, iyo qodobadiisa waxaanan markaa kula talinnay inay aad isaga ilaaliyaan intii suurto gal ah, wixii tanaasul ah ee kusaabsan diinta & arimaha aayaha u ah ummadda, wakhti kadib waxaa xigtay inaan codsannay nuqulka qodobada heshiiska intaan lasaxiixin si aan talo sharci ah ugu biirinno, wixii aan haboonaynna tala bixin uga gaysanno intii suuro gal ah, Laakiin nasiibdarro arintaasi masuuroobin, sidaa darteed waxba maannaan ka ogayn qodobada heshiiska ee lakala saxiixday intaysan banaanka usoo bixin.
Maxaan ka qabnaa qodobada heshiiska?
Waxaa lagama maarmaan ah in laka saaro labadan arimood.
1) Heshiiska guud ahaan & in hadii ay adkaatay in dagaal wax lagu keeno lagu badalan karo dacwo & jihaadka kalimada oo ah inta ay culimadu soo dhaweeyeen.
2) qodobada heshiiska oo markay soo baxeen kadib uun la ogaaday inay xambaarsanyihiin khaladaad waawaayn oo ay ahayd inaan la aqbalin asal ahaan.
Waxaa noo muuqata in aysan adkayn in qodobada heshiiska badankood loo heli karo meelayn sharci ah markii lagu dhiso ( فقه حالة الإضطرار، وفقه الأقليات المسلمة ) ee aan lagu dhisin (فقه حالات الإختيار ).
3) Waxaa noola culus qodobada heshiiska inay jabhaddu ogolaato oo ay waafaqdo u hogaansanka dastuurka Ethiopia, iyo dhammaan qawaaniinta wadanka, sida ku cad qodobka (1)aad faraciisa (5)aad, waana waxyaabaha burin karaya islaamnimada, isla markaana keeni kara gaalnimo, arimaha sidaas oo kale ahna waxaa lageli karaa kaliya markay kugu timaaddo xaalad khaas ah oo shareecadu u taqaanno ( الإكراه الشرعي بشروطه المعتبرة), taas oo la isla ogol yahay, ama daruuro aan gaadhsiisnayn ikraah, sida ay qabaan culimada qaarkood ( ).
4) Waxaa baraarujinn mudan in la ogaado in masaladani tahay mid ka guda weyn qadiyadan oo xukunkeedu saamaynayo muslimiinta joogta dhamaan meelaha looga badan yahay ama looga awood roon yahay ( الأقليات المسلمة ) oo ay tahay qadiyad xukunkeeda ay wadaagayaan malaayiin muslimiin ah, waxaana soo galaya dhamaan arimahan soo socda:
( qawaaniinta oo la aqbalo in loo hogaansamo (si cad ama curfi ah), ama loo codeeyo inay hirgasho, ama la doorto xubinkii baarlamaan ee dajin lahaa, ama la qaato aqoonsiyada shardiga ay u tahay u hogaansanka qawaaniinta, iwm ).
Intaan ognahay mushkiladan haysata muslimiinta ku nool meel kasta oo aan sharciga Allaah looga dhaqmin maannaan arag wax culima ah oo wadartooda ku gaalaysiiyay arimahaas, waxayna ku xanbaareen laba midkood:
1- In ay dadku yihiin Mukrahiin aan lahayn khiyaar kale.
2- In ay ku jiraan xaalad daruuro oo loogu cudurdaari karo.
Intaas oo dhan waxay keenaysaa in waxii isku mid ah lasiiyo xukun isku mid ah, asal ahaana ay wadaagaan waxii cudurdaar ah, oo ay khalad tahay in la kala farqiyo sabab la’aan.
Xukunka raggii heshiiska galay?
Waxaa noo suurto gashay inaan walaalaha waydiinno waxa ku kalifay inay arintaa aqbalaan oo ay saxiixaan, waxayna noogu jawaabeen inay isku qanciyeen in uusan u furnayn khiyaarka diidadu, oo ay ku qasbanaayeen (مكرهين) haysatayna xaalad ay rukhso u heli karaan inay saxiixaan qodobka ku saabsan dastuurka iyo qawaaniinta Itoobiya, ayna tahay sidii Allaah yidhi: { مَن كَفَرَ بِالله مِن بَعدِ إيمانِهِ إلا مَن اُكْرِهَ وَقلبُه مُطمَئِن بِالإيمان}iyo {إلا أن تتقوا منهم تقاة }
Waxaa kale oo ay isku qanciyeen in ummad dhowr milyan ah badbaadinteedu ay tahay daruuro loo geli karo arintaan oo kale.
In kastoo dhinacyada qaarkood aan kaga aragti gadisanahay, hadana labadaas arrimoodba waa wax lagu kala aragti duwanaan karo, laakiin waxaa dooddaa walaalaha na dhexmartay nooga soo baxday inay ahaayeen muta’awiliin (متأولين) wax ku dhisay labadan arimood:
1) In daruurada aan ikraaha gaadhsiisnayn gaalnimo loogu dhawaaqi karo.
2) In xaaladda ay ku sugnaayeen noqon karto ikraahii shareecadu sheegtay.
Waxaa kale oo aan shaki kujirin in labada mas’alaba ay ka qarsoomi karaan in badan oo culimada kamid ah, iyo ardayda (طلبة العلم) caamada iskaba daaye, sidaa darteed waxaa khalad iyo xad gudub noola muuqda in la gaalaysiiyo ragga heshiiska galay lafahooda, (تكفيرالأعيان) oo riddo lagu xukumo, ayadoo ay caddahay inay ahaayeen muta’awiliin (متأولين ) ama markay ugu yartahay ay jirtay shubhatul ikraah ( شبهة الإكراه ) .( )
Waayo waxaa la ogyahay in mad-habka saxaabada iyo salafku uu ahaa inaan muta’awilka noocaas oo kale ah lagaalaynsiin Karin ilaa xujada lagu oogo shubhadana laga zuuliyo, inta ay shubha jirtana aan qofka xukun iyo xuduud lagula deg degin.
(لاتكفير لأهل الخطأ في التأويل السائغ حتى تقام عليهم الحجة وتزال عنهم الشبهة ).
Waxaase ayadu xadgudub iyo ka badbadis (من الغلو) ah in lagaalaysiiyo cid kasta oo u fatwootay ama taageertay ama ku faraxday.
Talooyin:
Gabo gabada maqaalka waxaan jeclahay aniga iyo culimaduba inaan walaalaha u dardaaranno.
1) Inay walaaluhu laasimaan alle ka cabsiga iyo ilaalinta diinta iyo inay Allaah danbi dhaaf ka waydiistaan dhammaan wixii khaladaad ah ee dhacay.
2) Inay ujeedsadaan xoogana saaraan faafinta dacwada iyo towxiidka, ayagoo iska ilaalinaya wax
kasta oo arintaa carqalad ku keeni kara, kana faa iidaystaan waaya aragnimada ay kadhaxleen mudadii dheerayd ee ay dagaalamayeen.
3) Inay ka fogaadaan siyaasadda wasakhaysan si aysan sumcadooda u dhaawicin kadibna dacwada dhib ugu gaysannin, kaalintooduna ay noqoto inay naseexo culimanimo & tala bixin ay siiyaan kolba ciddii ummadda taladeeda haysa.
4) Inay iska ilaaliyaan wax kasta oo keeni kara in loo adeegsado dagaal lala galayo dad muslimiin ah, gudaha ama dibadda dalka .
5) inay tallaabo kasta oo ay qaadanayaan hadda kadib aad looga fiirsada dhinacyo badanna laga daraaseeyo gaar ahaan dhanka sharciga:
Waxaa qoray/
1) Sh. Maxamed Macallin Cabdi Umal…………………………………….Date 21/08/2010
2) Sh. Cabdiraxmaan Sh. Cumar…………………………………………. Date 21/08/2010
3) Sh. Maxamed Shaafici Khaliif…………………………………………….Date 21/08/2010
4) Sh Maxamuud Sh. Maxamed Shibli…………………………………….Date 21/08/2010
5) Sh. Xasan Ashkir Ibraahim……………………………………………….Date 21/08/2010
###
Ilaahoow aduunkan fidnadiisa naga badbaadi,waxaan umalayn umadda Soomaaliyeed waxaa halaag u hoseedi doona wadaado.
Ilaahy baan idinku dhaariyaye waxaynu nahay dad diin ku dhashay oo yaqaana gaalnimada iyo muslinimada.miyayna arintani ahayn masiibo guud,Kuwii dambiga galay ee Itoobiya isu dhiibay miyayna ka darnayn wadaadada uqiil bixiyay?
Waxaan ognahay in wadanka ay ka dagaalamayaan dad muslimiin ah oo diiday in ay madaxa foorariyaan ama diinta islaamku hoos noqoto,Miyayna culimadani ogayn in nimankan isdhiibay ay hubkoodii iyo gawaadhidoodii ku wareejiyeen Itoobiya?Miyaynase ogayn in ciidamadoodii lagu daray kuwii Itoobiya oo ay maanta shacabka waxyeelaynayaan?Maxaa diintii ka dhigay mid dhinicii ladoono loo jiito?
Waxaa soo socota in la yidhidhaahdo dadka Nabi aadan baa wada dhalay oo waa walaalo marka dhiigoodu ma banaana.
Qiilka ay culimadu uheleen nimankan waxaa xaqiiqo ah in C/laahi Yuusuf iyo Cabdi Ileeyna loo helo mid lamid ah.
Allooooooooooooow adaa dinntaada umaqan
Hadalka sheekha waxaa ka mid ahaa inuu yiri markii hare waan soo dhaweeyey heshiiska, markii danbe waxaa soo baaxdey “inuu qodobo heshiiska kamida inay xambaarsan yihiin khaladaad waa weyn oo markii horaba ayna aheyn asal ahaanba in la aqbalo” . Dad badan oo Soomaaliyeed ayaan fakarkaas qabey inay arintani xambaar san tahay khaladaad, ethiopiana ay tahay inta badan mida ka faa’iideysa.
Arinta kale ee soo baxdey waxay aheyd inuu sheekh Ibraahin lahaa heshiis ayaan galey, hada uu leeyahay ikraah ayey arintanu aheyd oo waxbana ma aanaan diidi karin waxbana ma aanaan yeelin karin.
Waxaana leeyahay cullimada sheekh Umal iyo kuwa kaleba waxay cadeeyeen in xaalka aan laga tala galinin, laakiin ay si taxadar leh usoo dhaweeyeen. Waxa taageera oo ay sameeyeen oo lagu ee deeyo ma arko.
s/c wr wb marka hore waxaan salaamayaa websiteka somalitalk waxaana ku bogaadinayaa howsha wanaagsan iyo shaqada joogtada ay u hayaan umada culimaduna wey mahadsanyihiin qaab cilmiyaysan ayayna wax noo fahansiiyeen takfiirintuna sideedaba in la isaga dagdago maaha meeshad wax ka fiirisay meel ka ka duwan ninkii wax ka fiiriya maaha inaa niraaho waa gaal ugu danbayn culimada in laga danbeeyo ayaaaba xal u ah somaliya oo dhan hagaageeda iyo horumarkeeda wa billaahi towfiiq .
aniga waxaan u fahmay hadalkan culimada mid mubaraken ah heshiiska mar hadeeyba leeyihiin dowlada hagalina iyo islaamka hala dagalaamina , horta intaan laga hadlin dowlad galided iyo islaam la daggaalnakood waxaa ka horeysa ineey nimakaas tobad kenaan arinta ay ku dhaceen, hadeey muata’awiliin yihiina laga tiritro shubhada ee aan la oran dowlada hagalina iyo wax la mid ah maxaa yelay waxeey u ekanayaan culimada in marka horeba ay ku waafaqsanyihiin hshiiskaas iney saxiixaan ka dibna ay leyihiin dowalad hagalina iyo muslimiin hala dagalamina ee dacwadiina ku ekaada marba hadaad heshiiska saxiixdeen.
Asalamu Calaykum
Bayyaanka culimadu wuxuu ahaa mid cilmiyaysan, siyaasadaysan hadana caddahay meesha ay ka istaageen hishiiskaas. Waxaana u tahniyadayn culumadaas qaabka ay u dhiraandhiriyeen arinkaas ee ku salaysan diinta, waaqica iyo caqliga fiyyow, wayna wacnaan lahayd dhacda walba oo dhacda in qaab sidaa ah loo falanqeeyo oo aanan xukumo degdega lagu ridin. Waxaana u malayn inay noqon doonto waddo fiican oo hadda ay culumadu hayn doonaan, markii laga soo gudbo wixii hore.
Ammaa walaalaha Soomaliyeed ee wali iska caadifaysan ama jecel wax walba markii ay ka waayaan sidii ay rabeen, inay u tiiriyaan qabiil, xizbi iyo shakhsiyaad, waa walaalo ubaahan bisayl iyo caqligoodu inuu noqdo ‘mature’, run ahaantiina waa walaalo aan ka naxayo dib udhaca maskaxeed ee haysta. Dal, dad iyo duunyo ayaan ku la’anahay caadifad, xamaasad, jaahilnimo iyo caqli u fakara si sirgaxan oo hal qaab ah muddo 20 sano ah, wali ma wadaynaa? War walaalayaalow iska yaaba oo Alle ka yaaba oo si wacan u isticmaala caqliga Rabbi idinkugu rakibay ee aan xayawaanaadka kale kaga fiicanahay.
Cilmi iyo falanqayn badan ayaana kujira bayyaankaas ee si fiican u akhriya, Ilaahow Soomaali kasaar, degdegga iyo dulinimada, aamin.
Wassalam
Cabdalla
Sheekh Umal iyo cullimada kaleba kheyr ayaan u rajeynayaa. Waxay isku dayeen inay si kasta qiil ugu raadiyaan saaxiibadood, laakiin Ethiopia waxay odhan la dagaalama ONLF hadana shaqadiiba way hayaan oo propoganda war ayey qurbaha uga bilaabeen isdhiibidii oo socota. Arintaana cullimada qiil how raadiso. Ilaahoow diinta u gargaar.
Waxaan aaminsanahay inay cullmada soomaaliyeed ka hadasho.
waxbay isku khaldayaan culumadu dad wadan gaalo ku nool iyo in dadweynaha muslimiintaa ay codkooda dhiibtaan iyo in Dastuur kitabka ilaahay ka soo horjeeda la qaato oo la saxiixo ayey isku khaldayaan Ibraahim dheere waa ina adeerkay anigaa markhaati aakhiro ku noqonaya in uu saxiixay dastuur aan kan ilaahay ahayn laakiin malaayiinta muslimiinta ah ee aad sheegteen ma saxiixin dastuurka, ilaahay culumadu ka ha baqaan, waxaan walaalaha u sheegayaa in aan hayo Sheikh Ibnu Baaz iyo Cuthaymiin iyo Sheikh Albaani oo dhammaan gaalnimo cad ku sheegaya, marka wadaadad farta ay wax ku qoreena waa isku dhex yaaciyeen lama fahmayo mar waxay leeyihiin waxaa muta awiliin ma gaaloobayaan marna waxay leeyihiin maya malaayiin muslimiina ayaa gaaloobaysa oo wax ka hadlaya ma aanan arag marka amaanadii cilmiga ayaa meesha ka maqan, sidaan miyaa ud ambaysay culumadii allahu akbar, maxay Dastuurka Jammuuriyada Soomaliya ku diidanaayeen, maxay kumanaan wiilal ah u nafwaayeen oo sharif soo looma haysto toban kun oo wiil daynuunaay iyo iidaale soo ma diidanayn dastuur markuu yeelay soo sheikh umal ma gaalaysiin, soomaalaay yeysan culumadu idin wareerin ee raaca kuwa aan is badalin oo qadiyada leh si sheikh xasaan iyo sh jaamac iyo sh hasan takar iyo sh hassan daahir aweys, iyo sheikh c/qaadir muumin, Dr Cumar iimaan, Sheikh Axmed godane, Sheikh fu’aad khalaf sheikh abuumansuur, iyo inta la mid kaa ilaahay soomalida qadiyada leh rabiyoo sug oo xifti oo noo daa cadowga hanaga dhiciyaane
ASC horta kooxda is dhiibtay meeshay ku danbeeyeen iyo sidii ay isu dhiibeen xaab inagama saara hadii se ay noqoto sida culimadu ay sheegeen oo la qasbay waxaa meeshaa ka cad in culimadan bayaanka soo saartayna la qasban oo ay ku qasban yahiin inay sida ay itoobiya rabto uyeelaan uguna bayaamiyaan. diintu laakiin waxay qabto arintan waa ay cadahay maan aha wax sidan hada ka muuqata bayaan loogu gal galan karo. ninkii xorta ahaa ee jogay aduunka dacaladiisa sida ogadenya,somalida koonfur africa,kenya,kuwayt,sacuudi careebiya uu yahay mid la aan leexan karin kuna qasban inuu ka tanaasulo diinta islaamka culimadan u bayaamin qoraalka ee lugta geedka ugu mari una surima bixin iyaguna way ku qasban yahiin wayna inoo cadeeyeen in ay qasban yahiin iyaga iyo kuwa isdhiibayba, su’ aasha aan is waydiin ayaa ma dhagaysan karaa urur iyo culimo qasban oo aan xor u ahayn inay sheegaan xaqa ama ay raacaan sida diinta islaamku qabto? jawaabta waxaan udhaafayaa inteena kale ee xorta ah.arinta kale ee aad iiga yaabisay waa midan ay leeyahiin waxaa isku xukun ah qofka ka cararay dhibaatada ee gaalada la nool ee aan ikhyaarka lahayn & ninkan jabhadka ah ee awoodiisa isaga oo ku ilaalin diinta wax ku maquunin joogana dalkiisa ama wadan kale oo diinteena macaan ay dastuur u tahay. iyana waa mid dhalanteed ah ee culimada iyo ururkaba markaad xor noqotaan ayaan idin dhagasyan doonaa, dawladii somaalia ururadii la dagaalamaay duulaamadii lagu soo qaaday dhamaaan waan la soconaa mawqifka aad ka istaagteen taasi waxaa meesha kacad arimo hoose oo kooxdayda ayaa saxan ah.
Ramadan Kariim, Haddiiba aan meel iska dhigno talada wadaadan iyo ra’yigooda diineed, waa tuma cida oronkarta jabhada UWSLF heshiis lama galikarto Ethiopia? Yaa udoortay aslan inaay dagaalamaan? Wuxuu ahaa go’aan ayaga ugaar ah! Waxaan ognahay rag markii hore kamid ah in ay kabaxeen heshiiskan kahor!
Tankale, dadka gobalka dagan horayba wuu kala qaybsanaa oo kala qola dowlada Ethiopia ku biirtay markii uhoreysayba iyo qola hubka qaadatay. Taariikhduna waxay nabartay in maalinba qola heshiis iskeed ulagalayso Ethiopia;kadibna waxaa lagu xukumaa inaay naftooda matalayaan oo dadka gobalka barikayahay!
Marka waxaan ku talinlahaa inaan ku kala biirno labada kooxood sidaan horey u ahayn oo yaanan marmarsiiyo laga dhigan heshiiskan sidii ayadoo lakala qaybiyey umad israacsanayd.
Qolada heshiiska gashay kuma hadlikarto magaca dadka diidan, qolada ka soo horjeedana kuma hadlikarto magaca qolada wax saxiixday, sababtuna waa basiit oo anagoo dagaalamayna ayaan heshiis ahayn markii horaba!
Talada culimadan waa ila fiicantahay in la ixtiraamo dadaalkooda iyo waxa ay nooga soo wariyeen diinta iyo xitaa taariikhda gobalka! Laakinse haddii ay kuu cuntamiwaydo,dhib malaha oo waxaad heleysa culama kale oo diidan heshiiskan ee fadlan noo soo gudbi ra’yigooda.
Kooxdii/qofkii doonaya inuu dagaalama waa inuu dib u akhriyaa taariikhda dagaaladii hore iyo duruufta gobalada dariska sida ay ahaan jirtay!
Ma iswaydisay marna in ninka walaalka ee kula dagan gobalka/Somalia uu kuu arko waxaad wado oo dhan ‘kacdoon qabiil iyo dhul balaarsi’ oo intaan xabasho lagaarinba Somalidii ayaad ka baxsan la’adahay!
Haddii aad weerartana waa sida ay xabashu rabtay haddii aad ka aamustana waa afsalax kudhag! Lajiifiyaa banaan sow dhab ma’aha markaan oo kale!
Sow umu jeedaan wadankii Somalia, ee loo xiqilahaa inta aad jihaadka wadaan, inuu isagii iscunaya balse meelaha idaarada ka jirta ay ka amarqaataan Ethiopia! Lajiifiyaa banaan sow dhab ma’aha markaan oo kale!
WAAR WADAADKAN UMAL MIYUU WAALANYAY SOO KII DHAHAY IN DASTUUR KA SOMALIA LAGU DHAARTO IN LA DHAWRAYO WAA GAAL NIMO GOOR MUU KII ITOOBIYA XALAAL NOQDAY KII SOMALIANA GAALNIMO.
(FADLAN WAA FIKRAD EE HA LA FAAFIYO)
In badan oo kamid ah dadka ka soo horjeeda hishiiskan waxayna xog dhab ah ka hayn xaalada dhabta ah ee ay ku suganyihiin Muslimiinta Gobolka dagta, waana dad ku nool wadan xor ah oo aan waligood loo diidin in ay ALLAH siday rabaan u caabudaan.
Waxaa khalad ah in hal miisaan lawda saaro Gobolkan iyo Somaliya inteeda kale. Gobolkan waligii xoriyada ma helin,ethiopia ayuuna ka mid ahaa, Amxaarana sidaa ayuunbay u joogtay.
Waxaad wada ogtihiin in aqlabiyada Ethiopia tahay muslimiin. hadii la gaalaysiiyo Walaalaha hishiiska galay muxuu noqonayaa musliimnta kale ee Ethiopia ku nool, kuwa India ku nool ETC.
Hadii aysan ku qasbanayn walaalaha hishiiskan galay oo ayna IKRAAH ahayn, maxaad uga hadli waydeen markii SOMALILAND iyo PUNTLAND ay ama dhiibayeen ama Dilayeen dadkii ka soo cararay Xabashida.
CULUMADU WAY MAHADSAN TAHAY..
waxaan ku faraxsanahay inay wadaadadii siyasadii barteen,
Salaamu Calaykum,
Salaan kadib, kulligiin waxaan laga yaabaa inaad maqasheen uun Soomali baa dhulkaas degta balse aydaan kala soconin waxbaba.
Wadankan waa laga saaray dhamaan dadkii diinta yaqaanay
Jabhaddanina way la dagaalamaysan mudo badan waxbana way ka keeni wayday muuqda.
Waxaan ka mid ahaa caruurtii 90naadkii dugsiyada dhigan jirtay. kadib markii wadaadadii wadanka laga saaray waxaa la xidhay dhamaan goobihii diinta lagu baran jiray oo aan ka ahayn meelaha yaryar ee quraanka bes ah lagu barto ee xertu leedahay.
Dhalinyartii markaas ila dhigan jirtay waxanu wada xaafidiin noqonay intii aan wadaada la eryin. markii la eryayna markii aanu wax aanu qabana waynay ayaa jaadka iyo sigaarka iyo millatariga itoobiya wax kubiiray iyo wax lumay aanu noqonay. Gabdhaha xijaabkii waa laga qaaday qofkii lagu arko xijaabna waxay ahayd xadhig.
Gobolkani NFD isagaa diinta kaga horeeyey kagana wanaagsanaan jiray sida ay taarikhdu tahay balse labaatankii sano ee u danbaysay dhulka xataa waanu ka hoos marnay dhalintuna waa lumeen.
Taas waxaa dheer, caruurta wadankii kasoo qaxaysay ee qurbaha la geyey ee luntayna ku dar. intaas oo arimood iyo kuwo kale oo badan marka la eego WADAADU WAA SAXAN YIHIIN.
a/s/c way dadaaleen culimada soo sartay bayaanka waxayna bananka soo dhigeen sida ay ka aamin san yihiin heshiiska iyo sida ay shareecadu ula muuqato dadaalkaas ilaahay khayr haka siiyo marwalba culimada in aan ka dambeenno oo ixtiraamno waa wax nalaga doonayo balse wixii annana aragti ah waan dhiiban karnaa annagoo iyaga ixtiraam wayn siinayna walaal kii iga horeay ee tacliiqa sameeyay waxaan ku raacsanahay in ay culimadu si sahlan ay u eegeen arinta oo iyagu dabcan waxay xukumeen qawlkii uwslf ay sheegtay ee ku kalifay heshiiska balse markaynu si dhab ah u jaleecno heshiiskaas waxaynu is waydiin karnaa uwslf waxay sheegtay in ay u danqatay dadka shacbka ahee maln walba lagumado marka heshiiskoodani muxuu wanaag oo uu keni karaa oo aan is dhiibid ahayn ithobiya se ma ka ogoshahay diinta ayaan idinku dhexfaafinayaa qori waxba idinkaga qadi waa yay eh ? mandiqadda waxa ka dagaalama garab kale oo aad uga xoog wayn waa ONLF eh haddaysan iyana dagaaka joojin shacabka wax ma ka fududaanayaan sida ay aaminsan yihiin UWSLF ?
Waxaan aad ula yaabay Suubaan salaaxa iyo qiil uraadinta Diinta meel loogaga dhacayo ee la malmaluuqayo. Waxaa la yaab leh ma nimankii iyagu iskood ugu tagay Xabashida ee Baydhaba joogay qaarna Kawait,Doha, Kenya iyo K/africa ay katageen ayaa lagu qasbay saxeexa heshiishkii 29/7/2010.
Waxaan usheegaynaa culimadu ayna diintooda duunyo rakhiis ah kubadalanin, waxay dhamaan umada soomaaliyeed gaar ahaan Somalida Ogadenya in ay kooxdaasi isdhiibeen oo ay khayaano sameeyeen laakiin, in ayna waxba yeeli karin halganka lagu xoraynayo dhulka Ogadenya. Waa wax lagu qoslo in uu Umal, kagado shacabka soomaaliyeed waa la ikraahay Nimankaas( oo maxaa geeyay meesha lagu ikraahayo, meel nabad ah ayuuba joogayay ?
Asc ramadaan Kariim culumada qeyr allah siiyo marka hore lakin waxaan layaabanahay heshiiska shiiq sharif uu galay maalintii ithobiya muqdisho dadka ku xasuuqeysay culumadan ayakoon dhag la qabto laheyn ayay rido ku tuureen dowlada hada oo ay culumadan kale is dhiben wali isku dhiiben dad gaalo ah ku darsaday ciidanka halka shariif uu ka gun keenay heshiiskiisa oo ka bixiyey ithobiyanka dalka nuucey doonanba ha uga baxaane waala gaaleysiyey wali ayadoon loo heynin wax cadeen marka culumadan maxaa lagu tilmaami karaa hadii ay culumada saan u caadifadeysan yihin yaa u haray somali oo isku keeni rabo waa yaabee alow noo gar gaar nagana bixi cudurkaan na dilooday
waxaan so dhawaynaynaa aragtida ay culimadu ka qabaan heshiska dhax maary dowladda itoobiya iyo urur weynaha somaligalbeed waxan umadda kulatalinayaa in ay racan wax culimadu u go amaiso shukran
faqiih tolkiis kama janno tago.
La Jiifiyaana Banaan, La Joojiyana Banaan Iga Dheh
I just have read the whole bayan and here is what I think. Personally these guys are supporting and making excuses for their own qabiil. How come they did not make excuses of tawiil for Abdullahi Yusuf or Sharif Ahmed or all the other people they make takfiir of. So this shows the inconsistency of these brother, may Allah guide them. That is why Shaykh CabdulQadir Cukaasha’s points are coming into prospective about this group, they only apply rules to other Muslims while they make excuses for their own Xisbi.
aniga su,aasha aan is waydiinaayo waxaa weye culimada maslaxay sheegen khayr alle ha siiyo laakin nimnakan wadaada soo ma ahan nimanaka ciidankay wateen ku daray nimnaka la dhaho NEWPOLICEKA culimda ma waxay raali ka yihiin in xabashida iyo nimanka kale ee la shaqeeya dhibkooda in ay culimada ku biiriso?.Su,aasha kale een qabo waxaa waaya culimadan khaaasatan sh. umala sh.shariif markii la doortay waxuu ku sheegay in uu ridoobay maxuu sheekhu uga fiirsan waayay sida uu hada yeelay?
Asc, Ramaddaan Kariim
Intaas Culimadu Soow Ma oga in Wiilashii Ciidanka ahaa UWSLF Lagu Daray Maleeshiyada Deegaanka oo lagu Yaqaan Akhlaaq-Xumo Dhibaatayn Shacab?
Sidoo kale Soow ma oga In Ibraahim Dhere uu Caadaystay Wax xun ka Sheegga ONLF iyo Buun-buuninta Cadowga oo aad Mooddo inuu af-hayeen Hadda Isagu u Noqday?
Markii labadaas laga Duulo Maxaa Ka Xukun ah Maxaase ka Dhalan-doona ONLF-SE Maxay kayeeli Doontaa Gadh-wadeenka Cusub ee Abdi Ileey Baddalay?
SC;Waxaan ogsoonahay in culimadu ay ambiyadii dhaxleen oo macneheedu yahay in ay igu leeyihiin xurmo tan ugu saraysa,laakiin waxaan moodayay in walaalaha uwsf ay is dhiibeen ee aysan heshiis qaadan!, maxaa yeelay waxay geeyeen markii horaba ciidankoodii iyo hubkoodii intaysan addis abbaba waraaqaha ku saxeexin.teeda kale inta badan culimada qoraalka soo saartay in badan oo ka mid ahi waxay ka tirsanaayeen urukii AL-Itixaad ee dhulkan ka dagaalami jiray iyadoon waliba dhibaatada guumaysigu sidan ahayn oo aad uga sahlan,hadana waxay leeyihiin oo dar daarankooda ku jirta in uwsf ay iska ilaaliso siyaasadda wasakhaysan(sida ay ku sheegeen) hadba su’aashayda culimadanada aan waydiinayaa waxay tahay,Arintu ma’siyaasad wasakhaysan umbayba ahayd mise umad islaam ah oo guumaysi gaali ahi haysto ayay ahayd?
Waxaan qoraalkiina ka gartay in aad arintan aad u dhibyarayseen oo aydaan siinin baaxaddii iyo waliba muhiimadii ay lahayd midnaba,laakiin waxaan aad ugu faraxsanahay in aad cadyseen in qofkii ladagaalamaya abbassiniyada mucatab ku dirirka ah ay shareecada islaamku u ogoshahay………..waanu wadi howsha inta aan ka helayno nasriga ALLAH oo aan aaminsanay in uu noosoo dhowyahay.