Home » Maqaallo »

Sideed ugu xamaalankarta Qatar. Q.4aad | Al-Hasani


Ramadan Kariim wa kullu Caam Wa Antum Bikhayr.

Wali waxaan kujirna warbixintii  Qatar (dhib iyo dheef waxaad kala kulmilahayd) Fadlan dib u eeg qoraaladii hore si’ aad noola jaan qaadid!

Afeef: Warbixintan ma’ahan casuumaad aan dadka ugu baaqayo inaay  ku soo shubmaan Qatar!

Imaamnimo

Haddii lagu soo lugooyo oo aad is aragtid adigoo dhextaagan Qatar, dhaqaale waxaad gacanta kuhaysayna lagaa soo furtay, imaamnimadu waxay kamidtahay meelaha loo xamaal tago. Shaqadan waxay kamid tahay meelaha Somalida lagu qadariyo oo waxaa la aaminsanyahay inaay xifdiga Qur’aanka  kufiicanyihiin.

Taasina waxaa sabab u ah(Qatar ahaan) waxa uu taariikhda noogaliyey Sheekha Somaliyeed- Sheekh Abdurashiid Sheekh Cali Suufi iyo rag kale oo meesha usoo horeeyey oo looga danbeeyo qur’aanka iyo culuumtiisa.

In kabadan 1 telefishin Carbeed ayaan kadaawaday ayadoo layswaydinayo (hal xiraale ahaan) wadanka ugu xifdinta badan Qur’anka; jawaabtiina waxay noqotay Somalia!

Ilaahayna hanagadhigo wadanka 1aad ee shareecadii lagu xukumo si nabadgalyo leh! Aamin Allahayow!

Tani waxay daliil utahay inaan(Somali ahaan) gacanteena ku qorayno taariikhdeena iyo waxa aan rabno in nalagu xasuusto! Hadaba shacabka Somaliyeed ayay utaal waxa ay taariikhdu ku qorilahaayeen- wanaag iyo xumaan! Umudaha aduunka nagula nool ayaganabuug ayay naga qorayaan, anagana war uma hayno!

Waxaan idin xusuusinlahaa inaay imaamnimadu kamid tahay shaqooyinka Qatar ay dibada ka keensato sida aan horey  usoo cadaynay qoraaladii hore baahida loo qabo awgeed.

Waxaa jira wadamo Carab iyo Cajam leh oo heshiis kadhaxeeyo Qatar oo imaamyada laga soo qaado. Wadamadooda ayaa imtixaanka looga soo qaada, kadibna sidaas ayaa lagu keena cidii ku baasta!

Taasi waxay ku xasuusinaysa howlo  badan oo nagu dhaafay dowlad la’aantii! Maxaad umalayn lahayd haddii 20 kii sano ee lasoo dhaafay Qatar soo qaadan lahayd imaamyada iyo cumaasha Somaliyeed! Xawaalada ay diraan oo kali ayay ka faa’idaysanlahaayeen dad badan oo shaqosiin lahayd ayagoo dalka jooga!

Ayadoo ay sidaas tahay oo imaamyada dibida laga keena, hadana waxaa marmar lahelaa fursad yar oo gudaha ah walow aan lasaadaalinkarin goorta la qabanaya imtixaanka!

Adiga waxaad ku darsanaysa meelaha aad shaqada ka raajicinaysid inta aad ku jirtid iskadaba wareega iqaamada iyo kafiilka!

Qur’anka ayaad diyaarinkarta haddii aadan horey uxifdisanayn, kutubta  laysku imtixaana ayaad sifiican udaraasayn kartaa!

Jaaniskaan wuxuu lamid yahay xamaalkasta oo waxaa dhici karta in lagu qaato iyo inaan lagu qaadan, waa qof iyo calafkiis.  Anigoon kaa argagixinayn rag badan ayay ku qaadatay10 sano inaay helaan jaaniskan imaamnimada! Meesha ay raga qaarkood mudo yar gudahood kuheleen shaqadaan!

Aqoonyahan Shahaado la’aan ah!

Imaamka Somaliyeed waa aqoonyaan shahaado la’aan ah. Imaamyada ka imaanaya wadamada kale waxay sitaan shahaadooyin muujinaya mac’had ama jaamacad ay ka soo baxeen.

Imaamka Somaliga wuxuu socdaa isagoo faramaran  oo aan sidan waraaq muujinaysa inuu Qur’an yaqaan iyo inuu soo maray meel wax lagu dhigto. Ilayn Qur’aanka  wuxuu ku soo bartay geed hoostiis ama xalqad masjid.

Shahaadada iyo codsiga waa inaad dhiibtaa ka hor inta aadan shaqadaba helin.

Micnaheeda ma’aha inaad Qur’aanka taqaanid haddiiba aad iskuul ka soo baxday!

Waa jiraan dhalanyaro yar oo ka soo baxday jaamacada wadanka ama dibada laakinse waxaa badan inta aan waxba sidan!Waa ila fiicnaan lahayd inaad warqadahaada isku dubaridatid inta aadan dalka ka soo bixin!

Talo bixin!

Macalimiinta Somaliyeed ee iskood isu xilqaamay ee dadka Qur’anka udhiga ee  ku guulaystay inaay soo saaraan umad dhan oo Qur’anka xifdisan(jazaahumullaah khayr), waxan kula talinlahaa inaay juhdigooda kudaraan sidii ay ardaygii Qur’aanka dhameeya loo siinlahaa Shahaado ayadoo laga qaadaya imtixaan gaar ah oo shahaada lagu siinaya!

Shahaadadaan qasab ma’aha inaay sharxantahay; xitaa gacanta ayaa lagu qorikaraa sidii waayadii hore ahaan jirtey(ijaazah), ama computer ayaa lagu qori karaa, kadibna A4 ayaa lagu daabicikaraa!

Waxaan filaya haddii dhowr dugsi  ay sidaan sameeyaan- ayadoo la kaashanaya dadka aqoonta uleh idaarada in shahaadadaas laga aqoonsanlahaa dal iyo dibad intaba.

Habkan waxaan arkay oo isticmaala arday badan oo Qur’anka ku soo xifdisay  wadama Hindiya, Pakistan iyo  Bangaladesh. Xitaa qaarkood waxay wataan shahaado muujinaysa inuu tafsiir iyo Axaadiis soo bartay.

Imaamka Somaliyeed waxaa kale oo aan kula talinlahaa inuu luuqada Carabiga xooga saaro, gaar ahaan  ku hadalkeeda iyo qoraalkeeda si lamid ah sida uu ugu dadaalayo Naxwaha iyo Sarfiga. Waxaan filaya inaad igu raacsantahay qofkasta oo khudba akhriyo ama Tafsiirka mara micnaheeda ma’aha inuu carabiga ku hadlikaro!

Intaas waxaa dheer oo aan idinku kordhinlahaa in lahelo Taxfiid, intabadan imaamka ayaa part time(shaqo dheeraad ahaan) udhiga oo lacag dheeraad lagu siiyaa. Waa jaanis kale oo biilka lagu kabo laakinse raga taxfiid dhigaa waxaa laga rabaa mahaarada- xirfada dheeraad ah.

Sheekh Axmad Xaaji Qaasim oo kamid ah imaamyada Somaliyeed ee halkaan joogay in muda ah ayaan waydiyey waxa uu kula talinhaa imaamyada jacel inaay halkan usoo xamaal tagaan, wuxuuna ku jawaabay:

Dhalanyarada guud ahaan ma xumo marka loo eego duruufta Somalia. Waxaan intaad sheegtey ku darilahaa  inaay xooga saran Tajweedka iyo luuqada Arabiga.

Waa inaay muujiyaan dhiiranaan- geesinimo oo ay dadka sifiican ula hadlaan. Qofku waa inuu uguyaraan sharxi karo wixii lawaydiyo  muqaabalada- waraysiga ugu horaya ee uu shaqada ku doonayo.

Waxaan sidoo kale kutalinlahaa inaay sifiican usoo muraajaceeyaan kutubta Caqiidada guud ahaan,  gaar ahaan Al-Caqiidah Al-Waasitiyah iyo kutub Al-Cibaadaat sida manaaru –ssabeelka.

Xaga taxfiidka Somalida aad ayay ugu fashilmeen. Macalin arday badan soo saari jirey Somalia oo hal cunug soo saari waayey; waayo waxa lagaadoonaya in Qur’aan loo dhigo ilmo aan kaa baqayn oo aadan dilikarin.Waa nidaam kucusub Somalida oo loo baahanyahay in la wadankeena laga hirgaliyo.

Abdirahman Sheekh (Abdirahman Misr) oo isagana kamid ah imaamyada reer Doha oo horey ugumid ahaa ducaadii Somalia iyo East Africa ayaan waydiyey waxa uu ku kordhinkaro maqaalkan, wuxuuna ku jawaabay:

Qofka cilmiga leh ee dacwadana jecel kuma wanaagsana halkan. Qofka cilmiga leh ee Africa jooga dadka ayuu ufaa’idaynaya, isaguna wuu faa’idaysanayaa. Halkan,dhaqaale inuu kuu kordho waa lagayaaba laakinse cilmi kuu kordhayo majiro. Shaqada ugu wayn ee aad qabanayso  dadka umbaad 5ta salaadood tukinaysaa. Haddii aadan dadaal dheeraad ah samayn Qur’aanka ayaadba hilmaamaysa.

Imaamka iyo mu’adinka

Imaamka iyo mu’adinka wax sidaas ah uma dhaxeeyo marka ay noqota imtixaanaka  iyo shuruudaha shaqadan oo midkasta waxaa laga rabaa Qur’aanka iyo maadooyinka kalaba waa inuu ku baaso. Natiijada imtixaanaka ayaa kala saaraysa tuu qofka ka shaqaynayo!

Baasaboorka Somaliga iyo imaamnimada

Baasaboorka Somaliga aad ayaa loo tixgaliyaa marka aan ka hadlayno shaqadan oo imaamka iyo mu’adinka  shaqadan hela waxaa loo ogolyahay in reerka ku keensadaan baasaboorka Somaliga xitaa haddii ay ayagu wataan baasaboorkale.Tani waxay kamid tahay xaaladaha yar ee baasaboorka Somaliga visa lagu dalbankaro!

Ma laga Tahriibi karaa Qatar?

Iga raali ahaada akhiyaarta maqaalkan akhrinaysay! Waxaan idinkula hadlaya caqliga qofka Somaliga caadiga ee hamigiisu yahay sidii uu utahriibi lahaa! Waana arin jirta oo ubaahan in wax laga yirahdo! Dad badan ayaa halkan lagu soo lugooyay inaay kasii dhoofan Qatar;  kadibna waxay kudhacaan dhibaatadii aan ka soo sheekeyney! Sidaas awgeed waa warbixin loo baahanyahay inaan ishaarno!

Jawaabtu waa laga dhoofi karaa haddii aad heshid visa sax ah laakinse dhoofka Somalida ee tahriibka lagama yaqaan. Xitaa masahlana inaad visa kaheshid wadamada Carabta sida Masar iyo Suuriya haddii ay kaa dhimantahay shuruudaha visaha laysku siiya!

Arinkale oo muhiim ah oo aan idinku baraarujinlahaa waa inuusan jirin mukhalas howlahaas soo dhameeyo oo Qatar dagan ee yaan lagu soo dhicin!

Dad yar ayaa sanadihii la soo dhaafay visa ka qaadan jirin safaaradaha reer galbeedka qaarkood laakinse waxaay ahaayeen dad soo  buuxiyey shuruudaha oo dhan, iminkase  howshaas waa istaagtay oo waxaa lasoo rogay faraha in layska qaado!

Waa inoo markale iyo warbixin kale, inta ka horaysa waa Adam Abuzuhri oo idinleh Wasalaamu Alaykum Warahmatullah. Sharaf waxaad kuleedahay dalkaada hooyo… waana lama huraane….

Qaybtii hore: https://somalitalk.com/tag/al-hasani/

Adam Abuzuhri Al-Hasani

Email: abuzuhri1@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Sideed ugu xamaalankarta Qatar. Q.4aad | Al-Hasani "

  1. dulmidiid says:

    Asalaamu Calaykum wwbr & Ramadaan kariiiim
    Shaqada imaamnimada shaqo lacag lagu raadsado ma ah.
    Ummad dhan ayaa la rabaa ineey kugu daysadaaan.
    Fadlan ha haweeysan haddaadan aheeynin Caalim Rabaani ah.

    waayahaan danbe waxaa soo baxay dhalin yaro iska rooraayaan.
    cilmiga sifiican ugu baxsaneen.
    horta ka bilaaw luuqada carabiga Ujruumiga,kawaakibul duriyah,cimriidiga,mulxatul icraab,laamiyatul afcaal iyo Alfiyatu ibnu maalik iwm,
    (2) xadiiska arbaciin,cumdatul axkaam,buluugul maraam iyo muntaqiiy >ibnu taymiyah kadib umahaatu 6.
    (3)Fii musdalax: nuqbatul fikri>ibnu xajar,alfiyatu ciraaqi.
    (4)Fiq Adaabu mashyi ila salaati>m.c.wahaab,zaadul mustaqnac>xijaawi cumdatul fikri>,muqnici>mugni ibnu qudaama .
    (5)Usuuli fiq: waraqaat>juweyni,rawdatu naadir>ibnu qudaamah.
    (6)Faraail: raxbiyah
    (7)Tafsiir: ibnu kasiir
    (8)Usuul Tafsiir: muqadamatu tafsiir >ibnu taymeeyah
    (9)Siira Nebi ibnu hishaam iyo zaadu mucaad(ibnu jawzi)
    (10)Lisaanu carab: Mucalaqaatu sabca qaamuska fayruusal abaadiiiy
    weli kuwaan afbilaaaw lee waaye