Home » Warar »

Baarlamaanka DFKMG oo Shaaca ka qaaday Magaacyada Xildhibaanadii lagu diley Qaraxii Hotel Muna

Warsaxafaadeed ka soo baxay baarlamaanka DFKMG ayaa shaaca ka qaaday magacyada afar xildhibaan oo ku geeriyoodey qaraxii lala beegsaday Hotel Muna ee magaalada Muqdisho, iyo shan xildhibaan oo dhaawac ah.

Warsaxaafadeedku waxa uu u qornaa sidan:

Jamhuuriyadda Soomaaliya
Xukuumadda Federaaliga KMG
Wasaaradda Warfaafinta

Ref: WW/XW/Warsaxaafadeed/15 Date: 25 August 2010

Warsaxaafadeed

Baarlamanka Soomaaliya oo shaaca ka qaaday xildhibaannadii lagu dilay weerarkii Alshabab

Ku-simaha afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Abdiweli Sheeik Ibraahim Mudey,ayaa manta shaaca ka qaaday magacyada xubnihii baarlamaanka ee ku geeriyooday weerarkiiismiidaminta ahaa ee ka dhacay Hotel Muna oo ku yaalla Muqdisho.

Xildhibaannada ku geeriyooday ismiidaaminta waxay kala yihiin:

1) Maxamed Xassan M. Nuur,
2) Geeddi Cabdi Gadiid,
3) Buulle Xassan Macallim,
4) Idiris Muuse Cilmi.

Sidoo kale xildhibaannada ku dhaawacmay waxay kala yihiin:

1) Cali Cabdiqaadir Macallim,
2) Cali Maxamuud Cabdi,
3) Axmed Sheekh M. Maxamud,
4) Maxamed Caateeye Fariid, iyo
5) Isaaq Ibraahim Cali.

Nasiib wanaag, Maxamed Caateeye Fariid iyo Isaaq Ibrahim Cali way soo kabsadeen, waanalaga soo saaray isbitaalka.

Mudane Muudeey wuxuu tacsi tiiraanyo leh gaarsiiyay qoysaskii ay ka geeriyoodeen xildhibaannadii, shaqaalihii dowladda, ciidamada dowladda iyo rayidkii ku geeriyoodayqaraxa, isagoo u rajeeyay dadka dhaawacmay inay si dhaqso leh ku soo kabtaan.

Wuxuu yiri:“Kuwii naftooda gooyay waxay doonayeen inay ka argagixyaan, nagana horistaagaan inaannolosheena caadi wadano iyo baadigoobka aan ugu jirno inaan helno mustaqbal nabad iyomidnimo leh.

Laakiin falalka noocan oo kale waxay xoojinayaan dadaalka aan ugu jirno inaanSoomaalida isku keeno.

”Soddon iyo saddex qof ayaa ku dhintay weerarkii Talaadadii ay laba nin oo naftood-halaagayaal ah ku qaadeen Hoteel Muna. Iyagoo iska soo dhigay cidamada dowladda,dableydaasi waxay gudaha u galeen hoteelka, waxayna billaabeen inay rasaas furaan oo aydilaan ciidamadii ilaalinayay xildhibaannada.

Wasaaradda Warfaafinta, Muqdisho

###

Dhanka kale waxaa xalay Muqdisho ka sii socdey madaafiicda la isku garaacayey, waxaana wararku tibaaxeen in ay ugu daraayeen xaafadaha ama aagagga: Kaaraan, Suuqa Xoolaha, Dayniile, Gubta, Yaaqshiid, Hawlwadaag iyo Suuqbacaad.

Wararkii Talaadadii ee ku saabsanaa weerarka ka dhacay Muqdisho:


“Lix Xildhibaan iyo 5 sarkaal” oo lagu diley Qarax ka dhacay Hotel Muna, Muqdisho

MUQDISHO: Wararka ka soo baxay qarax ka dhacay Hotel Muna ee degmada Xamar Weyne ayaa shaaca ka qaaday in ugu yaraan 33 qof ay ku dhinteen qarax ka dhacay halkaas. Waxaa qaraxaas sheegtay in ay ka dambeeyeen Alshabaab. Waxaa sidoo kale dagaalkaas ka hadlay ururka Xisbul Islaam. Waxaa warsaxafadeed ka soo saaraay DFKMG iyo Ergeyga Gaarka ee Qarammada Midoobay.

Sida uu xaqiijiyey prof. Cabdiraxmaan Ibbi oo la hadlay idaacadda British Broadcasting Corporation waxaa dadkaas dhintay ka mid ahaa 6 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka DFKMG iyo 5 sarkaal.

Prof Ibbi oo ka waramayey tirada dadka ku dhintay Hotel Muna waxa uu sheegay in ay ka kooban yihiin “21 shacab ah, 5 sarkaal, 1 askari iyo 6 xildhibaan”, waxaana dhaawaca ku jira xildhibaan uu soo gaaray dhaawac culus.

Halkan ka dhegeyso Waraysiga Ibbi (bbc Aug 24, 2010)

Qaraxyadaas waxaa sheegtay in ay ka dambeeyeen ururka Alshabaab. Waxaa sidoo kale qaraxyadaas ka hadlay ururka Xisbul Islaam.

Sheekh Xasan Daahir Aways, hoggaamiyaha Xisbul-Islaam, ayaa sheegay in weerarkii is-miidaaminta ahaa ee Talaada ka dhacay Hotel Muna uu ahaa mid qeyb ka ah dagaallada ay kula jiraan DKMG iyo AMISOM. Waxana uu intaas ku daray ” Dhimashadaasi waxba kama duwan dadka rayidka ah ee ku dhimanaya madaafiicda ka soo dhacaysa dhinaca DKMG iyo AMISOM” sida uu u shegay idaacadda Codka Maraykanka.

Halkan ka dhegeyso hadalka Sh. Aweys (voa Aug 24, 2010)

Madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif oo ka hadlay qaraxa ayaa sheegay in kuwa qaraxan ka danbeeyay aysan diinta Islaamka shaqo ku lahayn, isla markaana is-qarxintu aysan wax raad ah ku lahayn dhaqanka Soomaaliya.

Halkan ka dhegeyso Sheikh Shariif (voa Aug 24, 2010)

Qaraxa ayaa ka dambeeyey markii niman hubaysani ay hotelka Muna weerar ku qaadeen, kaddibna dadkii rasaas ku fureen, halkaasna isku qarxiyeen.

Arrinta Qaraxa waxaa warsaxaafadeed ka soo saartay DFKMG, warsaxafadeedkaas oo u qornaa sidan:

Ref: WW/XW/Warsaxaafadeed/14  Date: 24 August 2010

War-saxaafadeed

Alshabaab oo rayid ku laayay Hoteel Muna

Laba dabley oo ka tirsan Alshabab ayaa rasaas aan loo kala aabbo-yeelin kufuray dad rayid ah oo ku sugnaa hoteelka Muna ee ku yaalla Xamarweyne eemagaalada Muqdisho, iyagoo laayay ugu yaraan 31 qof oo ay ka mid ahaayeen shaqaalaha hoteelka, sidaasi waxaa Raadiyo Muqdisho u sheegay booliiska.

Dableyda ayaa hoteelka galay subaxnimadii Talaadada kaddibmarkii ay u labbisteen sida ciidamada dowladda KMG ah.Lix ka mid ah xildhibaannadii ku sugnaa hoteelka ayaa ku geeriyooday weerarka.

Waxaa sidoo kale howlgalka ku dhintay 5 ka tirsan ciidamada dowladda. Nimankii weerarka geystay ugu dambeyntii way isqarxiyeen.

Wasiirka Warfaafinta ee dowladda KMG ah, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa yiri:“Arrintan ujeeddo kale kama ay laha aan ka ahayn inay argagixiyaanshacabka Soomaaliyeed. Waa fal aad looga xumaado oo dhacaya bishanbarakeysan ee Ramadan. Waxay muujineysaa waxashnimadooda iyo sidaaysan u xushmeyneyn bani’aadannimada”

Waxaa ku saxiixnaa wasaaradda Warfaafinta DFKMG

###

Ergeyga Gaarka ee xoghayaha Guud ee QM ayaa sidoo kale warsaxafaadeed ka soo saaray qaraxa ka dhacay Muqdisho, waxana uu u qornaa sidan:

Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS)

WARSAXAAFADEED 017/2010

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay oo si adag u cambaareeyay weerarkii is ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho

Nayroobi, 24 Agoosto 2010 – Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Danjire Augustine P. Mahiga ayaa si adag u cambaareeyay weerarka maanta lagu qaaday hoteel ku yaalla magaalada Muqdisho laguna dilay dad rayid ah iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka.

“Falkan naxariis darrada ah oo waxashnimada ah, looguna dan lahaa in lagu daadiyo dhiigga ugu badan ee dad aan waxba galabsan, waa wax aan la fahmi karin”, ayuu yiri Danjire Mahiga. “Dadka ka dambeeyay dilkan waxay danaynayaan oo keliya inay burbur iyo dhibaato ku abuuraan dadka Soomaaliyeed.”.

“Hase yeeshee, kuma guuleysan doonaan ujeeddadooda qaska ku dhisan. Dadka Soomaaliyeed waxay ku taamayaan nabad wayna ku guuleysan doonaan. Geedisocodkanabaddu wuu ka sii socon doonaa Soomaaliya, inkastoo koox yari ay doonayso inay qasto geedisocodka.”

Danjire Mahiga wuxuu tacsiyo murugo leh u diray qoysaskii laga geeriyooday iyo Dowladda Soomaaliya, wuxuuna kuwa dhaawacan u rajeeyay inay si dhakhso ah u bogsadaan.

“Weerarkan, oo gaar ahaan dhacay bisha barakaysan ee Ramadaan, wuxuu kordhinayaa keliya in dhammaan saaxiibada Soomaaliya ay sii labalaabaan taageerada ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed in si dhakhso ah loogu dhammeeyo colaadda ka jirta Soomaaliya oo dadka Soomaaliyeedna loo siiyo rajo mustaqbal wanaagsan ah.” ayuu yiri.

Wixii war dheeraad ah fadlan kala xiriir: Susannah Price ama Donna Cusumano, saraakiisha qaabilsan isgaarsiintab guud, Xafiiska Qaramad Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya, Nairobi Tel: +254 20 762 6805 / 6869 ama +254 733902020 ama 737400133

###
Dhanka kale waxaa lagu soo waramayaa in shaley iyo maanta (Talaada) ay dagaalada ka dhacay qaybo ka mid ah Magaaladda Muqdisho ay sababeen in dad gaaraya 40 qof ay ku dhawaawac, ayadoo ay tiraan warar tibaaxaya tiro intaas ka badan.

###

Weriye ay haleeshay Rasaas wiifeysa

Dhanka kale waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyoodey agaasimihii idaacadda Xurmo, Barkhad Cawaale Aadan, kaddib markii ay haleeshay rasaas wiifeysa.

Waxaa wararku tibaaxeen in Barkhad Cawaale  ay xabbad hawbaw ah asiibtay isagoo caawinayey farsamay ayaqaanno hagaajinayey nateenada raadiyaha oo saarayd dabaqa sare ee guriga ay warka ka tebiso idaacaddu. Marxuumka waxaa da’diisu ahayd 60-jir.

Sawirka hoose waa Muqdisho xilligii nabadda

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Baarlamaanka DFKMG oo Shaaca ka qaaday Magaacyada Xildhibaanadii lagu diley Qaraxii Hotel Muna "

  1. innaa lilaahi waa inaa ileyhi raajicuun waan ka xumahay dhamaan dadkii lagu xasuuqay hotel muna ilaah haka jaaso kuwii lahaa taladaas iyo cannaasiirtii loo adeegsaday

  2. aadan xaashi says:

    allah waxii muslim macsuum ah ahaa ee ku dhintay ha u naxariisto,
    waxa is waydiin leh waxa laga hadlaa markay kooxaha muqaawamadu wax dilaan, oo xataa gaalada ayaa u tacsiyaysa eheladii dadka dhintay,
    laakiin maalin walba gafuurro weynta gaaladu kuwa ay ku laayaan madaafiicda ay ku tabo baranayaan ee aanay hore u ridin, ee ah hub cusub oo ay ku tababaranayaan dadka shacabka ah cid ka hadashaa ma jirto, lamana tacsiyeeyo, why miyaanay ehelo lahayn dadkaasi maxa loo tacsiyayn waayay?

  3. Asalaamu caleykum waraxmatullaah

    Salaanta kadib walaalayaal run ahaantii waa arin naxdin iyo markale nabaro hor leh danqineysa in dad isugu yimid hotel halkaasna xaflad ku dhiganaayay lagala dul tago rasaas iyo is miidaamin waxaana mida maanta dhacday lagu tusaaleyn karaa midii ka dhacday hotelka shaamow sanadii hore 3dii dec 2009kii runtiina waxaa halkaasna ku dhintay dad aad iyo aad u fara badan oo u badnaa arday dhaqaatiir iyo barafasooro intaba maantana sida aad ku sheegteen wararkiina waxaa ku dhintay qaraxaan iyo rasaastaan markale dad aqoonyahano ah marka runtii waa nasiib daro aad iyo aad u weyn in maanta ay soo baxeen qoom lakari waa ah oo ku qaraabta diinta iyo kalaamka Ilaahey marka maanta maxaa haray hadii dadkii iyo aqoonyahanadii dalkanka uu ubaahnaa si bareer cad ah loo laaynaayo.

    Runtii waxa maanta iska cad ururkaan la yiraahdo Al shabaab ay diintii Ilaahey iyo dadkii uu abuurtay ay dambi weyn ka galeen waxaa intaadi sii raaca maanta ayagoo ah dad aan aqoon iyo aqlaaq toona lahayn ay dhahaan waxaan dadka ku xukumeynaa shareecada islaamka kadibna ay laayaan dad aan waxba galabsanin oo aan cidna dambi ka galin waa murugo iyo ciil ah manta dad jaahiliin ah iney hub heleen kadibna wadankeena sidey doonaan ay ka yeelanaayaan ayagoon xitaa cabsi ka qabin carada Ilaaheygii uumay dadkaa ay xaq darada ku laaynaayan. runtiina waa taariiq iyo tiiraanyo tii hore ka culus waxaana halkaan kusoo bandhigaaya gabay dardaaran ah oo aan umada somaliyeed kula hadlaayo

    Somalidaan dayowday baan arin uga digaayaa

    Dardaaran baan hawada usii marin daw iyo hadal qeer leh

    Cadowgaan duulaanka ah baan la dirira leeyahay

    Dalkiinow usoo socdaa diktoonaadan leeyahay

    Dabin baa ladin maleegayaa Danab iyo baaruudee

    Dibindaabyeey idin wadaan daaladhac joogta ahe

    Darxumeey idin sidaan oo god beey idinku daadaheyne

    Dukudaakum baa ladinka yeeli dib inaadan soo kicine

    Musiibaan arkaa daahsoon dacas iyo dhibaatee

    Inteysan idin diiran difaac galaan leeyahay

    Doc walbaa adkeeya daaqil iyo magaalo

    Durba ciidan geeya daacadnimo kii dhimanaayo

    Gobanimada doonto haka daahinaan leeyahay

    Taariiq duugowday iyo madax wada dibjira

    Midna duunyo laguma raago daaim baa laga hoos galaaye

    Diinta ku dhagaan leeyahay darajiyo iimaanka

    Afartaas waa dariiq iyo hadal daah furan

    Afar kalena kusoo durug aan sii daro warkeeda

    In duqeydiyo caruurtii dumarkiina la laayo

    In rasaas loogu darnaado mar qura la dabsaaro

    In lakala didiyoo banaan cidlo daadsanaadaan

    Iney cadceedaas dulheysoo duurkaa nolol bidaan

    Iney haada duushiyo dugaagu weheshadaan

    Iney dulmane ahaadan dunidii laga takooray

    In dushooda dayr iyo gu uu ka curtay

    Hadane roobkii u di i waa daruurtaa ku diimaan

    Waa waxaan damiirku ogoleyne dib ufiirsadan leetahay

    Aayaadka quraankaa daliiliyeen iyo daaimkii weynaa

    Inaadan muslim dambi kagalinoo dulmi aadan faline

    Axaadiistaa lagu dareershay waana diiwaan qorane

    Daalacoo fiiri daaqadaha xaqa bal arag

    Dariiqaa wanaagsan raac dabeecadihii rasuulka (NNKH)

    Duriyadiisii ku biir iyo inta xumaha laga daboolay

    Aaqirana dambi dhaafiyo daarihii jana u hoydaan leeyahay

  4. wadaad yare says:

    Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun. Allaha u naxariisto dadkii ku shahiidey xasuuqaas arxan darro oo qawleysatada Alqacida u kireysan u geysteen dadka biri ma geydadaa. Walaalayaal damiirkeeni mee? Miyaan munkarka intaas la eg oo ula kaca ah laga xumaaneyn? Diintee qabta waallidaas? Bal fahamkooda majnuunkaa hadduu u baneeyey iney naftooda dilaan, xildhibaanada dilaan, ciidanka dawladana dilaan, maxaa u baneynaya iney intaasoo abriya ah laayaan? Ma Dhul dal cadaw ah oon loo kala abdayeyn bey joogaan soo dadku dadkoodi maahan? Alle idin doori wuuba idin dooriyey hadaad naftiini qaaliga aheyd sidaas rakhiiskaa ku bixineysaane!