Home » Warar »

Way ka soo Raysay xaaladda bani’adaminimo liidata ee Soomaaliya, inkastoo laba malyan Soomaali ahi wali u baahan yihiin kaalmo.

WAR SAXAAFADEED

23kii bisha 8aad, Nayrobi , tirada dadka Soomaalida ah ee u baahan gargaarka bani’aadaminimo ayaa lagu qiyaasay 2 malyan qof, oo 25 boqolkiiba hoos ugu soo dhacday lixdii bilood ee u dambeeyay, taas oo ka dhigtay xaalad ka soo rayn ah mid ka mid ah xaaladaha bani’aadaminimo ugu xun dunida; taas oo laga soo xigtay daraasad UN oo la daabacay manta.

Laakiin warbixintu ay soo saarta hay’adda Falaqaynta Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada (FSNAU) fadhigeedu yahay Nayroobi ee ka tirsan hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Beeraha iyo Cunta (FAO) oo wehileso FEWSNET, inkastoo Soomaaliya ay heshay roobab fiican oo hagaajiyay wax-soo-saarka beerah iyo xoolaha, ayaa waxay ka digtay in wax-soo-saarkan la helay uu xumaanayo. Tani waxay ka tarjumaysaa odoroska xilli roobaadka soo socda oo saadaal ahaan liita.

“Xaaladda hadda jirta waxay tilmaamaysaa hagaag, laakinn 27 boqolkiiba dadweyna waxay wali ku jiraan dhibaato, baahiduna waa mid si mug leh u jirta. Iyo haddii xilli roobaadka soo socda xumaado, tirada tabaalaysani way kordhi doontaa”, sidaa waxa tidhi Grainne Moloney, Madax FSNAU.

Xilli ga Gu’ga – laga soo bilaabo bishaa 4aad illaa dhammaadka bishaa 6aad – waa wanaagsanaa. Waxa dalka intiisa badan ay heleen roobab aad u fiican, kaasoo sare u qaaday waxsoosaarka miraha beeraha wanaajiyayna xaaladda qaybta xoolaha oo ah xubinta ugu muhiimsan dhaqaalaha wadanka.

Abaarihii daba dheeraaday

Xogtani waxay timid ka dib abaarihii daba dheeraaday ee yareeyay waxsoo saarka beeraha, laayay xoolo badan kaasoona ka dhigay boqolkiiba 42 dadka soomaliyeed oo ah 7.5 malyuun oo qof inay tabaaloobaan. Waxaa xaaladda sii xumeeyay sicirka cunnada oo aad u sarreeya iyo colaadda sokeeye ee sii baahaysa.
“Waxaanu aragnaa xoogaa tilmaamo wax ku ool ah dhinaca waaxda beeraha, balse xoolo-dhaqatada gobollada dhexe, Hiiraan iyo qaybo ka mid ah waqooyiga, inay weli u baahan yihiin xilli roobeedyo kale oo wanaagsan si ay usoo wada kabsadaan hantidii xoolo ee la lahaan jiray,” ayay ku dartay Marwo Grainne. Waxaa lagu qiyaasay in 40,000 oo qof oo xoolo dhaqato ahayd ay ku xoolo cayroobeen abaarihii.

FSNAU oo farac FAO (Hayadda Cuntada iyo Beeraha) ah, waxay warbixin kalsooni leh oo ku saabsan nafaqada iyo sugnaanta cunntada ee Soomaaliya siissaa hayadaha gargaarka—waxay kaloo ku xog bixisay inkastoo xaaladda nafaqo ee Soomaaliya ay wax yar kasoo raysay waqooyiga dalka, boqolkiiba 90 trada la qiyaasay 35,000 ee caruurta naqo darrideedu aad u ba’an tahayee dalka ayay ku sugan yihiin gobollada dhexe iyo koonfurta ee colaadda sokeeye halkeysay.

Barakacayaasha (IDPs)

Daraasaddu waxay kaloo iftiimisay baahiyaha barakacayaasha (IDPs0, kuwaas oo lagu qasbay inay ka cararaan guryahooda colaadda sokeeye ee sannadaha jirey awgeed. Qaramada Midoobay waxay qiyaastay in ay Soomaaliya ku sugan yihiin barakacayaal dhan 1.41 malyan.

Waxay FSNAU ku warbixisay in xaaladda bani’aadminimo ka socota gobolada dhexe iyo Hiiran, taas oo ay sabab u tahay saameynaha abaarta, sicir bararka qiimaha ashcaarta and colaadda. Dadaalada lagu sugayo wax ka qabadka baahiyaha barakacayaasha waa muhiim si loo baajiyo in ay xaaladdu ka sii darto. Soomaaliya waxay ku jirtay sidan tan iyo 1991, laakiin xaaladdu way ka sii dartay bishii 3aad 2007 markii colaaddu laba kaclaysay.
________________________________________
Xog dheeraad ah haddii aad u baahato, fadlan la xidhiidh:
La taliyaha xagga isgaadhsiinta ee FSNAU oo la yidhaa Frank Nyakairu, +254-729 867698 ama frank.nyakairu@fsnau.org

Nuqulka warbixinta waxaad ka heli karta shabkadda: www.fsnau.org.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.