Home » Maqaallo »

Sideen u fahamnaa Qur’aanka? Q:13aad

Suurada 37aad As-Saaffaat:

Suuradan waxaa loogu Magac daray As-Saaffaat, si Dadka loo xasuusiyo Adoomada Alle Abuurtay ee loo yaqaan Malaaigta iyo Shaqooyinka wanaagsan ee loo Xilsaaray, waxey u tasbiixsadaan rabigood habeen iyo Maalin kamana daalaan.

Suurada As-Saaffaat waa makiyah, Aayadaheeduna waa 182 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Ancaam ka dib, Musxafka waxa ay kaga Beegan tahay Bartanka Juzka 23aad.

Macnaha Guud ee Suurada As-Saaffaat:

Suuradaan waxa ay ka hadashaa Arimaha Caqiidada ku Saabsan sida Toowxiidka, Waxyiga Soo Bixintaanka Maalinta Qiyaame iyo Abaal Marka Maalinkaas la muteysanaayo.waxa ayna soo si Dul mar ah usoo hadal Qadaa Qisooyinka Nabiyada ayadoo si kooban usoo Bandhigta in ay Cadwgooda ka Guuleysan jireen mar kasta, Cadawga Toowxiidkana markasta in Ciribtiisa Ciqaab ahaan jiratay inta Aduunka la Joogo Cadaabka Qiyaamaha Sugaaya ka hor,

Waxa ayna Tilmaantaa Suuradaan waxyaabaha lagu Cadaabo Maalinta Qiyaame waxaa ka mid ah Geed Naarta ka Dhex baxa oo la yiraahdo Zaqquum iyo Carunka jirkooda ka baxo iyo Biyo kulul oo oonka u sii kordhiya mar walba ay Cabaan.

Suurada 38aad Saad:

Suuradaan waxa la yiraahdaa Saad, waxa ayna la mid tahay Suurado baa Bilaawda Xuruufo sidaan oo kale ah.
Suurada Saad waa Makiyah, Aayadaheeduna Tiro ahaan waa 88 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Qamar ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Biloowga Bartamaha Dambe ee Juzka 23aad.

Macnaha Guud ee Suurada Saad:

Suuradaan waa Makiyah waxa ay ku Manhaj tahay Suuradaha Mako kusoo Dagtay, oo waxa ay Xooga Saarta Caqiidada Arimaha Quseeya sida Suurada ka Horeysay oo kale.

Suuradaan waxa ay Muujisaa Muhiimada ay leedahay dacwada in laga Bilaabo Kalimada Toowxiidka, sidaba Nabiga uu uga Bilaabi jiray, waxaa kaloo Suurada Muujisaa kuwa Shirkiga Aaaminsan in aysan jirin in ay Maqlaan kalimadaas.

Suurada 39aad Az-Zumar:

Suuradan waxaa lagu Magcaabaa AZ-Zumar, oo waxa ay xasuusin u tahay Laba Koox oo mid walba Jiho gaara loo Kaxeyn Doono, Koox waa kuwa Liibay waa Ahlu Janada waxaa ay Janada Aadaan Aayagoo Koox ah markaas ayaa waxaey Tagaan janadii oo u Diyaarsan oo Albaabaheedii usii Furan yihiin, Kooxna waa kuwa Nasiib Xumo ku Dhacday Waa Ahlu Naarka waxaana loo Kaxeeeyaa Dhanka Naarta ayadoo loo furo Marka ay yimaadaan Albaabkeeda si Kuleylkeeda loogu Ciqaabo.

Suuradan waa Makiyah, marka laga reebo Aayadaha kala ah 52, 53, 54, Tiro haana Aayadaheedu waa 75 Aayadood, waxa ayna Soo dagatay Suurada Saba ka dib. Juz ahaana Musxafka waxa ay kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 23aad iyo Biloowga Juzka 24aad.

Macnaha Guud ee Suurada Az-Zumar:

Suurada waxa ay Xooga Saartaa caqiidada Toowxiidka weliba waxaa la dhihi karaa Suuradan waxaey kala gaar tahay Suuradaha kale in Gabi ahaan ay ku Kooban tahay Toowxiidka ka Hadlidiisa, Maxaa yeeelay Toowxiidka Waa Asalka Iimaanka, waa Aasaaska caqiidada Saxiixa ah, camalka Ruuxana lama Aqbalo Haduusan ikhlaas (Mid Allaah kaliya loo Sameeyay) aheyn.

Suurada 40 aad Ghaafir:

Suuradaan waxa loogu Magac Daray mid ka mid ah Sifooyin uu Aalaah Gooni u leeyahay oo ah inuu yahay Dembi Dhaafe, waxaana Suurada ay soo Celcelisaa magacaas Ghaafir marar badan sida Marka uu Muminka Reer Fircoon ka Dhashay Waaniya Tolkiisa Gaalada ah. oo uu leeyahay Waxaan Idinkugu yeerayaa inaad Caabudaan Alle Caziiz ah oo Ghafaar ah.

Suurada waa Makiyah, marka laga Reebo Aayadaha 56 iyo 57, Tiro ahaan Aayadaheeduna waa 85 Aayadood, waxa aynasoo Dagatay Suurada Az-Zumar ka dib.waxa ayna kaga Beegan tahay Musxafka Kaloobarka Juzka 24aad.

Macnaha Guuad ee Suurada Ghaafir:

Suurada maadaama ay Makiyah tahay waa waxaa caadi ah in ay aad wax uga Sheegto Umuuraha Caqiidada Quseeya, si gaar ahna waxay Suuradaan Soo Bandhigtaa Hardanka ka Dhaxeeya kuwa Xaqa Aaminsan iyo Ahlu Baadilka, ama hadii aan si kale u iraahdo Kuwa Hanuunsan ee Ahlu Towxiidka ah iyo kuwa Dhunsan ee Shirkiga, sidaa Darteed ayaa Jawiga Guud ee Suurada waxaa uu Muujinayaa xaalad Coleytan iyo Dagaal Culus oo ka Dhexeeya labada Dhinac, waxeyna Suurada soo bandhigtaa Mustaqbal Xumida kuwa Toowxiidka ka Dhunsan u Dambeyn Doonta.

Suurada 41aad Fussilat:

Suuradan waxaa loo yaqaan Fussilat, oo Macnaheedu yahay kala Saarsaar, Maxa yeelay Suuradaan waxa ay kala saarsaartay Aayadaha, Daliilada tusiya Awooda Alle (Cw) iyo Abuurkiisa Qurax badn ee Koonka, kaas Cadeynaya inuu yahay Koon hal Maamul iyo hal Nidaam ku Socda, si aysan Xujo u helin kuwa Caabuda wax ka Mid ah Uunka Alle (Cw) uu ku Dhex Abuuray Koonka.

Suuradan Fussilat waa Makiyah, Cadadka Aayadaheedana waa 54 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Ghaafir ka dib, waxaa ay Juz ahaan kaga Beegan tahay Musxafka Dhamaadka Juzka 24aad iyo Biloowga hore.

Macnaha Guud ee Suurada Fussilat:

Suuradan Maadama ay Mako kusoo Dagatay Dhinacyado kala Duwan oo Caqiidada Islaamka Quseeya sida Toowxiidka, Risaalada nabi Muxamad, Soo Bixinta iyo Abaal marka Maalinta Qiyaame jira.

Suurada 42aad Ash-Shuuraa:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Ash-Shuuraa, oo Macnaheedu yahay (Tashi) si Muslimiinta loo dareensiiyo Wadatashiga Qiimaha uu ku leeyahay Shareecada Islaamka, si ay Noloshooda uga Faaiideystaan Dhaqankaas wanaagsan.

Suuradan waa Makiyah marka laga Reebo Aayadaha kala ah 23, 24, 25, 27, Guud ahaan tirada Aayadaheedu waa 53 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Fussilat ka dib, Juz ahaana waxa ay Musxafka kaga Beegan tahay Biloowga Juzka 25aad.

Macnaha Guud ee Suurada Ash-Shuuraa:

Suuradaan waxa ay Guud ahaan Xaga Manhajka kala Mid tahay Suuradaha Mako kusoo Dagatay oo dhan, gaar ahaana waxey si gaar ah ula mid tahay Suurada Fussilat ee ka Sareysa.

AKHRI QAYBAHA KALE: https://somalitalk.com/tag/quraanka/

W/Q: Cali Axmad
asadxg@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.