iyo Dadkii ugu Tirada badnaa ee Soomaaliyeed oo laga soo Talxiley Dalka Sacuudiga…..
Dowlada Boqortooyada Sacuudiga ayaa dalkeeda ka soo masaafurisey ku dhawad 400 oo qofood kuwaas laga so dejiyey Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho waxayna dadkaa u badnaayeeen Dhalinyaro la sheegey inay ka shaqeysanayeen Dalka sucuudiga waxaana dadkaan ka muuqataey Daruuf aad u daran qaarkood waxaa la sheegey in ay siteen dharkii Marka lagu soo qabtey
Sidoo kale waxay sheegey in markii la qabaney ay ku guda jireen Shaqooyin iyadoo qaarkood ay sheegeeen in ay halka ku waayeen lacacagihii ay shaqeysteen waxay kaloo ay sheegeen in muddo ah ay ku jireen Xabsiyada Wadankaas oo ay sheeegeen in si weyn loogu dhibaateeyey
Dadkaas ayay dowlada Sucuudiga sheegety in dalka ku soo galeen sharci daro iyadoo ay sheegtey in Badankooda si tahriib ahaan ah xuduuda u dhaxeysa Wadamada Yaman iyo Sacuudiga kaga soo galeen iyadoo Xabsiyada wadankaas ay ka buuxaan Kumanaan soomaaliya waxayna sheegeen shirkadaha soo daabula dadkaas in inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan dad badan la soo talxiili doonoi
Dowladda Saciuudiga oo ah Dowlada Muslim ah ayaa ka damqan dadkaas oo ah dad markii hore ka cararey Dagaalada weli ka sii socda Dalka soomaaliya kuwaas oo dalka sacuudiga u tagey in ku badbaadsadaan Naftooda iyo in ay ka shaqeystaan waxaana la sheegey in qaar ka mid ah dadkaas markii ay ku jireen Xabsiyada wadankaa loo geystey Jirdil iyo iyado qarkood ay soo garaan Dhaawacyo
Gabar ka mid ah dadkii laga soo talxiiley Sacuudiga ayaa tiri “waxaa la yaab leh in dadka laga keeno wadamada Yurub markii diyaarada sida ay soo gaarta soomaaliya dib ayaa loogu celiyaa ma garan karo sabahaha diidey in dadka Sacuudiga la keeno dib loo celin waayey dadlkaas waxaa hubaa in haddii dadka laga keeno sacuudiga dib loogu celin lahaa dalkaas sida kuwa yurub in sucuudiga uu joojin lahaa talxiilka dadkaas Masaakinta ee la soo celinaya” waxay sii raacisey “Shirkadaha Diyaaradaha soomaaliya ayaa iyagu ku qaba Dhaqaale aad u weyn marka waa heshiis u dhaxeeyea Dowlada Sacuudiga iyo shirkadaha Diyaaradaha oo ku heshiisyey indadkaas laga ganacsado oo iyagu markii hore ku dhibaateysnaa Dalka soomaaliya” waxay sheegtey in dadka kale ee ay ka jiraan Dowladaha laguma sameeyo wax lagu sameeyo dadka soomaaliyeed ee dalkaas u aadey in ay ku maareeyaan Naftooda maadaama soomaaliya aysan ka jirin Nabadgelyo iyo Dowlada adag
Dadka soomaaliyeed ee ka gudba Xuduuda Yaman iyo Sacuudiga ayaa la kulma Dil , dhac iyo Xarig waxayna sii korrrtey markii xuduuda labada Dalka ay ka bilowdeen Dagaalo iyadoo qaar ka mid dhalinyaro soomaaliyeed oo ka gudbayey Xuduuda ay u galeen Dgaalyahanno waxana lagu qasbey inay ka barbar dagaalamaan
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Markab u raranaa Ganacsato Soomaaliyeed oo ku degey meel u dhow Xeebaha dalka Yamen
Waxaa la xaqiijiyey in Markab u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed uu ku degey meel ku dhow Xeebaha dalka Yaman , wuxuu Markabkaas ku soo jeedey Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho waxaa lagu waramey in Markabkaas uu sidey Badeecado kale duwan
Bashiir Khaliif Muuse oo ka mid ahaa Malkiilayashii uu u rarnaa Markabkaas ayaa sheegay in markab ay Dejiyeen Dabeylo Xoogan oo ka dhacayey Badda Cas isagoo sheegey in gebi ahaanba uu degey Markabkaas oo lagu Magacaabi jirey Al-Caqiid wuxuu kaloo uu sheegy in Shaqaalhii saarnaa Markabkaas dhamaantood la badbaadiyey kuwaas oo isagu jirey Somali, Hindi iyo Wadamada Afrika
Markabkaan Al- Caqiid ayaa wuxuu ka soo shiraacdey Dekeda Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta isagoo sidey Shixnado kala duwan waxaana lagu waramey in Markabkaan uu ahaa mid aan ku jirin wax Caymis iyadoo ganacsatadii uu u ranaa lagu waramey in gabi ahaan ay ka samreen Xoolhii uu sidey Markabkaas
Maraakiibta u soo safarta soomaaliya ayaa gabi ahaanba ah kuwo aan Caymis ku jirin waxaana lagu waramey in Sabab ay ganacsatada Soomaaliyeed ay u soo raran waayey Maraakiibta Caymiska ku jirta ay tahay iyagoo la sheegey in aysan ka bixi Karin Kharashkooda oo la sheegey in uu yahay mid aad u sareeya sidoo kale Maraakiibta Tayadooda sareysa ayaa iyana ka cabsada Kooxaha Burcad badeedka waana mida keentey in soomaaliya ay soo aadaan Maraakiib duqowdey oo qaarkood la sheegey in la isticmaali jirey Dagaalkii Labaad ee Dunida
sidoo kale Diyaaradaha soo aada soomaaliya ayaa iyana ku jirin Wax Caymis ah waxaayna Badankooda u badan yihiin kuwa duugoobey oo qaarkood aan loo ogoleyn in ay ku fariistaan Garoomaada Caalamiga ah ee dunida waxayn ku eg yihiin diyaaaradaas Dalka Jabuuti oo isana lagu waramey in uu joojin doono diyaaradaha aan ku jirin Caymiska iyadoo dhawaan Dowladda Jabuuti ay diidey in dalkeeda soo fariistaan Diyaaradaha ka yimaada Dalka Itoobiya oo ay Dowladda Jabuuti ay sheegtey in shilalkooda uu badan yahay
Sanadkaan Horaantisa Dhowr Markab oo Bedeecado kala duwan u soo wadey Soomaaliya ayaa la sheegey in ay ku degeen Xeebaha Badda Cas iyo Badweynta hindiya kuwaas oo ay ku Khasaareen Ganacsato Fara badan oo soomaaliyeed
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Aad baan uga xumahay dadka Soomaaliyeed oo dhibku aduunka dacaladiisa ku haaysto balse hadii si loo fiiriyana waa u qalmaan baan dhihi karnaa dadka Soomaalidaa tarxiil iyo wax ka daranba. Waayo dalkoodii baay intaay gubeen ka cararayaan. Dhamaan hadii shacabka Soomaaliyeed oo dhibku haaysto joojiyaan taageerada aay u fidinayaan gacan ku dhiigla yaasha dalka gubaya wadanku mar hore buu dagi lahaa. Waxaan kula talin lahaa walalahayga Soomaaliyeed xal ma aha in aad dalkiina ka carartaan, xal ma aha in aad asaagiin gacmaha u hoorsataan ee xalku meeshuu ku jira raadiya. Iska qabta kan dalkiina gubaya, maatadiinana qixinaya, ka waantooba qabyalada iyo xumaatada oo danihiina ka tashta hadii kale saas baa meel kasta la idiin ku bah dilayaa. Xaqiiqdu waa midaays.