Home » Warar »

Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab oo ku dhawaaqay ciribtirka

ee kuwa soo duulay ( nihaayatu Muctadiin ) iyo dagaalkii oo deegaano badan oo Muqdisho ka mid ah uga bilowday isla markiiba .

Hadalkii Afhayeenka Alshabaab DHEGEYSO

“Isniintiia oo ah 12 ka bisha ramadaan ee sanadka hijriyada 1431 xarakatu shabaab Mujaahidiin waxay u iclaaminaysaa dhamaan dadka Muslimiinta ah ee nool wilaayaadka islaamiga ah iyo dhamaan cidamada Mujaahidiinta ah noocyadooda kala duwan ee ku sugan dhamaan wilaayaadka islaamiga ah iyo dhamaan qofkasta oo ay ku jirto damiir diineyd ama mid dadnimo ama mid wadaninimo ay ku jirto waxay u iclaamineysaa xarakatul shababaab Mujaahidiin ( qaswo ) ama duulaan balaaran oo kas dhan ah gaalada saliibiyiinta ah ee wadankeena ku soo xadgudbay duulaankaas oo ay ugu magacdareen Mujaahidiintu Magacisa ( Nihaayatu muctadiin) dagargoynta kuwa soo duulay “

“waxaan u shegaynaa dhamaan ciidamada Mujaahidiinta noocyadeeda kala duwan in saacadaan aan idinla hadlaayo wixii ka danbeeya aad weerartaan oo aad baa’bisaan meelkasta oo u cadowgu uu joogo .

Dagaal loogu magacdaray Dagaal ciribtirka kuwa soo duuley isla markaana ka dhan ah Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM dagaalka oo u ek mid isku mid uu yahay hadafkiisu ayaa waxa uu ka kala dhacay qeybo badan oo ka mid ah magaaalda Muqdisho halkaa oo ay awalba isku horfadhiyeen dhinacyada isku heysta magaalada Muqdisho.
Saraakiisha Xarakada Alshabaab ayaa Isniintii sheegay in ay qaadayaan dagaal saf ah kaa oo sheegeen in uu yahay mid kaga soo horjeedaan ciidamada shisheeye ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Xarakada Alshabaab Sheekh Cali Maxamed Raage oo la hadlayay saxaaafada ayaa shaaca ka qaaday in dagaal toos ah ay ku qaadayaan dhamaan fadhiisimaaha ay ku suganyihiin ciidamda DKMG Somalia iyo kuwa shisheeye kuwaa oo la maqlayey dhawaqa rasaasta iyo madaafiicda ee ku dhacaya qeybo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.
Dagaalka oo sameyn xoogan ku yeeshay isu socodka dadka iyo gaadiidka ayaa sidoo kale wuxuu garay dhamaan daafaha Magaalada inta ay gaaraan gantalaha lidka diyaradaha ee ay isticmaalayaan Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM waxaana la maqlayaa dhawaqa kala duwan ee risaasta iyo madaafiicda .

Axaddii ayay aheyd kolkii ay ka soo dagteen garoonka Magaalada Muqdisho ciidamo dheeraad ah oo ka yimid dalka Yugaandha kuwaa oo noqonayo kuwa kaba kuwa AMISOM ee ku sugan Muqdisho.
Afhayeenka Alshababaab”waxay ku soo xadgudbeen diinteenii ,iyo dalkeenii ,iyo dadnimadeenii,iyo karaamadeenii,waa kuwaa maalin kasta xasuuqaya caruurteenii,iyo haweenkeenii,somaliduna waxay dhahaan Dharbaaxa gaal dharbaaxo ayaa loo dhaafiyaa,dharbaaxa Muslina cafi ayaa loo dhaafiyaa”

Shirka jaraid ee uu qabtay sheikh cali Maxamed Raage Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayuu kaga hadlay dhinacyo badan waxaana hareerihiisa tubnaa ciidamada xarakada Alshababaab oo aad moodeysid in ay si aad ah u fojignaayeen waxaana xusid mudan in hogaamiyeyaasha dagaalka ee jiida hore ku dhawaaqista dagalka kala socdeen fooneeyahay isgaarsiinta ciidamada oo surnaa Garabka bidix ee Afhayeenka taas oo lagu fahmi karo in uu isagu lahaa amarka dagaalka oo markii uu ku dhawaaqayba si isku mid ah uga bilowday dhamaan daafaha Magaalada Muqdisho dagaalkuna wuxuu ahaa mid qorsheysan oo mudo loo fadhiyey sida hadalka afhayeenka ka muuqatay .

“manta oo ah 12 ka bisha ramadaan ee sanadka hijriyada 1431 xarakatu shabaab Mujaahidiin waxay u iclaaminaysaa dhamaan dadka Muslimiinta ah ee nool wilaayaadka islaamiga ah iyo dhamaan cidamada Mujaahidiinta ah noocyadooda kala duwan eek u sugan dhamaan wilaayaadka islaamiga ah iyo dhamaan qofkasta oo ay ku jirto damiir diineyd ama mid dadnimo ama mid wadaninimo ay ku jirto waxay u iclaamineysaa xarakatul shababaab Mujaahidiin ( qaswo ) ama duulaan balaaran oo kas dhan ah gaalada saliibiyiinta ah ee wadankeena ku soo xadgudbay duulaankaas oo ay ugu magacdareen Mujaahidiintu Magacisa ( Nihaayatu muctadiin) dagargoynta kuwa soo duulay “

“waxaan u shegaynaa dhamaan ciidamada Mujaahidiinta noocyadeeda kala duwan in saacadaan aan idinla hadlaayo wixii ka danbeeya aad weerartaan oo aad baa’bisaan meelkasta oo u cadowgu uu joogo .
Afhayeenka oo hadalkiisa si watro ayaa majaahidiinta kula dardarmay in ay ku duulaan ilaahey magaciisa oo loo marayo jidka ilaahey .
“saacadaan aan idinla hadlaayana xabadu waa ay bilaabatay cadowga ilaahay waa la naafaynayaaye naafeeya”ayuu ku sii daray hadalkiisa
Afhayeenka xarakada ayaa sidoo kale baaq kaas la mid ah u direy dhamaan dadka muslimiinta ah oo uu shaagay in la doonayo in ay ka qeybqataan dulaankaan .

Isaga oo tilamayey xalada dadku ay uga qeybqaadan karaan ayuu shegay in ay ka mid tahay naftii hurnimo.maal,talo,iyo qibrad qof walbo wuxuu awoodo .

Shirkiisa jaraid intii u socday ayuu shegay in goobo lacayimay dadka loo soo sheegi doono si ay talo iyo tusaale hanti ay ugu biiriyaan goobaha dagaalku ka socdo .

“shacabyahow waxaad sameysataan si marka ay xanuunsadaan duqeymaha idin waxyeeleen in aad u dhawaataan meelaha iyo guryaha shubka ah si waxyeeladu u yaraato cidii awoodi kartana guryahoda haka sameysato gogod iyo dhufeysyo ay kaga dhuuntaan madaaficda si uu u yaraado qasaaraha soo gaarayo dadka shacabka ah “

Hadii gaalladilo waxay ka aarsanayaa caruurta Muslimiinta
“Digtonidiina qaata oo dhufeysyo qota dagaalkii wuu bilowdaye waxaan wajaheynaa codow midkii ugu cadowtoodayada badnaa “
Afhayeenka ayaa hadalkiisa ku soo gabgabeeyey isaga oo ku tilmaamay ciidamada Midowga Africa ee AMISOM kuwo in ay wax baabi’yaan mooyee dan iyo maslaxo kale aan laheyn .

Ugu yaraan 6-ruux ayaa ku geeriyootay dagaalka wali ka sii soconayay magaalada Muqdisho waxaana inta badan dadkaasi ay ahaayen kuwa uu qasaara ka soo gaaray nawaaxiga Suuqa weyn ee Bakaaraha mdaafiic ku dahcaysay xili uusan wax dagaalah ka soconeynin .
dhimashada iyodhawucuba intaas waa ka badan karaan maadaama ay madaaficdu ku dhacaysay dhulka fog goobaha dagaalku ka saconayo dagaalkuna wuxuu soo gaaray ilaa caawa fiidkii

Muuse Maxamuud Jiisow
00252-061-5576666
00252-0699-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab oo ku dhawaaqay ciribtirka "

  1. Abuu Leyth says:

    In shaa laah dagalakani wxa uu ahaan doonaa midkii ay Mujaahidiinta ku gali la haayeen Madaxtooyada kuna baabi’in la haayen dhamaan galada joogta Muqdisho sida AMISOM in shaa laah ALLAAH AKBAR

  2. Shabaab waxay yiraahdaan gaalada waan khilaafnaa kumana dayano, haddana waxay metelayaan gaaladii, Maraykanka ayaa markuu dagaal meel ku qaadayo Ciraaq ama Afghanistan magac u bixiya, hadde iyagii baadba jileysaane sow isku mid ma tihiin.

    Idaacadaha la bililqaystona ma diin baa? bal adba. shalay waxay qabsadeen oo ay qaateen idaacaddii Qur’aanka Kariimka, oo heedhe haddii ay idaacaddu qur’aan sii deyn jirtey idinkuna aad rabteen inaad qur’aanka kor yeeshaan markaa ma jid idiinka bannaan baa jira oo bannaynaya inaad qabsataan oo aad qalabkeedii tiraahdaan waa qanimo, bal adba.