Home » Maqaallo »

Sideen u Fahamnaa Qur’aanka? Q. 11aad

Suurada 27aad Al-Namal:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Namal, si ay u Waarto Xusuustii Mucjizooyinkii la siiyay Nabi Suleymaan taasoo ay ka mid aheyd inuu afgaran jiray wax kasta oo uu Alle Koonka ku Abuuray sida Shimbiraha, Quraanyada oo ah Magaca Suurada Xambaarsan tahay.

Sheekada Quraanshada waxey Suuradaan ka Sheegtaa mar uu Nabi Suleymaan Safar ahaa oo ay la Socdeen Ciidamo fara Badan oo ka Kooban Uun kala Duwan Jidkiisii uu ku Beegmay Tog ay Quraanyadu Degan tahay, Quraanyaduna waxa ay ka mid tahay Noolayaasha aadka u Nidaamsan tahay Noloshoodu, oo waxey leedahay Hogaan, Ciidan Duula, kuwa Amaankooda ilaaliya, Sahan iyo wax walba oo Umad Nooli leedahay, Quraanyadii ayaa Markii ay aragtay Ciidanka kusoo Foolka leh Togii ay Daganeyd Qaar ku yiraahdeen kuwii kale, Ka carara meesha yuusan Cagta idin marin Ciidanka Nabi Suleymaan ayaga oo aan idin Jeedin, Nami Suleymaana waxaa Mucjizo ahaan loo Siiyay inuu wax walba oo Koonka ku Nool Hadalkooda Fahmo, waa Dhoolo cadeeyay markuu hadalkeeda maqlay waxa uuna u Mahad Celiyay Alle (Cw) oo ku Baryay inuu ku Hanuuniyo inuu ka Mahad Celiyo Galada weyn iyo Nicmooyinka la siiyay…

Suurada waxey soo Dagatay Xiligii Makah la Joogay, tiro ahaana Aayadaheedu waa 93 Aayadood, waxa ayna Soo dagatay Suurada Al-Shucaraa ka dib, Juz ahaana waxey ku Beegan tahay Dhamaadka Juzka 19aad iyo Biloowga Juzka 20aad.

Suuradaan Al-Namal waxa ay ka mid tahay Sadax Suuradood oo Musxafka la isugu Xijiyay sidii ay usoo Dagteen kala horeyn ahaan iyo isku xigidba, waxa ayna kala yihiin Suurada Al-Shucaraa, Al-Namal iyo Al-Qasas oo ah Suurada Xigta, waxey kaloo Suuradan Al-Namal la Gaar tahay in ay Gudaheeda ku jirto Bisin la mid ah kan Suurad walba ku Bilaabato.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Namal:

Suuradan Maadama ay Makiyah tahay waxaa Caadi ah in ay si Gaar ah uga hadasho Umuuraha Caqiidada ku Saabsan sida: Toowxiidka, Rumeynta Rususha, iyo soo Bixida Maalinta Qiyaame, waxa ayna Xaga Manhajka kala mid tahay Gaar ahaan Suurada ka Sareysa iyo tan ka Dambeysa marka loo fiiriyo Habka ay dadka ugu Caqli Celiso ama u waniso in ay ku tusaale Qaataan Dadkii tagay.

Waxaana xasuusin Mudan Suuradaan in ay la gaar tahay Taariikhdii ay Diinta Toowxiidka ku Gaartay Dhulka Yaman Waagii Nabi Suleymaan, hadii aan soo koobana Qisada waxay Cadeyneysaa in Yaman ay lahaan Jirtay Boqortooyo ay Xukumi Jirtay Naag Balqiis la dhihi jiray, waxa ayna Boqortooyadaas Alle ahaan u Caabudi jireen Qoraxda, waxaana arintaas Nabi Suleymaan soo Gaarsiiyay Shimbir ka mid ahaa Ciidankiisa (Hud-hud) kana war bixiyay si Faahfaahsan, markaa ka dib ayuu Nabi Suleymaan Risaalo ku Bilaabata magaca Alle (Cw) u diray Boqoadii Reer yaman oo uu ugu Baaqayo in ay Islamaan, taasoo natiijadii noqotay markii ay Reerkeedii la tashatay Boqoradii Saba (Yaman) ku Qancaan in Islamaan..

Waxaa kaloo xasuusin mudan Marka laga Hadlayo Nabi Suleymaan in aan Ogaano in Diinta Islaamka kaliya tahay tan sida ugu Wanaagsan u Tilmaanta marka loo eego Nasaarada iyo Yuhuuda , waayo Labdaas Kooxba waxey Aaminsan yihiin inuu Suleymaan Ahaa Boqor Saaxir ah (Alle ayaa Xumaan ka Nazahane) waxaa ayna Aaminsan yihiin inuusan aheyn Nabi Alle (Cw) soo Diray, hase yeeshee Muslmiinta (Umada Raacday Nabi Muxamad) waxa ay Aaminsan yihiin inuu Suleymaan ahaa Nabi ka mid ah Nabiyaashii Reer banuu Israa’iil loo soo diray, Isla markaasna ahaa Boqor.

Suurada 28aad Al-Qasas:

Suuradaan waxaa lagu Magcaabaa Al-Qasas waayo waxaa ay si Faahfaahsan uga Qiseysaa Taariikhda Nabi Muuse laga Bilaabo Dhalashadiisa ilaa laga gaaro Risaaladii loogusoo Dhiibay Reer Banuu Israa’iil oo Xiligaas ku jiray Adoonsi, waxaan Suurada aad u tilmaantaa Allaah sida uu u Guuleeyo kuwa Jidka Towxiidka qabsada isla Markaan uu u Halaago kuwa Cadaw ku Noqda Towxiidka.

Suuradan waa Makiyah, marka laga reebo labada Aayadaood ee kala ah 52, 85, Aayadaheeduna tiro ahaan waa 88, waxa ayna soo dagatay Suurada Al-Namal ka dib sidaanba horey usoo Tilmaanay, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Juz ahaan Bartamaha Juzka 20aad ilaa ku Dhawaad Dhamaadkiisa.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Namal:

Suuradaan waxaa ay Faahfaahin u tahay Labadii Suuradood ee kala Ahaa Al-Shucaraa iyo Al-Namal amaba Dhameestir Xaga manhajka iyo Qisooyinkaba, si gaar ahna waxey faahfaahin ka Bixisay Taariikhada Nabi Muuse, isla markaana waxey ka Sheekeysay Dhibaatda Xiligaas heysatay Israa’iiliyiinta oo Markaas ahaa Umad Towxiidka iyo Nabiyadii Alle soo diray Aaminsan, waloow ay Dhibaato badan marsiiyeen Nabi Muuse mar walbana hadii Mushkilo kala Gudbo ku Abuurayeen mid kale, ilaa uu ka Habaaray oo ay Galaan 40 sano oo Jahawareer ah, Afartankaas Gudaheeda ayaana la oofsaday Nabi Muuse (Nabad iyo Naxariis Alaha yeelee Korkiisa).

Suurada 29aad Al-Cankabuut:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Cankabuut oo Macnaheedu yahay Caaro, sababtana waa in ay Suuradan ku Tilmaantay kuwa Toowxiidka Rabi (Cw) ka leexday ee Caabuda wax Allaha koonka Abuuray ka soo Hara in ay la mid yihiin Caaro guri dhisatay oo kale, waa marka loo eego Faa’iido ahaan waxa ka soo Galaya Cibaadada ay la Aabaareen Uunka Alle ha ahaado Sanam la Qortay, ama Malag Suuban sida Jibriil, ama Nabi sida Nabi Ciise oo kale ah, ama Weli ka mid ah Awliyada Alle sida Maryama Binti Cimraan, maxaa yeelay waxba ma siin karaan, mana u diidi karaan, sidaa darteed Suuradaan waxey tilmaantaa in ay waxba ka heleyn Cibaadada Shirkiga Sida Caarada aysan waxba ugu Dheefsan Guriga ay Dhisatay ee aan Qaboowga iyo Qoraxda iyo Cadawgaba ka aqrin.

Suuradan Al-Cankabuut waa Makiyah, marka laga reebo Aayadaha kala ah: 1 ilaa 11aad kuwaas oo ah kuwa kusoo Dagtay Magaalada Madiina Markii Nabiga Suuban (Scw) iyo Saxaabadiisii u Hijroodeen ka dib, waxa ayna soo Dagatay Suurad Al-Ruum ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 20aad ilaa Bilowga hore ee Juzka 21aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Cankabuut:

Suuradan Maadama ay Makiya tahay Waa Caadi in ay Caqiidada Xooga saarto, waxaana u dheer in ay Faahfaahiso kuwa Caqiidada saxiixa ah qaatay in ay Aduunka Dhexdiisa kula kulmaan caqabado lagu Imtixaanayo iimaankooda inta uu Gaarsiisan yahay, waxaana ugu Imtixaan weyn Nabiyada, waxaana ku Xiga kuwa Iimaan ahaan darajada Nabiyada Iimaanka ka hooseya, ka dibna sida lookala Iimaan Wanaagsan yahay.

AKHRI QAYBAHA KALE: https://somalitalk.com/tag/quraanka/

W/Q: Cali Axmad
asadaxg@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.