Home » Warar »

Boosaaso: Nin Dhallinyaro ah oo Saakay lagu diley Suuqa Sarrifka Lacagta…

Waxaa saakay (Axad August 22, 2010) magaalada Boosaaso lagu diley nin dhallin yaro ah, dilkaas toogasha ah oo ka dhacay Suuqa Sarrifka Lacagta ee magaalada dekedda ah ee Boosaaso.

Ilaa hadda (markii warkan la qorayey) ma jirin cid loo qabtay dilkaas.

Shacabka ku dhaqan magaalada Boosaaso ayaa in dhawaanahan si weyn uga cabanayey dilalka ku soo batay magaalada iyo ayada oo aan inta badan la soo qaban cidda falalkaas foosha xun ee dilka ah ka geysata magaalada.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.