Home » Warar »

Wariye CabdiRaxman Sahal oo ka soo saaray Bayaan eedaymo ooga yimid Sh. Maxamed Cabdi Umal

Sheekh Maxamed Cabi Umal, ayaa bayaan  ku qoran  afka soomaaliga soo saaray T: 19-8.2010  kaas  oo lagu baahiyay Internetka. Halkan ka akhri.

Bayaan kaas wuxuu si qayaxan u weeraray Wariye: Cabdiraxman Sahal  oo ah  wariyaha  wibesaydka: Aljazeera.net, Kenya.

Laakiin  maxay tahay xaqiqada dhabta ah ee jirta?

Anigoo ah wariye Cabdiraxman Sahal waxaan ka qaaday waraysi kooban Sheekh maxamed Cabdi Umal kaas oo laxiriira Heshiiskii dhaxmaray Jabhada WSLF iyo Itoobiya T: 29-7-2010, kadib waxaa lagu qoray webka:  aljazeera.net T: 17-8-2010, halkan ka akhri.

http://www.aljazeera.net/NR/exeres/EFCF590F-C47D-4FBC-9FAF-DDF04523D69F.htm

Waxaa dhacday in  laga tagay qayb ka mid ah hadalka sheekh Maxamed Cabdi Umal arimo la xiriira dhinaca farsamada owgeed, in kasta oo laqoray qaybihii ugu muhiimsanaa hadalkiisa,  taas oo  sheekha aad uga  caraysiisay, laakiin  xiriir dhaxmaray aljazeera. Iyo sheikh Umal,, waxaa lagu daray hadalkiisii, qaybtii laga reebay markii hore,iyadoo la tixgalinayo codsiga sheekha.

Kadib markii la, fuliyay codsigii shekh Umal,  wuxuu soo saaray bayaan aad iiga yaabiyay, waxaana ka mid ahaa erayadiisa  ( run ahaantii waxaa dhacay wixii aan ku aqoon jiray wariyayaal  badan, isla markaana aan ka baqayay taas oo ah in hadalka loogu tasarufo oo loo dhigo kolba sida ayagu rabaan) wuxuu kaloo igu eedeeyay in waraysiga  aan ka qaaday in aan kalahaa, ujeedo ii gaar ah.

Sidaa darteed waxaan halkan ku cadaynayaa in eedayntaas , ayna sal iyo raatoona lahayn.

Mida kale waxaa kale oo uu sheegay in hadalkiisii xaga danbe laga raaciyay qola kale aragtidooda oo ay ku kala duwan yihiin sida uu sheegay qiimaynta Heshiikan, balse taasi waa faragali qayaxan oo aan loo baahnayn, waayao, warbaahintuna waxay xaq u leedahay in ay isu keento fikirdo kala duwan.

Waaxaan  aad ula fajacay warbaahinta qaarkood oo ku tilmaamay warbixintayda mid been abuur ah. taas waxaan leeyahay waa mid wax kama jiraan ah, waxaana xusid mudan in aan hayo waraysigii aan ka qaaday sheekh Umal oo qoral ah.

Waxaa jirtay hada ka hor in aan waraysi dheer ka qaaday sheikh Maxmed Cabdi Umal T:27-3-2010 waraysigaas oo uu sheekhu soo dhaweeyay markii lagu qoray Wibe: Aljazeera.net.

Halak ka akhri: http://www.aljazeera.net/NR/exeres/45158492-A425-484D-877F-935F9A164BE6.htm

waxayna taasi cadayn u tahay in aan aniga ujeeda gara ah kala hayn cidna.

Qore: wariye: Cabdiraxman Sahal Yusuf
T: 20-08-2010 tell:  0722657313
Nairobi- Kenya.
Email: xadur06@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

17 Jawaabood " Wariye CabdiRaxman Sahal oo ka soo saaray Bayaan eedaymo ooga yimid Sh. Maxamed Cabdi Umal "

  1. Heshiis ma xuma ……..

    Haddii uu shuruudo leeyahay, Ujeedana leeyahay.
    Waana marinkeena hadii Illaah talada Nawaafajinayo!!

    Dagaal ka Aan si kale ugalo!!
    oo la dagaalo ; Jahliga, iyo faqriga, ummadeena ku habsadey!
    wadankana sharci ha lagu soo rogo!!!

    Intaa markaan leeyahay, Runtii kama war hayo waxa heshiisku ku saabsan yahay, iyo balan
    ta lala galay Senawi

    Gulleed Qaryad Faarah

  2. Hashiis Ethopia lala galo waa gaalnimo ama ma ahan, ma wax la isku qaldi karaa? Ma weriyahaa labadaas arin kala garan waayey? Ilama ahan.

    Bayaanka Sheekh Umul waan akhriyey. Wuxuu sheegay in hadalkiisa si kale loo fasirtay. Hase yeeshee, bayaanka kuma sheegin waxa fikirkiisa oo sax ahi yahay. Haduu Sheekhu bayankaas qoray, sababta uu fikirkiisa ku aadan heshiiskaas Ethopia lala galay ugu cadeeyn waayey, far baa ku gudan.

    Weiyuhu wuxuu sheegay inuu haayo wareysigii oo qoraal ah. Qoraal waa laga murmi karaa. Weriyaha waxaa la gudbooneed inuu cajalad ku duubo hadalka sheekha oo dhan. Waan rejeeynayaa inuu mustaqbalka sidaa sameeyo.

    Wa billaahi towfiiq.

  3. ali says:

    arinta si kale ha loo eego

  4. Ascw, aad ayaad usalaman tihin walalaha bogan somalitalk, kadib waxay ilatahay arinta lagahalahayo, horta khalad wudhacaa oo hadaynaan gafahaynin waxaban ahan lahayn macsuumin , hadana waxay ilatahay in lays Ixtiraam6 4lahayna laga cabsado

  5. Guula says:

    Waxa wax lala yaabo ah iyada oo labada dhinacba ay si macquul ah isaga bari yeelayaan waxa laysku haysto, hadana dad waaweeyn oo wata magac islaameed sheeganayana dad wax garad ah in ay sheekha dusha ka saarayaan eeda, hadaba dadkaas ma cuqdad xun ayaa halkaas gaarsiisay oo ay shaakha u qabaan mise waa dad khabyaalad madax martay? jawaabta waa iska cadahay!

  6. Abdi says:

    Assalamu Calaykum,

    Waxaan maalintii lasoo daabacay akhriyey qoraalka muranku kujiro oo ay aljaziira soo gelisay, Isagoo Carabi ahna waan akhriyay, isla markiiba bogag kale oo aan booqday ayaan ka arkay in Sheekhu uusan sidaas hadalka u dhigan.

    Hadaba horta sideenaba sidii aynu ugu tumanay xaqa qofka banii aadamka ah ayaynu ugu tumanay xuquuqda saxaafadda. Sharciqu wuxuu qabaa in hadii qofku hadal kuusheego aadan waxbana ka goyn karin waxbana ku siyaadin karin. Waayo hadii hadalka wax laga gooyo ama lagu daro waxa uu yeelanayaa macno kale.

    Horta aan isla qiro in hadalkii sheekha wax laga bedelay sida uu sheekhu war saxaafadeedka kusoo qoray. Mar hadiiba hadalkii wax laga gooyeyna gef baa la sameeyey. waana lagu tasarufay hadalkiisii dhinacii uu u socday mooyee dhankalena waa loo leexiyey sidaas darteed isagaa raali gelin mudan.

  7. wadaad yare says:

    Waa markii iigu horeysey oon soomaali talk ra,yi ku qoro. Arinta ku saabsan khilaafka Sh. Umal iyo weriyaha hadaan ka hadlo, waxaan qabaa labo arrimood ayaa jirta oon dad badan xisaabta ku darsaneyn:

    1. Mawqifka mabda,igaa ee Aljazeera kanaal ahaan ay taageerto afkaarta Alqacida oo ay u aragto in loo isticmaalo bargaining chip ama warqad daqdi oo Mareykanka iyo R/Galbeedka iyo Sacuudiga seynta looga maroojiyo. Qofkii u kuur gala arintaas wuu dareemayaa, fikriyana kama ahan laakiin waa awr ku kacsi iyo dad ku xumen. Sidaas darteed Sh. Umal hadalkiisi waxaa la dhigey siyaaq(context) u adeegaya aragtida Alqacida ee takfiirinta iyo rabsho abuurka mujaradkaa ku dhisan. Waxaa la yiri: Salafiyiinta Bariga Afrika oo gaalnimo cad ku tilmaamey heshiiska jabahada WSLF la gashey Itoobiya, markaas ayaa leysku lifaaqey Sh.Umal, Xasaan iyo Shabaab mawqifkoodi! waa doqoni ma garatey in qofka haadaan looga tuuro.

    2.Arinta labaad oo iyaduna meesha taalla ayaa waxey tahey in sheekha ay kala jiidaneysso qanaacaat fikriya iyo mawaaqif hore oo Salafi Jihaadinimo ah oo sheekhu aqdaabteedi fikriga ahaa ka mid ahaa iyo waaqicinimo iyo pragmatism ay daruuro ka dhigtey is badallada cusub oo saaxada G/Afrika.

    Sheekhu sida Salafiyiin badan gaar ahaan kuwa jihaadigaa wuxuu qabaa in qawaaniinta wadcigaa iyo dasaatiirta wadcigaa gaalnimo tahey iskeed, dhanka kalena heshiiskii ka heshiis ahaan wuu ku qanacsanyahey sida ka muuqata. Waa dabin aad u khatar ah, waayoo waxaa iska hor yimid qanaaca diiniya iyo qanaaca siyaasiya oo isla hal qof ku kulmey!

    Sidaas ayaan u arkaa jaah wareerka jira.

  8. Marka hore waxan salaamaya webka iyo ragga iska leh, Waxan waana iyo naseexo u soo jeedin sheekhuna faadil sheekh maxamed cabdi umal xafadahullah. sheekh waa aakhiru zamaan afkaaga ka dhowro sharafta aalah ku siiyeyna aallah kuu xafido adiguna da,daal waayo adduunka been abuurka wax uu ka nqday caadi saxaafadan warkeeda ha sheegin, sheekh cilmiga iyo difaaciisa iyo barashada aad dadka baraysid korarso hadda ka hor mar aad aad xamar tagtay baa tiri wan iska gaabsan marki danbane saaxada wad ku soo noqotay wan ku farxay soo noqoshaddada, tas waxan ula jeeda cilmiga naafica ah ha ka gaabsan oowad allah cimri fiican iyo cibaada san ha kuu kordhiyo, anigu waxsan ahay dadka ka xumaada in culumada wax loo dhimo cirdigooda iwm, sheekh ka gaabso suxufiyiinta haddii hadhow laguy been abuurto ha shalaaayin waayo xaalka adduunku ma ah mid caadiya, sheekh adiag iyo culumada oodhan hadddi wax laga sheego ama lagu ben abuurto qof kasta oo ahlu diin ah nwaa ka xumaanaya sheekh adigiuna dhiiga ha isku kari aniagan dhiig ah nagu karin waayo qof kasta oo jecel culumad ama adigaba sheekh ahan ku jecel dhiiga ayaa ku karaya marka lagu ben abuureto ama wax loo dhimo, soomaalid awaxan oran lahaa culamada ixtiraama ogaada culamda in ay dhaxleen ambiyada, alculumaa waratathul ambiyaa allah yaxfadak ya sheekh iyo culama oo dhanba aswr wbr

  9. muse says:

    sc wr wbk.waxaan oran laha dadka qaarkii in ay culimada madaxa isku galiyaan jecel waxaan idin oran laha ilaah ka cabsada.sida ninka qoraalka qoray abuu sheeyba.akhii adi shiikh umal iyo shiikh xasan haku mashquulin adi naf ahaantaada wax baro.intaas ayaan kujeedin lahaa ….ilaaahna ha xafido shiikh maxmaed cabdi umal ilahaw cimri deer iyo cafimaaf iyo cibaado suuban sii cilmigaa ka dhageestayna ilaah ha iga digo mid ku anfcaa-

  10. kismayo says:

    Asc Waxaa amaan iyo xusid mudan walaalaha shabakada wadaniga ee somalitalk, sida ay had iyo jeer isugu dhabar jabinayaan Soohdimaha iyo Dhulka Soomaaliyeed, sidii ay afka iyo qalinka ugu difaacayaan. Intaas kadib culimo iyo caamo mid aan gafeyn majiro maxaa yeeley insaan ayaanu nahey waxaa laga yaabaa inaad hilmaamto xuquuqdaada iyo mida dadkale kugu leeyihii si’sahlan iyo midii alaah kugu lahaa. Markaa aan usoo noqdo mowduuca dhulka soomaaliyeed ee itobiya ay xooga ku haysato ee loo yaqaan Soomaali galbeed ama Ogadenya, ninkastoo heshiiskula gala Itobiya oo nan ahey dhulkeena nasii iyo qaata waxbo kama jiraan heshiiskiisa isaguna malahan Dhulka waxaa leh Soomaali oo dhan gaar ahaan kuwa musliinta ah, Shiikh ibraahim waa qaldaamey ninkii ku raacan waa lamid waxa uu danbi kagaley umada soomaaliyeed oo dhan iyo diinta islaamka aynu u nasab sheeganeyno. Mida Umal iyo al jazeera waxaan u maleynayaa in sheequ ayla fool xumaatey markii uu qoraalkii uu isgu siiyey amarka ayna aheyd hadaladiisa uu arkey in laga fiicnaa inuu sidaa u udhigo warkiisa, oo meeshii uu raali galin kabixin lahaa cafisna waydiisan lahaa cidii uu u gafey ay ula muu qatey inuu dafiro, taasoo iyana sii dhaawaceysa darajadiisa ama kalsoonidii lagu qabey sheekha. Waxaan leeyahey cid aanan gafin majiro, magfe waa illaah, ee toowbada way furantahey ee culimado illaah ha u towbad keeneen, Ilaahna haka baqaan.

  11. Hersi says:

    qofku waa uu mucaaradu karaa heshiiskaas dhexmarey dowlada iiyo mucaaradkeeda..lakiin in la gaaleeysiiyo qofkii itobiya la heshiiyaa oo muslim ah taasaa ceeh ah ..midda kale itoobiya dhul ahaan dadka ku nool inta badan waa muslimiin waliba suniyiin ah oo waliba heysta madhabadda shaaficiyada halka dowladaha ku xeerenna saa wada yihiin…islaamkana dagaal iyo cunfi kuma faafo ee nabad iyo naxariis iyo daganaansho buu ku faafaa ..sidaasi daraadeed anigu waxaan qabaa in wx lala qabsado dowladda hadda jirtaa oo islaamka uu kala kulmey soo dhaweyn wacan ..sidoo kale waxaan qabaa in la mideeyo somalia iyo ithiobia si islaamku usii xoogeysto…oo aan loo dhaxeyn mustaqbalka suudaan iyo somalia…micno kale mid-nimada geeska africa waa midnimada islaamka .

  12. abdirisaq says:

    Waxaan ka codsanayaa walaalaha weriye cabdirahman sahal iyo Shekh Umalba inaysan arrinta kor u sii rarin oo dood kale nagu furin kaas oo kasii mashquulinaya dadka mawduuci arrintu ka billabatey ee ahaa heshiiska.
    Waxaan ka codsanayaa sheikh Umal oo ah ruuxa qoraalki hore loo tiiriyey haddana qoraalka ka dambe inuu ka yimid loo tiirinayo maadaama uuba asagi joogo ilaahay mahaddis oo noolyahay inuu si cad u bayaamiyo arrinta.
    Waxaa uu sameyn karaa labo mid sidi hadba xikmaddu ku jirto.
    1. Inuu min jadiid mawqif cad oo uu asagu leeyahay oo si cad u bayaaminaya waxa uu arrinta ka qabo umadda usoo bandhigo si meeshaba uga baxdo sidaasn idhi iyo manad odhan.
    2. In uu ku gaabsado in uusan mawqifkiisu sidaas ahayn lahjaddaas adagna aysan ahayn mawqifkiisa uusanna qabin gaalnimada la sheegayiyo wixi kale ee adag ee meesha ku qoran kaddibna xaq buu u leeyahay inuu ka gaabsado inuu asagu shkhsiyan mawqifkiisa si faahfaahsan u caabbiiro haddi xikmaddu sidaas diideyso.

  13. jaamac says:

    asc waxaa salaamaya raga web ka masuuliyinta ka ah run ahaan tii waxaan aad ula yaabanahay hadalada iska hor imaanaya ee shiikha kasoo baxaya maxaa yeelay shiikha waxaan ku naqaanay inuu runta ka ganbanin waxaana isweydiin mudan maxaa helay shiikha waa laajeeda waxa jabhada gashay oo kufri kenaya ee madadka ayaa indhaha latiraya mase shiikhu waxa uu raali kayahay indhulka somaliyeed laga gato itoobiya mise waxa horay uu usheegi jiray baan diin aheen ama hada uyuu ra,yigiisa diin noga dhigaya waa wax isweydiin mudan maxaa yelay niman kam uu ibrahim horkacayo diintii iyo dalkiiba waa qiyaameen ilah ayan weydii saneyna hidayo

  14. BISmilaahi raxmaarini raxiim
    anigoo ah magaca kor ku xusan aad ayaan oola yaabanahay in sheekh maxaed ummal oo ah masha ikhda logu kolsooni badan yaay uu u bareray nin wariye ah in uu ku been abuurto waa yaab waa yaab waa yaab c/raxmaan sahal ilahay ka cabso oo been ha ka faafin sheekha haddad been ka faafisid oo aadan ka laaban insha alaahu waxbaa iska kaa badli doona bi ithnilaahil baari haddii aadan u bareerina arrinkaas isla saxa adiga iyo sheekha oo kaa tabanaya in aad wax ku dartay warkiisi tan kale sh maxamed cabdi umal waxaan usoo jedin lahaa war baahintaa warkaaga ka yarayso fitno badan aya jirta fadwooyinka istaba joogaana iska yaree wayo waxaa loo arkayaa in xikmadaadu yaraanayso maahan in aan wax kuu dhimayo ee waa waano iyo aragtidayda waliba walaahi aad ayaan u jeclahay in aan waxyeelo dhinacna kaa soo gaarin

  15. Abu Shayba says:

    Walaal Cabdirahmaan sahal waad ku saxantahay in aad cadayso waxa jira oo sida xaqiiqadu tahay aad cadayso dad badan ayaa aminsan in sheekhu qaldami akrin (oo macsuum yahay) beenna sheegi karin oo isla markiba dhahaya wariyaha ayaa been sheegaaya oo sheekha ku been abuurtey. laakiinwaad asiibtey dadka cadaaladda yaqaan runtana ka ahdla aanna xaqa u fiirin kan ayaa sheekh ah iyo kan ayaa wariye ah aan u fiirin way qiimeyn karan midda kale weriyuhu wa nin muslim ah oo mukalaf ah sida wadaadka looga doonayo in uu xuduudka ilaasho aya wariyahana laga rabaa ee yeysand adku u qadan weriyaasha niman ah jaanta furan rag badan oo culimo ah aya weriyaal ah.

    Warbixintaada wan akhriyay tii sheekhana waan akhriyay waxaa iisoo baxday in sheekhu ka caraysanyahay dhax dhaxaadnimadaada oo ah in aad sheekh xasan soo qaadatay.

    Sheekh xasaan kama cilmi Yara sh Umal taasnah sheekh xasaan baa cadeeyey waxaana loogu laabankaraa (sharxiga kitaabka Al Dalaail Cajalada 12 naad.)

    marka xaq ayaad u leedahay in labada sheekh ee Magaalada Nairobi ugu waaweyn aaad war kasoo qaado.

    Wuxuu rabay in isaga kaliya aad war ka qaado xasaana aadan waxba kasoo qaadin
    taas waan ku fahanay sheekheena Umal.

    Jazakkallaah u kheer al jazaai

  16. Galgala says:

    Asc walaalayaal waxaan ku faraxsanahay inuun kusoo biiro webkaan, dhanka kale waxaan aad ugu faraxsanahay sh. Maxamed Cabdi umal inuu iska beriyeelay heshiiskii jabhada somali galbeed

  17. M.Haji says:

    Sahal, walaal anigoo shaki ama tuhun aan ka qabin ujeedadaada ayaan haddane kuugu yeeraay in aad sheekha si toos ah u gala ahdashid arinkaan, si aad isula garataan, kadibna uu isag shakshioyan arinakaan kuu baal mariyio.
    Nasiib Wacan.