Home » Maqaallo »

RATIGii JAABIR IYO IPODKII SHIBILE ???!!! | Sheekh Saahid

Horudhac
:

Sidaan wada ogsoon nahay Ratiga ama Awrka ayaa waqti dheer
ahaa gadiidka kaliyah ee la iskaga goosho adduunweynaha.
wuxuuna ahaa gaadiid aan la dhayalsan karin oo lagama maarmaan
u ahaa safaradda dhaadheer ee qaaradaha adduunka la isga kala
goosho sida Aasiya iyo Afrikaba.
Waxaana sida la soo wariyey in Saxaabigii weynaa ee Jaabir bin
C/llaahi ayaa Rati soo iibsaday si uu ugusafro Shaam asagoo
raadinaaya hal xadiis oo loogu sheegay in uu wariyey Saxaabigii kale
C/llaahi ibnu unays oo markaas ku noolaa dhulka Shaam.
wuxuuna safarkaasi Jaabir ku qaatay in uu bil u safro xadiiskaas
kaliya in uu ka soo wariyo C/llaahi ibnu unays, wuxuuna ahaa
xadiisku in uu Nabigu yiri NNKH :
( Maalinta qiyaamaha waxaa la soo kulminayaa dadka oo dhan ayagoo kaba la’ dhar la’ aan gudnayn) .
ama sidaas oo kale ayuu yiri.
Jaabir ayaa yiri waxaan ka baqay anigoon kaa maqlin in aan dhinto.
Sidoo kale waxaa caan noqotay Culumaddii Qarnigii Labaad in ay
safar ku kala bixiyaan magaalooyinkii dhulkii Muslimaanta waagaas ugu waaweynaa,ayagoo raadinaaya Caalim ay axaadiis iyo Cilmiba ka meersadaan.
Waxay u kala socdaali jireen Makah & Madiina ilaa Ciraaq & Shaam, Bilaadka wabiyadda ka danbeeya Sida Bukhaara, Samarqandi, Naysaabuur,Sindi iyo waliba Masar,Suudaan, Yamen,
Qayrawaan,faas iyo Galbeedka Afrika ilaa AL-Andulus ( spain & portugal).
waxaas oo dhul ah waxaa lagu mari jiray Rati iyo Rakuub.
Culumaddii Waaweyneyd ee Axaadiista ururin jirtay waqtigii Dahabiga ahaa ee Dhamaadkii Qarnigii labaad ilaa bilowgii Qarnigii Sedddexaad & waliba kii afaraad sida Yaxya ibnu Qadaan, Hushaym, sufyaan ibnu Cuyeynah,Sufayaanu Al-thawri,Awzaaci, Acmash,
mohamed ibnu idris ALshaafici, C/llaahi ibnu Mubaarak, C/raxmaan ibnu Mahdi,Axmed bin Xanbal, Yaxya ibnu Maciin,Cali ibnu Madiini,Bukhaari, Muslim,Abuu Daa’ud, Nisaa’i, Tarmadi,ibnu Maajih, Daarul Qudhni, Abuu Zurcah, IWM.
Culumadaas oo dhanba kumanyaal Axaadiis ah ooy noo Aruuriyeen waxay raadintooda kala kulmeen Safaro Daal iyo Gaajoba leh .

HOR FARIISIGA MACALLINKA :

Culumadaas oo dhanba waxay Cilmiga kala kulmi jireen Shiikhyadooda ayagoo hor fadhiyaoo uu u meerinaayo , ama mararka qaarkood ayagoo macallinkooda kitaabkiisa ka guursanaaya Ijaazo ahaan amaba macallinkooda ku dul akhrinaaya asagoo dhageysanaaya.
Sidaas ayaana Cilmiga la iskugu soo gudbiyey Ab ka Ab ilaa uu na soo gaaray, waxaan Xasuustaa Masaajidadeenii Soomaaliya in ay Xertu ku akhrin jireen Quraanka,Fiqhiga,Naxwaha,Sarfiga,Mandhaqa,Curuudka, iwm kadibna ay ku soo biireen Dhamaadkii Toddobaataneeyadii Kitaabu Towxiid,Tajwiid,Sharxul Caqiidatu AlDhaxaawiyah IWM.

CASRIGII CAJALLADAHA :

Bilaawgii Sideedtameeyadii waxaa ayaduna bilaabatay Casrigii Cajalladaha oo laga soo daabuli jiray Cajallado Cilmi Xamabaarsan sacuudiga,Khaliijka,Masar. Taas oo dad badan u sahashay in ay
Rikooradooda ay kala socdaan Culuumta Islaamiga ahayagoo Gurigooda fadhiya Shiikhiina Casharkiisii Dhageysanaaya ama Muxaadaradiisii.
Sagaashameeyaddii Horaanteedii ayey saray u sii kaceenCajalladihii Siiba Cajalladihii Shiikh Ibnu Baaz, Cuthaymiin,AL-baani,Shacraawi, Xasan ayuub,Shiikh Kashki,Qardhawi, C/xiim Dhaxaan,
Salmaan Cawdah, safar Xawaali, Caaid Qarni, Qadaani, Dhandhaawi, Shiikh Mohamed Macllin, Shariif C/nuur, Shiikh Cumar Faaruuq, Shiikh Mohamed Qawi, Shiikh Boqolsoom IWM.

CASRIGII CD-GA IYO MP3:

Dhamaadkii Sagaashameeyaddii ayaa Cajalladihii loo badalay CD & MP3,
kuwaas oo ka qaadis weyn Cajjaladihii 90 Daqiiqo Soconaayey halkii CD ayaa qaadi karaaya in ka badan 100 Cajalladood, taas oo fududeysay qaaditaankii cajalladihii fara badnaa.waxayna Casrigaan CD & MP3 soo kordhiyey in Cilmigii si dhaqso ah dadka dhexdiisa ugu fido.
Tusaale ahaan Tafsiirkii Shiikh Cumar Faaruuq oo ka koobnaa 240 Cajalladood ayaa lagu soo koobay
3CD oo kaliyah.

DULUCDA MAQAALKAYGA :

Akhristahaygiiyoow haddii aan u soo daadego dulucda maqaalkaygu xanbaarsan yahay ayaa ah in saxaabigii weynaa ee jaabir ibnu c/llaahi AL-ansaarii ayaa dhibaato ka maray safar ku qaatay hal bil asaga & Ratigiisii si uu u soo xasiliyo hal xadiis kaliyah.
Maanta technolojiga casriga ah wuxuu noo saamaxayaa in aan 10,000 oo xadiis aan gacanteena ku qaadano annagoo ku  dhageysaneyna Aaladda cusub ee ( ipodka) oo ah tii ugu danbeysay waa Aalad sacabkaaga le’eg akhristoow oo qaarkood taabasho fudud leh ( i touch ) oo aad farahaaga ku badbadali karto, waxuu ipodku u kala baxaa quwada Gg bayt 8,30,60,80,120,160 mid ka ugu yar ayaa kuu qaadaaya quraan akhriska 114 tafsiirkiisa, fasirka axaadiista bukhaari & muslim  iwm.

CASRIGII IPODKA :

Maanta waxaan is barbardhigeynaa ratigii saxaabiga jaabir ee bil u kala socday magaalada barakaysan ee Madiina Al-Munawara ilaa dhulka Shaam iyo ipodka sacabkaaga le,eg ee aad ka buuxsan karto tafsiirro Quraanka oo kala gedisan iyo akhrintiisaba  iyo 10,000 oo  xadiis iyo kumaankun muxaadarooyin, oo waliba lala qabo maqal & muqaal video.
Akhristoow ma soo xasuusatay qowlkii allaah SWT ee uu ku yiri :
( Allaah wuxuu dadka baray wax aysan Aqoonin)  96:5
iyo waliba kii kale ee ahaa : ( waxaan soo dejinay Birta oo  dhexdiisa  dhibaato badan ayaa ahaatay iyo wax dadka anfaca…) 57:25 sida ipodka.

Shiikh shibile iyo sharaxa Naylu Awdhaarkii Shawkaani :

Akhristoow haddii aan kuu soo sharxay ratigii jaabir haatan waxaad iga sugaysaa ipodka shibile muxuu yahay ????
Cilmiga ugu fiican aan ka dhageystay ipod yar oo 8gb ah ayaa waxaa wallaal Dalmar uu iigu soo shubay qiraa,ada Shiikh C/rashiid cali suufi iyo sharaxa saxiixul bukhaariga shariif c/nuur iyo tafsiirka shiikh cumar faaruuq iyo sharaxa Naylu Awdhaarka shiikh shibile.
Akhristoow waan tacajubay markaan cabaar ku taxnaa sharaxa Naylu Awdhaarka uu sharxay shiikh Shibile Allaah ha ka abaal mariyee hana noo Barakeeyee  Cimrigiisa & Cilmigiisaba.
Kitaabka Naylu Awdhaarka oo sharxay kitaabkii ibnu tiimiyah Awoowgiis abul barakaat ee ( muntaqii al akhbaar) oo ah kitaab Axaadiisul Axkaam .
kitaabkaas ayaaba ah kitaab fiqhu muqaarin ah oo afarta madhaboodba soo guurinaaya iyo kuwa kaleba ,aad buuna ugu fara yareystay caalimka reer yamaneed ee shiikh Mohamed Bin Cali AL-shawkaani.
laakiin sharaxa shiikh shibile ma wuxuu ku gaabsaday sharaxii naylu Awdhaarka mise wuxuu ku qurxiyey kutub fara badan oo ay leeyihiin culumo mucaasiriin ah oo qarnigeena joogtay sida muxadiska weyn ee shiikh naasir diin AL-baani kutubtiisa silsilooyinka axaadiis al saxiixa & alaxaadiis al daciifah, kitaabkiisa qayimka ah ee takhriijka irwaa ul Galiil,
sifatul salaatul nabiye, mishkaatka iwm.
sidoo kale shuceyb Arnaa,uudhi, qowth mufiidka Xuweyni , cumdatul tafsiirka Shiikh Axmed Al-shaakir muxadiskii reer masar., Nasbul Raayaha
muxadiskii soomalida ee AL-zaylaci iwm.
waxaas oo kutub ah ayuu ku qurxinayaa takhriijinta Axaadiista kitaabka naylul Awdhaarka, markaas ayuu wuxuu ka soo saaray fiqhi muqaarin dhadhankiisu sareeyo, se siduu asaguba muqdamada sharaxiisa ku sheegay waa in aad horta marka hore soo dhageysataa taysiirul calaamka shaxay Axkaam al axkaam iyo waliba kitaabka buluuqu maraamka ibnu xajar ee labadaba uu af soomaali ku sharxay macallinkayga shiikh shariif c/nuur, markaad kuwaas soo ebyidid ama horayba uu cilmigu kuugu bilaabnaa ayaad ku raaxaysan kareysaa sharaxa Naylu Awdhaarka ee shiikh shibile waa haddii sideyda uu kuugu jiro IPODKA !!!!

Maqaalkaygii Ratigii jaabir iyo Ipodkii shibile aan ku soo gaba gabeeyo Akhristahaygiiyoow haddii cilmigii maanta laguu fududeeyey oo technolojigii kuu soo gaabshay meel hal xadiis dhib bil ah loo safri jiray laguu soo saaray Aalad sacabkaaga le,eg sow maahan in aad ka faa,ideysato oo beryo kooban Shiikh aad ku noqoto, inkastooy Soomaalidu Dhahaan:
( shan beri Shiikh laguma noqdo ) .

fii amaanilaah.

SHIIKH SAAHID MOHAMED YUSUF
USA,VA
sahidyusuf@yahoo.com
AL MUTAKHASIS FIL XARAKAAT AL-ISLAAMIYAH

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " RATIGii JAABIR IYO IPODKII SHIBILE ???!!! | Sheekh Saahid "

  1. Mh Mohammed says:

    Salaam Saahid, daacaddii mar marna dadka waad ka qoslisaa waxaan la yaabay sidaa iskula keentay IPODka iyo RATIGA.

    Ilaahay hakaa ajarsiiyo dadaalkaaga ku wajahan ku boorinta in wax la barto.

    Wabillaaahi Tawfiiq

  2. Asc,

    Jazaakallaahu Kheyran, Sheekh Saahid, Ilaahay kheyr ha kugu abaal mariyo sida aad noogu boorrisay barashada cilmiga oo runtii ah wax lagu gaaro raalli ahaanshaha Alle weyne iyo jannadiisa…..dadkii hore ayaa runtii aad u garanayay dhadhanka macaanka cilmiga, taas baana ku kallifaysay inay dhibkaas u maraan cilmiga maanta sida dhib yarida ah horteenna u yaalla oo aynaan hadana ka faa’iidaysanayn, anigu waxaan u arkaa inay nagu tahay xujo, Allahna na weydiin doono adduunkaan naloo furay iyo sida aan uga faa’iidaysanno…
    Allah baan weydiisanaynaa inuu na baro cilmi naafic ah, wixii uu na barayna nagu anfaco, cilmina noo siyaadiyo..
    Allahumma aamiin…

    Firdowsa
    Nairobi

  3. omar says:

    Aakhiro samaanka cilmiga ayaa la rafcinaayaa micnaha dadka quluubtoda iyo culumadii waaweeneed oo la weynayo iyo dadka oo aan xaajo ka laheen in ay cilmiga bartaan ee laakin cilmiga wuu oolnaanaya oo computarada ayay isaga jurayaan iyo aaladaha kale sida ipodka. Marka Ilaah ha noo naxariisto waa calaamadahi aakhiro zamaanka.

  4. AbuXudayfah says:

    Masha’Allah sax waaye Sheekh ´siada ad sheegtay lakin hal maah maha ayaan ku soo gaabinaa fekerkayag maah mahadaasna Macno wayn ayay xanbaarsanatahay waana sidaan
    ” Rag waa Ragii Hore Hadalna waa Kow Yiri”
    Maah maahdaan waxay cabiraysaa Ragii hore in ay Rag dhab ahaayeen balse Raga manaat jooga aysan Rag buuxa ahayn intooda abdan maxa ayeelay 20 jiryo ayaa Hugaamin jiray Ciidana ma Mas’uuliyada dag luu dhiibi jiray waqtigii Nbaiga Xitaa Miyiga Soomalaida wiilka marka aw 20 jir noqdo waxaa aw ahaa nin meel sare uga jira Qoyska lakin maaanta waxasa uu dhan waxay isku bedeleen Ciyaal Biib wax kale iska daaye Dabadii Qaawsaday uu wax ay yihiin aadaba garanayn!!!!!!!!!!!!!!!