Home » Faallo »

Dhiillo Culus: Dhayalsiga Shibbanayaasha Labanlaabma

Qalinkii: Maxamed Baashe X. Xasan
mohamedbashe@hotmail.com

Qiiro ayuu af kastaa leeyahay. Waa qiiro weyn oo dadka qaarkii murugo ku beerta marka ay arkaan garwaaqsi ahaan gefafka, gawl gawlka iyo xadgudubyada dadka qaar afkaas ka gelayaan marka ay ku hadlayaan, gaar ahaanna marka ay wax ku qorayaan.

Maalin baa meel Internet Café ah oo ku taalla magaalada London waxa soo gelaysa Islaan aad u da’ weyn oo Ingiriis ah. Waxa ay isla markiiba dhaadaysaa oo isha la helaysaa warqad wargelin ahayd oo meel derbiga ka mid ah ku dhejisnayd oo xanbaarsanayd qoraal gibin ah oo Af-ingiriis ah. Waxa qoraalkaas ereyada ku qornaa ka mid ahaa kelmedda ACCOUNT oo si kama’ ah ugu qornayd ACOUNT. Islaantu waxa ay judhiiba dareentay khaladkaas meesha ku jira. Iyada oo haddaba muraaradillaac ah, ayay inankii meheradda hayey, waxa ay si naxariis leh, uga codsatay inuu ama kelmeddaas xaqeeda mariyo oo ka saaro khaladka ku jira ama uu meesha wargelintaas ka fujiyo.

Qiiradu waxa sii badanaysaa oo heerka argagaxa ku sinmaysaa haddii la eego Af Soomaaliga dadka intiisa badani qoraan iyo sida aan in badani ugu aabbayeelin sida ereyadu u qormaan, gaar ahaanna xarfaha ama shibbanayaasha labanlaabma ee Afka Soomaaliga.

In kasta oo qaar kale jiri karaan, haddana sida Guddidii Afka Soomaaligu isku raaceen sannadkii 1972, toddoba ka mid ah shibbanayaasheennu way labanlaabmi karaan. Tilmaan ahaan waxa toddobadaas shibbane lagu baadi soocdaa labadan weedhood;

  • Ma nala garaad baa
  • Badar galaamayn

Sida muuqata toddobadaas shibbane ee labanlaabmaa waxa ay kala yihiin sida alfabeetada ay ugu kala horreeyaan: b d r g l m n (B D R G L M N).

Mar kasta shibbanayaashaasi ma labanlaami karaan, hase yeeshee waxa lama huraan ah in maraxadaha qaarkood la labanlaabo haddii kale se la gelayo khaladaad waaweyn oo mararka qaarkood dhiillo culus ah mar xagaafka la iska qaadsiiyo ee aan loo ab iyo isir eegin.

Tusaale ahaan, waxa marar badan lala kulmaa war sidan u dhigan:

  • Caasha waxa loo magacaabay wasiirada caafimaadka. Golaha wasiiradu waxa uu ka kooban yahay sagaal rag ah iyo haweenaydaas.

Caashi waa wasiirad. Marka qodobka “da” la raaciyo waa in ay noqotaa wasiiradda. Haddii aan sidaas la yeelin oo loo qoro wasiirada waxa noqonaysaa wadartii ama jamacii wasiir oo weli isna khalad ku sii jiro oo ah wasiirro = wasiirrada.

Qaybta labaad ee warkeenna oo ku saabsan wasiirrada oo dhan waxa aynu u qornay wasiirada oo dhawaaq ahaan ereygu jabnaanayo haddii aan xarafka “r-da” carrabka lagu adkayn ama aan la shedin, waxaana sax ah in loo qoro “wasiirrada” sida aynu xagga sare ku soo taabannay. Waxa taas u dhiganta labka iyo dheddigga wakiil. Wakiilad x wakiil. Wakiiladda oo ah haweenay waxa qoraalkeedu ka duwan yahay wadarta wakiil oo ah wakiillo oo marka qodobka la raaciyo u dhigmaysa wakiillada. Bal ha loo fiirsado kala geddisnaan wakiiladda iyo wakiillada.

Tusaaleyaal kale:

Bog waxa uu mar la macne yahay xaashida ka midka ah buugga, mar kalena waa xubin ka mid ah jidhka gudaha ee aadanaha ama xoolaha. Haddii qodob la raaciyo waxa uu u qormayaa bogga. Haddii aynu labanlaabkaas ka il-duufo waxa soo baxaya boga oo ah hal magaceed (Boga). Hashayadii Boga boggaa laga hayaa X Hashii Boga bogaa laga hayaa.

Labanlaabka ayaa kala duwaya sidaas oo kale macnayaasha ereyadan soo socdana:

  • Carab carrab la’ ayaa carruurta la cayaarayey markii Cali kubbadda uu Cabdi kubada kaga dhuftay. Cabdi weli kubadaa xanuunaysa ka dib markii ay kubbaddu ka haleeshay.
  • Sallaan buu fuushanaa markii Cali uu salaan wacan na siiyey.
  • Dhammaan caanaha way dhamaan.

In marka shibbanuhu labanlaabmayo la gartaa waa wax fudud. Dhawaaqa ayaa dhegta iyo carrabkuba dareemi karaan oo lagu kala saari karaan in ninka Carabka ah ee reer Ciraaq iyo xubinta jidhkiisa ka midka ah ee carrabku ay ku kala duwan yihiin shedka ku dhacaya xarafka “r-da” ee xubinta jidheed ee carrab oo haddii shedku ka baxo noqonaysaa nin ama haweeney Carab ah.

Qodobbada Farta Soomaalida

Meelaha kale ee had iyo gooraale lagu khaldamaa waa marka uu qodob raacayo ereyada qaarkood, gaar ahaan marka ereyadaasi ku dhammaadaan shibbaneyaasha “d” ama “g” ee ay raacayaan qodobbada “da” ama “ga”.

Qodobbada Afsoomaaligu waa toddoba:

  • a, ta, da, sha, ga, ka iyo ha.

Qodobbadu magacyada ayay raacaan oo tilmaan garasheed siiyaan.

Tusaaleyaal:

Qodobka “a”

  • Loox = looxa
  • Libaax = libaaxa
  • Geel = geela

Qodobka “ta”

  • Tib = tibta
  • Dhallin = dhallinta
  • Ib = ibta

Qodobka “da”

  • Nabad = nabadda
  • Colaad = colaadda
  • Lo’ = lo’da

Qodobka “sha”

  • Il = isha
  • Ul = usha
  • Dhiil = dhiisha

Qodobka “ga”

  • Doog = doogga
  • Taag = taagga
  • Guri = guriga

Qodobka “ka”

  • Kalluun = kalluunka
  • Bannaan = bannaanka
  • Dhul = dhulka

Qodobka “ha”

  • Caano = caanaha
  • Cune = cunaha
  • Waxaro = waxaraha

Sida qodobbadu ka marag-kacayaan magac kasta oo Afsoomaali ah haddii uu ku dhammaado shibbaneyaasha “d” ama “g” marka uu qodobku raacayo waxa khasab ah in labanlaab yimaaddo.

Tusaaleyaal “da”:

Wasaaradda, dawladda, xukuumadda, Jamhuuriyadda, iyaasadda, waddaniyadda, dimoqraaddiyadda, daacaadda, madbacadda, qaafiyadda, daaqadda, daasadda, nadaafadda, warqadda, doodda, nabadda, colaadda, niyadda, durriyadda, qabyaaladda, diyaaradda, majarafadda, laambadda, badda, dalladda, maddiibadda, malqacadda, xawaaladda, maaliyadda, shirkadda iwm

Tusaaleyaal “ga”

Bogga, doogga, diigga, dhiigga, taagga, tuugga, togga, aagga, udugga, unugga, adeegga, edegga, buugga, dheegga, dhuugga, duugga, laagga, mugga, maragga, ruugga, ragga iwm.

Runtii maalin kasta waxa khaladaad aan loo aabbayeelayn lagula kulmaa qoraallada ku soo baxa inta badan jaraa’idka iyo mareegaha internet-ka, gefafkaas oo in badan oo ka mid ahi ka soo jeedaan dhayalsi lagula kaco shibbanayaasha labanlaabma si ula-kac iyo aqoon la’aaniba ku jirto. Dhinaca kale waxa aad arkaysaa shirkad ama hay’ad dhan oo magaceedu si khaldan u qoran yahay sida Xawaalada “X iyo Y” ama wasaarada “X iyo Y” iyo Jamhuuriyada “X iyo Y” iwm.

Qiirada afku waa in gefafka looga damqadaa oo qof kasta oo wax ku qorayaa u tadhaa, teellana u dhigtaa xeerarka jira ee la isku raacsan yahay, haddii xagaafka la iska qaadsiiyo oo la gawl gawlo, sidii neef adhi ah oo waraabe orod ku fayl faylayona, ay ku dhiillo gelisaa oo laga dhawaaqaa.

Qalinkii: Maxamed Baashe X. Xasan
mohamedbashe@hotmail.com

AF-SOOMAALIGA OO QARKA USAARAN KASUULIDDA LUQADAHA AFRIKA

Qaabka Loo Qoro Wararka, Faallooyinka iyo Ra’yiga

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Dhiillo Culus: Dhayalsiga Shibbanayaasha Labanlaabma "

  1. Maxamuud says:

    Waxaa dhacda in dad aan maqaalladooda aqriyo, nuxurka ku jira qoraalladooduna wanaagsan yahay, inaan si gaar ah ugu qoro farriimo aan ku dhalliilayo tayada qorriinka erayaday adeegsadeen, higgaad-ahaan ama micne-ahaan labadaba. Laakiin walaalkeen Baashe maqaal buu ka soo qoray aad loogu baahnaa, Ilaahayna inuu abaal wanaagsan ugu beddelo baan Rabbi ka baryaynaa.

    Walaalkeen Murshid – oo ay muuqato macallinnimadiisa naxwaha af-soomaaliguna aad baan ugu mahadcelinayaa uguna duceeyay, isagoo cashar naxweed cilmiyaysan halkan inoogu soo bandhigay.

    Walaalayaal afkeennu yuusan gablamine, ha loo guntado inaynu u gurmanno gef-ka-dhowriddiisa iyo turxaan-bixintiisaba. Mudanayaal iyo marwooyin iyo inta kaloo maamuusanba waad mahadsan tihiin. Assalamu Calaykum.

    Maxamuud Weheliye.

  2. Murshid says:

    Qalinku ma toosiyo, ee naxwahaa afka toosiya!

    Waxaan salaamayaa bahda Somalitalk.com iyo M. Baashe oo wax ka qoray, sida loo jajabiyo qoridda af soomaalka. Waxaan dhihi karaa soomaaliga qof kasta oo akhriyi karaa, ma qori yaqaan! Arrinkuna kuma egka soomaaliga oo kaliya, ee af walba, english, carabi ama ku kaleba dadka u dhashay ee ku hadlaa, xittaa hadday akhriyi yaqaannaan, ma wada sixi karaan qoriddiisa.

    Sababtuna waa naxwaha. Afafka kale naxwahooda waa laga shaqeeyay, lana hormariyay. Keennu se wali waa curdan xagga naxwaha.

    Waxaan rabaa, inaan laba aragtiyood ku darsado walaalkay Baashe qormadiisa. Mid waannu isku raacsannahay, midna is kuma raacsanin.

    Waxaannu isku raacsannahay, in macnahu is baddalo, haddii laga tago labanlaab shibbane amaba lagu daro meel aan labanlaabmin.

    Sida uu walaalkay ka dhawaajiyay, tusaale ahaan carab/carrab, waxay kala yeesheen laba macne. Tusaale kale haddaan ku darsado, waxaa jira erayyo ka kooban laba eray oo la isu geeyay, laakiin hal macne uun leh:
    Nabad+doon = nabaddoon
    Nin+nimo = ninnimo
    Lug+goyn = luggoyn

    Ayaandarro, dad badan ayaa ka taga xarafka erayga hore ku dhammaado ama xarafka erayga danbe ku billowdo, sida:
    Nabadoon = nabad+oon(= nabad+oon/harraad!)
    Ninimo =nin+imo(= nin+imo/kaalay!)
    Lugooyo = lug+ooyo
    Tusaalaha ugu wayn, een la yaabay, waa bog idil oo la yidhaahdo halganews.com!
    = halga+news ama halgan+ews! Waana dabcan in loo qoraa halgannew.com

    Waxaan walaalkay Baashe ku khilaafsanahay aragtida ku aaddan tirada qodobbada soomaaliga: aragtidayda waa laba kaliya, ee ma aha toddoba. Laakiin labadaas ayaa dhawr u kala farcama, xaaladaha ayaana baddala.

    Dooddan waxaan ku salaynayaa sidan: qodobbadu midna waa dhaddig midna waa lab. Waxayna kala yihiin ka iyo ta, waxaa se mar walba xukuma oo ka dhiga sha, ga, da ama ha waa shayga ay sawirayaan ma u saamaxayaa, inuu toos u aqbalo ka ama ta.

    Sidoo kale waxaa xukuma, xarafka ka horreeya kuu yahay iyo waliba shayga la sawirayaa ma labbaa mise waa dhaddig. Ka iyo ta waxay u dhigmaan erayga af englishka ee the iyo kan carabiga ee al. Tusaale:

    Haddii af english la yidhaahdo a house iyo the house, ama carabiga bayt ama al-bayt, way kala duwanyihiin. Al iyo the wixii wadta, waa wax la garanayo.

    Sidoo kale ka ama ta wixii wadta waa la garanayaa. Tusaale:
    Nin waalan iyo ninka waalan, midka hore lama yaqaan, ka danbe se waa la yqaan.

    Isbedbeddelka ka iyo ta

    Xarafka L haddii uu dhaddig ugu danbeeyo culays dartiis L iyo ta isma raaci karaan, wuxuuna isu baddalayaa Sh Tusaale:
    Hal(geel dhaggig); hal da’ yar(lama garanayo midda laga hadlayo, laakiin haddii la isla garanayo midda laga hadlayo waxaa la dhihi; hasha,waayo carrabka way ku culustahay in la dhaho halta wayn. Haddii se erayga xarafkiisa ugu danbeeyaa uu yahay L, erayguna sawirayo shay dhaddig isbeddel kuma imanayo xarafkii L, Tusaale:

    Wiil, wiilka. Rasuul, rasuulka.
    Haddii uu shaki kaagaga jiro fasirkan, waxaad ku xaqiijin kartaa qaacidadan:
    Xubnaha jidhkaaga, kuwii magacoodu dhaddig yahay iyo kuwuu lab yahay jumlad(sentence) gali. Tusaale:
    Il(dhaddig), ishu way i xanuunaysaa(way adagtahay, inaad ku dhawaaqdo, ”iltu way ixanuunaysaa”, laakiin ciyaalka aan afka baran way jabiyaan ku dhawaaqista naxawe ahaan).
    Af(lab) afku wuu i xanuunayaa. –(ka/ta, hadday noqodto ku/tu, waxaa is baddalay faacilka, oo markuu falku ku dhacayo waa ka/ta: afka isku qabo, haddii uu ku/tu, noqdana iskagaa falka samaynaya; afku wuu hadlayaa. Taas mar kale ayaynu gooni uga hadli doonnaa, idanka Alle).

    Sidoo kale ga, waxay gashaa booska ay adagtahay ku dhawaaqista xarafka ka, tusaale:
    Xoog, xoogga dalka. Bog, bogga hore. Hadduu eray shay lab ah sawirayaa ku dhammaado G, isbeddel kuma sameeyo. Tusaale:
    Naag, naagta, boog, boogta.

    Sidoo kale, xarafka Ha, wuxuu galaa booska ka/ta, haddii eraygu ku dhammaado xaraf shaqal ah, tusaale:

    Caano, caanaha, naago, naagaha, biyo, biyaha. iwm.

    Sidoo kale xarafka Da, iyadu waxay taagantahay booskii ta, waxayna da u noqodtay culays dhanka dhawaaqista ah awgii, tusaale:

    Bad, badda: way culustahay, ina loogu dhawaaqo badta(ama macne kale oo ah ficil amar una dhigma tarma! ayay noqonaysaa), laakiin sida saxda ah waa badta. Ku dabbaq erayadanna sidoo kale; haybad, xikmad, kubbad.
    Kulligood, da’du waxay ku jirtaa booskii ta; haybadda, xikmadda, kubbadda iwm. Marmar waxaa jira la oggolyahay in la jabiyo qaabka ku dhawaaqista iyo qoriddaba. Waa marka loo isticmaalayo suugaanta, sida gabayga. Tusaale: haddii gabay uu yahay waxaad odhan kartaa:
    Haybad ta u qalantiyo, geel qaayo wayniyo qiimihiis…

    Haddaan soo koobo, walaalkay Baashe waxaan leeyahay, xarfaha:
    ga, sha, ha, da iyo a, waxay idalkood ka farcameen ka/ta. Isbeddelkoodana waxaa xukuma erayga ay raacayaan xarafkiisa u danbeeyaa muxuu yahay iyo ma labbaa mise waa dhaddig iyo.

    SC WR WB

    Murshid – msayid@hotmail.com

  3. Nadifa says:

    Walaal aad baan kuugu bogaadinayaa, waxaad mooddaa welwel aan dareemi jiray inaad soo bandhigtay, Allaah ha kaa abaal mariyo, dhabtii waxa taas ka daran marka aad daawato TV-yada soomaalida oo aad yaabayso qoraallada lagu qoro liidka hoose ee TV-ga, runtii waad ka gubanaysaa.

    Runtii qofkii ay u dhadhamayso uun baa dareemi kara qaladaadka se kii aan awalba horey u aqoon waxba ma dareemi karo.

    Ha loo hiilliyo afkeena macaan si ka badan sida aan ugu dadaalno afafka shisheeye ee loo barto misana loo saxo qoraal ahaan, dhabtii way yartahay amase waa dhif iyo naadir inaad aragto qoraal english ah ama carabi ah oo khalad badan ku jiro marka laga reebo il-duuf, lakin keenna waxaad mooddaa in gefefka ceel looga soo dhaamiyay.

    Guntii, mushkiladda ayaa waxay tahay inaan nahay Qaran gebi ahaanba burburay oo afka ciidda daray anshax, aqoon, dhaqan iyo afba, marka maxaad qoraal badbaadisaa naftii ayaaba badbaadi weysaye.

    Nadifa C/Xaliim

  4. Abdulfatah says:

    Aad baan ugu bogaadinayaa mudane Maxamed Baashe X. Xasan sida hufan islamarkaasna cilmiyeysan ee uu u iftiimiyey khaladaadka aan loo aabbayeelayn ee ka muuqda qoraallada afsoomaaliga ee daabacan. Waxaan rejeynayaa in qorayaasha Soomaaliyeed ay u hiillin doonaan afkooda hooyo, oo ay turxaanbixin doonaan qoraallada afkeenna nooc kasta oo ay ahaadaan ba, ka hor inta aan la daabicin.

    Abdulfatah