Home » Maqaallo »

Sideen u Fahamnaa Qur’aanka? | Q. 3aad

Markaana hadii aan u sii Gudbo Qeybtii Sadaxaad ee Maqaalkii Cinwaankiisu ahaa:Sideen u Fahamnaa Qur’aanka, waxaan Qeytaan kusoo qaadan Doonaa Labada Suuradood ee kala ah Aala-Cimraan iyo Al-Nisaa.

Suurada 3aad Aala Cimraan:

Suurada Aala-Cimraan waxey ka mid tahay Suuradaha aadka u Dheer, waana Suurada Sadaxaad Xaga Tartiib ahaan, Sababta loogu Magacaabay Aala Cimraana waa in ay Suurada si Faahfaahsan uga Hadashay Qisada Reer Cimraan oo ah Qoyskii ay ka Dhalatay Maryama oo ah Nabi Ciise Hooyadiis, sababtoo ah Qisadaan waxey Tilmaameysaa Awooda Buuxda ee Allaah u leeyahay inuu Abuuro Waxa uu doono iyo sida uu u Doono, Suuradii Al-Baqara waxey Tilmaamtay inuu Allaah Aadam Ciid ka Abuuray, Halka Suuradaana ay Tilmaameyso in Ciise laga Abuuray Maryama kaliya ayadoo aysan Guursan isla Markaana Xumaan Sameynin.

Suuradan waa Suurad ka mid ah kuwii soo dagtay Xiligii Magaalada Madiina loo Hijrooday ka dib Aayadaheeduna tiro ahaan waa 200 Aayadood, magaca (Allaah) Suuradaan waxaa lagu xusey 209 jeer, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Anfaal ka dib, waxa ayna ka mid tahay Suuradaha ku Biloowda Xaruufta gogoan waana juzka sadaxaad dhameystirkiisa iyo juzka afaraad badankiisa

Macnaha Guud ee Suurada Aaala Cimraan:

Suuradan Aaala Cimraan waxey si gaar ah uga Hadashaa laba arimood oo aad u Muhiim u ah:

1) tan koowaad: Suuradan waxey si aad ah uga hadashaa Caqiidada Islaamka ee Saafiga ka ah Shirkiga ayadoo hadana Daliilo aad u wanaagsan soo Bandhigeysa isla markaana Naqdineysa wax walba oo Shubha ah oo ay Daliishadaan kuwa Caqiidada Toowxiidka ah aan Fahamsaneyn, waxeyna si gaar ah Suuradaan ugu Ban baxday Qeyb ka mid ah Ahlu Kitaabka (Nasaarada) iyo Caqiidada ay ka aaminsan yihiin Nabi Ciise, waxeyna aad Dadka muslimiinta u Fahamsiiyay halka ay gafka ku galeen Masiixiyada iyo sababta ay u Baadiyoobeen, isla Markaana Suuradan waxey aad u Muujisaa Sharafta weyn ee ay lahaayeen Reer Cimraan iyo Gabadhooda Maryama, Reer Cimraan Suuradan waxey ku Tilmaantay in ay ahaayeen dad Allaah jecel yahay, Maryamana Suuradaan waxey ka Difaacday aflagaadada ay Yuhuuda u geysteen ayada iyo wiilkeeda Ciise..

Suuradaana waxey si faahfaahsan u Cadeysay Nabi Ciise inuu yahay Dad iyo Uun ka mid ah Abuurka Allaah, ayadoo Barbar dhigtay Abuurka Ciise kan Aadam, waxeyna Suurada Cadeysay in aysan jirin marba hadii Abuur uu yahay Ciise Sabab loo Caabudo, ama Alle Wiilkiisa loogu Tilmaamo.

2) Marka labaadna Suuradan waxey si Gaar ah uga Hadashay Qeyb ka mid ah Shareecda Islaamka, gaar ahaan Qeybta ku Saabsan Axkaamta Jihaadka, si gaar ahna waxey Suuradan wax ka tilmaamtay Duulaankii Uxud oo ahaa duulaankii Labaad ee Muslimiinta galeen hadana Jab kii ugu horeeyay kala kulmeen.

Sabata ay ku soo Dagatay Suurada Aala Cimraan:

Suuradaan waxaa sabab u ahaa soo Dagitaankeeda Wafdi Nasaaradii Jaziirada Carabta ah oo la Dooday Nabi Muxamad, ayagoo Xujeysanaya in ay Ciise ku Tilmaamaan inuu yhay Wiil Alle Dhalay kuna Dooday in bal Weligeed la Maqlay Abuur Hooyo kaliya ka biloowday, taasna waxaa Jawaab Buuxda ka Bixisay Suuradaan oo ka sheekeysay in Abuurka Ciise ay jiraan Abuuro kasii yaab badan sida Abuurka Aadam oo laga Abuuray Aabo iyo Hooyo la’aanba.

Fadliga Suurada Aala Cimraan:

Imaamu Muslim Saxiixiisa waxaa uu ku Wariyayinuu Nabiga yiri:{Qur’aanka aqriya waxaa uu yimaadaa Maalinta Qiyaamaha asagoo ka Ergo ah Dadkii aqrin jiray, Aqriya Labadii Ifeysay (Al Baqara iyo Aala Cimraan), waxey Maalinta Qiyaamaha labadooda Yimaadaan ayagoo sida Laba Daruurood oo kale ah..oo ka Doodaya (ka ergeynaya)Saaxiibkoodii (kii aqrin jiray)}.

Suurada 4aad AL-Nisaa:

Suurada 4aad ee Qur’aanka waxaa loo yaqaan Al-Nisaa, maadama si gaar wax badan lagu sheegay Xuquuqo iyo Axkaam gaar ku ah Dumar, waxaana Qur’aanka ku jira Suurado badan oo Magac Dumar sita ama Axkaam Dumarka ku gaar looga hadlay sida: Suurada Maryama, Suurada Dhalaaq iyo Axzaab iyo Suurada Al-Nuur, arintaas oo Muujineysa sida Cadaalada ku Dheehan tahay ee Diinka Islaamka u Xaq dhowray Dumarka.

Suuradan Al-Nisaa waa Suurad ka mid ah Suuradaha Soo Dagtay Xiligii Magaalada Madiina la Joogay, waxeyna ka mid tahay Suuradaha ugu Dheer, Cadadka Aayadaheeda waa 176 Aayadoood, waxeyna soo Dagatay Suurada Al-Mumtaxina ka Dib.

Suuradan Al-Nisaa waxey ku Bilaabataa in Dadka oo Dhan loogu Naadiyo in Allaah ka Baqaan, waxeyna si aad ah uga Sheekeysaa Axkaamta Dhaxalka , waxeyna ku gabagaboowdaa Aayado ka Hadlayo Axkaamta Dhaxalka, waxeyna ku beegan tahay Juz ahaan Dhamaadka Juzka 4aad ilaa laga gaaro Biloowga Juzka 6aad, Magaca (Allaah) Suuradan lagu Xusay 228 jeer..

Macnaha Guud ee Suurada Al-Nisaa:

Suuradaan Maadama ay ka mid tahay kuwii Magaalada madiina kusoo dagtay waxey aad Xooga u saartaa Axkaamta Shareecada Islaamka, gaar ahaan arimaha Quseeya Haweenka, Guriga Muslimka iyo Bulshada Muslimiinta, ayadoo hadana meelo badan ka hadasha.

Suuradaana Wadanka Soomaliya waxaa si gaar ah loogu Xasuustaa ragii Culimada ahaa ee loo Dilay amaba loo Xeray doodii ay ka keeneen Markii Doowladii Hore ee Soomaliya dafirtay si Fagaara ah Qaar ka mid ah Aayadaha Quseeya Qoyska iyo Hab Qeybinta Dhaxalka.

Sababta ay kusoo Dagatay Suurada Al-Nisaa:

Sababta ay usoo dagatay Suuradaan Gaar ahaan Aayadaha ugu horeeya waa in la Xaliya khilaafaad ku Saabsanaa Dhaxal oo dhacay Xiligii Waxyiga soo dagaayay, Khilaafaadkaasna waxaa sabab u ahaa in Diinta Islaamka intii aysan soo dagan aysan jirin Cid Xaq iyo Xuquuq dhaxalba u ogoleyd Haweenka iyo Caruurta Agoonta ah.

Akhri Qaybaha kale: https://somalitalk.com/tag/quraanka/

W/Q:Cali Axmad.
asadxg@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Sideen u Fahamnaa Qur’aanka? | Q. 3aad "

  1. Mohamed says:

    Waa maqaal run ahaanti muhiim u ah qof kasta oo jecel in uu wax ka barto diinti islaamka, sarane u qaado fahamka quraanka. dhab ahaanti aniga ahaan aad iyo aad ayaan uga faa’iideystay maqaalkada waadna ku mahad santahay walaal ilaah ajar hakaa siiyo. Ramadan Karim