Home » Maqaallo »

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q.2aad

Qur’aanka Kariinka ah waxaa uu ka kooban yahay 114 Suuradood waxaana loo kala qeybiyaa Juz ahaan 30 Juz ayadoo Juz kastana uu ka kooban yahay laba Xizbi, ayadoo uu halkii Xizbina ka koobmayo ilaa 4 Maqro,..taasoo macnaheedu noqanaayo in halkii Juz uu ka kooban yahay 8 Maqro.

Marka hadii aan Dul Istaagno Suuradaha ugu Sareeya Qur’aanka kuwaasoo uu ka bilaabanayo Juzka Koowaad ee Qur’aanka waxaan wax ka tilmaami doonaa Suuradaha Al-Al Faatixa iyo Al-Baqara si aay u Sahlanaato inaan Qur’aanka oo dhanba marba Suurad faahfaahino kooban ka bixino.

Suurada 1aad Al-Faatixa:

Sababta Suuradan loogu magac daray Al-Faatixa waa in ay tahay Suurada lagu Biloowday Kitaabka Qur’aanka ah.

Suurada waxa ay ka mid tahay Suuradihii soo dagtay 13kii Sano ee uu Nabiga Joogay Magaalada Makah, Xaga Cadadka Aayadahana waa 7 Aaayadood marka lagu daro tiro ahaan Bisinka, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Mudathir ka dib, waxeyna Suurada ku Bilaabataa Amaanta Allaah, Magaca (Allaah) waxaa ku Xusan hal mar kaliya.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Faatixa:

Suurada waxey ka hadashaa Asalka Diinka iyo Faraciisa oo ah :Caqiidada , Cibaadada, Shareecada, in la Rumeeyo Maalinta Qiyaamaha, in la Rumeeyo Allaah Tilmaamihiisa wanaagsan, iyo inuu Allaah kali ku yahay Cibaadada, Kaalmo weydiisiga , iyo Baryada, waxaa kaloo Suurada tilmaameysaa in Allaah kaliya la weydiisto ku Hanuunka Jidka Xaqa ah ee Toosan, sidoo kalana in aad looga Baryo Allaah ku Toosnaanta Iimaanka iyo Jidka toosan ee ay Nabiyada, Sidiiqiinta, Shuhadada, iyo Saalixiinta Mareen.

Waxey kaloo Suuradan tilmaantaa in Allaah laga Magan galo Jidka ay Mareen kuwa loo Carooday ee ayagoo Cilmi yeeshay ka dib Allaah Caasiyay (Yuhuuda) sidoo kalana waxey Suuradaan in Allaah laga Magan galo Jidkii ay Mareen kuwii Dhumay (Nasaarada) ee Allaah ku Caabuday Cilmi la’aanta, arintaas oo Digniin u ah Qof kasta ee Caasinimo la yimaado asagoo Cilmi leh amase Cibaadeysta asagoon Cilmi u laheyn Cibaadada uu sameynaayo in Allaah ka raali yahay oo Sharci tahay iyo in kale.

Fadliga Suurada Al-Faatixa:

Imaamu Axmad waxaa uu wariyaa Xadiis Macnihiisu yahay, Nabiga inuu yiri: {Waxaan ku Dhaartay Allaha Nafteyda Gacantiisa ku jirtee, Suuradaan Faatixada laguma soo dajin Toowreed, Injiil, Zabuur iyo Qur’aankaba mid la mid ah…..}.

Waxaana Suuradan Fadli ugu Filan in aysan Salaad Qofna ka Ansaxeynin haduusan ku Aqrin Faatixada.

Suurada 2aad Al-Baqara:

Suurada Al-Baqara waa Suurada ugu Dheer Qur’aanka, waxaana loogu Magac daray Al-Baqara si Muslimiinta u Xasuusnaadaan Mucjizadii Dhacday Xeligii Nabi Muuse, markii la dilay Nin Israa’iili ah lana garan waayay Cida ka dambeysay Dilkiisa oo ay Israa’iiliyiintu u tageen Nabi Muuse ayaga oo leh: manoo sheegi kartaa Cidda geysatay Dilka,.. ayaa Allaah Nabi Muuse waxaa uu u Waxyooday: in ay Neef Lo ah Goowracaan kuna Garaacaan Ruuxa Meydka ah Qeyb ka mid ah Neefkaas, waxaana dhacay in Ninkii markii lagu Garacaay uu soo Noolaaday Idinka Alle Dartiis isla markaana Sheegay Cidii Dishay, Marka Suuradan waxey Taariikhda ku Reebtay xasuustii Mucjizadaas oo Tusaale u ah in Marka la Geeriyoodo ka dib la soo Noolaanayo iyo aysan weliba soo Nooleynta Allaah ku Cusleyn, isla Suuradana waxaa ku jira Tusaalooyin Fara badan oo tusaya in Geerida ka dib aysan wax Dhib ah Allaah ku aheyn, Sida Qisada Cuzeyr, Qisada kale ee kuwa Duulaan u socday uu Allaah Nafta ka qaaday hadana soo nooleeyay, iyo weliba Qisada Nabi Ibraahim oo ku jarjaray Shimbir asagoo Allaah ka baryay inuu Tusiyo sida uu Nooleynayo waxadhintay.

Suurada waxey ka mid tahay Suuradaha Soo dagatay 10kii sano ee uu Nabiga Joogay Magaalada Madiina, ayadaheedana xaga tirada waa 286 Aayadood, waana Suuradii ugu horeysay ee kusoo dagatay Magaalada Madiina, waxeyna ku Bilaabataa Xuruuf ka kooban Sadax, Magaca (Allaah) waxaa ku Xusan 100 jeer, waxaana ku jira Aayada Qur’aanka ugu Dheer Aayad ahaan, waa Aayada 282aad eeloo yaqaan Aayada Deynta, Suuradana waxey ka kooban tahay ilaa Laba Juz iyo Bar ku Dhawaad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Baqara:

Suuradan waa Suurada ugu Dheer Qur’aanka oo idil, waxeyna si aad ah uga Hadashaa Sharciga sida inta badan Suuradaha soo dagtay Xiliga Magaalada Madiino la joogay lagu yaqaano, waxey aad uga hadashaa Sharciyada iyo Nidaamka ay Muslimiinta u baahan yihiin si ay Noloshooda u noqoto mid Nag hadey ahaan laheyd dhanka Amniga Dhaqaalaha iyo Xiriirka debada.

Fadliga Suurada Al-Baqara:

Suuradaana waxey leedahay Fadli aad u weyn sida uu sheegay Nabi Muxamad, waxaana Sunno ah in Guryaha lagu aqristo si ay u noqdaan kuwa Xuska Allaah aan ka marneyn marna, waxeyna u noqataa Xijaab Gurigii lagu aqriyo, waxaa kaloo Xasuusin mudan in ay Suuradan ay ku Dhex jirto Aayada Qur’aanka ugu weyn Aayad ahaan (Aayatul-Kursi), waxaana Sunna ah in Salaad kasta ka dib la aqristo Aayadaas iyo habeen walba Hurdada ka hor, taasoo ah Xersi Xirka Muslimka, sidoo kalana waxaa ku jira Suuradan Al-Baqara Sadax Aayadood oo ah kuwa ugu Dambeeya Suurada oo ay Sunno tahay Qofka Muslimka ah inuu aqristo intuusan Seexan ka hor.

Akhri Qaybaha kale: https://somalitalk.com/tag/quraanka/

W/Q: Cali Axmad
asadxg@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.