Home » Maqaallo »

Milicsiga taariikhda : degmada jowhar ?

Hordhac

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Qormadan ayaan waxaan u hibeeyay degmada jowhar oo aan rabbo in aan qoraalkeygan kusoo koobo taariikhda degmada jowhar intii uu ilaah iga garansiiyo oo aan soo uruuriyay .

Magaca jowhar ka hor waxaa magaalada loo yaqiinay BUUNDO

Jowhar waa caasimada gobalka shabeelaha dhexe ee soomaaliya waa magaalo doog badan oo beeraleey ah  waxeey moqdisho oo caasimada soomaaliya ah u jirtaa 90 klmtr  jowhar waxeey ka kooban tahay afar xaafadood oo waaweeyn waxeyna kala yihiin :

1-    Hanti wadaag

2-    Horseed

3-    Kulmis  iyo

4-    Buulo sheikh

Taariikhyahanada ayaa waxeey tilmaamaan in degmada jowhar uu aas – aasay nin gumeyste talyaani ahaa oo Africa yimid 1883 oo la oran jiray  luigio amedeo savoi  oo jowhar ka hergeliyay cisbitaal  , iskuul , masjid , kaniisad iyo wadooyin  dabadeed lugio waxa uu guursaday gabar soomaaliyeed isagoo ugu dambeeyntii ku geeriyooday jowhar .

Degmada Jowhar ganacsi ahaan waa magaalo aaad muhiim u ah oo waxeey isku xirtaa gobalada koonfureed ee soomaaliya iyo kuwa dhexe  jowhar waxeey caan ku tahay dhaqashada xoolaha sida geela lo’da iyo ariga  .

Dhanka beeraha Jowhar waa magaalo beereedka soomaaliya ugu wax soo saarka badan dadkana waxeey tabcadaan dalaga noocyadiisa kala gedisan sida:  galeyda , sisinta , masagada , gabaldeyaha , digirta  iyo sidoo kale  bariiska oo soomaaliya meesha kaliya uu ka baxo ay tahay demada jowhar  sidoo kale cambaha , seeytuunka  iyo babaayga ayaa ka mid ah dalaga ka baxa degmada jowhar oo loo iib geeyo gobalada kale ee soomaaliyeed sida gobalada Bari iyo kuwa waqooyi  intaasi oo dhan waxeey door muhiim ah ka ciyaaraan ganacsiga iyo dhaqaalaha degmada jowhar .

Jowhar iyo barisamaadkii

Jowhar ayaa  ka hor bur-burkii dalka ku dhacay ahayd magaalo nabada ku caan aheyd oo dadku waxeey ahaayeen kuwo ku mashquulsan meheradahooda ganacsi iyo shaqooyinkooda kale magaaladu waxaa soo maray maamulo kala gedisan oo xukuumadihii dalka soo maray ay usoo magacaabi jireen in ay ka arimiyaan degmada jowhar  .

Jowhar iyo bur-burkii dalka

Markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee soomaaliyeed ayaa dalka waxaa soo wajahay marxalado kala gedisan oo isugu jira dagaalo , dhac , dil , kufsi , xad gudub loo geeystay dalka iyo dadba  jowhar intaa aan kor kusoo xusay iyo in kale oo farabadanba weey ka dhaceen mudadii ugu xumeyd ee reer jowhar soo marta waxeey aheyd 90aadkii oo fajac , dhib , cabsi ,murug , baahi , cadceed iyo dhibaatooyin kaleba ay arkeen  balse jowhar weey ka yara rooneed marka loo eego degmooyinka kale ee soomaaliya sida Xamar , Beydhabo iyo Beledweyne  oo jowhar aad uga duwanaa  xaga amaanka mudadaas .

Jowhar iyo maamulkii Maxamed dheere

16 kii june 2001  ayey aheyd markii uu kolonyo  ciidan ah oo uu wato maxamed dheere ay soo galeen degmada jowhar  si nabad ahna ay kula wareegeen degmada iyadoo aan wax dhiig ah ku daadan jowhar dhexdeeda  kadib si tar-tiib ah ayay nabadii gobalka shabeelaha dhexe ay ku soo celiyeen ayadoo ay jireen qaladaad faro badan iyo gabood falo ka dhacay degmada hadana nabada ay heysteen  dadka ku dhaqan jowhar ayaa ka weyneed waxyaabaha ka dhacayey degmada  .

Jowhar ayaa waxa ay ka amaan badneyd gobala koonfureed ee soomaaliya  nabadaana waxaa ku amaanan dadka daacada ah ee ku dhaqan degmada jowhar inkastoo nabadaana ay aheyd mid ay dadku ku darteed u bixinayeen canshuur xad dhaaf ah oo laga qaadayay goobaha ganacsiga iyo guryaha ku yaalo degmada taa oo dadka  aysan awoodi Karin  waxaa kale oo xusid mudan in jowhar ay caasimad ku meel gaar ah u noqotay dowladii ay hogaaminayeen c/laahi yuusuf iyo cali max’ed geedi

Jowhar iyo maxaakiimta islaamiga

Maxkamadaha ayaa jowhar kula wareegay dagaal daqiiqado socday dabadeedna gudaha usoo galay jowhar iyaga oo ku dhawaaqaya takbiirta  ’ Alaahu akbar ’ inkastoo ay la wareegeen degmada hadana wax badan oo la taaban karo kuma soo kordhinin jowhar oo dadka reer jowhar waxeey horay u heeysteen nabad iyo barwaaaqo balse maxkamaduhu ayaa inyar ka dib bilaabay seef la boodnimo iyo awaamiir ay soo rogeen oo ay ka mid ahaayeen bandoow ay degmadu ku jirtay habeenki iyo tacshiirin dad dembiyo lagu soo oogay oo aan marqaatiyayaal dhab ah  loo heeynin waxaa kaloo in la xuso mudan in idaacada jowhar oo ah idaacada kaliya ee gobalka ka jirta loo diiday muusiga iyo heesaha sidoo kale waxey dhalinyarada ku amreen in surwaal kubada lagu ciyaaro iyo awaamiiro kale waxaa sidoo kale socotay canshuuro la mid ahaa kuwii maamulkii Maxamad dheere ?

Jowhar iyo duulaankii xabashida

28dii December ayey maxkamadaha firaaqeeyeen degmada jowhar waxaana jowhar la wareegay maamulkii maxamed dheere iyo ciidankii xabashida  kadib markii masuuliyad darada maxkamadaha ay kusoo jabeen dagaal aan laga fiirsan ay la galeen dowlada itoobiya oo cadaw soo jireen ah jowhar ayaa waxaa laga soo dhaweeyay ciidankii itoobiya iyo maamulka maxamed dheere  ka dib jowhar waxeey horay u sii wadatay recordkii nabada ee gobalada soomaaliya .

Jowhar iyo shabaab

Bixidii ciidanka xabashida ay ka baxeen soomaaliya kadib ayaa waxaa jowhar si nabad ah ula wareegay ciidamada xarakada alshabaab oo ilaa maanta ka arimiya degmada jowhar ee caasimada gobalka shabeelaha dhexe  . xarakada shabaab waxeey aad u sugeen nabadii degmada iyaga oo ka duwan maamuladii kala duwanaa ee degmada soo maray hadana waxeey leeyihiin dhaliil marka laga hadlaayo degmada jowhar ilaa hada shabaab waxeey jowhar ku soo rogeen awaamiiro faro badan oo kala duwan hadana si dhab ah u dhaqan gala waxaa ka mid ahaa  :

1-    in la joojiyo jaraska ama gambaleelka oo iskuulada degmada ay u isticmaalaan xiliyada galaaska iyo fasaxa ardayda

2-     Ayaga oo iskuulada ka bedelay magacyadii ay horay u lahaayeen

3-     Ayaga  oo xaafadaha ka badalay magacyadii ay horay u lahaayeen si la mid ah sidii ay baydhabo ka sameeyeen iyo awaamiiro faro badan

Jowhar iyo mustaqbalka

Mustaqbalka degmada jowhar Eebe ka sokoow waxa uu ku xeran yahay dadka ku dhaqan degmada jowhar  . waxaa jira caqabado hortaagan horumar laga gaaro xaga waxbarashada iyo xaga dhaqaalaha oo degmada ay aad ugu liidato balse waxaa hubanti ah hadii gacmaha la is qabsado in horumar laga gaari karo

Waxbarashada

Xaga waxbarashada degmada malaha hami horumarineed oo ku aadan horumar laga gaaro waxbarashada Jowhar maanta ma lahan wax jaamacad ah oo ardayda dugsiga sare dhameyso waxeey waxbarashada jaamacada u aadaan Moqdishu ama Hargeysa ama dalka debadiisa  arintaana waxaa ku dhaliilan qurba joogta reer jowhar  .

Jowhar ayaan waxaan u rajeeynayaa in 5ta sano ee soo socoto ay gaarto horumar la taaban karo oo xaga waxbarashada ah iyadoo dadka inta badan ay fahmayaan waxtarka ay waxbarashada leedayahay waxaana jira ifafaale ah in degmada ay ku talaabsan karto horumar xaga waxbarashada ah haduu ilaah yiraahdo .

Dhaqaalaha

Degmada ayaa ah sida aan horay usoo sheegay xaruun istaraatiijiyad dhaqaale ah aadna ugu dhaw caasimada dalka  waloow ay jiraan caqabado faro badan hadana waxaa la filan karaa in horumar laga gaaro xaga dhaqaalaha waa hadii ay degmada sida la rabo uga faa’ideysato qeyraadka uu eebe ku maneystay  kana maaranto ku tiirsanaanta hey’adaha deeqda bixiya  .

Gabogabo

Waxaan kusoo gabo gabeeynaya  qormadeyda  in aynu ka xoroowno oo aan ka taqalusno waxyaabaha dalka u keenaya dib u dhaca oo ay ka mid ka yihiin 1- Qabiilka oo koow ka ah waxa aynu hadaan soomali nahay aan ka hor mari la’ nahay ee soomaaliyeey aan gacmaha inta aan is qabsano dalka iyo dadka aan daacad u noqono  waxeynu dalkeena dhisi karnaa marka aan iska iloowno cudurkaan inagu dhex nool  waxaan idinku boorinayaa in aad iskula noolaataan cadaalad , wadaninimo iyo sinaan .

Afeef

Qormadaan waxaa masuuliyaadeeda iska leh aniga waxaan jeclaan lahaa in aad wixii suaalo ah ama sixid ah amba talo ah aad iigu soo dirtaan emailkaan amrooble10@hotmail.com

Ahmed Mohamed Rooble

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Milicsiga taariikhda : degmada jowhar ? "

  1. aaaaaaaaaaaaaaah, ha i xasuusinin jowhar magaalo wey dhaaftaye wadan ayey maraysaa, abooooooooooo jowhar maan ka maarmi karaaaaaaaaaaaaaa?

  2. digeed says:

    ASALAAMU CALAYKUM..

    Jowhar iga dheh magaalo wax kaqorid mudan,taariikh leh,inanka faaladdan soo qoray ee aadka umuhiimsan aadbaan usalaamayaa,waxaana kugu dhiiri gelinayaa in aad si wadid kahadalka magaalooyinka soomaalida oo dhan inta kuusuuro galaysa, si ay ucaddaato in aad adigu beri katahay waxa aad ugu yeedhay qabiil oo aad gabagabada maqaalka kuxustay.

    qurbo joogta reer jowhar waxaan leeyahay,haddaad ilawsanaydeen in aanay magaaladiinu jaamacad lahayn,haddaba waxaa idin xasuusiyey faalle qorahan kafaalooday magaalada jowhar ee Ahmed Mohamed Rooble..taladiisa qaata,dhaliishana uqaata wax dhisid ee ha uqaadanina in uu wax kale ujeedo.in aad magaalada jaamacad uyeeshaan qabta falageeda, somalida kale kama liidataane.

  3. Haaruun says:

    Masha allah waa dadaal uu waqtigisa ku dhiibay wiilka yar ee proka ah waxaana jecel nahay ilmaheena sidaas oo kale iney noqdaan nabadey