Home » Warar »

Mahiga oo Warqaddii Koowaad u soo diray Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool (1)

Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS)

Warqar ku socota Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool Waraaq (No. 27)

Nayroobi, 12 Agoosto 2010

Saaxibayaasha qaaliga ah,

Dhammaantiina iga guddooma salaam diiran. Waxaan ku faraxsanahay inaan idiin soo diro warqadeydii iigu horeysay ilaa intaan xafiiska la wareegay muddo hadda laga joogo hal bil, amigoo ah Ergeyga Gaarka ah ee cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay. Waxaan ku hanweynahay inaan dhammaantiina idin la yeesho xiriir miro dhal leh. Ergeygii iga horreeyay, Md. Oud-Abdallah, ayaa si gaar ah iigu adkeeyay muhimadda ay leedahay la xiriiridda jaaliyadaha Soomaaliyeed si ay taageero uga geystaan dhamman hawlaha kala geddisan ee aan qabanno, gaar ahaan hirgelinta Heshiiskii Jabuuti. Waxaa aad ii dhaqaajiyay sida ay qurbajoogta Soomaaliyeed u danaynayaan ulana xiriirayaan waddankooda, inkastoo arrimo aan wanaagsanayn ay ka socdaan Soomaaliya.

Waxaan doonayaa inaan iraahdo waxaan ku faraxsanahay inaan ku soo noqdo gobolka oo aan si wanaagsan u adeegsado waaya aragnimada aan u leeyahay maamul dowladeed iyo hawlaha Qaramada Midoobay. Waxaan si hoos haan ula socday arrimaha ka dhacaya gobolka iyo Soomaaliyaba, gaar ahaan tan iyo inta la sameeyay Kooxda Xiriirka Caalamiga ee Soomaaliya sannadkii 2006. Tanzania ayaa ka mid ahaa xubnihii asaasay Kooxda annagoo markaas Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ka ahayn xubin aan joogto ahayn sannadihii 2005 iyo 2006, aniga ayaa Tanzania u metelayay Kooxda ilaa la iisoo magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud.

Billowga horeba waxaan jeclahay inaad ogaataan in arrimaha muhimmadda ii leh ay yihiin dibuheshiisiinta taasoo salka ku haysa wadahadal, ka wada qaybgal siyaasadeed, amaanka guud, wax ka qabashada arrimaha baniaadanimada iyo dibudhiska. Arrimahan muhimmada leh waa kuwo iskaabaya. Xafiiskeyga wuxuu si joogta ah ugu taageerayaa uguna dhiirrigelinayaa Dowladda Federaalka Ku Mel Gaarka waddada ay hayso iyo dhameystirka waajibaadka muhimadda leh ka hor intaan la gaarin dhammaadka muddadeeda oo ku eg bisha Agoosto ee 2011.

Weerradii baaba’a geystay ee dhowaan lala beegsaday Uganda 11kii bishii July 2010 waxay muujinayaan dhibaatooyin cusub oo na hor yaalla. Anigoo ka wakiil ah Qaramada Midoobay, waxaan mar kale si niyad ah tacsiya ugu dirayaa qoysaska dhibbanayaashii aan waxba galabsan iyo dhammaan dadka reer Uganda oo amaankooda khatar la geliyay. Weerarradu waxay muujinayaan in saameynta dhibaatada Soomaaliya ka jirta ay ku faafeyso dibadda xuduudaha dalka, waxayna sii xaqiijinayaan in collaaddu ay leedahay saameyn goboleed iyo mid caalamiba.

Arrimaha Soomaaliya mar horeba waxay meel muhim ah kaga jireen ajendaha ururrada gobolka iyo kuwa caalamiga ahba. Ismarigaaga siyaasadeed iyo midka amni ee hadda taagan waxay u baahanyihiin tallaabo degdeg ah. Arrintan waxay ku caddahay go’aannadii Shirmadaxeedkii Ururgoboleedka IGAD ee lagu qabtay Addis Abba 5tii bishii July 2010, iyo go’aannadaii ka soo baxay kalfaddhigii 15aad ee Shirmadaxeedkii Madaxda Ururka Midowga Afrika ee lagu qabtay Kampala 19-27 2010. Go’aammadan waxay ku baaqayaan tallaabo degdeg ah si wax looga qabto dhibaatada ka jirta Soomaaliya.

Dhowr shir ayaa lagu barbar qabtay Shirmadaxeed Midowga Afrika si looga fekero tallaabooyin dheeraad ah laga qaado sidii Soomaaliya loogu kaalmeyn lahaa sidii ay u gaari lahayd nabad iyo xasillooni waarta. Waxaan ku faraxsanahay inaan sheego inay jiraan taageero iyo nidad wanaag heer sare ah oo loo hayo Soomaaliya, inkastoo ay mararka qaarkood ay dhacaan xaalado aad u liita. Masiibadii ka dhacday Kampala ayaa kor u qaadday buraarugsanaanta iyo danaynta bulshada caalamka.

Bishii hore ayaa iyana tallaabo muhim ah laga qaaday qoritaanka Dastuurka, taasoo ka mid ah waajibaadka ugu muhimsan ee loo baahanyahay in Dowladda KMG ay fuliso xilliga kalaguurka. Qabyo qoraal dastuurka cusub ayaa dhowaan la soo bandhigi doonaa. Arrintan waxaa la kowsanayaa habkii dadweynaha lagu bari lahaa dastuurka isla markaasna lagu la tashan lahaa inta suurtogalha. Sidaas darteed, dadweynaha Soomaaliyeed, ha joogeen dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba, waxaa lagu dhiirrigelinayaa inay aragtidooda ka soo dhiibtaan qabyo qoraalka dastuurka. Waxaa la filayaa in qabyo qoraalka kowaad ee dastuurka la soo gabagabeeyo dhammaadka sannadkan. Tani waa fursan aan wax la mid ah lahayn ee ay ummadda Soomaaliyeed mustaqbalkooda ku hananayaan.

Waxaan ku faraxsanahay inaan idiin sheego in guddiga wadajirka ee Amniga (JSC), oo ah hay’adda ugu muhimsan ee haga isbeddelka lagu sameynayo laamaha nabadgelyada, uu kulmay toddobaakii la soo dhaafay. Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Abdirashiid Cali Sharmaarke iyo aniga ayaa kulanka wada guddoominay. Shirka, oo ay ka soo qaybgaleen dhowr wasiir oo Soomaaliyeed iyo wakiillo ka socday bulshada caalamka, waxaa ka soo baxay talooyin ku saabsan habkii loo qaadi lahaa tallaabooyin la taaban karo, sida habkii lagu taageeri lahaa ciidamada amniga Soomaaliyeed, booliiska iyo Wasaaradaha Arrimaha Amniga.

Inkastoo xaaladda amaanka ay hadda leedahay dareen aad u weyn, haddana waxaan rabaa inaan hoosta ka xarriiqo in mudnaan sare la siiyo habka dibudhisidda hay’adaha guud iyo abuurridda jawi dadka Soomaaliyeed addegyada asaasiga ah lagu gaarsiiiyo. Shaki iigama jiro in arrimaha waxbarashada, caafimaadka, biyaha, iyo nadaafaddaba ay muhim u yihiin nolol wanaagsan ay helaan dadka Soomaaliyeed. Dadka qurbajoogta ahi waxay si buuxda uga qayb qaadan karaan horumarinta arrimaha aan soo sheegnay. Waxaan si aad ah u amaanayaa wadaninimada iyo naxariista aad muujiseen ee aad dhaqaale ugu diraysaan dadka qaraabadiina ah ee gudaha dalka jooga. Waxaan idiinku dhiirigelinayaa inaad dadaal sidaas oo kale ah ku bixisaan kaalmada aad siisaan maamullada Soomaaliyeed si ay sare ugu qaadaan xaaladda oo ay dadkana u gaarsiiyaan adeegyada laga ma maarmaanka ah.

Waxaa sidoo kale u muhimsan xilka qof kasta oo Soomaali ah ka saran inay ka go’naato inuu taageero nabadda iyo dibuheshiisinta waddanka. Dadka Soomaaliyeed waxay Heshiiskii Nabadda Jabuuti ku muujiyeen inay awood u leeyihiin inay xalliyaan khilaafaadkooda. Isaqbalaadda, dhexdhexaadnimada iyo isafgaradka oo dhaqan idiin ah waa in waqtigan hadda ah sare loo qaadaa.

Waxaa iga go’an inaan u hawlgalo sidii Soomaaliya loogu heli lahaa nabad iyo xasillooni, waxaana hawsha ka sii wadayaa halkii uu hawsha ku dhaafay ergeygii iga horeeeyay si aan u abaabulo bulshada caalamka taageero hor lehna ugu helo Soomaaliya. Idinkoo kaashanaya kuwa taageersan geeddisocodka nabadda, ayaa dadkiina qurbajoogta ahi waxaad xaqiijin kartaan in rajada laga leeyahay nabadda aad ka dhabeyn kartaan, taasoo keenaysa in la helo amni iyo isbeddel wanaagsan oo lagu sameeyo xaaladda dadka Soomaaliyeed ee waddanka ku dhibtoon. Fursa kasta oo ay keenaan kuwa taageera geeddisocodka nabadda waa laga faa’iideystaa si Soomaaliya ay ugu soo noqoto meeshii kaga jirtay dowladaha adduunka. Waxaan rumeysanahay in qurbajoogta Soomaaliyeed ay yihiin, ahaan doonaanna, cudud aan laga maarmin si loo gaaro himilooyinka la tiigsanayo.

Ugu dambeyntii, waxaan jecelahay inaan fursadan ka faa’iideyto oo idinka iyo qaraabadiinaba idiin iraahdo Ramadam Karim.

Iga guddooma salaam diiran,

Dr. Augustine P. Mahiga

Wixii war dheeraad ah fadlan kala xiriir: Susannah Price ama Donna Cusumano, saraakiisha qaabilsan isgaarsiintab guud, Xafiiska Qaramad Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya, Nairobi Tel: +254 20 762 6805 / 6869 ama +254 733902020 ama 737400133 Fadlan eeg rugta Internet-ka (website): www.unpos.unmission.org
…………………………


Zenawi says soldiers may return to Mogadishu

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Mahiga oo Warqaddii Koowaad u soo diray Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool (1) "

  1. kaare cune says:

    waxay soomaalidu tidhaahdaa meel aar ka kacay atoor fadhiisay waxaan leeyahay ninkan mahigaan , sxb waad wareeraysaa kii kaa horeeyay ee walad cabdalla oo ahaa nin kaa libaaxsan (muslim) ayaa somalia wax ka qaban kariwaayay mise waa adiga oo adoon ladhoofsanjiray ah.

    sxb godane ayaa wadankan somalia ka taliya isagaana katalin doonaa insha aallah.

  2. umma says:

    aniga kamaal waxaan dhihi lahaa ragii soomaaliyeed waajibaadkooda ma ka soo baxeen misa waxaa ku jirtaan day dream. dabcan sanaawi iyo waxa asaga lamida waa la ogyahay ujeedadooda, lakiin anigu waxa aan garan waayay ragga soomaali oo rabo in wadankii nabad ka dhacdo ayadoo aysan far dhaqaajin wadamo shisheeyana ku raaxaysanaya. sida aad lasoco tid maxaa ragga siyaasada isku haya oo isku masaajidka ahaa isku sheikha ahaa isku qaarijiyaan? ayagana caqligooda ma sanaaawi baa gatay. gartay kuwa reer galbeedka la socdee, waxa aaminsanahay in maanta ragga soomaali ay mid walbaa u ordayo xukun jacayl uma naxaan dal, dad, iyo duunyotoona. waxaa aamin sanahay hadii soomali wadankooda ku noqdaan, fargalinta shisheeya ka dheeraadaan, iyo hunguri jacayl xukunka meel iska dhigaan in soomaaliya ay xasililahayd.

  3. kamaal says:

    Mr:Augustine p. mAHIGA read thsi frist..
    Addis Ababa – Ethiopia said on Wednesday that it would send its troops back into Somalia in the unlikely event it was called on to evacuate African peacekeepers in the nation battling Islamist insurgents.

    Mr: augustine, waxaan u maleenayaa inaadan somali aqoon fiican u laheen oo aad mushahar ku qadato magacooda dhintay lakiin waxaan kuu sheegayaa in somaliya waxa ay ka dagi waysay ay tahay Ethopia , adna aad u shaqayso danaha ethopia, somaliyana laga ilaaliyo inay geeska africa ka noqoto the lion of africa…

    Mr:augustine, hadaad aragtay Rag somali ah oo sida sheekh shariif oo aan laheen damiir ay wadankooda wax ugu qabtaan inay ku tuugsadaan somali ayaa argagixiso joogtaa si ay lacag ugu qataan wadamada doonaya inay somaliya ahaato magac ee aysan wadan noqona sida ethopia ay noogu goodiso inay somaliya soo galayso..

    Melez zanaawi maxaad somaliya u soo gali waysay intii uusan civil warka dhacin? maanta oo somali intii ugu foosha iyo caqliga xumeed ay magaceeda ku tuugsadaan miyaad mooday inay somaliya dhimatay…

    Somali rag munaafiqiin ah ayaa ilaahay gacanta u galshay maalin uuna ilaahay gacantooda wuu naga saari donaa ee melez zanaawi ayaad waardiyaysaa ee somali wax u dan ah meesha uma joogtid ee waraaq danbe hanoo soo qorin adoo melez zanaawi wardiyaynaaya si uu somaliya u qaso…

    Mr: augustine, ma ogtahay dhulka hada somaliya laga soo weeraro inay tahay dhulka ethopia ay maamusho maxaad u oran ladahay ethopia leave somali people and thierland alone? hadaad run sheegayso wixii warlod qabiil ku qaraaban jiray waxay ku xaraan xaduuda u dhexaysa ethopia iyo somaliya waana meesha laga dumiyay qarankii somaliyeed hadaanad ethopia u shaqeen melez uraaye ma dhaheen si cad markaan doono ayaan somaliya galayaa…..adna waxaad noo soo qoraysaa waraaq intaad warqada somali u soo qori laheed melez zanaawi u qor…..ileen asagaad u shaqaysaaye…