Home » Maqaallo »

Sideed ugu xamaalan kartaa Qatar? Q.3aad | Al-Hasani


Baasboorkee  lagu soo gali karaa  Qatar?

Waa su’aal ubaahan in layswaydiyo mar haddii- heshiis ama heshiis la’aan- dowladnimadii ladiidey!

Dowlad la’aantii xanuun badan ayay nagu dhaaftay laakinse sida ay aniga ila tahay baasaboor la’aan wax kawayn majiraan marka laga hadlayo xariirka dibida. Baasaboorkaada oo ladiida ihaano kawayn ma jirta; waxayna lamid tahay jiritaankaada oo la inkirey. Xanuunka ay arintaan leedahay waxaad ogaanaysa maalinta aad ubaahatid inaad dalka ka safartid. Waa ila fiicnaan lahayd xukuumadaha daciifka ee Somalia inaay xooga saaran sida ay carabtu u aqoonsan lahayd baasaboorka Somalia haddii kale noo aqoonsadaan qaxootinimo sida Yurub iyo America.

Dani waxay noqotay inaan raadsana baasaboor wadama la aqoonsanyahay oo aan ku raad-gadankarno( anagoon u aaba yeeleyn inuu sax yahay iyo inkale.)

Warkii oo kooban baasaboor kasta oo sax ah(gaar ahaan wadama geeska Africa) waad ku soo galikartaa Qatar oo shaki badan lagama qabin wixii mar dhawayd ka horaysay.

Wixii kadanbeeyey maxaakimtii(2006) ,waxaa soo galay shabaab badan oo wata baasaboora bug ah; taasina waxay soo jeedisay indhaha dowlada Qatar iyo inaay baaritaan lagu sameeya dadka Somaliyeed ee wata baasaboorada cusub.

Taladaydu waxay tahay :Iska ilaali baasaboor Somai iyo mid bug ah oo bakaaraha laga soo saaray. Haddii aad iga diida, waad ogaan doonta waxa kaa raaca, hadhowna cidkale ha eedeyn! Hebel oo aan aqaan ayaa ku galay ee maxaad sheegeysa … waxay lamid tahay kuwa badaha kudhimanaya ee kuwa kadanbeeyana aanay kucibro qaadanayn!

Inta badan baasaboorka bugta ah waxaan ugalnaa  inuu raqiis yahay, hadalkaas sax ma’aha ee iska eeg. Dhibaatadu waa farabadan tahay… waxaaba dhici karta in Ethiopia/Kenya laguu musaafuriya oo aad xabsi ugu sii gudubta!

Hooyo maxaad ku ogayd indha la’aan…

Waa hal haysi Somaliyeed oo macruuf ah! Qaxootinimadii waxaan ku darsanay in amaan ahaana nalooga shakiya! Waa waxyaabaha keenaya in baaritaan aan caadi ahayn nalagu sameeya meela aan horey naloo baari jirin!

Waa maxay dhibka uu ii keenaya baasaboor bug ah mar haddii aan  iqaamada ku dhufsado?

Horey ayaan usoo sheegney nidaamka sponsorka(kafeelka) ee meesha lagu jooga oo aad already  qof gacanta ugu jirtid isagoon shaqo kuu hayn. Waxay kugu qaadataba maalintaad shaqo meel kaheshid, waxaa lagaa raba inaad soo martid habkii hore ee dalka aad kusoo gashay(faraha, caafimaadka iyo wixii lamid ah) oo ay kuu dheertahay labo arimood oo kale: 1/inuu kafeelka ku sii daayo, waana dhacdaa inuu kuu diido xaasidnimo awgeed. 2/ inaad keentid police clearance letter- warqad danbi la’aan ah wadanka  aad sharcigiisa wadatid! Waa qaanun cusub oo laga rabo dadka horey udagan ee doonaya inaay wareejiyaan iqaamada.

Warqadaas helitaankeeda masahlana. Haddii aad isleedahay sidii aan baasaboorka bugta ugu soo sameeystay ayaan warqadaana kusoo samaynaya -iska hilmaan rag badan baa kalugeeyey oo badaha isku tuurey! Waana kuu doqonimo ‘shaqo’ aad mudo sugaysay in lagugu xiro waraaq yar oo aad hadana keeni waydo!

Xusuusin: Warqadan helitaankeeda sideeda ayay isaga adagtahay xitaa dadka baasaboorada reer galbeedka sita ayay ku adagtahay ee wax Somalida ugaar ah ma’ahan. Wadamada ugu dhibka badan waxaa kamid ah Maraykanka.Waxa dhicikarto inaad shaqada waydid inta aad waraaqdaas sugaysid!

Shahaadooyinka iyo magaca baasaboorka oo iskhilaafsan!

Waxa jira dhalanyaro waalidkood ladaaleen oo  dibidaha- sida India wax kusoo bartay kadib dalka ku soo laabtay. Iskuulka waxay kaga soo baxaan ayagoo Somali ah! Marka ay dalka ku soo laabtaan ayey maalahaas visa iyo baasaboor ka raadsadaan si’ ay dalka ugu baxaan! Qaarkood waxay soo qaateen- sida ay nagu leeyihiin- baasaboor sax ah(Ethiopian/Kenyan) laakinse magac ka duwan kan shahaadada; taas oo kaliftay inaaysan sheegan karin shahaadooyinkoodii, kadibna xamaali ayay raadiyaan ama isaga baxan wadanka!

Cudurada Somalida lagu soo celiyo!

Ilaahay caafimaad ha nasiiya! Sida caadadu tahay qofka wadanka doonaya inuu dago waa in labaaraa. Dadka dhowrsoon ee kayimaada Somalia waxaa lagu sheega ‘cudurada’ soo jireenka ah ee taariikhda Somalia caanka ku ah sida TBda iyo cagaar- showga.

Al-Xamdu lilaahi, waa cuduro fudud (marka loo eego cudurada dadyowga kale lagu sheego), waana  layska daawaynkaro haddii uu qofka doonaya.. Qofka soo baxaya ee diyaarka u ah inuu kharash gareeyo waxaas oo lacag ah waa inuu isa soo baaraa. Haddii wax lagu sheega isa soo daaweeya, kadibna Allah soo tala saarta.

Hooy iyo meeshaad cag dhigi lahayd!

Mushkilad kale oo ubaahan inaad ka hormarisa wax waliba intaadan talaabo qaadin – waa meeshii aad kusoo degi lahayd Qatar. Haddii aad isleedahay ina adeerkey ayaa dagan oo xaas iyo caruur ujoogan oo aan ku dagaya iska ilow; waana arin sir ah ee aniga iga qaado!

Soomaalidii timid 70s iyo wixii ka horeeyey waxay samayn jireen qabiil waliba guri ayuu kireysan jirey oo wixii iskaabula ah oo kordha laseexin jirey inta uu shaqo kahelaya. Waagaas inta shaqaysa ayaa badnayd, guryahana qaali ma ahayn.  Iminka waxaas waa isa soo xir-xireen! Hotelna lama hawaysankaro, guri dad lala cariirsadana waa sidaas! Haddii ay kudhaafin wayda inaad soo baxdid ku soo xisaabtan!

Haddii aan Soomaali nahay maxaan xamaal unaqaan?

Waxay igula fiicnaan lahayd inaan sharax kabixino waxa aan ula jeedna: Waxaan uxamaal tagaya Carabaha! Anagoo og inaan wax xirfad gooni ah wadan!

Guri ladhiso, gaari ladajiyo… mid lararo iyo sheikh loo adeego, hotel laga shaqeeya, dumar iyo caruur darawal loo noqda ayaa loo yaqaan xamaal marka aad joogtid wadamada Carabta.

Waa iga su’aale ma waxaan doonayna inaan intaas qabana? Anigaan kula hadlaya sidaas ayaan kusoo baxay marka aan halkaan imidna waan kabaxay kadib marka aan arkay waxa laqabanaya iyo waxa laqaadanaya!.

Xamaalkeena mufadalka(favourite) waa darawal – baabuurta waa wayn . Waa shaqada ay meel kasta kaga xamaalana- America, Australia, Africa iyo Carabaha intaba!

Ceebo kale oo  aan leenahay ayaa jira marka aan usoo baxna wadanka dibidiisa; loomana baahna inaan halkan kaga falan qoona, waxaanse kutalinlahaa inaan wax kabadalna meelkasta oo aan joognaba!

Darawalnimada side lagu heli karaa?

Inta Yurub iyo America dagan waa ila fahmaysaa sida ay u adagtahay inaad darawal noqotid. Carabtana waa ka sii adagtahay sida lagu qaata driving licence – ruqsada darawalnimada.

Lacagta iyo imtixaanka dhibka badan ka sii kow aan isbarbardhigna waxa uu qaata darawal kashaqeeya Qatar  iyo mid ka shaqeeya East Africa.

Sheeko gaaban: Nin aan saaxibo nahay oo mar igala soo xariirey Mambasa ayaa iga dayn waayay inaan usoo raadiya shaqo darawalnimo . Wuxuu ahaa darawal ka shaqeeya inta udhaxaysa Mombasa iyo Kampala, darawal baabuur waaweyn.

Nasiib wanaag waxaan usoo heley nin Qatari ah oo ubaahan darawal baabuurta w/weyn yaqaan. Isagoo darawal muda ahaa iyo  isagoo sitay baasaboorka Kenyan- islamarkiiba visa ayaa loo soo saaray. Intii aanan udirin visaha ayaan waydiyey ninkii Qatariga inta uu mishaar ahaan usiindoona darawalkan haddii uu yimaado? Wuxuu ii sheegey lacag udhiganta $450 oo jiifkiisa ku jirta iyo 2sano ticket. Saaxibkey ayaan usheegey! Inta igu quslay ayuu yiri: Intaas kabadan ayaan qaataa anigoo caruurtayda lajooga! Halkaas ayuuna ku kansalay safarkii!

Qofkii horey usitey licence ma loo badalikaraa?

Wadamo yar oo Yurub ka tirsan ayuu heshiis kadhaxeeyaa Qatar oo driving licence(ruqsada baabuurta) loo badalaya imtixaan la’aan. (www.qatarvisitor.com). Sidoo kale wadama khaliijka cidii rukhsad kawadata waa  lagayaabaa in loo badala imtixaan la’aan.

Qofkii sita licence meelkasta ha kala yimaadee, waa ka fiicanyahay qofka aan waxba wadan. Qofkii is-huba horey imtixaan ayuu ka gali karaa oo shardi ma’aha inuu lacag bixiyo laakinse meesha dhibkeeda ayaan ogahay oo waa qasab inaad dib driving school ugalaysid!

Imtixaanka waa mid gudaha lagu qaadaya iyo mid wadada ah. Waxaadna mooda kan wadada inuu kasahlanyahay midka kudaha ah; waana midka lagu dhaca xitaa darawaliin horey usidatay ruqsadaas!

Calaamadaha wadooyinka oo afka lagaa waydinaya waxaan ka ahayn, imtixaanku waa practical. Imtixaanka galitaankiisa iyo iskuulka laftiisa galitaankiisa waa inaad sugtaa waayo dad badan ayaa kaa horeeyey!

Sheeko arintaas kusaabsan fadlan jug sii halkaan http://www.qatarvisitor.com/index.php?cID=414&pID=1052

Qaybtii hore: https://somalitalk.com/tag/al-hasani/

Adam Abuzuhri Al-Hasani

Email: abuzuhri1@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Sideed ugu xamaalan kartaa Qatar? Q.3aad | Al-Hasani "

  1. Dulmidiid says:

    Ramadaan Mubaarak.
    Al-Hasani jzk khairan sida fiican aad inoogu soo warantay.

    ummadaan sideey Qatar iskugu diyaarineeyso
    haddeey aakhiro waxyar sidaas ugu dadaali lahayeen
    Aduunkan oo dhan gacanta loo
    soo gelin lahaay, laakiin hamigeena markuu noqday
    aduunyo, labo shay waa isku aadi la’yihiiin.

  2. Hassanv says:

    Anuunbaa damqanayee dheguhu uma daloolan.
    Waa duul caqliga dooni laga saaray.

    Aniga oo ah nin deganaa dalka uu saxibkay qoralka ka soo qorayo ayaan
    markan akhristay qoraalkan waxad moodaa inaan anigu qoray

    hadaba waxa is waydiin leh soomali maxaa u xal ah waliba waxan ogahay inuu saxibkay wax badan ka tagay marka la eego dhibaatada lala kulamayo