Home » Warar »

Maareeyaha Guud ee Shirkada Kalluumaysiga Xaafuun: Badda Soomaaliya waxaa loo soo kiraystay khuburadii waagii dowladii Maxamed Siyaad ilaa dowladii Cabdirashiid

Maxamed Abshir Taange: Meelaha ay yaaliin HAAMAHA iyo FOOSTOOTINKA aan la aqoon waxaa ka mid ah Degaannada Xaafuun, Bayla iyo Raas Casayr…..

“waxaan kuu sheegayaa dalka aynu ku nool nahay, in la inooka aqoon badan yahay GPS lagu wato oo Mobail-ka la eg, lagana faa’iideysanayo inta aynu isku jeedno” wareysi xiiso badan

Waraysiga Halkan ka dhegeyso ama soo rogo (mp3)

Maareeyaha Guud ee Shirkada Kalluumaysiga Xaafuun Maxamed Abshir Taange oo SomaliTalk.com waraysi kula yeelatay magaalada Jabuuti ayaa sheegay in xeebaha Soomaaliya, gaar ahan aagga degaanka Puntland uu ku arkay Haamo iyo foostooyin afka ka shimiitaysan, kusoo caariyey oo aan la aqoon wax ku jira, iyo in mararka qaar ay xayawaanada badda ka soo baxaan oo ku dhintaan berriga ayadoo aan la aqoon sababta. Goobaha lagu arkay Haamahaas waxaa ka mid ah: Degaanadda Bayla, Xaafuun iyo Foocaar oo u dhaw Raas Casayr ee meesha lagu magacaabo Baar Madoobeeye.

Waxa kale oo Maareeyuhu uu si xeel dheer uga hadlay khayraadka badda Soomaaliya oo la daldalanayo waxana uu yiri: Maraakiibta Ajnabiga ah ee leh wax baan ilaalineynaa, wey inooka aqoon badan yihiin, khuburadii waagii dowladii Maxamed Siyaad ilaa dowladii Cabdirashiid ku sineyd ayaa la soo kireystey dalka oo dhan wuxuu ugu jiraa GPS.” Waxana uu intaas raaciyey “waxaad arkeysaa Maraakiib badda dhigan oo dhuumo waaweyn oo haamo ah oo godadd badda dhexdeeda ah ugu jiraan, sawiro ayaanu ka qaadney xafiiskeena ayey yaalaan.” Waxaan ajira ayuu yiri “markiib aad arkeyso in ay kalluunkii qabsanayaan oo isla halkaas badda korkeeda ku wershedaynaya oo maraakiib kale u imanayso si loogu wareejiyo.” Waxana uu sheegay in Maraakiibta waaweyn ee shisheeye ee jooga xeebaha Soomaaliya in uu ku qiyaasay ilaa 80 markab.

Saddexda dawladood ay ugu badan ka kalluumaysiga xeebaha Soomaaliya, waa Thailand, Talyaaniga iyo Liibiya, kuwaas oo aan aragnay maraakiibtooda, ayuu yiri.

Maxamed Abshir Taange oo ka warbixinaya shirkadda uu maareeyaha ka yahay waxa uu yiri: May 30, 1992 ayaa la asaasay shirkadda Kalluumaysiga Xaafuun (Hafun Fishing Campany) oo laga asaasay degmada Xaafuun, waxaana asaasay ganacsato ka kooban 5 xubnoon (1 haween ah iyo 4 rag ah), shirkaddaas oo cilmi baaris iyo suuq geyn u samaysa khayraadka Soomaaliya.

Shaqaaluha shirkadda waa 19 qof oo joogto iyo 527 qof oo ah shaqaalaha soo qabta kalluunka. Shirkaddu waxay leedahay 547 doomood oo yaryar oo ah  kuwa kalluun qabashada ah iyo 32 doonyood oo waaweyn. Waxay kalluunka u suuq geeyaan Dubai, Cumaan iyo Yemen, iyo Sucuudiga.

Shirkadda Kalluumaysiga Xaafuun waxa Sucuudiga u suuq geysaa 137 ton oo Kalluun ah bil-kasta, oo ay dhoofiso shirkaddaas oo keliya waxaana maareeya guud ee shirkaddu sheegay in marka lagu daro shirkadaha kale ay heli karaan 750 ton ayaa bil kasta. Waxaana kalluunkaas oo isugu jira nooc kasta lagu kala iibsadaa 1 kiilo qiimaheeda yahay 1 doolar ilaa 4 doolar.

Maamul goboleedka Puntland waxa ay shirkadda ka qaadaan lacag cashuur ah (fee) oo qararan oo ku aadan kalluunka la soo qabto, Kiilo kasta oo shirkadda dalka dibadda uga saarto waxay maamul Goboleedka Puntland qaadanayaan 7,000 Sh.So oo u dhiganta 30 centi oo lacagta doolar oo laga siino kiilo kasta. Taas oo qiyaas ahaan saddexdii biloodba ay Shirkaddu siiso Puntland lacag dhan 500 million oo Sh.So. (500,000,000 Somali Shilling).

Maareeyuhu waxa uu sheegay in Jariifku hadda ka yaraaday xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan sidii burcad badeedu ay badda uga hawl gashay, laakiin maraakiibta shisheeye oo sheegaya in ay wax ilaalinayaan ayaa aad ugu badan, kuwaas oo marba marka ka dambeeya soo kordhaya, ayagoo aan u aragno in aysan wadin dan Soomaaliyeed iyo dan Puntland toona ee ay wadaan dantooda khaaska ah, xitaa mararka qaar aad arkaysid maraakiib ayagu qabsanaya Kalluunkii  oo badda dusheeda ku wershedaynaya oo qasacadaynaya, oo kuwa kale u imanayaan oo ka wareejinayaan.

Maraakiibta shisheeye ee aan aragno kama yara 70 markab ilaa 80 Markab oo jooga badda Soomaaliya, ayuu yiri.

Waxana uu hadalka ku xoojiyey: Saddexda dawladood ee ugu badan ka kalluumaysiga xeebaha Soomaaliya waa Tailand, Talyaaniga iyo Liibiya, kuwaas oo aan aragnay maraakiibtooda.

Mar uu ka hadlaayey haamaha aan la aqoon ee ku soo caariya xeebaha Soomaaliya waxa uu yiri: “Haamaha waaweyn oo soo caariyey ayaa jiro, kuwo waaweyn oo xeebaha ku soo caariyey oo afka sibir ka marsan yahay ayaa jira, waxaa jira xayawaano mararka qaarkood badda ka soo go’aaya oo iyaga oo nool beriga imanaya oo ku dhimanaya, sababta keentay anagu ma gaaran karro. Dhibaatooyinku waa badan yihiin, laakiin waqti badan kuma bixin in aan ogaano waayo walax sheeg-sheeg walax duuduub ayaa dhaama, wixii aadan wax ka qaban karin in aad ogaatid wax weyn ma samaynayso.

Maareeyaha Guud ee Shirkada Kalluumaaysiga Xaafuun Maxamed Abshir Taange waxa kale oo uu SomaliTalk.com u sheegay “Haamahaas waxaan arkay sannadkii hore (2009) iyo sannadadii ka horeeyey. Meelaha ay yaallaan waxaa ka mid ah BAAR MADOOBEEYE meel badda ah waxaa taal Haan weyn. Meel u dhaxaysa Bayla iyo Xaafuun waxaa taal Haan weyn oo booyad ah oo calaamad leh. Waxaa jira Foostooyin ka soo baxay meesha la yiraahdo FOOCAAR oo ah aagga ka shisheeya Xaafuun ee xiga Raas Casayr. Sidoo kale waa lagu arkay dhanka Bayla. Waa wax waaqici ah oo maalin kasta dhaca, wax been abuur lagu sheegi karo ma aha. Waxaana lagu qiyaasay ilaa dhawr iyo toban Haamo iyo foostooyin, inkasta oo aanan tiro koobin, intii aan arkay waa culays oo wax qof qaadi karo ma aha, waa wax wiish qaadi karo oo 3 ton iyo wixii ka sareeya ah.

Maxamed Abshir Taangi oo fadhiya xafiiskiisa

Waxaa jira Kalluumo usoo qaxay xeebaheena iyo kalluumo ka dabar go’ay, waxaa sii dabar go’aya sida Qubada. Sababta dabar go’a keenaya waa kalluun qabashada oo badatay, gaar ahaan kalluunka ku nool meelaha u dhow xeebta, ayadoo dadkii kusoo bateen xeebaha iyo ayadoo qalabka lagu qabanayaa ay yihiin qalab aan waxba dhaafayn.

Maxamed Abshir Taange oo si xooggan uga hadlay maraakiibta shisheeye ee jooga xeebaha Soomaaliya waxa uu yiri: “Khayraadka dabiiciga ah ee ilaahay baddeena ku maneystey, waa ka badan yahay kan beriga, bil xaqiiqa Maraakiibta Ajnabiga ah ee leh wax baan ilaalineynaa, wey inooka aqoon badan yihiin, khuburadii waagii dowladii Maxamed Siyaad ilaa dowladii Cabdirashiid ku sineyd ayaa la soo kireystey dalka oo dhan wuxuu ugu jiraa GPS bahal la yiraahdo, badda soomaaliya 3333 Km, intaas waxay ugu jidhaa GPS, meel walba nooca laga helo iyo waxa yaal god walba, nooca Merkoriga ka da’aya iyo meel walba xabadda dheemanka ah ee ku jira, waa ay u asteysan tahay, weyna haystaan, inaguna aqoon uma lihin, waxaad arkeysaa Maraakiib badda dhigan oo dhuumo waaweyn oo haamo ah oo godadd badda dhexdeeda ah ugu jiraan wey dhacdaa, sawiro ayaanu ka qaadney xafiiskeena ayey yaalaan, ilaahay kheyraadka ina siiyey, ineynu khubaro inooka faa’iideysa helno maaheeyaanee, si kale oo aan kaga ciil bixikarno ma jirto, waa naloo soo shaqo tagey, waana la inaka shaqeysanayaa, inta aynu nagu isku jeedno oo aynu maamul la’aanta nahay”.

Waraysiga Halkan ka dhegeyso ama soo rogo (mp3)

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Maareeyaha Guud ee Shirkada Kalluumaysiga Xaafuun: Badda Soomaaliya waxaa loo soo kiraystay khuburadii waagii dowladii Maxamed Siyaad ilaa dowladii Cabdirashiid "

  1. suleiman says:

    aad baad u mahadsan tahay mareeye arrintan sida aad u lafa gurtay balse waxaan kaa codsan lahaa inaad u dhaba gasho arrintan ood si taxadar leh ula socoto cadeeymahaagana aad uruuriso adigoon marna aaminin waxba kama qaban kartid waxaan kaa codsanayaa inaad arrintaan fududeysan waxaadna ogaata maanta waxa aad wax ka qaban karin baritoole ayaadka qaban doontaa

  2. Maareeye Maxamed Abshir aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay xogta qiimaha badan oo aad Soomaalida la qaybsatay. Waxaan kaloo kuugu hambalyaynayaa adiga iyo shirkaddaada iyo kuwa kalee ee la midka ah oo u soo jeestay ka intifaacsiga khayraadkeenna si xalaal ah iyo abuuridda shaqo, dakhli iyo qaninimaba iyo weliba inaad dadka tustaan inaysan run ahayn inaan mar kasta gar-gaar u baahannahay ama inaan carro shisheeyey u qaxno ee dadku dalkooda ka shaqaysan karaan uuna ku filanyahay hadduusan kaba badnayn. Waxaan kaloo idiinku hambalyaynayaa inaydaan kaliya badda ka intifaacsan ee aad uruurisaan culuun iyo xog muhiima iyo weliba inaad ka fekertaan sidii loo dhaqalaysan lahaa oo loo dhawri lahaa sida ku wacyigalinta dadku inaysan xayawaannada badda ku jira oo dhan aysan jillaban. Waxaan rajeynayaa in shirkadaha kalena idiunku daydaan; dadkuna idinku daydo oo dhallinyarada suuqyada tuban ama waxyaalaha xun-xun sida burcadnimada nacfi ka raadsada inay idinku daydaan oo ka shaqaystaan dalkooda si xalaala.
    Ugu dambayn, waxaan u mahadcelinayaa una hambalyaynayaa SomaliTalk inay xogahan lama huraanka ah dadka Soomaalida soo uruuriso oo dadka Soomaalida usoo bandhigto.

  3. kusow says:

    Asalamu alykum, Walaal waad ku mahadsan tahay warbixinta. Runtii waa arin laga naxo waxa ka dhacaya iyo caaqibo xummada lasoo deristey waddanka. Sida ay aniga ila tahay: Miyaan wax lagu qori karin matalan website-yada kale ee aa ku hadla afka english si loo tuso adduunka waxa ka dhacaya xeebaaha somaliya. Miyaaney kaluumeystada Somaliyeed ee goboladaas joogaayi aaney dacwo ku fur karin wadama khyraadka waddanka dhacaya sida Libiya, Teyland iyo Talyaaniga maafiyada ah. Ha la isu tago oo dadka soomaliyeed ee jooga waddama reer galbeed oo codkooda meel gaarsiin kara, ha u tageen heyadaha u dooda xuquuqda dadka si dacwad ugu furaan dowladahaas oo magdhow ha weydiisto iyo in ay joojiyaa dhaca ay waddanka ka wadaan.

  4. mahadsanidin mr abshir iyo somalitalk ba hala uruursho xogaha dhabta ah ee kusaabsan sunta iyo budhacda khayrdkena guranaysaba ba si hadhow logula xisaabtama wadamada arimahasa ka danbeya oo intoda badan ah wadmo an shuruucda calamiga tixgelin sida wadanka libiya masar tailand italia iyo qaarkaleba marka an ka dacwayno maxakmadaha calimaha ana keno dukumentiyo iyo muqaalo iyo cadaymo badan waxan ku helidona xaqena inaga maqan iyagana waxay mudan donan ciqaab heer calami ah insha allah wax inta ku daraya in kuwa aduunku aqonsanyhaya ee dawalada sheegta ay arimahan isu cilqaman garahan dadka wadaniyinta ah e kujira barlamanka wax an uga jeeda shaqsiyada damiirkodu wadaninimo noolyahay wa helana xaqena hadaan helo cid ino dooda sida somalitalk oo kale