Home » Warar »

Dib u eegista Taariikhda Soomaaliya: Dr. Saadiq Eenow – Qaybta: 3aad

Qaybtan waxa ay ku saabsan tahay Taariikhda Soomaaliya xilligii bilowgii Islaamku soo gaarey Soomaaliya iyo safaradii ay Soomaaaliya ku yimaadeen bad-mareenadii Carbeed iyo bad-mareenadii Muslimiinta ahaa. Waxa kale oo Sheikh Saadiq Eenow kaga warbixinayaa jidkii ganacsiga ee loo aqoonjirey Wadadii Xariirta ahayd taas oo isku xiriirin jirey ganacsiga Yurubta Koonfureed ilaa Shiinaha, wadadaas oo mari jirey Soomaaliya. Arrimahaas oo dhammaantood muujinaya in dhulka iyo dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo leh taariikh facweyn, ayna xiriir la lahaayeen xadaaradihii adduunka soo maray. SII AKHRI….

Qaybta 3aad ee Taariikhda Soomaaliya AKHRI/DHEGEYSO

Qaybta 3aad halkan ka akhri….


Dib u eegista Taariikhda Soomaaliya: Qaybta: 2aad

Qaybtan waxa ay ku saabsan tahay Taariikhdii hore ee Soomaaliya oo Sheikh Saadiq Eenow kaga warbixinayo taariikhda qoran ka hor, iyo xiriiradii ay Soomaalidu la yeelatay xadaaradahii adduunka soo maray, sida xadaaraddii Masaaridii hore (faraacinadii); Giriiggii hore iyo Roomankii… AKHRI Q.2aad

Taariikhdaas oo Cod iyo Qoraal ah Qaybta (2aad) Ka Akhri Halkan….


Dib u eegista Taariikhda Soomaaliya: Dr. Saadiq Eenow – Qaybta: 1aad

Sheikh Saadiq Eenow, oo ah taariikhyahan Soomaaliyeed, dhakhtar iyo macallin Jaamaceed iyo qoraa, ayaa June-July 2010 ka soo safray Soomaaliya isagoo booqasho ku yimid gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka. Halkaas oo Soomaalida ku dhaqan iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed inta qormadani gaaro waxa uu u soo bandhigay taariikhda facaweyn ee Soomaaliyeed. Prof. Eenow intii uu ku sugnaa Minneapolis waxa uu Soomaalida kala hadlay dhawr goobood sida mutamar iyo masajiddo iyo munaasabado kale.

Haddaba waxaan qormadan idiinku soo koobayna dib-u-fiirin soo koobaysa Taariikhda Soomaaliyeed oo uu Sheikh Saadiq Eenow la wadaagey dadkii Soomaaliyeed. Waxaan qormada ku dari doonaa tixraacyo dheeraad ah oo kabaya warbixin taariikheedka dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan cirifka bari ee Qaaradda Afrika, sidoo kale waxaa qormadan la socda cod kamid ah taariikhdii uu jeediyey Saadiq Eenow oo barax tiran. SII AKHRI Q.1aad….

Akhri: http://www.somalitalk.com/saadiq/

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Dib u eegista Taariikhda Soomaaliya: Dr. Saadiq Eenow – Qaybta: 3aad "

  1. qadro says:

    asc wrwb add iyo aad ban ogu faraxsanahay in somali tariqdeda dad qora uu allah naga so dexsaro oo wadaniyiin ah iyo webka somalitalk oo asagana ku caan baxay in u so ban dhigo wadankena bad iyo biyo oo runti ah tilaabo wanaagsan wana ku mahadsan yihiin jazakumullahu qayrarl jaza walaala yaal waxan idinka codsan lahaa in aad buugag ka dabacdan si aan u gadano oo dadkeena mel kasto ay joogan u bartan wadankoda iyo tariiqda iyo wanaaga u leyahay iyo nimcada allah nagu galadeystay ee ah islaamka walalyaal dabaca oo bugaag noga dhiga nona so sheega mesha laga helo iyo sida lo dalban karo sabaabto ah qowmiyad kasta waxay haysataa buugag ay ka bartan dhaqankoda iyo dadnimada ay leyihiin thanks all drka qoray inta webka so galisay iyo inti ka qayb qadatayba allah janadisa ha idinku abal mariyo

  2. mansha allah aqoonyahankan islamka ah misna somaliga ah ad ban ugu faraxsanahay sida wacan ee uu bulshadisa ugu faidaynayo khayr allah hasiyo anagana allah hanaga dhigo kuwo kudayda oo cilmiga barta dadkana bara

  3. ASCW,

    aad ayaan idinku mahad celinayaa bahda Somalitalk, fursadan qiimaha baden ee aad u soo bandhigteen umada soomaalida ah.
    waxaan kaloo u mahad celinayaa Dr. Saadiq Eenow, oo aan akhriyey qoraalo badan oo uu ka sameeyey taariikhda geeska afrika khaastan dagaalkii ogden iyo kuwo kalaba. waxaana aaminsanahay in qofkii qoraalada Dr eenow akhriya uu wax badan uu ka ogaanayo taariikhda Geeska afrika khaastan umada soomaalida. ilaahay ajar iyo xasnaad ha ka siiyo Dr Eenow macaluumaadka uu noo soo bandhigay.

  4. aad baan idiinku mahadcelinayaa runtii dadaalka aad wadaan somalitalk ,ee maqaaladaanoo kale ee qiimaha badan ee dr. eenow , oo isugu jira maqal iyo qoraalba , runtii aad baan idiinku dhiirigalinayaa , ilaahayna ha idinka jaaseeyo dadaalkiina , dr.eenow waxaan ku xusuustaa maqaaladiisii qiimaha lahaa ee dagaalkii ogaadeeniya , oo uu runtii si hagar la,aanah u faahfaahiyay , (http://www.mudugonline.com/Qoraalo/dagaalkii_ogaadeenya/d_o_casharkii.htm)

  5. ASALAAMU CALAYKUM..bahda somalitalk,inbadan ayaan idiin mahadnaqayaa,waa loo baahnaa in taariikhdeena lasoo bandhigo, shakhsi ahaanna waxaan si mugleh aan uxiiseeyaa taariikhda.dr.saadiqna waan umahadcelinayaa iyo dhamaanba cidkasta oo gacan kagaysataba.waxaan sugaaba waa qaybaha aad noo balanqaadeen haddaanu nahay asxaabta ku xidhan webkan..