Home » Warar »

Laascaanood: Xarunta Daraasaadka Mustaqbalka iyo La talinta ee Beder

oo Aqoon is weydaarsi ku saabsan qaababka baananka islaamiga ahi u shaqeeyaan

Waxa lagu soo gaba gabeeyay hallka shirarka ee Jaamacadda Nugaal tababar ku saabsan qaababka ay u shaqeeyaan baananka islaamiga ahi.

Ugu horrayn xafladiii xidhitaanka ayaa lagu furay aayadaha quraanka iyo wacdi kooban.

Barnaamijka waxa xidhiidhiinayay C/laahi Cali Macalin

Waxa hadalka lagu soo dhaweeyay Sheekh Mubaarik oo ka tirsan qurbe joogta oo ku dheeraaday muhiimadda uu barnaamijkani leeyahay una leeyahay mujtamaca wuxuuna sheekhu hadalkiisa ku soo gunaanaday in loo baahan yahay in laga faa’iidaysto barnaamijka oo aan halkaa lagaga hadhin/

Waxa isaguna ka hadlay goobta hormoodka Jaamacadda Nugaal Professor C/risaaq Lafoole oo isaguna ka warbixiyay muhiimadda ay leedahay course kani una leedahay mujtamaca wuxuu sheegay in aad looga faa’iidaystay course kan una mahad celinayo soo qaban qaabiyayaashii barnaamijka course kani.

Waxa isaguna ka hadlay Faarax Aadan oo ka tirsan ganacsatada oo isaguna sheegay inay ganacsato ahaan aad uga faa’iideen uuna wax weyn ka taray aqoontooda ku saabsan hanaanka baananka islaamiga ahi u shaqeeyaan.

Waxa xafladda soo xidhay course kani G/xigeenka Maamulka Gobolka Sool Maxmed Cabdi Dhimbiil (Daad) wuxuu sheegay inay dhismaha jaamacada taageero la barbar taagan yihiin loona baahan yahay in laga wada qayb qaato isago ardayda gudoonsiiyay shahaadadii loogu tala galay.

Si kastaba ha ahaatee tababarka aya ku xidhmay jawi aad u heersareeya isagoo socday muddo 3 casho ah lana siiyay qayb galayaasha shahaado xirfadeed, waxa tababarkan soo jeedinayay Dr.C/qani Xuseen Maxamed oo diyaarinaya shahaadada P.H.D holder.

Subeyr Cismaan Idiris
Laascaanood, Sool
Subeyr1425@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Laascaanood: Xarunta Daraasaadka Mustaqbalka iyo La talinta ee Beder "

  1. mansha allah wa guulwayn sida habsamida leh ee ay ukorayso jamacada gobolka sool e nugaal waxan rajaynana inay noqto mid haqab tirta bahadia bahasan ee aqooned ee gobolka allow na gargaar