Home » Warar »

Jaaliyada Ogadeniya ee Minnesota oo kulan balaadhan isagu timid.

Kulan si aad ah loo soo agaasimey ayaa waxaa galabnimadii Sabtida ee July 31, 2010 isagu yimid Jaaliyada Ogadeniya ee Gobolka Minnesota. Kulankan oo ka dhacey madasha shirarka ee Minneapolis Convention Center

Halkan ka daawo sawirada….

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen dhamaan qaybaha bulshada Ogadeniya ee Minnesota iyo dadweyne fara badan oo ka socda Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa looga hadley arimo badan oo ay ka mid ahaayeen ka hortaga dacaayada balaadhan ee ay Xukumada Itoobiya wado. Dacayadaas oo ay xukumada Itoobiya ku fidineyso been abuur la xidhiidha shaqsiyaadka dhawaan isu dhiibey Itoobiya oo ay xukumada Itooniya ku sheegayso in ay heshiisyo nabadeed la gashey garabyo ama jabahado ka dagaalama Ogadeniya.

Kulankan ayaa waxaa door lixaad leh ka qaatey gadhcasta ama Odey dhaqameedyada Ogadeniya ee Gobolka Minnesoya. Odey dhaqameedyada aya aad uga waramey sooyaalka taariikheed ee halganka Ogadeniya . Mudane Suldaan Maxamuud Canshuur oo ka mid ah Odey dhaqameedyada Gobolka Minnesota ayaa aad ugu hadley taariikhdii dheereyd ee shacabaka Ogadeniya ugu jiro ayaa katashigiisa, wuxuuna ku celceliyey khiyaamada uu gumeysigu ku hayo shacabka Ogadeniya iyo sida uu marba meel uga soo galayo.

Suldaan Maxamuud Canshuur waxa ku nuuxnuuxsaday in halganka Ogadeniya ayna matali karin 4 qafood oo isu dhiibtey Itoobiya. Suldaanka wuxuu intaas ku daray in shacabka Ogadeniya uu aad uga foojiganyahay khiyaanada gumeysiga wado. Suldaan Maxamuud Canshuur wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in Itooobiya ayna marnaba dooneyn iney si dhab ah xal uga keento dhibaatada ka aloosan ogadenia.

Sidoo kale, waxaa isna madasha ka hadley Ibraahim Nuur, wuxuuna dadweynaha shirka fadhiyey xasuusiyey sababaha keeney in ONLF dagaal hubeysan bilowdo, dagaalkaas oo uu sheegay in ay bilowdey xukumad ku sheegta Itoobiya, wuxuuna tusaale u soo qaatey isku daygii foosha xumaa ee ay Xukumada Itoobiya isku deyday in ay ku disho Gudoomiyhii hore ee ONLF (Ilaah ha u naxariisto) Sh. Ibraahin Cabdalla Maax.

Mudane Ibraahin Nuur waxa kaloo oo uu cadeeyay in aysan ONLF nabada diidaneyn oo ay rabto in la galo wada hadal ay goobjagaayal ka yihiin dawlado iyo ururo calaami ah, taas oo aan ku xidhneyn wax sharuud ah , isla markaana u horseeda bulshada reer Ogadeniya sidii afti looga qaadi lahaa.

Dadkii sida aadka ah uga hadley goobta shirka waxaa ka mid ahaa oo kale Qareen ama Garyaqaaan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Xaaji Ereg oo ka soo kicitimey Magaalada Rochester isaga iyo aqoonyahano Soomaaliyeed oo kale.

Qaar ka mid ah Gabdhaha Jaaliyada Ogadeniya ee MN
Garyaqaan Cabdiraxmaan Xaaji Ereg waxa uu aad uga hadley sooyaalka taariikheed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Mudane Cabdiraxmaan waxaa uu tilmaamey in maanta ay Itoobiya shukaanta u hayso Soomaaliya, wuxuuna intaas raaciyey in dagaalka ay Itoobiya ku hayso Ogadeniya aan laga soo abaabulin oo kaliya Addis Ababa, balse laga soo abaabulo Soomaaliya, sida Muqdisho, Hargeysa iyo Boosaaso iyada oo Itoobiya ay isticmaaleyso dadka Soomaaliyeed.

Kulanka iyo dadka ka hadley oo aad u balaadhnaa ayaa waxay dhamaantood uga digen shacabka Ogadeniya in ka feejignoodaan mardabooyinka uu gumeysiga iyo gumeysi kalkaalku maleegayaan.

Shirka ayaa waxaa iyaduna ka hadashey Gudoomiyaha Ururka Haweenka Ogadeniya ee Minnesota Marwo Fardowsa Daahir oo ka hadashey kaalinta haweenka Ogadeniya aga aadan halganka Ogadeniya. Sidoo kale waxaa shirka a hadley mas’uuliyiin ka mid ah Ururka JWXO, kuwaas oo ka warbixiyey xaalada Ogadeniya iyo mawqifa ONLF eek u aadan shaqsiyaadka isu dhiibey Itoobiya.

Gabagabadii, waxaa xusud mudan majaajilo xambaarsan murti qoto dheer ay goobta shirka ku soo bandhigeen madaalayaasha da’da yar ee Ururka Dhalinyarada Ogadeniya. Majaajiladan oo ku saabsaneyd sida uu gumeysiga Itoobiya u rabo in uu beenta uga gadao shacanka Ogadeniya isaga oo adeegsanaya Idaacada aan dhex-dhexaadka ahayn ee BBC-da.


Sweden: Shir sanadeedkii 15aad ee Jaaliyaadka Ogadeenya

Waxaa saaka (July 30, 2010) markey saacada Magaalada Stokholm ahayd 9:00 subaxnimo si rasmi ah uga furmay magaalada stockholm ee dalka Sweden shir sanadeedkii 15aad ee jaaliyaadka Ogadeenya ee aduunwaynaha.

Shirka ayaa ugu horayn waxaa lagu furay aayadaha quraanka kariimka ah. adibna waxaa loo wada istaagay heesta calanka Ogadeenya oo uu ku luuqeeyay abwaan Jaango & xubno kamid ah dhalinyarada Ogadeenya.

Shirka oo uu furay gudoomiyaha Jaaliyada maritida loo yahay ee Swedan mudane Ugaas Carab. Gudoomiye Carab ayaa u mahad celiyay ergooyinka sida wanaagsan ee ay uga soo qaybgaleen.

Kadib, waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay gudoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadeenya mudane Adm Maxamed Cumar Cismaan oo khudbad aad u dheer kana xogwaramaysay xaalada Ogadeenya ay ku sugantahay & dhacdooyinkii ugu danbeeyay ka jeediyay.

Shirka ooy kasoo qayb galeen madax & ergooyin matalayay jaaliyaaadka Ogadeenya ee dacalada aduunka, wafti ka socday Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadeenya, ururo udooda xuquuqul insaanka, saxafiyiin ka kala socday saxaafada caalamka & mida ku hadasha codka shacabka Ogadeenya, aqoonyamiin, khabiiro, siyaasiyiin reer Galbeed ah & xubno ka socday xisbiyada wadanka Swedan.

Shirka oo maanta ahaa horudhaca shir sanadeedka jaaliyaadka oo socon doona ilaa 01-08-10 ayaa waxaa madaxdii ka hadashay ka mid ahaa madaxada Ururka African Rights Monitor Huda Yusuf, khabiir Hiraabe oo ku xeel dheer arimaha Geeska Africa & xubnahii ka socday Xisbiyada Swedan.

Shir sanadeedkii 15aad ee Jaalidaha Ogadeniya, Stokholm, Sweden

sidoo kale waxaa madasha shirka murti aad u qiimo badan oo dadka qiro galisay ku soo bandhigay abwaanada fanaanad Saado Cali Warsame oo ku nuux nuuxsatay sida ay uga go an tahay garab istaaga shacabka Ogadeenya.

Shirka oo socon doona labada maalmood ee inagu soo aadan wararka ku saabsan dib ayaan ka soo tabin doonaa hadii allaha awooda leh ogolaaado.

Warbaahinta Xorriyo / ogaden


KAYDKA WARARKII HORE:

http://www.somalitalk.com/2009/jun/20ma09.html

Hadalkii Sheikh Shariif ka jeediyey Qaahira isagoo xilligaas sheegay in Itoobiya ay xasuuq ka gaysatay Muqdisho, Hadalkaas oo jaamacadda Qaahira ay ku siisay billad… waa xilligii uu ahaa guddoomiyaha isbahaysigii dib u xoraynta Soomaaliya…

Moi: Soomaaliya oo Midaysan waxay soo noolayn doontaa Sheegashadoodii Dhulka – September 2003

Prof. Ibbi wixii uu ka aaminsanaa Itoobiya ka hor intii uusan wasiirka/Ra’iisul wasaare xigeen ka noqon DFKMG

Taariikh Xusid mudan: Prof. Ibbi (2007) vs xukuumadda uu ra’iisul wasaare xigeenka ka yahay Prof. Ibbi (2009) Akhri…

Hadalkii C/risaaq Xaaji Xuseen ka yiri duulaankii Itoobiya

Sheikh Shariif Fikirkiisii ku aadana Itoobiya iyo Qabqablayaashii dagaalka ka hor intii uusan Noqon Madaxweynaha DFKMG.


Taariikhda Magaalada Soomaaliyeed ee Harar | Taariikh uu Sheikh Ibraahim Maxamuud ka jeediyey Minneapolis ka hor 2005..

Waraysi Sheikh Shariif siiyey Aljazeera 2007 oo uu kaga hadlayey badda dheer ee Soomaaliy aiyo Itoobiya

Moi: Soomaaliya oo Midaysan waxay soo noolayn doontaa Sheegashadoodii Dhulka – September 2003

September 19, 2003 ayay ahayd markii Madaxweynahii hore ee Kenya Daniel Toroitich arap Moi oo hadal ka jeediyay Jaamacadda American Defence University ee Washington DC ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in “dib u dhaca nabadaynta Soomaaliya in ay salka ku hayso shakiga ay dalalka gobolku ka qabaan Soomaaliya oo midaysan in ay sii wadi doonto ‘riyada is-ballaarinta.'”

Moi waxa uu intaas ku daray in qaar “dalalka deriska la ah Soomaaliya ay ka cabsi qabeen Soomaaliya oo dib-u-midowda oo barwaaqo ah ay dib u soo noolayn karto sheegashadoodii dhulka.” SII AKHRI

Waxana uu xusay in markii ay xornimada heshay Jamhuuriyaddii Soomaaliya ay sheegatay qayb ka mid ah Jabuuti, Kenya iyo Ethiopia, ayn aku xejisay dagaal hubaysan si ay u xaqiijiso fikirkan.

Faarax Macallin Maxamed oo ah guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya oo waraysi dheer June 20, 2009 ay la yeelatay idaacadda Codka Maraykanka ayaa su’aalahii la weydiiyay waxaa ka mid ahaa in: madaxweynahii hore ee Kenya, Moi, uu yiri Kenya iyo Ethiopia dani uguma jirto Soomaaliya oo cagaheeda isku taagta oo dawladi ka dhalato, cidiidama Itoobiyana markii ay soo galeen Soomaaliyana ay dadkii xasuuqeen, Haddaba haddii hadda Kenya iyo Itoobiya ciidan laga keeno miyaysan ahayn dabkii baxayay oo bansiin lagu shubay?. Faarax macallin oo tan ku saabsan Kenya ka jawaabayay waxa uu ku tilmaamay fikarado hore u jirey haddase ay Kenya ka gudubtay. Arrinta Itoobiya, nabadda Soomaaliya iyo su’aalahii iyo waraysiga oo dhan Dhegayso ama soo rogo (mp3) – VOA.

Wareegtada oo uu madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki saxiixay 9kii June 2005, isla markaana 22kii July 2005 laguna baahiyey faafinta rasmiga ah ee dawladda (Kenya Gazette, No. 55), kaddib ay Kenya u dirtay Qarammada Midoobay 25kii April 2006 ayaa waxaa ku cad cabbir iyo khariidad si qeexan u muujinaysa in Kenya ay cabiratay dhul-badeed Soomaaliyeed. Taas oo jirtay ayaa xukuumadda DFKMG waxay Kenya la saxiixatay is-afgarad cusub April 7, 2009, kaas oo Kenya u sahlay in ay May 6, 2009 u gudbiso qoraal kale iyo khariidad cusub oo muujinaysa cabbir aad u badan oo ah dhul-badeedka Soomaaliya.

AKHRI: http://www.somalitalk.com/2009/jun/20ma09.html

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.